WARBIXIN: WAA KUMA AQOONYAHAN.? WQ/- Dulyar

=WAA KUMA AQOONYAHAN.? “Aqoonyahan waxaa ah midka ka hadla waxa dhacaya inta aaney dhicin, balse aqoonyahan ma aha midka ka hadla marka ay wax dhacaan” AAN HOOS U DAADAGO :- Tusaale, Annaga aqoonyahan keennu waa kuwa had iyo goor ka hadla oo kaliya marka ay wax dhacaan kadib, sida marka madaxda dalku Siyaasadda isku qabato kadib, marka qarax & amnidaro dhacdo kadib, marka shir caalamiya dalka lagu qabto kadib, marka Federaalka leysku qabto kadib, marka destuurka lagu xadgudbo kadib, marka dowladdu heshiis caalamiya soo saxiixdo kadib, marka dowladdu mowqif ka qaadato khilaaf dalal kale kala dhexeeya ama kan caalamka kale ka dhaca kadib iyo qodobo kaloo badanba. Kuwa markaas ka hadla warbaahinta ama doodaha Tv-yada ka soo muuqda ama qoraalada ka soo qora dhacdooyinkaas dhacay laguma tirin karo iney yihiin aqoonyahano. ee waa Afmaallo ,Qalin maallo & Xusuustayaal. Balse, waxaa aqoonyahan dhab ah lagu tilmaami karaa, kuwa ka hadla ama odorosa xaaladaha dalkooda ama tan caalamku markaas ku sugan yahay siyaadad, amni,cadaalad,horumar, dhaqan iyo dhaqaale ahaan,iyo waxyaabaha ka qaldan ama u hagaagsan & waxa ka imaan kara iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama looga gaashaaman karo waxyaabahaasi inta aaney dhicin, si ay markaas caalamka ama madaxda dalkooda iyo shacabkuba uga wada faa'ideystaan talooyinkooda, tilmaamahooda iyo fogaan aragoodaba, Kuwaas ayaa ah aqoonyahan dhab ah, kuwaas ayaa ah kuwa ku faani kara iney bulshada ka horeeyaan xaga aqoonta iyo garaadka, kuwaas ayaa ah kuwa dalkooda iyo dadkooda iyo caalamkaba ka badbaadin kara qataro ay ka dhaxlaan ficiladooda,Kuwaas ayaana ah kuwa bulshada u sahmin kara ama u sawiri kara caalamka ay ku riyoonayaan iney mustaqbalka ku noolaadaan, sida uu u ekaan doono muuqaal ahaan, horumar ahaan,cadaalad, amni, dhaqaale, siyaasad, nidaam & Kala dambeyn, & weliba sida ay dadku ugu dul noolaan doonaan hadii Alla idmo. FG:-Ugu dambeyn, aqoonyahanka Soomaaliyeed ma yahay mid doorkaas qaadan kara, mise waa mid ay aqoontiisu ku kooban tahay un marka ay wax dhacaan in uu ka hadlo.? Mahadsanidiin/- Maxaa yaab isdabayaal.!!!

No comments