Dad badan baa maalmahaan ku jehawareeray erayadaan jaceylka ah ee aan daldalayo, qaar baa run u mooda, qaar baa ila yaaban, qaar baa su’aalo iga soo weydiiya, qaarna waa ila fahamsan yihiin shacda & sababta aan fararaqdaas u soo qorayo, waayoo horey ayey iila socdeen,
Dabcan, markasta oo ay xaraaradda Siyaasadda iyo ka hadalka waxyaabaha dalka ka socda ay fikta sare gaaraan, waa u mihiim qofkii aan mujaamalada iyo munaafaqadda aqoon inuu duufaanta socota ka gambado, hadeey ahaan laheyd toosin, tusaale iyo tilmaamidba.
Sababtuna waxey tahay, waa koox uu Nin Sxbkeey ah u bixiyay “BOOLISKA FEKERKA” oo Wajibook dhex fadhida, kooxdani waxba sooma kordhiyaan, mana laha aragti fog oo ay wax ku cabiraan, keliya waxey ku foogan yihiin iney mucaaradaan ama taageeraan madaxda dalka, iyaga waxba kama gelin mustaqbalka iyo saameynta ka dhalan doonta ficilada & tilaabooyinka ay qaadayaan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradku,
Sidoo kale, kooxdani waxey ugaarsataa fekradaha dadka indheer garadka ah ee dalka u turaya ay soo bandhigaan, waxaadna arkeysaa iyagoo durba dhanka xun ula boodaya, ama ku eegaya indho danabeysan, taasoo ku xambaartay in dadkii waxgalka ahaa ay intooda badan ka gaabsadaan ka hadalka arimaha ka socda dalka, lagana yaabee iney talooyin waxtar leh ku biirin lahaayeen marxaladda uu dalkeenu marayo..
•Dalka maanta kama jirto Saxaafad madax banaan, oo iyadoo ka faa’ideysaneysa awooddeeda soo bandhigi karta xaqiiqada dhacdooyinka dalka ka socda, ama kala shaandheyn karta doodaha ka soo kala burqanaya hey’adaha dowladda & dhanka mucaaradka, waayoo qaarkood waxey ku milmeen Siyaasadda, qaarkoodna waxey noqdeen la kireystayaal, halka qaarka soo harayna ay noqdeen kuwa war sidayaal ah, oo sidooda u soo gudbiya fariimaha ay dowladda iyo mucaardku la wadaagaan marka ay u yeertaan.
•Sidoo kale,dalka maanta kama jiraan Ururo bulasho rayid ah oo macno leh, oo dheelitir u noqon kara Siyaasadda dalka, iyo aqoonyahano u damqanaya dalkooda oo isku xilqaamaya iney dadkooda u iftiimiyaan halka geediga loo yahay, sidii ay sameyn jireen Ururada bulshada rayidka ah & aqoonyahanadu waqtiyadii hogaamiye kooxeedyada iyo xitaa xiliyadii dowladihii KMG ahaa.
Halkaas markeey taagan tahay, Platform-ka keliya ee hadda noo soo haray wuxuu noqday Social Media, isagana dadkii bulshada wax ku soo kordhin lahaa ama si cilmiyeysan uga hadli lahaa hadba marxaladda uu dalkeenu marayo, waxey uga kala carareen “BOOLISKA FEKERKA,” oo ah koox indhow garad ah oo sanduuq gaar ah kula xiran waxyaabo aaney dani ugu jirin waana sababta keentay in dadkii waxgalka ahaa ay fekradahooda la aamusaan, kuwana ay ula cararaan dhanka Twitter ama X-ta iyo meelo kale.
Ugu dambeyn, waad ila fahamteen baan filayaa sababta dadka qaar ku kalifaysa iney afka xirtaan, qaarna ay uga hadlaan Sports ka, jaceylka, & sheekooyinka madadaalada ah oo keliya, kuwa kalena ay u noqdeen kooxo si indho la’aan ah ula kala safan Dowladda & mucaaradka qalad iyo sax wixii ay sameeyaana ku taageera, dabcan caqliyadda noocaan ah waxaa laga gudbi karaa oo keliya, marka ay shacabku ogaadaan iney dowladnimadu iyaga tahay, madaxduna ay yihiin adeegayaal iyaga u shaqeeya, xaqna ay ugu leeyihiin iney hubiyaan kulana xisaabtaan tilaabo kasta oo ay qaadayaan madaxdu mucaarad & muxaafidba, markaa ayaa la heli doonaa bulsho danaheeda ilaashata oo u diyaar ah iney ixtiraamto fekradaha dalka waxtarka u leh ee wax lagu dhisayo ee aan wax lagu dumineyn,
Maxaa yaab isdabayaal.!!!
Waa sidaa u sheegtay sxb waana asiibtay.
ReplyDelete