JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.!!
Waa xiligii ardeynimadeyda, waxaan ahaa glass ka koowaad ee dugsiga sare ee Baarbe oo ku yaalla degmada Dharkeynleey, waxaan isku fasal aheyn wiilal & gabdho aad u dedaal badan xaga waxbarashada, marka la gaaro bareega dhamaateen waxaan dibadda uga baxnaa glass ka, oo waxaa la wada aadaa maqaayad yar oo ku dhex tiilay Schoolka oo lagu iibiyo Sheetaro sheetaro, waxaana wax lala wadaagaa hadba ardeygii uu maalintaa jeebkiisu qoyan yahay.maalmaha ay naga jajaban tahayna, inta dacaska gedino ayaan rigoore rigoore ku ciyaari jirnay glass-ka dhexdiisa ilaa inta laga soo noqonayo.
Waagaas Gabdhaha iyo Wiilashu waxey ahaayeen isku lebis “Suweel iyo Shaar”waxaan ku kala duwaneyn oo keliya gambada madaxa u saaran, lama kala soocneyn oo waa leysla fadhiisan jirey,misna naguma jirin Wiilasheena qof ka mid ah oo maalin lagu xantay, in ay heblaayo glass ka nala dhigata wax ka dhexeeyaan, waxeyna noo wada ahaayeen dhamaantood walaalaheen oo kale, aadna waan u ixtiraami jirney, mararka qaar waxaaba dhici jirtay inaan dartood dagaal u galno, marka mid ka mid ay dulmiyaan dhalinyarada kale ee Schoolka nala dhigata, dhamaan intii aan isku glass-ka aheyn waxaan isla dhameysanay ilaa Form 4,
Hadaba, waxaa jirtay in sanadkii koowaadba aan Anigu Jaceyl yar oo caato ah u qaaday gabadh dhigata glass-ka nagu dhegan ee B2 oo la saaxiib ah gabadh aan isku glass nahay, gabadhaasi maalin kasta marka la gaaro bareegga iyo marka xiisaduhu dhamaadaan ee la baxayo, waxey u timaadaa gabadha aan isku glass-ka nahay, jaceylkeyguna waa mid ka beernay aragtideeda, waayoo waxey aheyd gabar ilaaheey qurux gaar ah oo nooca aan Anigu ugu jeclahay dumarka uu ugu deeqay, sidaas daraadeed waxaan jeclaa inaan maalin walba arko marka ay saaxiibteed u imaaneyso, maalinta aan waayo waxey ii aheyd maalin baas oo xaalkeygu ma degana, xitaa ma awoodo gabadhan aan isku glass-ka nahay inaan weydiiyo, waxa maanta ku dhacay saaxiibteed, ee waxaan welwelkeyga ku gaaraa ilaa maalinta xigta ee aan ka arkayo,
Anigu ilbax kuma aheyn dhanka jaceylka,iyaduna iimaba ogeyn inaan jeclahay, markii aan u soo wada gudubnay Foom 2 , ayaa waxaa dhacday inaan maalin inta naf isgeliyey aan kalmado kaftan ah ku tuur tuuray, hase yeeshee jawaabtii ay i siisay iyo dhoola cadeyn teedii ayaan mar labaad awoodi waayey inaan hadalka la sii wado, maalintaasna galinkii dambe oo dhan casharadii la qaatey Anigu waxba kalama socon ee glass ka waan iska dhex fadhiyey, waxaana ku soo celceshanayey jawaabtii ay siiyey iyo qosolkeedii yaraa, kaas oo igu sii beeray dareen kale oo awel iga dahsoonaa, mararka qaar habeenkii ayaan isku soo dhiirigeliyaa inaan biri la hadlo bal si aan isugu soo dhawaano, misna maalintii markaan arko baraf baan noqdaa, oo markaan fursad u helo waxaan kala hadlaa casharada Schoolka iyo wax aan loo joogin.
Waxaan sidaa ahaadaba, waxaa la gaaray sanadkii 4aad oo ah sanadkii ugu dambeeyay Schoolka, labadayadu markaa waxaan noqonay kurayo si fiican loo korshay oo kale, waxaana la soo baxnay dhaldhalaal indho qabad leh, hase yeeshee midkeen waxaa heysta ayaandaro weyn oo ah Jaceyl keliyeystay naftiisa, waxaan bilaabay inaan iyada iyo saaxiibteed maalin kasta marka Schoolka laga baxayo aan ku soo lug darsado, labada gabdhood waxaa gurigoodu sokeeyaa mida aan isku glasska nahay,tan aan jeclaheyna waxoogaa ayey ka durugsan tahay,oo marka ay gurigooda nooga leexato waxaa isku soo harna Aniga iyo Inanta aan jeclahay,Alla markaas cabsi weynaa , .....waayoo waxaad moodaa in waxkasta oo kaftan iyo qosol ahaa ee 3 deena noo soo socday ilaa Schoolka iney la tagtay gabdhii naga leexatay, oo waxaan soo baraarugaa marka la gaaro saaxiibteey gurigooda oo markaa dhegaheygu waxey maqlaan,NABADGELYO WALAAL, markaa ayaan canaan iyo hiiftan kula dhaqaaqaa, nafteyda doqonta ah ee awoodi weysay iney dhibkeeda sheegato, waxaana maalmaha qaar marka aan gurigeena tago Anigoo aan iska bixin dharkii Schoolka isku tuuri jirey sariirta xanaaq dartii, markaas ayaa la i moodi jirey inaan xanuunsanahay.
War yaan idinku daaline, gabadhii Anigoo sidii u jecel ayaa Schoolkii naloo xirey, reerkoodiina waa ay ka guureen meeshii aan ku ogaa, markaas ayaa ciil iyo shalaay iyo wax walba oo murugo ah dusheyda ku dagaalameen, hase yeeshee waxaan markii dambe bal si aan u nafiso maalin uga sheekeeyay xaaladdii aan 4ta sano ku sugnaa gabadhii aan isku glasska aheyn iyadana ay saaxiibada ahaayeen, ilaa ay indhaheeda ilmo ka soo daadato oo ay ugu canaanato maxaad mar hore iigu sheegi weyday, Anigaa kaa gaarsiin lahaa oo weliba kula garab geli lahaaye. ......Waa goorma waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.......Alla ciil
weynaa....toloow hadda dib ma u heli doonaa......oo miyey quruxdii aan ogaa sidataa......Yeelkeede iyadu ma i xasuusataa.....horta ma nooshahay...MOOYI
Maxaa yaab isdabayaal.!!
No comments