WARBIXIN: DHAQAMO SIYAADO KU AH COLAADAHA QABAA’ILKA.!! WD Dulyar

Waayadaan dambe dagaalada dhexmara Qabaa’ilada ood wadaagga ah, waxaa ku soo kordhay Wiilal iyo Gabdho fidna wadayaal ah oo inta badan jooga meelo ka durugsan goobaha lagu dagaalamayo, si ay isaga soo duubaan muuqaalo iyagoo dhabarka dambe iska xijinaya ama {background} ka dhiganaya jabaqda rasaasta Wiilasha dagaalamaya. Wiilashan iyo gabdhahan oo mararka qaar xiran dress-ka Ciidamada, ayaa inta badan la arkaa iyagoo afka abur ka siideynaya kuna faraxsan dhiiga dadka walaalaha ah ee muslimiinta ah, islamarkaana baraha bulshada ku faafinaya hadallo colaad hurin, cunfi iyo xumaan xambaarsan, kana aradan anshaxa Muslinimada, ehelnimada iyo Soomaalinimada, Ma aqaan cid u xil saaratay howshaan, balse kooxdani waa kuwa inta badan baraha bulshada ku reeba muuqaalada naceybku ka muuqdo ee laga duubo colaadaha dhexmara Qabaa’ilka wada degan, waana kuwa faafiya muuqalada xusuusta reeba, xitaa hadii ay Reerihii wada dagaalamay ka heshiiyaan colaadooda, Dhanka kale, kooxdan Af ka noolayaasha ahi waa kuwa u sababta ah iney si joogta ah u damqiyaan qalbiyada ehelada ku waaya dagaalada sokeeye Wiilashooda & waalidiintood, iyo xitaa kuwa sida maxbuusnimada ah loogu qabto dagaalada, maadaama ay noqonayaan muuqaalada ay faafinayaan kuwa markasta ku soo noqnoqda xisuusta dadkaas. Sikastaba,kooxdaan goobaha ay Qabaa’iladu ku dagaalamayaan u tagta oo keliya iney iyagu muuqaalo isaga soo duubaan, waa kuwa had iyo goor isu muujiya iney yihiin dad balaayo ka dhacday oo hiil u ah reerahooda, reerka kalena ku diganaya, balse waxaan kula talinayaa iney ficiladan Ilaaheey uga cabsadaan, kana waantoobaan colaad hurinta iyo muuqaaladan naceybka xambaarsan ee ay faafinayaan, maadaama aysan iyaga u wanaagsaneyn mustaqbalkooda iyo aakhira dooda dambe. •BAAQ NABADEED:- Ugu dambeyn, waxaan codkeyga ku biirinayaa baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo deegaan kasta oo ay maanta ku dagaalamayaan Qabaa’il Soomaaliyeed, waxaana leeyahay Soomaaliyeey colaadda halagu bedelo nabad iyo wadahadal, maadaama aynaan horey u soo arag dhowr iyo 30-kii sano ee aan dagaalameynay Qabiil Qabiil kale tirtiray iyo mid midkale qabsaday oo ay maanta maxbuus u wada yihiin, Si gaar ah waxaan Culimada, Waxgaradka, Aqoonyanka, iyo inta samaha jecel xusuusinayaa in ay mas’uuliyad weyni ka saaran tahay joojinta deegaan walba oo ay maanta colaadi ka jirto , haddii ay kaalintooda nabadeed ka gaabiyaan ama ay iyagu qeyb ka noqdaan colaaddana ha ogaadaan in uu birito Ilaaheey kula xisaabtami doono masuuliyaddooda. WABILAAHI TOWFIIQ/- Maxaa yaab isdabayaal

No comments