WAJIGAGA DHABTA AH & IS-YEEL YEELKA DUNIDA.!!!

Wejiga Dhabta ah iyo Dunida Is-yeel yeelka! “I was ashamed of myself when I realized life was a costume party, and I attended with my real face.” Oraahdan waxaa laga hayaa qoraaga reer Jarmal Franz Kafka. Mararka qaar qofku wuxuu nolosha u maraa isagoo aaminsan in runta, daacadnimada, iyo wejiga dhabta ahi ay ku filan yihiin nolol suuban. Wuxuu rumaysan yahay in hadalka tooska ah iyo niyadda furan ay keenaan faham iyo kalsooni. Hase yeeshee, marka waayo-aragnimadu kororto oo indhuhu furmaan, waxaa soo baxda xaqiiqo kale: noloshu marar badan waa xaflad ay dadku ku lebisan yihiin wajiyaal aysan lahayn. Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: “Wa maadeeys adduunyadu, dadkuna way matalayaan.” Oraahda Franz Kafka waxay iftiiminaysaa dareen qaraar oo qofku la kulmo marka uu ogaado in dadka badankood aysan isu muujin sida ay dhab ahaan u yihiin. Dadku waxay xirtaan “dhar” ka samaysan dano, cabsi, danaysi, iyo la-qabsasho bulsho. Tusaale ahaan, haddii aad warsato qof aragtidiisa siyaasadeed, inta badan wuxuu ku siinayaa fikirka kooxda uu ka tirsan yahay, kan qabiilkiisa, ama kan mabda’a uu ku dhex jiro—ma aha aragti ka timid maskaxdiisa gaarka ah. Sidoo kale, marka shaqo ama xil la raadinayo, dad badan waxay muujiyaan akhlaaq iyo mowqif aysan rumaysnayn, si ay u helaan aqbalid ama fursad. Dhinaca kale, dhaqanka shukaansiga ayaa si cad u muujinaya is-yeelyeelka. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Been ku soo xero geli, runna ku dhaq.” Marka la shukaansanayo, qof walba wuxuu soo bandhigaa dhankiisa ugu quruxda badan; ballanqaadyo waa la badiyaa, “geedkaad ku dhegto waan kuu gooynayaa” ayaa la yiraahdaa. Laakiin marka laysla aqal galo, runta ayaa si tartiib ah u soo baxda, wajigii dhabta ahaana wuu is muujinayaa. Markaad adigu la hadasho dadka adigoo wata wejigaaga dhabta ah—run, daacadnimo, iyo qalbi furan—waxaad mararka qaar dareemaysaa kalinimo iyo yax-yax, maadaama aad ku sugan tahay dhabnimo halka inta kale ay ku sugan yihiin matalaad. Qofka runta ku hadla waxaa lagu tilmaami karaa mid “adag”, ama xitaa “khatar ku ah nidaamka jira”. Ceebta halkan ku jirta ma aha mid ka dhalata runta lafteeda, balse waa mid ka dhalata garashada ah in dunidu marar badan abaalmarin siiso muuqaalka, halkii ay siin lahayd macnaha. Qofka daacadda ahi wuxuu noqon karaa mid la fahmi waayo ama la iska indho tiro, halka kan wajiga beddelashada yaqaan uu si fudud ugu dhex milmo bulshooyinka. Sidaas darteed, su’aashu ma aha oo keliya in la xirto waji been ah iyo in kale, balse waa: ma mudan tahay in la waayo naftaada si aad ula qabsato bulsho, mise in aad ku adkaysato runtaada, xataa haddii ay kugu keento kalinimo iyo go’doon? Kafka xal cad naguma siiyo su’aashan, balse wuxuu inoo muujinayaa xaqiiqo muhiim ah: adduunyadu inta badan waxay ku dhisan tahay is-yeelyeel, qof walbana wuxuu sitaa waji-dabool ama mask. Fahamka dabeecaddan aadanaha—iyo aqbalidda in matalaaddu qayb ka tahay nolosha—waa tallaabada koowaad ee qofku ku ilaalin karo miyirkiisa, kagana badbaadi karo inuu ku lumo ciyaar uusan isagu dejin. WQ/- Farhan Ali Ahmed

No comments