SOOMAALIYA: QOFKA NABAD GELI-SI UU QARANKU U NABAD GALO.’
Fikirka amniga qaran badanaa waxaa lagu sawiraa ciidan xoog badan oo sugan, kaas oo ay u dhanyihiin: agabkii ciidan uu lahaa, xuquuqdii uu lahaa, tababarkii uu u baahnaa, tiro iyo tayoba, xuduud la ilaaliyo, dowlad xoog leh, calan iyo ciidamo heegan ah. Laakiin haddii aynu runta u jeedsanno, amniga dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa qofka — naftiisa, noloshiisa, maankiisa, iyo fursadaha uu ku noolaan karo isaga oo cabsi la’aan ah.
Barry Buzan, oo ah saynisyahan siyaasadeed, buuggiisa caanka ah People, States & Fear, wuxuu nagu barayaa in amniga aanu ku bilaabmin qaranka, ee uu ku bilaabmo qofka laftiisa. Qof amni la’aan ah ma dhisi karo bulsho amni leh; bulsho amni la’aan ahi ma dhisi karto dawlad amni leh; dawlad amni la’aan ahi ma difaaci karto dad amni leh. Waa silsilad isku xirran — midda ugu hooseeysana waa qofka laftiisa.
Sidaas oo kale, haddii aynu eegno xaaladda Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in markii uu qofka Soomaaliyeed amni waayey uu qarankeenii ku burburay isla gacanta kuwii ay ahayd in ay sugaan amniga dadka. Waa halka uu qofka Soomaaliyeed ku waayey in la qadariyo, lana tixgeliyo — taas oo keentay in qaranku noqdo mid intii waqti ahba ku wareegaya meerto-gaar ah oo aan dhammaad lahayn: cabsi, kalsooni-darro iyo burbur bulsho.
Buzan wuxuu leeyahay:
“Qof amni-darro ku jira wuxuu lumiyaa awooddii uu ku noqon lahaa qof shaqaynaya.”
Taasi waa nuxurka dhibaatada ka jirta Soomaaliya: qofka oo lumiyey awooddiisii shaqsiyadeed, bulshada oo lumisay isku halayntii, & dawladdii oo lumisay sharciyaddii ay ku fulin lahayd mas’uuliyaddeeda. (Waxaa tusaale kuugu filan Booliis ka cabana amni xumo haysata kadib markii lagu qabsaday dhul ay deganaayeen 1940-tanaadkii).
Qofka Soomaaliyeed wuxuu u nool yahay jawi uu maalin walba ka filan karo cabsi:– cabsi dhaqaale,– cabsi amni jireed ah,– cabsi sharci-darro leh,– cabsi siyaasadeed,– cabsi cimilo isbeddelaysa,– cabsi caafimaad-darro, iyo– cabsi bulsho.
Marka cabsi noocan ahi ku wareegto qofka, wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof bulsho-dhise ah; wuxuu joojiyaa inuu noqdo muwaadin firfircoon; wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof ku dhiirran dhisidda mustaqbal ifaya. Waxaa ka muuqda waxyaabo uu Buzan ku tilmaamo “amni-darro shakhsiyeed oo joogto ah.” Waa halka uu qofku ku noolyahay nolol amni-darro oo joogto ah, taas oo duminaysa tiir kasta oo dawladnimo iyo bulsho leedahay — waa marka aan la ilaalin “nolosha qofka muwaadinka ah.”
Haddii uu helo qofka Soomaaliga ahi ammaan dhan-kastaba leh, deeto qarankuna ammaan ayuu helayaa. Maxaa yeelay dal amni leh waxaa dhisa dad amni leh; dad amni leh waxaa dhisa dowlad u taagan ilaalintooda; dowlad u taagan ilaalintoodu waxaa dhisa bulsho aaminsan qiimaha nabadda. Marka amniga qofka la soo celiyo:– dhaqaalaha wuu koraa,– siyaasadda way degtaa,– bulshada kalsoonidu way u soo noqotaa,– qaranimaduna waxay yeelataa macno.( Waxaa tusaale fiican kuugu filan amniga ka jira Magaalada Muqdisho beryahaan oo dad badan oo shacab ahi ay aad ugu diirsadeen).
Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay dib ugu noqoto aragtida Buzan: Qofka muwaadinka ah Nabad Gelyo sii – si uu Qaranku u Nabad Galo.
WQ: Farhan Ali Ahmed
No comments