•SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action}
Maryooleey markii ay waayeen tab iyo xeelad kale oo ay kaga qeyb galaan tartanka dhex yaala Social Media, kuna soo jiitaan ama ku helaan macaamiil farabadan oo xirfaddooda daawata, waxey dani ku qasabtay iney dhexdooda 🎤 isku qaataan, kaas oo loo bixiyay {Re-action} …mid ku xiiqaya falanqeynta hadal uu midkale yiri, labo is aflagaadeyneysa, labo qabyaalad lakala safan, labo isu jawaabeysa oo aan is aqoon, labo isku dhaaraneysa oo aan weligood is arag, labo is qabtay oo kala tagtay, labo is og oo xaalad abuur ah, iyo qaar kaloo badan.
Nasiibdaro, hadda dadka Siyaasadda ka Ganacsada mucaarad iyo muxaafid-ba , waxaad moodaa iney dhalinyarada TikTok-leyda ah kaga daydeen hal abuur koodii loo bixiyay {Re-action} ka, waayoo waxaad arkeysaa Siyaasiyiin warbaahinta u hor imaanaya oo keliya iney 🎤 u qaataan Siyaasiyiin kale oo aragtidooda ka hadlay, halkii laga filayay iney bulshada la hor yimaadaan aragtiyo Siyaasadeed iyo hal abuuro waxtar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo lagaga deydo, ama ay ka hadlaan boqolaalka horumar & mushkilado ee isku milan ee maanta dalkeena ka jira.
Sikastaba, waxaan dadka Siyaasadda ka ganacsada kula talin lahaa iney naga daayaan Siyaasadda ay TikTok-leyda ka soo Copy gareeyeen, taa bedelkeedana hadiiba ay warbaahinta la hadlayaan ay ka hadlaan qorshayaasha wada qabyada ah ee dalka ka jira…wax micna ah ma sameyneyso inaad 🎤 u qaadato siyaasi kale ama qofkale oo mucaarad ah ama muxaafid ah, ee bal si aan wax idinkaga faa’idno farsamo kale oo Siyaasadda loogu tartamo la imaado.
FG:- Waan ogahay, mararka qaar Siyaasadda 🎤 u qaadashada ku dhisan hebelo isu jawaabista in wax lagu kala goosto. Mhdsndn
Maxaa Yaab Isdabayaal
No comments