WARBIXIN: TARAAWIIX SIYAASADEED.!!
Siyaasiyiinta Somalia 🇸🇴, 4tii sanaba mid baa guursada islaantan baas ee layiraahdo Dowlad oo ah islaan xanuunsan, wuxuuna rabaa isagoo aan daaweyn oo aan dhakhtar geyn ama aan Qur’aan saarin iney ubad kheyr leh u dhasho.
Bal u fiirso, 20 kii Sano ee la soo dhaafay, hadba Siyaasi qooqan ayaa yiraahda anigu waxaan caashaqay Islaanta Dowlad layiraahdo ee uu Hebel ka ilmo dhali waayaye doorkaan haleygu tijaabiyo.markii lagu nikaaxo oo loo mashxarado loona guri geeyo, ayaa halkii laga filayay inuu bog cusub u furi doono dowladnimada, waxaa durba la arkaa isagoo kula meereysanaya isla jihadii ay ku soo jabeen raggii isaga kaga horeeyay Islaanta .
Nasiibdaro maalinta ugu dambeysa ee la gaaro waqtigii loo qorsheeyay inuu islaanta xanuunsan kaga ilmo dhalo, ayuu isagoo aan waxba fara ku heyn bilaabaa gabgableyn iyo inuu ku doodo, war Islaanta sidaan ma moodeyne hadaan shiishka meel fiican ku hayaaye mudada haley kordhiyo, ama hadaad xarfaan tihiin 4 kale haleygu cimaamado Nacalaa sheydaan ku yaalle.
Markaa ayaa meel walba buuq ka bilowdaa, maadaama ay islaantan baas ee xanuunsan ay saf dheer ugu jiraan , Rag badan oo uu mid walba aamisan yahay inuu isagu yahay kan ku haboon ee labo xaniinyoodka ah ee ka ilmo dhali kara, balse kuligood been bey wada sheegayaan, waayoo Ninkasta oo nasiib u yeesha in lagu mehriyo Islaanta, marka loo guri geeyo laguma karo, hooge War marka hore dhakhtar gee oo caafimaad keeda soo baar, waa intaas oo loo helaa daawadii aad kaga Ilmo dhali laheyde.
Waxaad na moodaa in Siyaasiyiinta Soomaalidu ay dadkooda tujinayaan Taraawiix Siyaasadeed oo ma dhamaato ah ama ay ugu celcelinayaan hal Filim oo ay dadku daawashadiisa ku caajiseen, kaasoo 4tii sanaba ku soo dhamaada iyadoo dhooqada dhexdeeda lagu legdamayo, mana laga yaabo in la arko siyaasi intuu meel fagaaro ah soo istaago dadkiisa ku yiraahda, anigu islaantii aad igu darteen xilli ciyaareed keyga waan ka Ilmo dhali waayaye waa tanaaye xarigeeda iga qabta, si ay markaa waxgaradka bulshadu arinka uga wada tashato, oo ay marka hore Islaanta dhakhtar u geeyaan una soo daweeyaan, Qur’aan saarna u soo raaciyaan, dabadeedna ay ugu mehriyaan Hogaamiye han & hiraal fog leh oo wax ka bedeli kara hanaankii horey loogu soo tijaabiyay reerka, waa intaasoo uu Ilaaheey UBAD ugu deeqaa, inta aaney Islaantu dhaqmaad deyn, dabadeedna ay Soomaalidu ka salaama naqsataa TARAAWIIXDAN SIYAASADEEDE.!!!
i
NB:- Farqiga u dhexeeya Siyaasi & Hogaamiye:-
-Siyaasigu wuxuu ka fekaraa doorashada soo socota.
-Hogaamiyuhuna wuxuu ka fekaraa Jiilka soo socda.!!
Maxaa yaab isdabayaal
No comments