Marar badan ayaan maqalnaa deegaan hebel abaar baa ka dhacday ee haloo gurmado, ama deegaan hebel fatahaad sababtay khasaare nafeed,mid maaliyadeed iyo barakac xoogan ayaa ka dhacdaye gurmad degdeg ah halala gaaro.
Ogow deegaan walba oo Soomaaliyeed iyo deeganadaas laleeyahay haloo gurmado ama ay dadkoodu abaaraha iyo fatahaadaha joogtada ah sanad walba ku dhimanayaan kuna hanti beelayaan, waxaa lagu dhex heystaa 70-meeyo gaadiidka dagaalka ah oo ay saaran yihiin qoryaha waaweyn ee dagaalka sida, Dhashiikayaal, Seka-Uu Zuu-37, Shilke, Ganta-Sey, Biiteyn,kumanaan dabajeexyo & Ake47 ah, iyo saanado kaloo badan oo rasaas ah oo aan hub dowladeed aheyn,oo haddii la qiimeeyo malaayiin dollar ah toban jeerna dabooli karta in wax looga qabto abaaraha iyo fatahaadaha ka jira deegaanada laleeyahay haloo gurmado.
Waase haddii ay maalin qudha dadka deegaanku inta caqliga ka shaqeysiiyaan ay go’aansadaan in inta ay ka helayaan dowlad damaanad qaadi karta amnigooda, iney deegaankooda ka dhigaan deegaano hubka tirada badan ka caagan, inyaroo amniga lagu sugayo mooyee, kadibna ay wada iibiyaan hubka faraha badan ee ay heystaan, halkaasna dhaqaalaha ka soo baxa ay ku maalgashadaan deegaanadooda, sida wax soo saarka beeraha, dugsiyo waxbarasho,Cisbitaallo caafimaad, wadooyinka, iyo guud ahaan dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka, xaqiiqdii mardambe lama maqleen iyadoo deegaanadooda loo dawarsanayo, waxeyna tiigsan lahaayeen horumar & nabad.
Marka aan sidaas leeyahay, Maryooleey waan ogahay inaan ka hadlayo wax aan loo bisleyn xiligaan, waan ogahay hubka qudhiisa in duruufo loo heysto, waana ogahay in sheydaan marhore isku keen diray oo uu nagu qufulay facaa iska dhici, gebigeenuna aan wada nahay keeb la yuurar, reer hebelna aan waardiye uga jirno, xitaa kuwa aan hadda leeyahay may hubkooda iibsadaan oo ku hormaraan, ayaa dhexdooda difaac isaga jira, ama aaminsan inaan hub la’aan la noolaan karin.
Balse caqliyadda saxda ah waxey leedahay, waa in lagu dhiirado wax aan dhiiran jiran haddii ay maslaxo caam ahi ku jirto, waana in deegaan walba hubka maanta dhexyaalla oo aan ogahay iney dhexdooda dhib weyn ku qabaan, ay u fahmaan iney kaga maarmi karaan in sanad walba loo dawarsado, ama ay ku noolaadaan nolol aan mustaqbal laheyn, iyagoo awooda dhaqaalaha kaga jira hubka iney ku horumarsadaan noloshooda iyo tan deegaankooda, kuna heli kara nabad iyo iney u noolaadaan sida bini’aadamka, maadaama uu hubkoodu yahay midka horumarka u diidan.!!
FG:-Fekraddan hadda hal deegaan oo yar bey ka hirgashay kuna caana maala,balse waan hubaa haddii uu deegaan kale oo macruuf ah ku xigsado, iney deegaano badan ka hirgeli laheyd, taasoo furre u noqon karta nabad guud oo Soomaaliya ka tisqaadda.!!!
Maxaa Yaab Isdabayaal
WQ: Abdulkadir Dulyar
WARBIXIN:HUBKAAGAA HORUMAR KUU DIIDAN.!! WQ/-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Sunday, December 22, 2024