Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Dr. Maryan Qasim oo maanta loo doortay Gudoomiyaha guddiga madaxda banaan ee Xuquuqul InsaankaQaranka, in hey’ad madax banaan oo noocaan ah uu dalkeenu yeeshana waa tilaabo wanaagsan oo horey loo qaaday.
Dabcan Hey’addan waxaa hortaalla howlo farabadan oo u baahan in loogu hiiliyo kuwa tabarta yar ee dulmanayaasha u ah kuwa xoogga leh, sidoo kale waxaa laga rabaa iney u hadlaan kuwa aan hadli karin ee dulman, waayoo dalkeena waxaa ka dhaca tacaddiyo fara badan oo inta la ogaado ay ka badan tahay inta aan la ogaan ee qarsoon,
Marka xiga, waxaan rabaa inaan hal qodob Guddigaan, hey’adaha Amniga ee DFS, & Maamulada dalka ka jira oo dhan ku baraarujiyo, waana xadgudubyo iyo tacaddiyo laga soo gudbinayo xarumaha dhaqan celinta meel kastoo ay dalka kaga yaallaan kuwaas oo aan rabo in si joogta ah loola socdo waxyaabaha ka dhex socda.
Ma lihi xarumahaas oo dhan waa wada xun yihiin, balse waxaa jira kuwa badan oo xadgudubyo waaweyn laga soo gudbinayo lana soo dhigo baraha bulshada, gaar ahaan Center-da lagu dhaqan celiyo dumarka & Caruurta, maadaama goobahaa leysugu keeno dad ay duruufahoodu si weyn u kala duwan yihiin, qaarkood ay yihiin kuwa qurbaha laga keenay, qaar Drogs ka qabatimay iyo kuwo loo geeyay Center-da waalid caasi iyo wareeg I.W.M.
Sida xoguhu sheegayaan tacadiyada iyo cabashada ugu badan waxaa goobaha dhaqan celinta ka geysta ama laga soo gudbiyaa dadka gudaha ka shaqeeya Rag iyo Dumar waxey doonaan ha ahaadaane, waxaana laga yaabaa in aysan maamulayaashu arrinkaas waxbadan kala socon,
•Sidoo kale waxaa jira kuwa badanoo ay waalidiintood dhinteen oo ay qaraabadoodu geysay xarumahaas oo aaney jirin cid la socota xaaladahooda,
•Iyo Dumar la ii sheegay in Rag qasab loogu daray oo ay diideen darteed loo geeyay xarumahaas sidaana ay uga ilma dhalaan iyadoo uu waalidkoodna raali uga yahay.!!!
Sikastaba, waxaan Gudoomiye Dr Maryan Qasim iyo teamkeeda, Hey’adaha Amniga ee dalka, & dhamaan maamulada dalka ka jira oo dhan ka codsanayaa in Xarumahaas indhaha lagu hayo, mararka qaar si kadiso ah oo joogta ah loo kormeero iyadoo loo dhaba galayo xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka xarumahaas lagu dhaqan celiyo, waana in qof qof loola yeesho wareysiyo gaar ah, sidoo kalena waa in lagu sameeyo baaritaano jireed iyo mid maskaxeed.
FG: Xarumaha dhaqan celintu waa u muhiim xilligaan dalkeena waana Center-ro loo baahan yahay, balse lama dafiri karo iney jiraan kuwa badan oo ay ka dhex dhacaan tacadiyo qarsoon oo u baahan in lagula xisaabtamo.!!
Maxaa Yaab Isdabayaal
WQ/-Abdulkadir Dulyar
FARIIN KU SOCOTA Dr Maryan Qasim: Fadlan u kuurgal tacaddiyada ka dhex dhaca Xarrumaha dhaqan celinta dalka.!!
Abdulkadir dulyar
Wednesday, February 4, 2026