MD HSM SIDEE DOONAYAA INUU U WAJAHO GO’AANKII SRAIL KU AQOONSATAY SOMALILAND.? .?

Waraysigii Al Jazeera, ma wuxuu madaxweyne Xasan waddo ugu furay xiriir ay Muqdisho la sameyn karto Telaabiib? Sideebu doonayaa madaxweyne Xasan , inuu ku wajaho go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland? Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi ay horraantii maanta baahisay Al Jazeera ku xaqiijiyay in waxa ka maqan Soomaaliya iyo Israa’iil uu yahay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse Israa’iil ay tahay dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay aqbalsan tahay jiritaankeeda dowladnimo. Suuragalnimada uu madaxweynuhu soo bandhigay ee ah in Soomaaliya xiriir la yeelan karto Israa’iil ayaa sidoo kale marag u noqonaysa in Soomaaliya, waqtigan, aysan gebi ahaanba diiddanayn barnaamijka uu Trump hindisay ee Abraham Accords. Labadan aragti waxay meesha ka saarayaan doodda ay dad badan ku diiddan yihiin aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil. Fikradayda, madaxweyne Xasan wuxuu gudbinayaa aragti ah in Israa’iil ay u baahan tahay inay soo marto Muqdisho oo sharciyad haysata. Wallow kulan uu madaxweynuhu toddobaadkan la qaatay xubno siyaasiyiin ah la sheegay in lagu soo bandhigay marxalad hore oo loo soo jeediyay in Soomaaliya ku biirto barnaamijka Abraham Accords—oo ujeeddadiisu tahay in xiriir ay yeeshaan Carabta, dalalka kale ee Islaamka iyo Israa’iil—wuxuu xilligaas sheegay inuu diiday soo jeedintaas. Hase yeeshee, wareysiga uu bixiyay ayaa laga dheehan karay inuu ka soo degay diidmadii hore. Isla qaabkan dabacsanaanta ah ayuu madaxweynuhu hore ugu wajahay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran, kaas oo ugu dambeyn sababay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya lagu soo dhaweeyo Muqdisho, isla markaana Turkigu door ka qaatay qaboojinta xiisaddii markaas taagnayd. Si kastaba ha ahaatee, marxaladda hadda taagan, Itoobiya waxay dib u soo cusbooneysiisay mowqif u muuqda mid ka soo horjeeda danaha Soomaaliya, inkastoo aysan si cad u shaacin mowqifkeeda. Hase yeeshee, ilo ku dhow Addis Ababa ayaa sheegaya in Itoobiya aysan ka soo horjeesan doonin Israa’iil, arrintaas oo lala xiriiriyay in Israa’iil ay hore olole ugu jirtay inay soo jiidato dalalka Geeska Afrika ka hor inta aysan ku dhawaaqin aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale, Israa’iil ayaa Addis Ababa u soo bandhigtay ka-qaybgal qorshayaal amni oo la xiriira Qasa, kuwaas oo ay ku jiri karto in halkaas la geeyo ciidamo ka socda Itoobiya—arrin siin karta Itoobiya, gaar ahaan Abiy Axmed, miisaan diblomaasiyadeed iyo marin ay ugu dhowaan karto maamulka Washington. Isku-day kasta oo Muqdisho ku raadinayso in la helo hab hoos loogu dhigo dhaqdhaqaaqa Israa’iil, iyadoo la marayo waddo lagu xakameeyo ama lagula xiriiro, ma aha mid fudud. Waxaa hor taagan caqabado ay ka mid tahay: ma heli kartaa Soomaaliya wax ka wanaagsan waxyaabaha ay Somaliland u soo bandhigtay Israa’iil? Kaarka ugu weyn ee Muqdisho, waa in is afgaradyada lala gaaro uu helayo sharciyad. Dalal sida Morocco ayaa u maray inay caqabadahooda ku xalliyaan barnaamijka Abraham Accords, waxay ku biirista barnaamijkan Morocco ku heshay in Saxaraha Galbeed loo aqoonsado is maamul ka tirsan dawladda Morocco , taa oo meesha looga saaray madax bannaanidii ay raadinayeen Polisario, halka Suudaan oo xulafo lahayd Sacuudiga iyo dalalka hadda ku jira dadaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya lagu taageerrayo ay ku qancisay xulafadaa inay u oggolaadaan xiriir lala sameeyo Israa’iil, markaa oo Suudaan ay oggolaatay ku biirista Abraham Accords, wallow dagaallada socda ay meesha ka saareen dhaqangelinta heshiiska , markaa Khartuum , waxay u arkeysay xalka dhibaatada ay wajahayso inuu ku jiro xiriir lala sameeyo Israa’iil. Laakin haddii mowqif dalalkan la mid ah ay qaadato Muqdisho, iyana waxay leedahay is waydiinta; xalku ma wuxuu ku dhammaananaya oggolaashaha Israa’iil iyo waxaa maxay doodda lagu qancinayo bulshada Somaliland? Muddo toddobaad ku dhow, tan iyo markii go’aanka Israa’iil uu soo baxay , ma jirin siyaasad maxalli ah iyo aragti lagu wajahayo oo madaxweyne Xasan uu soo bandhigay, dadaallada uu waddo illaa hadda waa cambaareyn caalamiga ah ee lagu taageerray midnimada Soomaaliya , taa beddelkeeda mucaaradka iyo xubno bulshada ka mid ah ayaa saluugsan habka Villa Somalia ay ku wajahayso marxaladan, illaa xubno mucaaradka ka mid ah ay sheegeen in kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan , uusan muujin wax walaac ah , waxna ka beddelin mowqifkiisa arrimaha dhalinayay khilaafka gudaha oo hubaanti la’aanta doorashada heshiis laga gaaro ay ugu horreyso. Taa beddelkeeda, madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro wuxuu maanta dadweynaha la wadaagay inay jiraan dalal kale oo ku biiraya Israa’iil, kuwaasoo aqoonsanaya Somaliland. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay inuu helay xog sirdoon oo xaqiijinaysa in Somaliland ay aqoonsiga ku heshay markii ay oggolaatay saddex arrimood: tan koowaad waa dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ee Somaliland; tan labaad waa in Israa’iil la siiyo saldhig militari oo ku yaalla xeebta Gacanka Cadmeed; tan saddexaadna waa ku biirista Somaliland ee Heshiisyada Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland aqbashay. Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii saddexdan dalab la dhaqan geliyo, wuxuu ku jawaabay: “Sanduuqii Pandora ayaa dunida lagu furi doonaa,” taas oo la macno ah in dhibaato aan dhammaad lahayn la gelayo—mid aan dhinacna faa’iido u lahayn. WQ/- Iman Jama Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Wednesday, December 31, 2025
WAJIGAGA DHABTA AH & IS-YEEL YEELKA DUNIDA.!!!

Wejiga Dhabta ah iyo Dunida Is-yeel yeelka! “I was ashamed of myself when I realized life was a costume party, and I attended with my real face.” Oraahdan waxaa laga hayaa qoraaga reer Jarmal Franz Kafka. Mararka qaar qofku wuxuu nolosha u maraa isagoo aaminsan in runta, daacadnimada, iyo wejiga dhabta ahi ay ku filan yihiin nolol suuban. Wuxuu rumaysan yahay in hadalka tooska ah iyo niyadda furan ay keenaan faham iyo kalsooni. Hase yeeshee, marka waayo-aragnimadu kororto oo indhuhu furmaan, waxaa soo baxda xaqiiqo kale: noloshu marar badan waa xaflad ay dadku ku lebisan yihiin wajiyaal aysan lahayn. Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: “Wa maadeeys adduunyadu, dadkuna way matalayaan.” Oraahda Franz Kafka waxay iftiiminaysaa dareen qaraar oo qofku la kulmo marka uu ogaado in dadka badankood aysan isu muujin sida ay dhab ahaan u yihiin. Dadku waxay xirtaan “dhar” ka samaysan dano, cabsi, danaysi, iyo la-qabsasho bulsho. Tusaale ahaan, haddii aad warsato qof aragtidiisa siyaasadeed, inta badan wuxuu ku siinayaa fikirka kooxda uu ka tirsan yahay, kan qabiilkiisa, ama kan mabda’a uu ku dhex jiro—ma aha aragti ka timid maskaxdiisa gaarka ah. Sidoo kale, marka shaqo ama xil la raadinayo, dad badan waxay muujiyaan akhlaaq iyo mowqif aysan rumaysnayn, si ay u helaan aqbalid ama fursad. Dhinaca kale, dhaqanka shukaansiga ayaa si cad u muujinaya is-yeelyeelka. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Been ku soo xero geli, runna ku dhaq.” Marka la shukaansanayo, qof walba wuxuu soo bandhigaa dhankiisa ugu quruxda badan; ballanqaadyo waa la badiyaa, “geedkaad ku dhegto waan kuu gooynayaa” ayaa la yiraahdaa. Laakiin marka laysla aqal galo, runta ayaa si tartiib ah u soo baxda, wajigii dhabta ahaana wuu is muujinayaa. Markaad adigu la hadasho dadka adigoo wata wejigaaga dhabta ah—run, daacadnimo, iyo qalbi furan—waxaad mararka qaar dareemaysaa kalinimo iyo yax-yax, maadaama aad ku sugan tahay dhabnimo halka inta kale ay ku sugan yihiin matalaad. Qofka runta ku hadla waxaa lagu tilmaami karaa mid “adag”, ama xitaa “khatar ku ah nidaamka jira”. Ceebta halkan ku jirta ma aha mid ka dhalata runta lafteeda, balse waa mid ka dhalata garashada ah in dunidu marar badan abaalmarin siiso muuqaalka, halkii ay siin lahayd macnaha. Qofka daacadda ahi wuxuu noqon karaa mid la fahmi waayo ama la iska indho tiro, halka kan wajiga beddelashada yaqaan uu si fudud ugu dhex milmo bulshooyinka. Sidaas darteed, su’aashu ma aha oo keliya in la xirto waji been ah iyo in kale, balse waa: ma mudan tahay in la waayo naftaada si aad ula qabsato bulsho, mise in aad ku adkaysato runtaada, xataa haddii ay kugu keento kalinimo iyo go’doon? Kafka xal cad naguma siiyo su’aashan, balse wuxuu inoo muujinayaa xaqiiqo muhiim ah: adduunyadu inta badan waxay ku dhisan tahay is-yeelyeel, qof walbana wuxuu sitaa waji-dabool ama mask. Fahamka dabeecaddan aadanaha—iyo aqbalidda in matalaaddu qayb ka tahay nolosha—waa tallaabada koowaad ee qofku ku ilaalin karo miyirkiisa, kagana badbaadi karo inuu ku lumo ciyaar uusan isagu dejin. WQ/- Farhan Ali Ahmed

Abdulkadir dulyar Monday, December 22, 2025
SHIRKA KISMAAYO: SHALAY & MAANTA ISU EKAA.!!! WQ-Dulyar

SHIRKA KISMAAYO:SHALAY & MAANTA isu ekaa.!!! Waxaa goor dhow soo xirmay shirkii maalmahaan magaalada Kismaayo uga socday xubnaha mucaaradka ah ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 17 qodob, oo nuxurkoodu yahay in Golahani uu si weyn u diidan yahay waxkasta oo aan heshiis lagu wada aheyn oo ay dowladda federaalka ahi waqtigaan dalka ka wado sida: •doorashada Qof & Codka ah ee heer Gobol iyo heer Federal, •Wax ka bedelka destuurka KMG ah, •In hey’adaha destuuriga ahi ay sameystaan muddo kororsi, •Baaq loo jeediyay Madaxweyne HSM oo ku saabsan in 30 maalmood gudahood uu gogol isugu keeno saamileyda Siyaasadeed ee dalka, iyo qodobo kaloo qaarna lagu qurxiyay War Murtiyeedka, qaarna dib loogu dhigay mustaqbalka & waxa dhici doona. Halkaa markeey taagan tahay, fadlan hala yaabin, oo fajac yaaney kugu noqon In ay sidaan wax u dhacaan, maxaa yeelay Siyaasiyiin teenu waxey noogu soo celceliyaan hal filim oo aan ku daalnay daawashadiisa, sababtuna waa ka aradnaanta hal abuurka & u hindisid la'aanta dalka siyaasad cusub oo hor-u- socod ah oo ka bedelan kuwii aan horay u soo aragnay. SHALAY: 2019-kii: mucaaradka dowladdii Farmaajo oo uu hogaaminayo MD Xasan Sh Mohamuud ayaa Muqdisho kaga dhoofay diyaarad gaar ah safarkooda Kismaayana waxey ku sheegeen ka qeybgalka caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay xiligaa dowladdii jirtay aad u saluugsaneyd sharciyaddiisa maamul, Sida la wada ogsoon yahayna Safarkaasi ma aheyn mid loo aaday jaceyl iyo xiisa gaar ah oo loo qabay hogaamiyaha Jubaland ee wuxuu ahaa mid ay mucaaradku ku xumeynayeen dowladdii Farmaajo oo la ogaa iney diidan tahay doorashadii Axmed Madoobe. MAANTA: 6 sano kadib, sanadku waa 2025ka, waqtigu waa waqtigii, mucaaradka & muxaafidku waa isla kuwii oo ay qaarkood maaliyaddaha kala bedesheen, maamulada wax diidani waa Puntland & Jubaland tii shalay, eedaha leysku jeedinayo waa isla kuwii un, muranka & safarkuna waa kii oo kale oo waxaa Muqdisho diyaarado looga daad gureeyay mucaaradka dowladda MD Hassan Sh.Mohamuud oo uu doorkan hogaaminayo MD Shariif Sh.Ahmed, safarkaanina waxa uu dhanka MD Ahmed Madoobe uga dhigan yahay caleema saarka doorashadiisii lagu muransanaa ee dhacday 2024tii, maadaama uu weli Madaxweyne Xasan Sheikh ka gows adeygayo in uu aqoonsado, si la mid sidii ay mucaaradku 2019kii ugu cimaamadeen kismaayo iyagoo ku xumeynaya dowladdii Farmaajo oo iyaduna sidaan oo kale waqtigaa u diidaneyd daorashadii ka dhacday Jubaland, Sikastaba ha ahaatee, dadka ku xeel dheer Siyaasadaha is diidan ee dalkeenu waxey qabaan in War Murtiyeedka ka soo baxay Shirka Kismaayo uu yahay shixnad cusub oo lagu jebinayo sicirka Siyaasadda iyo badeecadda Qof & Codka ah ee uu xiligaan suuqa ku iibinayo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud,taasoo la rumeysan yahay in uu ku bixiyay waqti iyo maal farabadan,inkadtoo dhanka mucaaradka lagu dhaliili karo is aaminaad la'aanta ka muuqatay dhexdooda mudadii uu shirku socday iyo ineysan suuqa la imaan nooca doorasho oo ay doonayaan in dalka laga qabto, isku soo duuboo mar haddii uu waqtigu gabaabsi ku yahay madaxda dowladda federaalka ah lana soo barbar dhigtay badeeco kale oo Siyaasadeed waxey doonto ha ahaatee, waxa ay labada dhinacba ugu dambeyn ku qasban yihiin iney la yimaadaan isu-tanasul iyo dabacsanaan looga gudbo waqtigaan adag ee kala guurka ah dalkana looga badbaadiyo is qabqabsi iyo in uu galo hubanti la’aan Siyaasadeed. Maxaa Yaab Isdabayaal.!!! WQ:- Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Saturday, December 20, 2025
SOOMALIYA: QOFKA NABAD GELI SI UU QARANKU U NABAD GALO.!!

SOOMAALIYA: QOFKA NABAD GELI-SI UU QARANKU U NABAD GALO.’ Fikirka amniga qaran badanaa waxaa lagu sawiraa ciidan xoog badan oo sugan, kaas oo ay u dhanyihiin: agabkii ciidan uu lahaa, xuquuqdii uu lahaa, tababarkii uu u baahnaa, tiro iyo tayoba, xuduud la ilaaliyo, dowlad xoog leh, calan iyo ciidamo heegan ah. Laakiin haddii aynu runta u jeedsanno, amniga dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa qofka — naftiisa, noloshiisa, maankiisa, iyo fursadaha uu ku noolaan karo isaga oo cabsi la’aan ah. Barry Buzan, oo ah saynisyahan siyaasadeed, buuggiisa caanka ah People, States & Fear, wuxuu nagu barayaa in amniga aanu ku bilaabmin qaranka, ee uu ku bilaabmo qofka laftiisa. Qof amni la’aan ah ma dhisi karo bulsho amni leh; bulsho amni la’aan ahi ma dhisi karto dawlad amni leh; dawlad amni la’aan ahi ma difaaci karto dad amni leh. Waa silsilad isku xirran — midda ugu hooseeysana waa qofka laftiisa. Sidaas oo kale, haddii aynu eegno xaaladda Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in markii uu qofka Soomaaliyeed amni waayey uu qarankeenii ku burburay isla gacanta kuwii ay ahayd in ay sugaan amniga dadka. Waa halka uu qofka Soomaaliyeed ku waayey in la qadariyo, lana tixgeliyo — taas oo keentay in qaranku noqdo mid intii waqti ahba ku wareegaya meerto-gaar ah oo aan dhammaad lahayn: cabsi, kalsooni-darro iyo burbur bulsho. Buzan wuxuu leeyahay: “Qof amni-darro ku jira wuxuu lumiyaa awooddii uu ku noqon lahaa qof shaqaynaya.” Taasi waa nuxurka dhibaatada ka jirta Soomaaliya: qofka oo lumiyey awooddiisii shaqsiyadeed, bulshada oo lumisay isku halayntii, & dawladdii oo lumisay sharciyaddii ay ku fulin lahayd mas’uuliyaddeeda. (Waxaa tusaale kuugu filan Booliis ka cabana amni xumo haysata kadib markii lagu qabsaday dhul ay deganaayeen 1940-tanaadkii). Qofka Soomaaliyeed wuxuu u nool yahay jawi uu maalin walba ka filan karo cabsi:– cabsi dhaqaale,– cabsi amni jireed ah,– cabsi sharci-darro leh,– cabsi siyaasadeed,– cabsi cimilo isbeddelaysa,– cabsi caafimaad-darro, iyo– cabsi bulsho. Marka cabsi noocan ahi ku wareegto qofka, wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof bulsho-dhise ah; wuxuu joojiyaa inuu noqdo muwaadin firfircoon; wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof ku dhiirran dhisidda mustaqbal ifaya. Waxaa ka muuqda waxyaabo uu Buzan ku tilmaamo “amni-darro shakhsiyeed oo joogto ah.” Waa halka uu qofku ku noolyahay nolol amni-darro oo joogto ah, taas oo duminaysa tiir kasta oo dawladnimo iyo bulsho leedahay — waa marka aan la ilaalin “nolosha qofka muwaadinka ah.” Haddii uu helo qofka Soomaaliga ahi ammaan dhan-kastaba leh, deeto qarankuna ammaan ayuu helayaa. Maxaa yeelay dal amni leh waxaa dhisa dad amni leh; dad amni leh waxaa dhisa dowlad u taagan ilaalintooda; dowlad u taagan ilaalintoodu waxaa dhisa bulsho aaminsan qiimaha nabadda. Marka amniga qofka la soo celiyo:– dhaqaalaha wuu koraa,– siyaasadda way degtaa,– bulshada kalsoonidu way u soo noqotaa,– qaranimaduna waxay yeelataa macno.( Waxaa tusaale fiican kuugu filan amniga ka jira Magaalada Muqdisho beryahaan oo dad badan oo shacab ahi ay aad ugu diirsadeen). Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay dib ugu noqoto aragtida Buzan: Qofka muwaadinka ah Nabad Gelyo sii – si uu Qaranku u Nabad Galo. WQ: Farhan Ali Ahmed

Abdulkadir dulyar Thursday, December 11, 2025
WARBIXIN: Maxaa loo la’yahay madax ka aragti sareysa waqtigooda.!!.!!

•Maxaa Loo La’yahay Madax Soomaaliyeed oo Ka Aragti Sareeya Waqtigooda? Filasoofkii weynaa ee reer Faransiis, Voltaire, ayaa qaba: “Qof walba waa makhluuq ku garaad ah waqti-xaadirka uu nool yahay; in yar oo ragga ka mid ah ayaa la iman kara fikirrado ka sareeya waqtigooda.” Oraahdan gaaban waxay noogu yeeraysaa inaan isweydiinno: Maxaa maanta Soomaaliya looga la’yahay rag iyo haween ka aragti fog waqtigooda, oo u istaagi kara badbaadinta ummad ku dhex jirta juqraafi-siyaasadeed casri ah oo aad u bahaloobay? Haddaba ma la dhihi karaa Soomaalidu waa ummad ku dhex go’doonsan waqtigeeda? Marka aad u fiirsato, Soomaalidu waxay ku nooshahay dunida casriga ah balse waxay inta badan u dhaqantaa sida bulsho ku nool boqolaal sano ka hor—xeer, qabiil, caado dhaqameed, ceeb, ciil, iyo colaado aroor iyo galab la abuurayo, gobolaysi, musuqmaasuq, eex, siyaasad shaqsi ku dhisan, iyo cabasho uu qof kastaa iyo qabiil kastaa cabanayo halkii uu la imaan lahaa aragti fog, qorshe, iyo siyaasad qaran. Aqoonyahanno badanna waxay ku doodaan in ay xaalad adag tahay oo xanibaysa in qof Soomaaliyeed uu la yimaado fikir ka sarreeya waqtigiisa uuna noqdo hoggaamiye aragti-dheer leh. Dooddan ayaa waxay oranaysaa: “Ummad khariban hoggaamiye wanaagsan ma soo saari karto.” Laakiin anigu waxaan qabaa in dhib weyn jiro—laakiin taasi macnaheedu ma aha in dhibka na haystaa uu noqdo sharci aan laga bixikarin. Waxaana tusaale ugu filan waddamo badan oo maanta quwadaha adduunka ka mid ah sida Japan, Germany, France — waxay soo mareen burbur daran sida dalkeena Soomaaliya. Balse waxay heleen: • dad sheegta waxaan noqon karnaa waxa aan nahay wax ka wanaagsan, • hoggaamiyeyaal diiday inay ku milmaan dhibaatooyinka waqtigooda, • dad ay aragtidu ka hormartay xaaladda jirta. Soomaaliyana weli way leedahay dad sidaas ah — waxayna u badan yihiin kuwa aamusan, kuwa aqoonta leh laakiin aan fursad helin, kuwa daacadnimada qaba laakiin xishoonaya, kuwa jecel in wax la saxo laakiin ay 4.5 gacma xirtay. Sidoo kale: nidaamka siyaasadda, dhaqanka qabiilka, cabsi gelinta bulshada, dagaal-oogayaasha, iyo shabakadaha musuqmaasuqa ayaa ka hor istaaga inay dibadda u soo baxaan oo ay hoggaan dalka noqdaan. Ummaddu maanta ma raadineyso nin xoog leh, sidoo kale ma raadineyso nin qabiil-weyn ka dhashay ama nin maalqabeen ah. Laakiin waxay raadineysaa: nin ama haweeney aragti leh, qof ka garnaqa dhaawaca ummadda, qof eegaya mustaqbalka fog, qof ka madaxbannaan xukun-jacaylka iyo qabiilaysiga iyo kooxaysiga, qof tilmaami kara waddo cusub. Hoggaamiye sidan oo kale ah ma dhalan karo ilaa ay jirto: bulsho diyaar u ah isbeddel, nidaam furan oo u oggolaanaya kartida, aqoonyahanno ku dhiirrada inay noqdaan iftiinka bulshada, iyo da’yar hami iyo damiir leh. WQ/- Farhan Ali Ahmed.

Abdulkadir dulyar Wednesday, November 26, 2025
WARBIXIN:GURIGA CAARADA, “Isbedelka nolosha”

ISBEDELKA NOLOSHA: Guriga Caarada.!! Qormadan waxa aan kaga hadli doonaa isbedelka wada noolaanshuhu qoyska u leeyahay horrumarka bulshada. Sida aan ogsoon nahay qoysku waa halka laga soo unko bulshu fayow. Qoys kastaaba waxa uu ku nool yahay guri. Gurina waa in uu noqdaa hoy aad roobka, qoraxda, dabaysha, kulaylka, qabowga ka dugsan kartid kuna dheehan yihiin raxmad, maxaba iyo ixtiraam. Hadaba qormadan waxa aan kaga hadli doonaa Guriga Caarada. Waxa laga yaaba in akhristuhu is waydiiyo tolow muxuu u jeedaa ee uu u soo qaatay sheekadan uu kaga hadlayo guriga caarada. Illaahay Subxaana wa Tacaallaa, waxa uu Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay qisaas iyo tusaalooyin ay tahay in aan ku cibro qaadano aadna u dhuguno si aan lababa u fahamno. Marka hore in aan cadamada Rabbi qirno gudanana Xaqqa Illahay inagu leeyahay. Marka xigta in la waanaajiyo wada-noolaashaha bulshada dhexdeeda oo is-qadarini ay ka dhaxayso. Aroor dhawayd aniga oo akhriyeya Suurat Al Cankabuut ayaa waxa i soo jiitay is-barbar dhigga Illaahay Subxaana wa Tacaala ku sameeyey Guriga Caarada iyo dadka Illaahay shariiga u yeela. Waxaanu Allah (Subxaana wa Tacaala) yidhi: {مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ} (29:41) (Kuwa Allah qayrkii caabuda waa sida Caarada dhisata guri, run ahaan guri oo dhan waxa ugu daciifsan kan caarada, waa haddii ay garanayaan). Waxa aan isla markiiba u dhaqaaqay dhinacaa iyo in aan daalacdo Tafsiirada kala duwan iyo qawlkii Culimada. Khayr Allah ha siiye Culimadii waaweynayd ee ina soo gaadhsiisay Diinta badankoodu sharaxa ay ka bixiyeen wuxu inta badan ka hadlayaa oo xoogga saareen fasiraadda dhinaca shirkiga kama ay hadal nooca uu yahay guriga caaradu. Maadaama aanay haysan iktishaaf ama badhista cilmi ee lagu sameeyey guriga caarada iyo nooca uu yahay iyo cilmigan oo soo if-baxay 100kii sano ee ugu dambeeyey, kadib markii ay boqolaal Saynisyahanno u kuurgaleen si ay wax uga ogaadaan. Waxa iyana cajiib ah, in Aayaddu tilmaamayso Caarada teeda dhidig. Ilaa iyo dhawaanahan ka hor lama ogaan in caarada dhedig tahay ta iyadu dhista guriga oo xuubka ay ku dhisto yahay shay ka soo baxa caloosheeda. Mukhluuqaadka oo dhan waxa ay gurigooda ka dhisaan walxo dhulka korkiisa laga helo caarada ma ahe. Xuubkan waa dun xariir ah weliba nooca xariirta ugu wanaagsan oo ay isku toshay ayey guriga ka dhisataa. Farsamada iyo dhismaha caaradu ku taagto gurigeeda waa handasada nooca ugu sareeysa. Waxay saynisyahannadu noo sheegeen haddii caaradu qof le’ekaan lahayd waxa ay dhisi lahayd xuub gaadhaya 150 meter. Marka la eego xoogga iyo quwadda duntaas waxa laga yaabi lahaa in diyaarad duulaysa ay qaban kari lahayd. Culimadu waxa ay inoo sheegeen, haddii guriga caarada loo ictibaaro dabin ay ku ugaadhsato, sida ay qolooyinka saynisku qabaan, Aayaddu sax ma noqoteen. Laakiin waxa dhab ah in aanu dabin ahyan ee uu maskan iyo hoy u yahay. Gurigeeduna ma laha khusuusiyaadkii guri lahaa oo waa guri dabaysha, qoraxda iyo wax kastaaba burburiyaan. Sidaas ayuu Illaahay ugu shabbahay kuwa asnaamta Illaahayo ka dhigta. Aniga oo runtii faham dheeraad ka helay aqwaashii kala duwanayd ee Culimadu ka bixiyeen sharaxa Aayaddan, ayaa waxa aan subax dhawayd daawaday inan yar oo Muslimad ah oo dalalkaa reer Galbeedka ah ku kortay kuna nool. Waxa aad ii soo jiidatay sida ay u macnaysay ee ay uga hadashay sharaxa Aayadan. Inantaa hadalkeedii wuxu dib ii soo xasuusiyey duruustii Zoology ee Sayniska, markii aan Dugsiga Sare ku jirnay ee la noo dhigi jiray xasharaadka oo Caaraduna ka mid ahayd. Weliba sida Caarada Madow (Black Spider) ay ninkeeda u cunto marka uu u tago kadib. Markii aan u sii kuurgalay ee aan raadiyey macluumaad kale oo dheeraad ah waxa ii soo baxay faham aan la tacajabay oo aan jeclaystay in aan idinkana idin la wadaago. Marka matal ama tusaale aan ku aragno Qur’aanka, wuxu Illaahay Subxaana wa Tacaalaa rabaa in uu wax inaga qarsoon inoo ifiyo, ama inaga daboolnaa inoo bayaamiyo ama hadal sarbeeb ah inoo kala caddeeyo. Matalkan ama is-barbardhiggan guriga caarada iyo kuwa asnaamta caabuda maxay iska shabbahaan? Guriga caaradu marka aad dusha ka aragtid waa guri xuub ka sameysan oo roob, qorax, dabayl, qabow, kulayl midna aanad ka dugsan karin. Waa guri ka caagan is-raaligelin iyo kalgacal oo aasaas u ah dhismaha qoys. Waa guri hooyadu cunto aabaha marka uu u tago kuna nasan karin oo uu naftiisa la baxsado si aan loo cunin. Waa guri hooyadu cunto caruurteeda, carurrtuna is cunaan. Inta ka badbaaddana ay ugu dambaynta hooyadood cunaan. Waa guri diiq ah oo aan masaaxad ku filan lahayn oo ay ku wada noolaan karaan oo aabo/hooyo/caruur iska wada takhlusayaan oo u wada baratamayaan masaaxadda yar. Waa guri ka caagan wada-noolashaha jinsiga, mana aha hoy lagu nasto ama lagu raaxaysto waana meel socotada iyo martidaba lagu cuno. Sidaa darteed dadka Illaah aan Allah ahayn Illaah ka dhigtaa waa kuwa sida gurigaa caarada aan helayn meel ay ku nastaan ama ku raaxaystaan if iyo aakhiraba. Culimadu markii ay sharxayeen Aayaddan, waxa ay sheegeen qofku marka uu wanaangsan yahay Illaahay matal wanaagsan ayuu ku soo qaata. Marka qofku Illaahii weynaa cibaadadiisii ka tago oo caabuda qayrkii wuxu Illaahay u soo qaataa matal xun sida kan guriga caarada oo ah guri lagu ba’ay ah. Tafsiiradii kala duwanaa iyo fahamkii guud waxa iiga soo baxay muhimadda qoysku u leeyahay nolosha iyo in aanay guryaheennu noqon sida guriga caarada, guri aan Tawxiidka laga aaminsanayn. Illaahay Subxaana wa Tacaala, wuxu inoo dooray Islam {الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا} (5:3) Waa in kalgacal iyo muxubo qoysku ku wada noolaado sida Illahay Aayddan hoose inoogu sheegay. {وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} (30:21) Waxa la rabaa in abbuhu qaato doorkiisii in uu yahay taliyaha guud ee qoyska, hooyadu qaadato doorkeeda ah in ay tahay taliyaha arrimaha gudaha ah ee qoyska. Caruurtu baari u noqdaan waalidkood oo u arkaan adeega ay u adeegayaan waalidkood waajib diini ah. Waalidku caruurta u duceeyaan, caruurtu waalidka u duceeyso, jacayl iyo isu soo hiloow noqoto nolosha ay ku wada nool yihiin. Guriga wanaagsan waa aasaaska nolosha iyo horrumarka bulshada. Waxa aan rabnaa guri waalidku ku soo koriyaan curruurtooda kala-danbayn, is-tixgelin, is-karaamayn maxaba, raxmad iyo caddaalad oo aan loo kala eexan. Si marka uu qofku bulshada dhex-galo kula noolaadaa macaamil wanaagsan oo wax-tar u leh bulshada oo dhan. Wax-tarkaas oo saameyn ku yeelanaya sidii bulshadu u heli lahayd - Madax amaano iyo hoggaamin leh, Garsoor caddaalad wax ku xukuma, Macaalin ku-dayashada mudan, Dhakhtar daryeela bukaanka, Askari waddani ah, farsamayaqaan daacad ah, iyo ganacsade ka daacad ah ganacsigiisa. Haddii kale qofku wuxu noqonayaa mid ka yimid guri la mida ka caarada oo kale. Qofkaasi wuxu bulshada dhexdeeda kula noolaanayaa sidii qof dab iyo baansiin gacmaha ku sita oo cid kasta oo uu la macaamilana gubaya. Qof kaas waa qof Allah ka cabsigu ku yar yahay xataa haddi uu cibaadaadkii la yimaaddo haddana wax-is-daba-marinta iyo ku-jiqsiinta ayuu u arkaa in uu ku faa’idayo. Hadaba aan bishan Ramadan uga faa’daysanno sidii aan isbedel dhab ah ula iman lahayn oo guryaheenna ka ilaalino in ay noqdaan ka caarada oo kale. Kana dhigno guri Illaahay lagu weyneeyo oo lagu cibaadaysto lagagana dhaqmo camalka kiisa wanaagsan. Marka guryaheennu u bataan guryo wanaagsan waxa ay isbedel la taaban karo ku sameynaysaa bulshadeena. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u shaqeeya kana hortaga wax kasta oo shar ah. Soom Maqbuul wa danban maqfuur. Allahuma Aamiin. - XISBIGA TIIR;

Abdulkadir dulyar Sunday, November 23, 2025
WARBIXIN: TAARIIKHO LA QALDAY.!! WQ:- Dulyar

•TAARIIKHO LA QALDAY.!! Haddii aad YouTube-yada daawato, ama aad akhriso buuggaagta tiro beelka ah ee la qoray burburka kadib, waxaad ogaaneysaa in si ku talagal ah looga been sheegay dhamaan taariikhdii uu dalkeenu lahaa, halgamadii la soo galay, noloshii bulshada, dowladihii na soomaray, dagaaladii aan la galnay Ethopia,horumarkii ka jiray dalkeena, xiriiradii aan lalaheyn Caalamka, kaalintii ay Soomaaliya ku laheyd xornimadii dalal ka tirsan Q/Africa, taxanihii Siyaasadeed ee dalkeena, sababaha keenay burburka dowladnimada, dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, doorkii jabahadihii hubeysnaa ay ku lahaayeen, shirarkii dib-u-heshiisiinta ee soomaalida dibadda loogu qabtay, aas-aaskii maxkamadaha Islaamiga, soo if bixii Argagixisada Shabaab iyo Daacish, intaa kuma ekaane xitaa waxaa laga been sheegay kitaabkii & Sunnihii Nabigeena Muxamed NNKH, dhaqankeenii suubanaa, Suugaanteenii, iyo dhibic kasta oo ka mid ah wixii dalkaan ka soo dhacay , kadib markii uu Qofwalba hortegay Microfoon 🎤 Wiilasha u hayaa aaney ku beenin karin naxliga iyo beenta uu la hor fadhiyo, Halkaa kuma ekaane, waxaa kaloo jira kumaanaan Rag iyo Dumar ah oo iyaguna taariikho iyo sheekooyin been lagu barxay qalinka u qaatay, dabadeedna daabacay, heer la gaaray in uu qofku taariikhdiisa quruxsado dabaadeedna uu buug ku qoro, kuna soo bandhigo meel fagaare ah. Maanta YouTube-yada Soomaalida waxaa dhex yaalla sheekooyin iyo taariikho wada been ah, oo ay rumeysteen dad badan oo aan war iyo wacaal u heyn wixii la soomaray, sidoo kale waxaa jira buuggaag laga qoray taariikho iyo dhacdooyin dalkeena ka dhacay, oo iyaguna intooda badan ah kuwa uu qofwalbaa u qoray sida uu isagu jecel yahay ama ay reerkiisu jecel yihiin, Halkaa markeey taagan tahay, shaki kuma jiro in fagaare lagu aaasay ama lagu lumiyay taariikh badan iyo dhacdooyin badan oo muhiim u ahaa dalka iyo jiilasha soo korayaba, kuwaasoo aan weli xaqiiqdooda dhabta laga daba tegin, haddii maanta la damco in taariikhdaa iyo noloshaa beenta lagu qooshay dib loo saxana, waxey qaadaneysaa waqti aad u dheer, oo la oran karo kama dhib yara raadinta midnimada Soomaaliya, WQ:- Abdulkadir Dulyar. Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Friday, May 23, 2025
WARBIXIN: SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} WQ/-Dulyar

•SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} Maryooleey markii ay waayeen tab iyo xeelad kale oo ay kaga qeyb galaan tartanka dhex yaala Social Media, kuna soo jiitaan ama ku helaan macaamiil farabadan oo xirfaddooda daawata, waxey dani ku qasabtay iney dhexdooda 🎤 isku qaataan, kaas oo loo bixiyay {Re-action} …mid ku xiiqaya falanqeynta hadal uu midkale yiri, labo is aflagaadeyneysa, labo qabyaalad lakala safan, labo isu jawaabeysa oo aan is aqoon, labo isku dhaaraneysa oo aan weligood is arag, labo is qabtay oo kala tagtay, labo is og oo xaalad abuur ah, iyo qaar kaloo badan. Nasiibdaro, hadda dadka Siyaasadda ka Ganacsada mucaarad iyo muxaafid-ba , waxaad moodaa iney dhalinyarada TikTok-leyda ah kaga daydeen hal abuur koodii loo bixiyay {Re-action} ka, waayoo waxaad arkeysaa Siyaasiyiin warbaahinta u hor imaanaya oo keliya iney 🎤 u qaataan Siyaasiyiin kale oo aragtidooda ka hadlay, halkii laga filayay iney bulshada la hor yimaadaan aragtiyo Siyaasadeed iyo hal abuuro waxtar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo lagaga deydo, ama ay ka hadlaan boqolaalka horumar & mushkilado ee isku milan ee maanta dalkeena ka jira. Sikastaba, waxaan dadka Siyaasadda ka ganacsada kula talin lahaa iney naga daayaan Siyaasadda ay TikTok-leyda ka soo Copy gareeyeen, taa bedelkeedana hadiiba ay warbaahinta la hadlayaan ay ka hadlaan qorshayaasha wada qabyada ah ee dalka ka jira…wax micna ah ma sameyneyso inaad 🎤 u qaadato siyaasi kale ama qofkale oo mucaarad ah ama muxaafid ah, ee bal si aan wax idinkaga faa’idno farsamo kale oo Siyaasadda loogu tartamo la imaado. FG:- Waan ogahay, mararka qaar Siyaasadda 🎤 u qaadashada ku dhisan hebelo isu jawaabista in wax lagu kala goosto. Mhdsndn Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Tuesday, February 18, 2025
WARBIXIN: MAXAA SOOMAALIYA KA HORTAAGAN DOWLAD XOOG LEH.!!. ?

Kitaabka Ibnu Khartoum “Raximullah” wuxuu chapter dhan kaga hadlayaa,Meesha ay Qabyaaladda iyo Odayaashu ku xoog badan yihiin dowlad kama dhalan karto, meesha ay ku xoog yar yihiin sida Masar iyo Shaam na dowlad xoog leh wey ka dhalan kartaa. Cajiib.!! Soomaaliya Qabiilkii ayaa galay booskii dowladda, isaga ayaa xukunka dalka lagu qeybsadaa, isaga ayaana dowladda lagu mucaaradaa oo lagu dhisaa ama lagu dumiyaa, waana sababta ay Soomaaliya uga dhalan la’dahay dowlad xoog leh oo dalka oo dhan xukunta. ,Waxaa xaqiiq ah ilaa xal loo helo ama ay daciifaan awooda Qabaa’iladu ineysan dowlad xoog lihi ka dhalan karin Soomaaliya, hadii aan kula qaadno qodobana waa:- •Qodobka koowaad:- Faragelinta ka faaideysaneysa qabyaaladda. Waxaan inbadan maqalnaa Qabiil inta shira fagaare ka oranaya, Dowladda waxaan kala noqonayaa kalsoonida hadii aan xil hebel nala siin, ama Dowladda u soo jeedinaya cambaareyn iyo dhaleeceyn. -Qodobka 2aad:- Faderaalisamka ku dhisan Qabaa’ilka:- Sida muuqata Federaalka dalkeena ka jira waa mid u eg sida in layiri Qabiil walba Maamul iyo Madaxweyne ha yeesho, Majiro wax Maamulada ceynkaan ku dhismay wax dhaqaale, ciidan iyo Siyaasad ah oo ay ku taageeraan Dowladda dhexe, balse taa bedelkeeda waxey carqalad iyo caga jugleyn ku hayaan Dowladda dhexe, mararka qaarna waxaad maqleysaa iyagoo leh Dowladda dhexe xiriirka ayaan u jarnay. Dhanka kale Federaalisamka Qabaliga ah waxa uu bulshadii wada nooleyd ka dhigay mid kala qobqoban oo aan is dhexgali karin, nasiibdaro dad Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer laga musaafuriyay dhul Soomaaliyeed, waxaa kaloo soo baxday in Qabiilo badan xaqoodii iyo xuquuqdoodii ay lunto, maadaama ay deegaan ahaan ku hoos dulman yihiin kuwa tunka weyn ee maamulada dhistay -Qodobka 3aad:- Qabyaaladda Siyaasiga ah, waayoo Siyaasaddii ijtimaaciga aheyd ayaa isku bedeshay siyaasad qabaa’il ah. Siyaasadda Qabaa’ilka ku dhisan waa mid 30 sano iyo dheeraad Soomaalida ku hogaamisay Dowladda taagta daran, nagana reebtay asaageen iyo tartanka maanta dunida loogu jiro horumarka iyo wax wada qabsiga. Waa ayaandaro iyo maan xumo in aan maanta aragti laga gudbay nus qarni ka hor Annagu ka raadino nolol iyo horumar, Soomaaliya uma baahna Siyaasad Qabaa’il ku tiirsan ee waxey u baahan Siyaasad qabiilka ka madax banaan oo ku dhisan hogaamiye aragti dheer leh oo samata bixin kara dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaase wax walba ka horeeya in isbedel uu ku dhaco dadka hada Reer hebelka Magaalooyinka ugu kala urursan, loona gudbo in dadku isdhexgalo iyadoo qofka Soomaaliga ah isagoo aan wax cabsi & kala lahaanshiya ah dareemeyn islamarkaana Dowladda jirtaa ay u damaanad qaadeyso waxwalba oo ku saabsan amnigiisa iyo xuquuqdiisa inuu ku noolaan karo magaalo walba oo uu jecleysto. Soomaaliya weligeed waxey aheyd Allah yaqaan oo waa tan tiraahda “Waryaa Alla yaqaan” Annagoo Allah caabud ah ayaan mar qudha noqonay “Qabiil caabud”. WQ/-..........!! Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Saturday, February 8, 2025