AAN ISKA GARDAROODEE, horta Xildhibaanada Federaalku waa xildhibaano Qaran, waxa ay ka shaqeynayaana waa dano Qaran, sharciyada dalkuna waa sharciyo Qaran oo la rabo in mustaqbalka dhow iyo kan fogba lagu dhaqo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Halkaas markeey taagan tahay, waxaa ayaandaro ah in doodaha Xildhibaanada laga dhadhansado sida sharciyada dalka iyo la xisaabtanka Xukuumadda loogu rogay kuwa ay reero kala wataan ama ay kala difaacdaan, in sidaasi dhacdana waxaa sababteeda iska leh Baarlamaankii loo igmaday toosinta & turxaan bixinta sharciyada dalka & la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda.
Marka aan sidaa leeyahay, iskama lihi ee Baarlamaanka ayaan kol hore ka dhegeystay iyadoo xildhibaan uu leeyahay,sharcigaan Annagaa wadanee hala meel mariyo, hana leygu xushmeeyo maanta oo yaan leyga daba hadlin.
-Waxaan kaloo dhegeystay Xildhibaan ka hor hadlaya golaha oo leh:- Aniga Wasiirka sharciga keenay meel baan qaraabo ka nahay, marka waxaan taageer sanahay in sharcigaan la meel mariyo.
-Markale waxaan dhegeystay Xildhibaan isna ka hor oranaya golaha,:- Annaga Wasiir keena maxaa loogu adkeynayaa sharciga, Wasiirada kaleba laguma adkeeyee, waxaas waxaan u arkeynaa in dano kale nalaka leeyahay.
-Baarlamaanka maanta cabsi cabsi waaye, qofkii lala hadlaba waxaa soo garab istaagaya qabiilkiisa, waxaana codsanayaa Annagu Umadda oo dhan ayaan matalnaaye in laga daayo doodaha Baarlamaanka qabiilka, sidaas waxaa Saxaafadda ku tiri: xildhibaanad malaha ka cadheysan habka su’aalo weydiinta mid ka mid ah Wasiirada DFS.
Waxaan kaloo marar Kala duwan u soo joognay Xildhibaano Qaran oo marka uu Madaxweyne Goboleed koodu dowladda dhexe ka cadhoodo iyaguna la cadhooda oo uu diyaarad ku xambaarto, halkii ay aheyd iney iyagu xaliyaan khilaafyada destuuriga ah ee soo kala dhexgala Madaxda sare ee dalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, maadaama ay iyagu awoodaan hadii uu qaladku ka jiro dhanka hogaanka sare ee DFS iney wax ku xaliyaan golayaasha dhexdooda, hadii uu ka jiro dhanka Madaxda M/Goboleedyadana ay runta u sheegaan.
Ma rabo inaan halkaa u dhaafo, mana aha Sheekadaani mid ku cusub gudaha 2 Aqal ee Baarlamaanka, ee waa arin si hoose mudo dheer u soo jirtay, balse aad moodo iney gaartay in kor loo yiraahdo,
Sikastaba, waxaan xubnaha 2da Aqal ee Baarlamaankeena kula talinayaa, Mudanayaal waan ogahay in ay qabiilo idin soo doorteen, waana ogahay birina inaad rabtaan iney Qabiiladu dib idiin soo doortaan, oo aad isleedihiin hada waji ka sii sameysta, balse waxaad awoodaan inta laga gudbayo nidaam xaafadeed kan 4/5 ah, inaad maalintiina u fekertaan si Qaran,habeenkiina wax u xalisaan si xaafadeysan.!!!
Maxaa yaab isdabayaal.!!
No comments