•Maxaa Loo La’yahay Madax Soomaaliyeed oo Ka Aragti Sareeya Waqtigooda?
Filasoofkii weynaa ee reer Faransiis, Voltaire, ayaa qaba:
“Qof walba waa makhluuq ku garaad ah waqti-xaadirka uu nool yahay; in yar oo ragga ka mid ah ayaa la iman kara fikirrado ka sareeya waqtigooda.”
Oraahdan gaaban waxay noogu yeeraysaa inaan isweydiinno: Maxaa maanta Soomaaliya looga la’yahay rag iyo haween ka aragti fog waqtigooda, oo u istaagi kara badbaadinta ummad ku dhex jirta juqraafi-siyaasadeed casri ah oo aad u bahaloobay?
Haddaba ma la dhihi karaa Soomaalidu waa ummad ku dhex go’doonsan waqtigeeda? Marka aad u fiirsato, Soomaalidu waxay ku nooshahay dunida casriga ah balse waxay inta badan u dhaqantaa sida bulsho ku nool boqolaal sano ka hor—xeer, qabiil, caado dhaqameed, ceeb, ciil, iyo colaado aroor iyo galab la abuurayo, gobolaysi, musuqmaasuq, eex, siyaasad shaqsi ku dhisan, iyo cabasho uu qof kastaa iyo qabiil kastaa cabanayo halkii uu la imaan lahaa aragti fog, qorshe, iyo siyaasad qaran. Aqoonyahanno badanna waxay ku doodaan in ay xaalad adag tahay oo xanibaysa in qof Soomaaliyeed uu la yimaado fikir ka sarreeya waqtigiisa uuna noqdo hoggaamiye aragti-dheer leh.
Dooddan ayaa waxay oranaysaa:
“Ummad khariban hoggaamiye wanaagsan ma soo saari karto.”
Laakiin anigu waxaan qabaa in dhib weyn jiro—laakiin taasi macnaheedu ma aha in dhibka na haystaa uu noqdo sharci aan laga bixikarin. Waxaana tusaale ugu filan waddamo badan oo maanta quwadaha adduunka ka mid ah sida Japan, Germany, France — waxay soo mareen burbur daran sida dalkeena Soomaaliya. Balse waxay heleen:
• dad sheegta waxaan noqon karnaa waxa aan nahay wax ka wanaagsan,
• hoggaamiyeyaal diiday inay ku milmaan dhibaatooyinka waqtigooda,
• dad ay aragtidu ka hormartay xaaladda jirta.
Soomaaliyana weli way leedahay dad sidaas ah — waxayna u badan yihiin kuwa aamusan, kuwa aqoonta leh laakiin aan fursad helin, kuwa daacadnimada qaba laakiin xishoonaya, kuwa jecel in wax la saxo laakiin ay 4.5 gacma xirtay. Sidoo kale: nidaamka siyaasadda, dhaqanka qabiilka, cabsi gelinta bulshada, dagaal-oogayaasha, iyo shabakadaha musuqmaasuqa ayaa ka hor istaaga inay dibadda u soo baxaan oo ay hoggaan dalka noqdaan.
Ummaddu maanta ma raadineyso nin xoog leh, sidoo kale ma raadineyso nin qabiil-weyn ka dhashay ama nin maalqabeen ah. Laakiin waxay raadineysaa: nin ama haweeney aragti leh, qof ka garnaqa dhaawaca ummadda, qof eegaya mustaqbalka fog, qof ka madaxbannaan xukun-jacaylka iyo qabiilaysiga iyo kooxaysiga, qof tilmaami kara waddo cusub.
Hoggaamiye sidan oo kale ah ma dhalan karo ilaa ay jirto: bulsho diyaar u ah isbeddel, nidaam furan oo u oggolaanaya kartida, aqoonyahanno ku dhiirrada inay noqdaan iftiinka bulshada, iyo da’yar hami iyo damiir leh.
WQ/- Farhan Ali Ahmed.
No comments