WARBIXIN: Maxaa loo la’yahay madax ka aragti sareysa waqtigooda.!!.!!

•Maxaa Loo La’yahay Madax Soomaaliyeed oo Ka Aragti Sareeya Waqtigooda? Filasoofkii weynaa ee reer Faransiis, Voltaire, ayaa qaba: “Qof walba waa makhluuq ku garaad ah waqti-xaadirka uu nool yahay; in yar oo ragga ka mid ah ayaa la iman kara fikirrado ka sareeya waqtigooda.” Oraahdan gaaban waxay noogu yeeraysaa inaan isweydiinno: Maxaa maanta Soomaaliya looga la’yahay rag iyo haween ka aragti fog waqtigooda, oo u istaagi kara badbaadinta ummad ku dhex jirta juqraafi-siyaasadeed casri ah oo aad u bahaloobay? Haddaba ma la dhihi karaa Soomaalidu waa ummad ku dhex go’doonsan waqtigeeda? Marka aad u fiirsato, Soomaalidu waxay ku nooshahay dunida casriga ah balse waxay inta badan u dhaqantaa sida bulsho ku nool boqolaal sano ka hor—xeer, qabiil, caado dhaqameed, ceeb, ciil, iyo colaado aroor iyo galab la abuurayo, gobolaysi, musuqmaasuq, eex, siyaasad shaqsi ku dhisan, iyo cabasho uu qof kastaa iyo qabiil kastaa cabanayo halkii uu la imaan lahaa aragti fog, qorshe, iyo siyaasad qaran. Aqoonyahanno badanna waxay ku doodaan in ay xaalad adag tahay oo xanibaysa in qof Soomaaliyeed uu la yimaado fikir ka sarreeya waqtigiisa uuna noqdo hoggaamiye aragti-dheer leh. Dooddan ayaa waxay oranaysaa: “Ummad khariban hoggaamiye wanaagsan ma soo saari karto.” Laakiin anigu waxaan qabaa in dhib weyn jiro—laakiin taasi macnaheedu ma aha in dhibka na haystaa uu noqdo sharci aan laga bixikarin. Waxaana tusaale ugu filan waddamo badan oo maanta quwadaha adduunka ka mid ah sida Japan, Germany, France — waxay soo mareen burbur daran sida dalkeena Soomaaliya. Balse waxay heleen: • dad sheegta waxaan noqon karnaa waxa aan nahay wax ka wanaagsan, • hoggaamiyeyaal diiday inay ku milmaan dhibaatooyinka waqtigooda, • dad ay aragtidu ka hormartay xaaladda jirta. Soomaaliyana weli way leedahay dad sidaas ah — waxayna u badan yihiin kuwa aamusan, kuwa aqoonta leh laakiin aan fursad helin, kuwa daacadnimada qaba laakiin xishoonaya, kuwa jecel in wax la saxo laakiin ay 4.5 gacma xirtay. Sidoo kale: nidaamka siyaasadda, dhaqanka qabiilka, cabsi gelinta bulshada, dagaal-oogayaasha, iyo shabakadaha musuqmaasuqa ayaa ka hor istaaga inay dibadda u soo baxaan oo ay hoggaan dalka noqdaan. Ummaddu maanta ma raadineyso nin xoog leh, sidoo kale ma raadineyso nin qabiil-weyn ka dhashay ama nin maalqabeen ah. Laakiin waxay raadineysaa: nin ama haweeney aragti leh, qof ka garnaqa dhaawaca ummadda, qof eegaya mustaqbalka fog, qof ka madaxbannaan xukun-jacaylka iyo qabiilaysiga iyo kooxaysiga, qof tilmaami kara waddo cusub. Hoggaamiye sidan oo kale ah ma dhalan karo ilaa ay jirto: bulsho diyaar u ah isbeddel, nidaam furan oo u oggolaanaya kartida, aqoonyahanno ku dhiirrada inay noqdaan iftiinka bulshada, iyo da’yar hami iyo damiir leh. WQ/- Farhan Ali Ahmed.

Abdulkadir dulyar Wednesday, November 26, 2025
WARBIXIN:GURIGA CAARADA, “Isbedelka nolosha”

ISBEDELKA NOLOSHA: Guriga Caarada.!! Qormadan waxa aan kaga hadli doonaa isbedelka wada noolaanshuhu qoyska u leeyahay horrumarka bulshada. Sida aan ogsoon nahay qoysku waa halka laga soo unko bulshu fayow. Qoys kastaaba waxa uu ku nool yahay guri. Gurina waa in uu noqdaa hoy aad roobka, qoraxda, dabaysha, kulaylka, qabowga ka dugsan kartid kuna dheehan yihiin raxmad, maxaba iyo ixtiraam. Hadaba qormadan waxa aan kaga hadli doonaa Guriga Caarada. Waxa laga yaaba in akhristuhu is waydiiyo tolow muxuu u jeedaa ee uu u soo qaatay sheekadan uu kaga hadlayo guriga caarada. Illaahay Subxaana wa Tacaallaa, waxa uu Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay qisaas iyo tusaalooyin ay tahay in aan ku cibro qaadano aadna u dhuguno si aan lababa u fahamno. Marka hore in aan cadamada Rabbi qirno gudanana Xaqqa Illahay inagu leeyahay. Marka xigta in la waanaajiyo wada-noolaashaha bulshada dhexdeeda oo is-qadarini ay ka dhaxayso. Aroor dhawayd aniga oo akhriyeya Suurat Al Cankabuut ayaa waxa i soo jiitay is-barbar dhigga Illaahay Subxaana wa Tacaala ku sameeyey Guriga Caarada iyo dadka Illaahay shariiga u yeela. Waxaanu Allah (Subxaana wa Tacaala) yidhi: {مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ} (29:41) (Kuwa Allah qayrkii caabuda waa sida Caarada dhisata guri, run ahaan guri oo dhan waxa ugu daciifsan kan caarada, waa haddii ay garanayaan). Waxa aan isla markiiba u dhaqaaqay dhinacaa iyo in aan daalacdo Tafsiirada kala duwan iyo qawlkii Culimada. Khayr Allah ha siiye Culimadii waaweynayd ee ina soo gaadhsiisay Diinta badankoodu sharaxa ay ka bixiyeen wuxu inta badan ka hadlayaa oo xoogga saareen fasiraadda dhinaca shirkiga kama ay hadal nooca uu yahay guriga caaradu. Maadaama aanay haysan iktishaaf ama badhista cilmi ee lagu sameeyey guriga caarada iyo nooca uu yahay iyo cilmigan oo soo if-baxay 100kii sano ee ugu dambeeyey, kadib markii ay boqolaal Saynisyahanno u kuurgaleen si ay wax uga ogaadaan. Waxa iyana cajiib ah, in Aayaddu tilmaamayso Caarada teeda dhidig. Ilaa iyo dhawaanahan ka hor lama ogaan in caarada dhedig tahay ta iyadu dhista guriga oo xuubka ay ku dhisto yahay shay ka soo baxa caloosheeda. Mukhluuqaadka oo dhan waxa ay gurigooda ka dhisaan walxo dhulka korkiisa laga helo caarada ma ahe. Xuubkan waa dun xariir ah weliba nooca xariirta ugu wanaagsan oo ay isku toshay ayey guriga ka dhisataa. Farsamada iyo dhismaha caaradu ku taagto gurigeeda waa handasada nooca ugu sareeysa. Waxay saynisyahannadu noo sheegeen haddii caaradu qof le’ekaan lahayd waxa ay dhisi lahayd xuub gaadhaya 150 meter. Marka la eego xoogga iyo quwadda duntaas waxa laga yaabi lahaa in diyaarad duulaysa ay qaban kari lahayd. Culimadu waxa ay inoo sheegeen, haddii guriga caarada loo ictibaaro dabin ay ku ugaadhsato, sida ay qolooyinka saynisku qabaan, Aayaddu sax ma noqoteen. Laakiin waxa dhab ah in aanu dabin ahyan ee uu maskan iyo hoy u yahay. Gurigeeduna ma laha khusuusiyaadkii guri lahaa oo waa guri dabaysha, qoraxda iyo wax kastaaba burburiyaan. Sidaas ayuu Illaahay ugu shabbahay kuwa asnaamta Illaahayo ka dhigta. Aniga oo runtii faham dheeraad ka helay aqwaashii kala duwanayd ee Culimadu ka bixiyeen sharaxa Aayaddan, ayaa waxa aan subax dhawayd daawaday inan yar oo Muslimad ah oo dalalkaa reer Galbeedka ah ku kortay kuna nool. Waxa aad ii soo jiidatay sida ay u macnaysay ee ay uga hadashay sharaxa Aayadan. Inantaa hadalkeedii wuxu dib ii soo xasuusiyey duruustii Zoology ee Sayniska, markii aan Dugsiga Sare ku jirnay ee la noo dhigi jiray xasharaadka oo Caaraduna ka mid ahayd. Weliba sida Caarada Madow (Black Spider) ay ninkeeda u cunto marka uu u tago kadib. Markii aan u sii kuurgalay ee aan raadiyey macluumaad kale oo dheeraad ah waxa ii soo baxay faham aan la tacajabay oo aan jeclaystay in aan idinkana idin la wadaago. Marka matal ama tusaale aan ku aragno Qur’aanka, wuxu Illaahay Subxaana wa Tacaalaa rabaa in uu wax inaga qarsoon inoo ifiyo, ama inaga daboolnaa inoo bayaamiyo ama hadal sarbeeb ah inoo kala caddeeyo. Matalkan ama is-barbardhiggan guriga caarada iyo kuwa asnaamta caabuda maxay iska shabbahaan? Guriga caaradu marka aad dusha ka aragtid waa guri xuub ka sameysan oo roob, qorax, dabayl, qabow, kulayl midna aanad ka dugsan karin. Waa guri ka caagan is-raaligelin iyo kalgacal oo aasaas u ah dhismaha qoys. Waa guri hooyadu cunto aabaha marka uu u tago kuna nasan karin oo uu naftiisa la baxsado si aan loo cunin. Waa guri hooyadu cunto caruurteeda, carurrtuna is cunaan. Inta ka badbaaddana ay ugu dambaynta hooyadood cunaan. Waa guri diiq ah oo aan masaaxad ku filan lahayn oo ay ku wada noolaan karaan oo aabo/hooyo/caruur iska wada takhlusayaan oo u wada baratamayaan masaaxadda yar. Waa guri ka caagan wada-noolashaha jinsiga, mana aha hoy lagu nasto ama lagu raaxaysto waana meel socotada iyo martidaba lagu cuno. Sidaa darteed dadka Illaah aan Allah ahayn Illaah ka dhigtaa waa kuwa sida gurigaa caarada aan helayn meel ay ku nastaan ama ku raaxaystaan if iyo aakhiraba. Culimadu markii ay sharxayeen Aayaddan, waxa ay sheegeen qofku marka uu wanaangsan yahay Illaahay matal wanaagsan ayuu ku soo qaata. Marka qofku Illaahii weynaa cibaadadiisii ka tago oo caabuda qayrkii wuxu Illaahay u soo qaataa matal xun sida kan guriga caarada oo ah guri lagu ba’ay ah. Tafsiiradii kala duwanaa iyo fahamkii guud waxa iiga soo baxay muhimadda qoysku u leeyahay nolosha iyo in aanay guryaheennu noqon sida guriga caarada, guri aan Tawxiidka laga aaminsanayn. Illaahay Subxaana wa Tacaala, wuxu inoo dooray Islam {الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا} (5:3) Waa in kalgacal iyo muxubo qoysku ku wada noolaado sida Illahay Aayddan hoose inoogu sheegay. {وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} (30:21) Waxa la rabaa in abbuhu qaato doorkiisii in uu yahay taliyaha guud ee qoyska, hooyadu qaadato doorkeeda ah in ay tahay taliyaha arrimaha gudaha ah ee qoyska. Caruurtu baari u noqdaan waalidkood oo u arkaan adeega ay u adeegayaan waalidkood waajib diini ah. Waalidku caruurta u duceeyaan, caruurtu waalidka u duceeyso, jacayl iyo isu soo hiloow noqoto nolosha ay ku wada nool yihiin. Guriga wanaagsan waa aasaaska nolosha iyo horrumarka bulshada. Waxa aan rabnaa guri waalidku ku soo koriyaan curruurtooda kala-danbayn, is-tixgelin, is-karaamayn maxaba, raxmad iyo caddaalad oo aan loo kala eexan. Si marka uu qofku bulshada dhex-galo kula noolaadaa macaamil wanaagsan oo wax-tar u leh bulshada oo dhan. Wax-tarkaas oo saameyn ku yeelanaya sidii bulshadu u heli lahayd - Madax amaano iyo hoggaamin leh, Garsoor caddaalad wax ku xukuma, Macaalin ku-dayashada mudan, Dhakhtar daryeela bukaanka, Askari waddani ah, farsamayaqaan daacad ah, iyo ganacsade ka daacad ah ganacsigiisa. Haddii kale qofku wuxu noqonayaa mid ka yimid guri la mida ka caarada oo kale. Qofkaasi wuxu bulshada dhexdeeda kula noolaanayaa sidii qof dab iyo baansiin gacmaha ku sita oo cid kasta oo uu la macaamilana gubaya. Qof kaas waa qof Allah ka cabsigu ku yar yahay xataa haddi uu cibaadaadkii la yimaaddo haddana wax-is-daba-marinta iyo ku-jiqsiinta ayuu u arkaa in uu ku faa’idayo. Hadaba aan bishan Ramadan uga faa’daysanno sidii aan isbedel dhab ah ula iman lahayn oo guryaheenna ka ilaalino in ay noqdaan ka caarada oo kale. Kana dhigno guri Illaahay lagu weyneeyo oo lagu cibaadaysto lagagana dhaqmo camalka kiisa wanaagsan. Marka guryaheennu u bataan guryo wanaagsan waxa ay isbedel la taaban karo ku sameynaysaa bulshadeena. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u shaqeeya kana hortaga wax kasta oo shar ah. Soom Maqbuul wa danban maqfuur. Allahuma Aamiin. - XISBIGA TIIR;

Abdulkadir dulyar Sunday, November 23, 2025
WARBIXIN: TAARIIKHO LA QALDAY.!! WQ:- Dulyar

•TAARIIKHO LA QALDAY.!! Haddii aad YouTube-yada daawato, ama aad akhriso buuggaagta tiro beelka ah ee la qoray burburka kadib, waxaad ogaaneysaa in si ku talagal ah looga been sheegay dhamaan taariikhdii uu dalkeenu lahaa, halgamadii la soo galay, noloshii bulshada, dowladihii na soomaray, dagaaladii aan la galnay Ethopia,horumarkii ka jiray dalkeena, xiriiradii aan lalaheyn Caalamka, kaalintii ay Soomaaliya ku laheyd xornimadii dalal ka tirsan Q/Africa, taxanihii Siyaasadeed ee dalkeena, sababaha keenay burburka dowladnimada, dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, doorkii jabahadihii hubeysnaa ay ku lahaayeen, shirarkii dib-u-heshiisiinta ee soomaalida dibadda loogu qabtay, aas-aaskii maxkamadaha Islaamiga, soo if bixii Argagixisada Shabaab iyo Daacish, intaa kuma ekaane xitaa waxaa laga been sheegay kitaabkii & Sunnihii Nabigeena Muxamed NNKH, dhaqankeenii suubanaa, Suugaanteenii, iyo dhibic kasta oo ka mid ah wixii dalkaan ka soo dhacay , kadib markii uu Qofwalba hortegay Microfoon 🎤 Wiilasha u hayaa aaney ku beenin karin naxliga iyo beenta uu la hor fadhiyo, Halkaa kuma ekaane, waxaa kaloo jira kumaanaan Rag iyo Dumar ah oo iyaguna taariikho iyo sheekooyin been lagu barxay qalinka u qaatay, dabadeedna daabacay, heer la gaaray in uu qofku taariikhdiisa quruxsado dabaadeedna uu buug ku qoro, kuna soo bandhigo meel fagaare ah. Maanta YouTube-yada Soomaalida waxaa dhex yaalla sheekooyin iyo taariikho wada been ah, oo ay rumeysteen dad badan oo aan war iyo wacaal u heyn wixii la soomaray, sidoo kale waxaa jira buuggaag laga qoray taariikho iyo dhacdooyin dalkeena ka dhacay, oo iyaguna intooda badan ah kuwa uu qofwalbaa u qoray sida uu isagu jecel yahay ama ay reerkiisu jecel yihiin, Halkaa markeey taagan tahay, shaki kuma jiro in fagaare lagu aaasay ama lagu lumiyay taariikh badan iyo dhacdooyin badan oo muhiim u ahaa dalka iyo jiilasha soo korayaba, kuwaasoo aan weli xaqiiqdooda dhabta laga daba tegin, haddii maanta la damco in taariikhdaa iyo noloshaa beenta lagu qooshay dib loo saxana, waxey qaadaneysaa waqti aad u dheer, oo la oran karo kama dhib yara raadinta midnimada Soomaaliya, WQ:- Abdulkadir Dulyar. Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Friday, May 23, 2025
WARBIXIN: SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} WQ/-Dulyar

•SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} Maryooleey markii ay waayeen tab iyo xeelad kale oo ay kaga qeyb galaan tartanka dhex yaala Social Media, kuna soo jiitaan ama ku helaan macaamiil farabadan oo xirfaddooda daawata, waxey dani ku qasabtay iney dhexdooda 🎤 isku qaataan, kaas oo loo bixiyay {Re-action} …mid ku xiiqaya falanqeynta hadal uu midkale yiri, labo is aflagaadeyneysa, labo qabyaalad lakala safan, labo isu jawaabeysa oo aan is aqoon, labo isku dhaaraneysa oo aan weligood is arag, labo is qabtay oo kala tagtay, labo is og oo xaalad abuur ah, iyo qaar kaloo badan. Nasiibdaro, hadda dadka Siyaasadda ka Ganacsada mucaarad iyo muxaafid-ba , waxaad moodaa iney dhalinyarada TikTok-leyda ah kaga daydeen hal abuur koodii loo bixiyay {Re-action} ka, waayoo waxaad arkeysaa Siyaasiyiin warbaahinta u hor imaanaya oo keliya iney 🎤 u qaataan Siyaasiyiin kale oo aragtidooda ka hadlay, halkii laga filayay iney bulshada la hor yimaadaan aragtiyo Siyaasadeed iyo hal abuuro waxtar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo lagaga deydo, ama ay ka hadlaan boqolaalka horumar & mushkilado ee isku milan ee maanta dalkeena ka jira. Sikastaba, waxaan dadka Siyaasadda ka ganacsada kula talin lahaa iney naga daayaan Siyaasadda ay TikTok-leyda ka soo Copy gareeyeen, taa bedelkeedana hadiiba ay warbaahinta la hadlayaan ay ka hadlaan qorshayaasha wada qabyada ah ee dalka ka jira…wax micna ah ma sameyneyso inaad 🎤 u qaadato siyaasi kale ama qofkale oo mucaarad ah ama muxaafid ah, ee bal si aan wax idinkaga faa’idno farsamo kale oo Siyaasadda loogu tartamo la imaado. FG:- Waan ogahay, mararka qaar Siyaasadda 🎤 u qaadashada ku dhisan hebelo isu jawaabista in wax lagu kala goosto. Mhdsndn Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Tuesday, February 18, 2025
WARBIXIN: MAXAA SOOMAALIYA KA HORTAAGAN DOWLAD XOOG LEH.!!. ?

Kitaabka Ibnu Khartoum “Raximullah” wuxuu chapter dhan kaga hadlayaa,Meesha ay Qabyaaladda iyo Odayaashu ku xoog badan yihiin dowlad kama dhalan karto, meesha ay ku xoog yar yihiin sida Masar iyo Shaam na dowlad xoog leh wey ka dhalan kartaa. Cajiib.!! Soomaaliya Qabiilkii ayaa galay booskii dowladda, isaga ayaa xukunka dalka lagu qeybsadaa, isaga ayaana dowladda lagu mucaaradaa oo lagu dhisaa ama lagu dumiyaa, waana sababta ay Soomaaliya uga dhalan la’dahay dowlad xoog leh oo dalka oo dhan xukunta. ,Waxaa xaqiiq ah ilaa xal loo helo ama ay daciifaan awooda Qabaa’iladu ineysan dowlad xoog lihi ka dhalan karin Soomaaliya, hadii aan kula qaadno qodobana waa:- •Qodobka koowaad:- Faragelinta ka faaideysaneysa qabyaaladda. Waxaan inbadan maqalnaa Qabiil inta shira fagaare ka oranaya, Dowladda waxaan kala noqonayaa kalsoonida hadii aan xil hebel nala siin, ama Dowladda u soo jeedinaya cambaareyn iyo dhaleeceyn. -Qodobka 2aad:- Faderaalisamka ku dhisan Qabaa’ilka:- Sida muuqata Federaalka dalkeena ka jira waa mid u eg sida in layiri Qabiil walba Maamul iyo Madaxweyne ha yeesho, Majiro wax Maamulada ceynkaan ku dhismay wax dhaqaale, ciidan iyo Siyaasad ah oo ay ku taageeraan Dowladda dhexe, balse taa bedelkeeda waxey carqalad iyo caga jugleyn ku hayaan Dowladda dhexe, mararka qaarna waxaad maqleysaa iyagoo leh Dowladda dhexe xiriirka ayaan u jarnay. Dhanka kale Federaalisamka Qabaliga ah waxa uu bulshadii wada nooleyd ka dhigay mid kala qobqoban oo aan is dhexgali karin, nasiibdaro dad Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer laga musaafuriyay dhul Soomaaliyeed, waxaa kaloo soo baxday in Qabiilo badan xaqoodii iyo xuquuqdoodii ay lunto, maadaama ay deegaan ahaan ku hoos dulman yihiin kuwa tunka weyn ee maamulada dhistay -Qodobka 3aad:- Qabyaaladda Siyaasiga ah, waayoo Siyaasaddii ijtimaaciga aheyd ayaa isku bedeshay siyaasad qabaa’il ah. Siyaasadda Qabaa’ilka ku dhisan waa mid 30 sano iyo dheeraad Soomaalida ku hogaamisay Dowladda taagta daran, nagana reebtay asaageen iyo tartanka maanta dunida loogu jiro horumarka iyo wax wada qabsiga. Waa ayaandaro iyo maan xumo in aan maanta aragti laga gudbay nus qarni ka hor Annagu ka raadino nolol iyo horumar, Soomaaliya uma baahna Siyaasad Qabaa’il ku tiirsan ee waxey u baahan Siyaasad qabiilka ka madax banaan oo ku dhisan hogaamiye aragti dheer leh oo samata bixin kara dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaase wax walba ka horeeya in isbedel uu ku dhaco dadka hada Reer hebelka Magaalooyinka ugu kala urursan, loona gudbo in dadku isdhexgalo iyadoo qofka Soomaaliga ah isagoo aan wax cabsi & kala lahaanshiya ah dareemeyn islamarkaana Dowladda jirtaa ay u damaanad qaadeyso waxwalba oo ku saabsan amnigiisa iyo xuquuqdiisa inuu ku noolaan karo magaalo walba oo uu jecleysto. Soomaaliya weligeed waxey aheyd Allah yaqaan oo waa tan tiraahda “Waryaa Alla yaqaan” Annagoo Allah caabud ah ayaan mar qudha noqonay “Qabiil caabud”. WQ/-..........!! Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Saturday, February 8, 2025