SHIRKA KISMAAYO:SHALAY & MAANTA isu ekaa.!!!
Waxaa goor dhow soo xirmay shirkii maalmahaan magaalada Kismaayo uga socday xubnaha mucaaradka ah ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 17 qodob, oo nuxurkoodu yahay in Golahani uu si weyn u diidan yahay waxkasta oo aan heshiis lagu wada aheyn oo ay dowladda federaalka ahi waqtigaan dalka ka wado sida: •doorashada Qof & Codka ah ee heer Gobol iyo heer Federal,
•Wax ka bedelka destuurka KMG ah,
•In hey’adaha destuuriga ahi ay sameystaan muddo kororsi,
•Baaq loo jeediyay Madaxweyne HSM oo ku saabsan in 30 maalmood gudahood uu gogol isugu keeno saamileyda Siyaasadeed ee dalka, iyo qodobo kaloo qaarna lagu qurxiyay War Murtiyeedka, qaarna dib loogu dhigay mustaqbalka & waxa dhici doona.
Halkaa markeey taagan tahay, fadlan hala yaabin, oo fajac yaaney kugu noqon In ay sidaan wax u dhacaan, maxaa yeelay Siyaasiyiin teenu waxey noogu soo celceliyaan hal filim oo aan ku daalnay daawashadiisa, sababtuna waa ka aradnaanta hal abuurka & u hindisid la'aanta dalka siyaasad cusub oo hor-u- socod ah oo ka bedelan kuwii aan horay u soo aragnay.
SHALAY: 2019-kii: mucaaradka dowladdii Farmaajo oo uu hogaaminayo MD Xasan Sh Mohamuud ayaa Muqdisho kaga dhoofay diyaarad gaar ah safarkooda Kismaayana waxey ku sheegeen ka qeybgalka caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay xiligaa dowladdii jirtay aad u saluugsaneyd sharciyaddiisa maamul, Sida la wada ogsoon yahayna Safarkaasi ma aheyn mid loo aaday jaceyl iyo xiisa gaar ah oo loo qabay hogaamiyaha Jubaland ee wuxuu ahaa mid ay mucaaradku ku xumeynayeen dowladdii Farmaajo oo la ogaa iney diidan tahay doorashadii Axmed Madoobe.
MAANTA: 6 sano kadib, sanadku waa 2025ka, waqtigu waa waqtigii, mucaaradka & muxaafidku waa isla kuwii oo ay qaarkood maaliyaddaha kala bedesheen, maamulada wax diidani waa Puntland & Jubaland tii shalay, eedaha leysku jeedinayo waa isla kuwii un, muranka & safarkuna waa kii oo kale oo waxaa Muqdisho diyaarado looga daad gureeyay mucaaradka dowladda MD Hassan Sh.Mohamuud oo uu doorkan hogaaminayo MD Shariif Sh.Ahmed, safarkaanina waxa uu dhanka MD Ahmed Madoobe uga dhigan yahay caleema saarka doorashadiisii lagu muransanaa ee dhacday 2024tii, maadaama uu weli Madaxweyne Xasan Sheikh ka gows adeygayo in uu aqoonsado, si la mid sidii ay mucaaradku 2019kii ugu cimaamadeen kismaayo iyagoo ku xumeynaya dowladdii Farmaajo oo iyaduna sidaan oo kale waqtigaa u diidaneyd daorashadii ka dhacday Jubaland,
Sikastaba ha ahaatee, dadka ku xeel dheer Siyaasadaha is diidan ee dalkeenu waxey qabaan in War Murtiyeedka ka soo baxay Shirka Kismaayo uu yahay shixnad cusub oo lagu jebinayo sicirka Siyaasadda iyo badeecadda Qof & Codka ah ee uu xiligaan suuqa ku iibinayo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud,taasoo la rumeysan yahay in uu ku bixiyay waqti iyo maal farabadan,inkadtoo dhanka mucaaradka lagu dhaliili karo is aaminaad la'aanta ka muuqatay dhexdooda mudadii uu shirku socday iyo ineysan suuqa la imaan nooca doorasho oo ay doonayaan in dalka laga qabto, isku soo duuboo mar haddii uu waqtigu gabaabsi ku yahay madaxda dowladda federaalka ah lana soo barbar dhigtay badeeco kale oo Siyaasadeed waxey doonto ha ahaatee, waxa ay labada dhinacba ugu dambeyn ku qasban yihiin iney la yimaadaan isu-tanasul iyo dabacsanaan looga gudbo waqtigaan adag ee kala guurka ah dalkana looga badbaadiyo is qabqabsi iyo in uu galo hubanti la’aan Siyaasadeed.
Maxaa Yaab Isdabayaal.!!!
WQ:- Abdulkadir Dulyar
No comments