KHUDBADDII MAANTA EE RW HAMZA & TALOOYIN KOOBAN:-
Aan ka soo qaato 3 qodob oo kala ah:
-In 21 sano kadib ay dhamaan ciidanka Jubaland yihiin deblayaal aan wax darajo ciidan ah laheyn.
-In Abdirahman Irro uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada Somaliland, Xili aysan weli natiijada ku dhawaaqin guddigii doorashada Somaliland.
-Iyo in ujeedaddii munaasabadda oo aheyd Xil wareejin Qaranka muhiimad weyn ugu fadhiday, uu maanta RW Xamza u weeciyay dagaalka dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe ka dhexeeya.
•Qodobka koowaad: halka uu ka yiri RW Hamza, laga bilaabo maanta dhamaan ciidamada Jubaland waa deblayaal, haddii uu ka oran lahaa MD HSM, halkaas waxaa markiiba ka rakibmi lahaa qodob sharciya, sida uu qabo Destuurka dalku, waxaana dhamaan hal bacaad lagu lisay noqon lahaa derajooyinka ay sitaan ciidanka kala duwan ee Jubaland, haddase waa mid ku kooban aragtida RW.
•Qodobka 2aad: dad badan waxey is weydiinayaan sababta uu RW Hamza uga hor dhacay natiijada doorashada Somaliland,!! oo waxey leeyihiin waxey aheyd inuu Reysalwasaaruhu arinkaa ka gaabsado, haddiise uu ka baaqsan waayay, kuma habooneyn inuu ka hor dhaco natiijada doorashada, waayoo waxaa hadalkiisa loo qaadan karaa inuu yahay mid sii xoojinaya, dooddii uu horey u qabay Xisbiga Kulmiye ee aheyd, in Xisbiga Wadani iyo Murashaxiisa laga taageero Koonfurta Soomaaliya.
•Qodobka 3aad, maadaama sida la sheego ay Ciidamadu ka madax banaan yihiin siyaasadda, waxaa fiicneyd in RW Hamza uu maanta hadaladiisa ku koobo ujeedka munaasabadda, oo aheyd Xil wareejin labo Taliye oo ku kala wareegaya ciidanka ugu awoodda badan Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo ka filayay Reysalwasaaraha tilmaamo, talooyin, dhiirigelin iyo in uu abaalmarino iyo farxad la qaato Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka XDS,
Balse sida dhacday, waxey mar qudha goobtii ay munaasabaddu ka socotay isku bedeshay, goob uu dhex taagan yahay RW cadheysan oo fariimo siyaasadeed iyo kuwa hanjabaadaba u gudbinaya maamulka Ahmed Madoobe oo ay dowladda dhexe xurgufi kala dhexeyso iyo ciidanka Jubaland , heer uu ku tilmaamay ciidamada Jubaland iney 21 sano kadib ay dhamaantood yihiin deblayaal,
Sikastaba, waxaa wanaagsan in marka ay madaxdu goob tegayaan, inay dareenkooda ku koobaan madal walba & hadalkeeda, islamarkaana aaney khudbaddooda ka dhigin mid isku dhex karis ah, haddiise uu xaalku ka noqdo “Matag meeshaad rabto kuguma simo,” waxaa halkaa ku lumaya ujeedka munaasabadda iyo dareenka dadka loo qabtay, sida tii dhacday maanta oo kale,
•WAA ARAGTIDEYDA GAARKA AH-Mahadsanidiin/-
WQ: Dulyar
Maxaa yaab isdabayaal
div class="separator" style="clear: both;">
Subscribe to:
Post Comments
(
Atom
)
No comments