Most Recent

WARBIXIN: Maxaa loo la’yahay madax ka aragti sareysa waqtigooda.!!.!!
•Maxaa Loo La’yahay Madax Soomaaliyeed oo Ka Aragti Sareeya Waqtigooda? Filasoofkii weynaa ee reer Faransiis, Voltaire, ayaa qaba: “Qof walba waa makhluuq ku garaad ah waqti-xaadirka uu nool yahay; in yar oo ragga ka mid ah ayaa la iman kara fikirrado ka sareeya waqtigooda.” Oraahdan gaaban waxay noogu yeeraysaa inaan isweydiinno: Maxaa maanta Soomaaliya looga la’yahay rag iyo haween ka aragti fog waqtigooda, oo u istaagi kara badbaadinta ummad ku dhex jirta juqraafi-siyaasadeed casri ah oo aad u bahaloobay? Haddaba ma la dhihi karaa Soomaalidu waa ummad ku dhex go’doonsan waqtigeeda? Marka aad u fiirsato, Soomaalidu waxay ku nooshahay dunida casriga ah balse waxay inta badan u dhaqantaa sida bulsho ku nool boqolaal sano ka hor—xeer, qabiil, caado dhaqameed, ceeb, ciil, iyo colaado aroor iyo galab la abuurayo, gobolaysi, musuqmaasuq, eex, siyaasad shaqsi ku dhisan, iyo cabasho uu qof kastaa iyo qabiil kastaa cabanayo halkii uu la imaan lahaa aragti fog, qorshe, iyo siyaasad qaran. Aqoonyahanno badanna waxay ku doodaan in ay xaalad adag tahay oo xanibaysa in qof Soomaaliyeed uu la yimaado fikir ka sarreeya waqtigiisa uuna noqdo hoggaamiye aragti-dheer leh. Dooddan ayaa waxay oranaysaa: “Ummad khariban hoggaamiye wanaagsan ma soo saari karto.” Laakiin anigu waxaan qabaa in dhib weyn jiro—laakiin taasi macnaheedu ma aha in dhibka na haystaa uu noqdo sharci aan laga bixikarin. Waxaana tusaale ugu filan waddamo badan oo maanta quwadaha adduunka ka mid ah sida Japan, Germany, France — waxay soo mareen burbur daran sida dalkeena Soomaaliya. Balse waxay heleen: • dad sheegta waxaan noqon karnaa waxa aan nahay wax ka wanaagsan, • hoggaamiyeyaal diiday inay ku milmaan dhibaatooyinka waqtigooda, • dad ay aragtidu ka hormartay xaaladda jirta. Soomaaliyana weli way leedahay dad sidaas ah — waxayna u badan yihiin kuwa aamusan, kuwa aqoonta leh laakiin aan fursad helin, kuwa daacadnimada qaba laakiin xishoonaya, kuwa jecel in wax la saxo laakiin ay 4.5 gacma xirtay. Sidoo kale: nidaamka siyaasadda, dhaqanka qabiilka, cabsi gelinta bulshada, dagaal-oogayaasha, iyo shabakadaha musuqmaasuqa ayaa ka hor istaaga inay dibadda u soo baxaan oo ay hoggaan dalka noqdaan. Ummaddu maanta ma raadineyso nin xoog leh, sidoo kale ma raadineyso nin qabiil-weyn ka dhashay ama nin maalqabeen ah. Laakiin waxay raadineysaa: nin ama haweeney aragti leh, qof ka garnaqa dhaawaca ummadda, qof eegaya mustaqbalka fog, qof ka madaxbannaan xukun-jacaylka iyo qabiilaysiga iyo kooxaysiga, qof tilmaami kara waddo cusub. Hoggaamiye sidan oo kale ah ma dhalan karo ilaa ay jirto: bulsho diyaar u ah isbeddel, nidaam furan oo u oggolaanaya kartida, aqoonyahanno ku dhiirrada inay noqdaan iftiinka bulshada, iyo da’yar hami iyo damiir leh. WQ/- Farhan Ali Ahmed.

Abdulkadir dulyar Wednesday, November 26, 2025
WARBIXIN:GURIGA CAARADA, “Isbedelka nolosha”
ISBEDELKA NOLOSHA: Guriga Caarada.!! Qormadan waxa aan kaga hadli doonaa isbedelka wada noolaanshuhu qoyska u leeyahay horrumarka bulshada. Sida aan ogsoon nahay qoysku waa halka laga soo unko bulshu fayow. Qoys kastaaba waxa uu ku nool yahay guri. Gurina waa in uu noqdaa hoy aad roobka, qoraxda, dabaysha, kulaylka, qabowga ka dugsan kartid kuna dheehan yihiin raxmad, maxaba iyo ixtiraam. Hadaba qormadan waxa aan kaga hadli doonaa Guriga Caarada. Waxa laga yaaba in akhristuhu is waydiiyo tolow muxuu u jeedaa ee uu u soo qaatay sheekadan uu kaga hadlayo guriga caarada. Illaahay Subxaana wa Tacaallaa, waxa uu Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay qisaas iyo tusaalooyin ay tahay in aan ku cibro qaadano aadna u dhuguno si aan lababa u fahamno. Marka hore in aan cadamada Rabbi qirno gudanana Xaqqa Illahay inagu leeyahay. Marka xigta in la waanaajiyo wada-noolaashaha bulshada dhexdeeda oo is-qadarini ay ka dhaxayso. Aroor dhawayd aniga oo akhriyeya Suurat Al Cankabuut ayaa waxa i soo jiitay is-barbar dhigga Illaahay Subxaana wa Tacaala ku sameeyey Guriga Caarada iyo dadka Illaahay shariiga u yeela. Waxaanu Allah (Subxaana wa Tacaala) yidhi: {مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ} (29:41) (Kuwa Allah qayrkii caabuda waa sida Caarada dhisata guri, run ahaan guri oo dhan waxa ugu daciifsan kan caarada, waa haddii ay garanayaan). Waxa aan isla markiiba u dhaqaaqay dhinacaa iyo in aan daalacdo Tafsiirada kala duwan iyo qawlkii Culimada. Khayr Allah ha siiye Culimadii waaweynayd ee ina soo gaadhsiisay Diinta badankoodu sharaxa ay ka bixiyeen wuxu inta badan ka hadlayaa oo xoogga saareen fasiraadda dhinaca shirkiga kama ay hadal nooca uu yahay guriga caaradu. Maadaama aanay haysan iktishaaf ama badhista cilmi ee lagu sameeyey guriga caarada iyo nooca uu yahay iyo cilmigan oo soo if-baxay 100kii sano ee ugu dambeeyey, kadib markii ay boqolaal Saynisyahanno u kuurgaleen si ay wax uga ogaadaan. Waxa iyana cajiib ah, in Aayaddu tilmaamayso Caarada teeda dhidig. Ilaa iyo dhawaanahan ka hor lama ogaan in caarada dhedig tahay ta iyadu dhista guriga oo xuubka ay ku dhisto yahay shay ka soo baxa caloosheeda. Mukhluuqaadka oo dhan waxa ay gurigooda ka dhisaan walxo dhulka korkiisa laga helo caarada ma ahe. Xuubkan waa dun xariir ah weliba nooca xariirta ugu wanaagsan oo ay isku toshay ayey guriga ka dhisataa. Farsamada iyo dhismaha caaradu ku taagto gurigeeda waa handasada nooca ugu sareeysa. Waxay saynisyahannadu noo sheegeen haddii caaradu qof le’ekaan lahayd waxa ay dhisi lahayd xuub gaadhaya 150 meter. Marka la eego xoogga iyo quwadda duntaas waxa laga yaabi lahaa in diyaarad duulaysa ay qaban kari lahayd. Culimadu waxa ay inoo sheegeen, haddii guriga caarada loo ictibaaro dabin ay ku ugaadhsato, sida ay qolooyinka saynisku qabaan, Aayaddu sax ma noqoteen. Laakiin waxa dhab ah in aanu dabin ahyan ee uu maskan iyo hoy u yahay. Gurigeeduna ma laha khusuusiyaadkii guri lahaa oo waa guri dabaysha, qoraxda iyo wax kastaaba burburiyaan. Sidaas ayuu Illaahay ugu shabbahay kuwa asnaamta Illaahayo ka dhigta. Aniga oo runtii faham dheeraad ka helay aqwaashii kala duwanayd ee Culimadu ka bixiyeen sharaxa Aayaddan, ayaa waxa aan subax dhawayd daawaday inan yar oo Muslimad ah oo dalalkaa reer Galbeedka ah ku kortay kuna nool. Waxa aad ii soo jiidatay sida ay u macnaysay ee ay uga hadashay sharaxa Aayadan. Inantaa hadalkeedii wuxu dib ii soo xasuusiyey duruustii Zoology ee Sayniska, markii aan Dugsiga Sare ku jirnay ee la noo dhigi jiray xasharaadka oo Caaraduna ka mid ahayd. Weliba sida Caarada Madow (Black Spider) ay ninkeeda u cunto marka uu u tago kadib. Markii aan u sii kuurgalay ee aan raadiyey macluumaad kale oo dheeraad ah waxa ii soo baxay faham aan la tacajabay oo aan jeclaystay in aan idinkana idin la wadaago. Marka matal ama tusaale aan ku aragno Qur’aanka, wuxu Illaahay Subxaana wa Tacaalaa rabaa in uu wax inaga qarsoon inoo ifiyo, ama inaga daboolnaa inoo bayaamiyo ama hadal sarbeeb ah inoo kala caddeeyo. Matalkan ama is-barbardhiggan guriga caarada iyo kuwa asnaamta caabuda maxay iska shabbahaan? Guriga caaradu marka aad dusha ka aragtid waa guri xuub ka sameysan oo roob, qorax, dabayl, qabow, kulayl midna aanad ka dugsan karin. Waa guri ka caagan is-raaligelin iyo kalgacal oo aasaas u ah dhismaha qoys. Waa guri hooyadu cunto aabaha marka uu u tago kuna nasan karin oo uu naftiisa la baxsado si aan loo cunin. Waa guri hooyadu cunto caruurteeda, carurrtuna is cunaan. Inta ka badbaaddana ay ugu dambaynta hooyadood cunaan. Waa guri diiq ah oo aan masaaxad ku filan lahayn oo ay ku wada noolaan karaan oo aabo/hooyo/caruur iska wada takhlusayaan oo u wada baratamayaan masaaxadda yar. Waa guri ka caagan wada-noolashaha jinsiga, mana aha hoy lagu nasto ama lagu raaxaysto waana meel socotada iyo martidaba lagu cuno. Sidaa darteed dadka Illaah aan Allah ahayn Illaah ka dhigtaa waa kuwa sida gurigaa caarada aan helayn meel ay ku nastaan ama ku raaxaystaan if iyo aakhiraba. Culimadu markii ay sharxayeen Aayaddan, waxa ay sheegeen qofku marka uu wanaangsan yahay Illaahay matal wanaagsan ayuu ku soo qaata. Marka qofku Illaahii weynaa cibaadadiisii ka tago oo caabuda qayrkii wuxu Illaahay u soo qaataa matal xun sida kan guriga caarada oo ah guri lagu ba’ay ah. Tafsiiradii kala duwanaa iyo fahamkii guud waxa iiga soo baxay muhimadda qoysku u leeyahay nolosha iyo in aanay guryaheennu noqon sida guriga caarada, guri aan Tawxiidka laga aaminsanayn. Illaahay Subxaana wa Tacaala, wuxu inoo dooray Islam {الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا} (5:3) Waa in kalgacal iyo muxubo qoysku ku wada noolaado sida Illahay Aayddan hoose inoogu sheegay. {وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} (30:21) Waxa la rabaa in abbuhu qaato doorkiisii in uu yahay taliyaha guud ee qoyska, hooyadu qaadato doorkeeda ah in ay tahay taliyaha arrimaha gudaha ah ee qoyska. Caruurtu baari u noqdaan waalidkood oo u arkaan adeega ay u adeegayaan waalidkood waajib diini ah. Waalidku caruurta u duceeyaan, caruurtu waalidka u duceeyso, jacayl iyo isu soo hiloow noqoto nolosha ay ku wada nool yihiin. Guriga wanaagsan waa aasaaska nolosha iyo horrumarka bulshada. Waxa aan rabnaa guri waalidku ku soo koriyaan curruurtooda kala-danbayn, is-tixgelin, is-karaamayn maxaba, raxmad iyo caddaalad oo aan loo kala eexan. Si marka uu qofku bulshada dhex-galo kula noolaadaa macaamil wanaagsan oo wax-tar u leh bulshada oo dhan. Wax-tarkaas oo saameyn ku yeelanaya sidii bulshadu u heli lahayd - Madax amaano iyo hoggaamin leh, Garsoor caddaalad wax ku xukuma, Macaalin ku-dayashada mudan, Dhakhtar daryeela bukaanka, Askari waddani ah, farsamayaqaan daacad ah, iyo ganacsade ka daacad ah ganacsigiisa. Haddii kale qofku wuxu noqonayaa mid ka yimid guri la mida ka caarada oo kale. Qofkaasi wuxu bulshada dhexdeeda kula noolaanayaa sidii qof dab iyo baansiin gacmaha ku sita oo cid kasta oo uu la macaamilana gubaya. Qof kaas waa qof Allah ka cabsigu ku yar yahay xataa haddi uu cibaadaadkii la yimaaddo haddana wax-is-daba-marinta iyo ku-jiqsiinta ayuu u arkaa in uu ku faa’idayo. Hadaba aan bishan Ramadan uga faa’daysanno sidii aan isbedel dhab ah ula iman lahayn oo guryaheenna ka ilaalino in ay noqdaan ka caarada oo kale. Kana dhigno guri Illaahay lagu weyneeyo oo lagu cibaadaysto lagagana dhaqmo camalka kiisa wanaagsan. Marka guryaheennu u bataan guryo wanaagsan waxa ay isbedel la taaban karo ku sameynaysaa bulshadeena. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u shaqeeya kana hortaga wax kasta oo shar ah. Soom Maqbuul wa danban maqfuur. Allahuma Aamiin. - XISBIGA TIIR;

Abdulkadir dulyar Sunday, November 23, 2025
WARBIXIN: TAARIIKHO LA QALDAY.!! WQ:- Dulyar
•TAARIIKHO LA QALDAY.!! Haddii aad YouTube-yada daawato, ama aad akhriso buuggaagta tiro beelka ah ee la qoray burburka kadib, waxaad ogaaneysaa in si ku talagal ah looga been sheegay dhamaan taariikhdii uu dalkeenu lahaa, halgamadii la soo galay, noloshii bulshada, dowladihii na soomaray, dagaaladii aan la galnay Ethopia,horumarkii ka jiray dalkeena, xiriiradii aan lalaheyn Caalamka, kaalintii ay Soomaaliya ku laheyd xornimadii dalal ka tirsan Q/Africa, taxanihii Siyaasadeed ee dalkeena, sababaha keenay burburka dowladnimada, dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, doorkii jabahadihii hubeysnaa ay ku lahaayeen, shirarkii dib-u-heshiisiinta ee soomaalida dibadda loogu qabtay, aas-aaskii maxkamadaha Islaamiga, soo if bixii Argagixisada Shabaab iyo Daacish, intaa kuma ekaane xitaa waxaa laga been sheegay kitaabkii & Sunnihii Nabigeena Muxamed NNKH, dhaqankeenii suubanaa, Suugaanteenii, iyo dhibic kasta oo ka mid ah wixii dalkaan ka soo dhacay , kadib markii uu Qofwalba hortegay Microfoon 🎤 Wiilasha u hayaa aaney ku beenin karin naxliga iyo beenta uu la hor fadhiyo, Halkaa kuma ekaane, waxaa kaloo jira kumaanaan Rag iyo Dumar ah oo iyaguna taariikho iyo sheekooyin been lagu barxay qalinka u qaatay, dabadeedna daabacay, heer la gaaray in uu qofku taariikhdiisa quruxsado dabaadeedna uu buug ku qoro, kuna soo bandhigo meel fagaare ah. Maanta YouTube-yada Soomaalida waxaa dhex yaalla sheekooyin iyo taariikho wada been ah, oo ay rumeysteen dad badan oo aan war iyo wacaal u heyn wixii la soomaray, sidoo kale waxaa jira buuggaag laga qoray taariikho iyo dhacdooyin dalkeena ka dhacay, oo iyaguna intooda badan ah kuwa uu qofwalbaa u qoray sida uu isagu jecel yahay ama ay reerkiisu jecel yihiin, Halkaa markeey taagan tahay, shaki kuma jiro in fagaare lagu aaasay ama lagu lumiyay taariikh badan iyo dhacdooyin badan oo muhiim u ahaa dalka iyo jiilasha soo korayaba, kuwaasoo aan weli xaqiiqdooda dhabta laga daba tegin, haddii maanta la damco in taariikhdaa iyo noloshaa beenta lagu qooshay dib loo saxana, waxey qaadaneysaa waqti aad u dheer, oo la oran karo kama dhib yara raadinta midnimada Soomaaliya, WQ:- Abdulkadir Dulyar. Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Friday, May 23, 2025
WARBIXIN: SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} WQ/-Dulyar
•SIYAASADDA TIKTOK-LEYDA {Re-action} Maryooleey markii ay waayeen tab iyo xeelad kale oo ay kaga qeyb galaan tartanka dhex yaala Social Media, kuna soo jiitaan ama ku helaan macaamiil farabadan oo xirfaddooda daawata, waxey dani ku qasabtay iney dhexdooda 🎤 isku qaataan, kaas oo loo bixiyay {Re-action} …mid ku xiiqaya falanqeynta hadal uu midkale yiri, labo is aflagaadeyneysa, labo qabyaalad lakala safan, labo isu jawaabeysa oo aan is aqoon, labo isku dhaaraneysa oo aan weligood is arag, labo is qabtay oo kala tagtay, labo is og oo xaalad abuur ah, iyo qaar kaloo badan. Nasiibdaro, hadda dadka Siyaasadda ka Ganacsada mucaarad iyo muxaafid-ba , waxaad moodaa iney dhalinyarada TikTok-leyda ah kaga daydeen hal abuur koodii loo bixiyay {Re-action} ka, waayoo waxaad arkeysaa Siyaasiyiin warbaahinta u hor imaanaya oo keliya iney 🎤 u qaataan Siyaasiyiin kale oo aragtidooda ka hadlay, halkii laga filayay iney bulshada la hor yimaadaan aragtiyo Siyaasadeed iyo hal abuuro waxtar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo lagaga deydo, ama ay ka hadlaan boqolaalka horumar & mushkilado ee isku milan ee maanta dalkeena ka jira. Sikastaba, waxaan dadka Siyaasadda ka ganacsada kula talin lahaa iney naga daayaan Siyaasadda ay TikTok-leyda ka soo Copy gareeyeen, taa bedelkeedana hadiiba ay warbaahinta la hadlayaan ay ka hadlaan qorshayaasha wada qabyada ah ee dalka ka jira…wax micna ah ma sameyneyso inaad 🎤 u qaadato siyaasi kale ama qofkale oo mucaarad ah ama muxaafid ah, ee bal si aan wax idinkaga faa’idno farsamo kale oo Siyaasadda loogu tartamo la imaado. FG:- Waan ogahay, mararka qaar Siyaasadda 🎤 u qaadashada ku dhisan hebelo isu jawaabista in wax lagu kala goosto. Mhdsndn Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Tuesday, February 18, 2025
WARBIXIN: MAXAA SOOMAALIYA KA HORTAAGAN DOWLAD XOOG LEH.!!. ?
Kitaabka Ibnu Khartoum “Raximullah” wuxuu chapter dhan kaga hadlayaa,Meesha ay Qabyaaladda iyo Odayaashu ku xoog badan yihiin dowlad kama dhalan karto, meesha ay ku xoog yar yihiin sida Masar iyo Shaam na dowlad xoog leh wey ka dhalan kartaa. Cajiib.!! Soomaaliya Qabiilkii ayaa galay booskii dowladda, isaga ayaa xukunka dalka lagu qeybsadaa, isaga ayaana dowladda lagu mucaaradaa oo lagu dhisaa ama lagu dumiyaa, waana sababta ay Soomaaliya uga dhalan la’dahay dowlad xoog leh oo dalka oo dhan xukunta. ,Waxaa xaqiiq ah ilaa xal loo helo ama ay daciifaan awooda Qabaa’iladu ineysan dowlad xoog lihi ka dhalan karin Soomaaliya, hadii aan kula qaadno qodobana waa:- •Qodobka koowaad:- Faragelinta ka faaideysaneysa qabyaaladda. Waxaan inbadan maqalnaa Qabiil inta shira fagaare ka oranaya, Dowladda waxaan kala noqonayaa kalsoonida hadii aan xil hebel nala siin, ama Dowladda u soo jeedinaya cambaareyn iyo dhaleeceyn. -Qodobka 2aad:- Faderaalisamka ku dhisan Qabaa’ilka:- Sida muuqata Federaalka dalkeena ka jira waa mid u eg sida in layiri Qabiil walba Maamul iyo Madaxweyne ha yeesho, Majiro wax Maamulada ceynkaan ku dhismay wax dhaqaale, ciidan iyo Siyaasad ah oo ay ku taageeraan Dowladda dhexe, balse taa bedelkeeda waxey carqalad iyo caga jugleyn ku hayaan Dowladda dhexe, mararka qaarna waxaad maqleysaa iyagoo leh Dowladda dhexe xiriirka ayaan u jarnay. Dhanka kale Federaalisamka Qabaliga ah waxa uu bulshadii wada nooleyd ka dhigay mid kala qobqoban oo aan is dhexgali karin, nasiibdaro dad Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer laga musaafuriyay dhul Soomaaliyeed, waxaa kaloo soo baxday in Qabiilo badan xaqoodii iyo xuquuqdoodii ay lunto, maadaama ay deegaan ahaan ku hoos dulman yihiin kuwa tunka weyn ee maamulada dhistay -Qodobka 3aad:- Qabyaaladda Siyaasiga ah, waayoo Siyaasaddii ijtimaaciga aheyd ayaa isku bedeshay siyaasad qabaa’il ah. Siyaasadda Qabaa’ilka ku dhisan waa mid 30 sano iyo dheeraad Soomaalida ku hogaamisay Dowladda taagta daran, nagana reebtay asaageen iyo tartanka maanta dunida loogu jiro horumarka iyo wax wada qabsiga. Waa ayaandaro iyo maan xumo in aan maanta aragti laga gudbay nus qarni ka hor Annagu ka raadino nolol iyo horumar, Soomaaliya uma baahna Siyaasad Qabaa’il ku tiirsan ee waxey u baahan Siyaasad qabiilka ka madax banaan oo ku dhisan hogaamiye aragti dheer leh oo samata bixin kara dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaase wax walba ka horeeya in isbedel uu ku dhaco dadka hada Reer hebelka Magaalooyinka ugu kala urursan, loona gudbo in dadku isdhexgalo iyadoo qofka Soomaaliga ah isagoo aan wax cabsi & kala lahaanshiya ah dareemeyn islamarkaana Dowladda jirtaa ay u damaanad qaadeyso waxwalba oo ku saabsan amnigiisa iyo xuquuqdiisa inuu ku noolaan karo magaalo walba oo uu jecleysto. Soomaaliya weligeed waxey aheyd Allah yaqaan oo waa tan tiraahda “Waryaa Alla yaqaan” Annagoo Allah caabud ah ayaan mar qudha noqonay “Qabiil caabud”. WQ/-..........!! Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Saturday, February 8, 2025
WARBIXIN:HUBKAAGAA HORUMAR KUU DIIDAN.!! WQ/-Dulyar
Marar badan ayaan maqalnaa deegaan hebel abaar baa ka dhacday ee haloo gurmado, ama deegaan hebel fatahaad sababtay khasaare nafeed,mid maaliyadeed iyo barakac xoogan ayaa ka dhacdaye gurmad degdeg ah halala gaaro. Ogow deegaan walba oo Soomaaliyeed iyo deeganadaas laleeyahay haloo gurmado ama ay dadkoodu abaaraha iyo fatahaadaha joogtada ah sanad walba ku dhimanayaan kuna hanti beelayaan, waxaa lagu dhex heystaa 70-meeyo gaadiidka dagaalka ah oo ay saaran yihiin qoryaha waaweyn ee dagaalka sida, Dhashiikayaal, Seka-Uu Zuu-37, Shilke, Ganta-Sey, Biiteyn,kumanaan dabajeexyo & Ake47 ah, iyo saanado kaloo badan oo rasaas ah oo aan hub dowladeed aheyn,oo haddii la qiimeeyo malaayiin dollar ah toban jeerna dabooli karta in wax looga qabto abaaraha iyo fatahaadaha ka jira deegaanada laleeyahay haloo gurmado. Waase haddii ay maalin qudha dadka deegaanku inta caqliga ka shaqeysiiyaan ay go’aansadaan in inta ay ka helayaan dowlad damaanad qaadi karta amnigooda, iney deegaankooda ka dhigaan deegaano hubka tirada badan ka caagan, inyaroo amniga lagu sugayo mooyee, kadibna ay wada iibiyaan hubka faraha badan ee ay heystaan, halkaasna dhaqaalaha ka soo baxa ay ku maalgashadaan deegaanadooda, sida wax soo saarka beeraha, dugsiyo waxbarasho,Cisbitaallo caafimaad, wadooyinka, iyo guud ahaan dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka, xaqiiqdii mardambe lama maqleen iyadoo deegaanadooda loo dawarsanayo, waxeyna tiigsan lahaayeen horumar & nabad. Marka aan sidaas leeyahay, Maryooleey waan ogahay inaan ka hadlayo wax aan loo bisleyn xiligaan, waan ogahay hubka qudhiisa in duruufo loo heysto, waana ogahay in sheydaan marhore isku keen diray oo uu nagu qufulay facaa iska dhici, gebigeenuna aan wada nahay keeb la yuurar, reer hebelna aan waardiye uga jirno, xitaa kuwa aan hadda leeyahay may hubkooda iibsadaan oo ku hormaraan, ayaa dhexdooda difaac isaga jira, ama aaminsan inaan hub la’aan la noolaan karin. Balse caqliyadda saxda ah waxey leedahay, waa in lagu dhiirado wax aan dhiiran jiran haddii ay maslaxo caam ahi ku jirto, waana in deegaan walba hubka maanta dhexyaalla oo aan ogahay iney dhexdooda dhib weyn ku qabaan, ay u fahmaan iney kaga maarmi karaan in sanad walba loo dawarsado, ama ay ku noolaadaan nolol aan mustaqbal laheyn, iyagoo awooda dhaqaalaha kaga jira hubka iney ku horumarsadaan noloshooda iyo tan deegaankooda, kuna heli kara nabad iyo iney u noolaadaan sida bini’aadamka, maadaama uu hubkoodu yahay midka horumarka u diidan.!! FG:-Fekraddan hadda hal deegaan oo yar bey ka hirgashay kuna caana maala,balse waan hubaa haddii uu deegaan kale oo macruuf ah ku xigsado, iney deegaano badan ka hirgeli laheyd, taasoo furre u noqon karta nabad guud oo Soomaaliya ka tisqaadda.!!! Maxaa Yaab Isdabayaal WQ: Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Sunday, December 22, 2024
WARBIXIN: MAXAA LOO WADA AAMUSAY.!! WQ/-Dulyar
Dad badan baa maalmahaan ku jehawareeray erayadaan jaceylka ah ee aan daldalayo, qaar baa run u mooda, qaar baa ila yaaban, qaar baa su’aalo iga soo weydiiya, qaarna waa ila fahamsan yihiin shaxda & sababta aan fararaqdaas u soo qorayo, waayoo horey ayey iila socdeen, Dabcan, markasta oo xaraaradda Siyaasadda iyo ka hadalka waxyaabaha dalka ka socda ay fikta sare gaaraan, waa u mihiim qofkii aan mujaamalada iyo munaafaqadda aqoon inuu duufaanta socota ka gambado, hadeey ahaan laheyd toosin, tusaale iyo tilmaamidba. Sababtuna waxey tahay, waa koox uu Nin Sxbkeey ah u bixiyay “BOOLISKA FEKERKA” oo Wajibook dhex fadhida, kooxdani waxba sooma kordhiyaan, mana laha aragti fog oo ay wax ku cabiraan, keliya waxey ku foogan yihiin iney mucaaradaan ama taageeraan madaxda dalka, iyaga waxba kama gelin mustaqbalka iyo saameynta ka dhalan doonta ficilada & tilaabooyinka ay qaadayaan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradku, Sidoo kale, kooxdani waxey ugaarsataa fekradaha dadka indheer garadka ah ee dalka u turaya ay soo bandhigaan, waxaadna arkeysaa iyagoo durba dhanka xun ula boodaya, ama ku eegaya indho danabeysan, taasoo ku xambaartay in dadkii waxgalka ahaa ay intooda badan ka gaabsadaan ka hadalka arimaha ka socda dalka, lagana yaabee iney talooyin waxtar leh ku biirin lahaayeen marxaladda uu dalkeenu marayo. •Dalka maanta kama jirto Saxaafad madax banaan, oo iyadoo ka faa’ideysaneysa awooddeeda soo bandhigi karta xaqiiqada dhacdooyinka dadka ka qarsoon, ama kala shaandheyn karta doodaha ka soo kala burqanaya madaxda dowladda & dhanka mucaaradka, waayoo qaarkood waxey ku milmeen Siyaasadda, qaarkoodna waxey noqdeen la kireystayaal, halka qaarka soo harayna ay noqdeen kuwa la cabsi geliyay oo war sidayaal ah, soona gudbiya oo keliya fariimaha ay dowladda iyo mucaardku la wadaagaan marka ay u yeertaan. •Sidoo kale, dalka maanta kama jiraan Ururo bulasho rayid ah oo macno leh, oo dheelitir u noqon kara Siyaasadda dalka, iyo aqoonyahano u damqanaya dalka oo isku xilqaamaya iney dadkooda u iftiimiyaan halka geediga loo yahay, sidii ay sameyn jireen Ururada bulshada rayidka ah & aqoonyahanadu waqtiyadii hogaamiye kooxeedyada iyo xitaa xiliyadii dowladihii KMG ahaa. Halkaas markeey taagan tahay, Platform-ka keliya ee hadda noo soo haray wuxuu noqday Social Media, isagana dadkii bulshada wax ku soo kordhin lahaa ama si cilmiyeysan uga hadli lahaa hadba marxaladda uu dalkeenu marayo, waxey uga kala carareen “BOOLISKA FEKERKA,” oo ah koox indhow garad ah oo sanduuq gaar ah kula xiran waxyaabo aaney dani ugu jirin, waana sababta keentay in dadkii waxgalka ahaa ay fekradahooda la aamusaan, kuwana ay ula cararaan dhanka Twitter ama X-ta iyo meelo kale. Ugu dambeyn, hadda waad ila fahamteen baan filayaa sababta dadka qaar ku kalifaysa iney afka xirtaan, qaarna ay uga hadlaan Sports ka, jaceylka, & sheekooyinka madadaalada ah oo keliya, kuwa kalena ay u noqdeen kooxo si indho la’aan ah ula kala safan Dowladda & mucaaradka qalad iyo sax wixii ay sameeyaana ku taageera, dabcan caqliyadda noocaan ah waxaa laga gudbi karaa oo keliya, marka ay shacabku ogaadaan iney dowladnimadu iyaga tahay, madaxduna ay yihiin adeegayaal iyaga u shaqeeya, xaqna ay ugu leeyihiin iney hubiyaan kulana xisaabtamaan tilaabo kasta oo ay qaadayaan madaxdu mucaarad & muxaafidba, markaa ayaa la heli doonaa bulsho danaheeda ilaashata oo u diyaar ah iney ixtiraamto fekradaha dalka waxtarka u leh ee wax lagu dhisayo ee aan wax lagu dumineyn, Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Abdulkadir dulyar Monday, December 9, 2024
MAXAA SIYAASADDA SOOMAALIYA ISBADEL U DIIDAN.? WQ/Dulyar
Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso, sababta ay Siyaasadda Soomaaliya ay 20 sano isku bedeli la’adahay.? Siyaasadda dunida, mar haddii qof fursad loo siiyo inuu dalkiisa u adeego, marka uu waqtigu ka dhamaado, hadii aan marlabaad dib loo dooran wuxuu raacdaa danihiisa kale, inta badana mardambe dadka ma hor yimaado, ama waxaa dhacda in marlabaad fursad kale la siiyo si uu shaqadiisa u sii wato, markaana marka ay mudadu ka dhamaato wuxuu noqdaa ruux ku faraxsan inuu dalkiisa iyo dalkiisa u soo shaqeeyay, wuxuuna ka mid noqdaa bulashada iyadoo qadarin weyn loo hayo, waa haddii uu wax wanaagsan qabtay, haddii kale waxaaba dhacda in intuu qalad Siyaasadeed galo isaga oo aan waqtigii la doortay dhameysan in lagu rido cod dadweyne ama mid baarlamaan, markaasna iska daa inuu mardambe dadkiisa hor yimaadee wuxuu dunida ka qariyaa wajigiisa. Balse, Soomaaliya sanad walba waxaa doorashada Madaxtooyada isku soo taaga 20 qof oo istaqaana, Annaguna aan naqaano, kuwaas oo marna mucaarad isla ah marna muxaafid isla ah, ha noqdo mid mar fursad la siiyay oo aan waxba qaban, ama ha noqdo mid 9 doorasho galay oo aan marna ku guuleysan, ama ha noqdo mid boogo badan lagu ogyahay isaguna isku og, ama ha noqdo mid ku faanaya in dalkii shalay watay maahane uu doorkaan dalkale wato, meeshaan lama kala xishoonayo, iyagii un baa nagu soo noqnoqonaya, oo waxaadba moodaa in lagu yiri, Siyaasadda Soomaaliya keligiin baa xaq u helaye isku eryada, Marka goormee iyo sidee baa Siyaasadda Soomaaliya isku badeleysaa, marhaddii aaney jirin biseyl & isbedel hogaamineed & mid shacab, iyo in fursaddaha Siyaasadda la wadaago, waxna laga siiyo dadka kale ee xambaarsan aragtiyaha ka duwan kuwa aan ku soo daalnay. •Waxaa kawaas la mid ah Baarlamaanka dalkeena oo ah halbowlaha dhiiga siiya dowladnimada, waxaad arkeysaa xildhibaano 15-20 sano golaha dhex fadhiya oo iska daa wax ay dalka & dadka ku soo kordhiyaane aan magacyadooda la aqoon, waxaad kaloo arkeysaa kuwa sanad walba soo iibsada kursiga oo meesha u jooga ganacsi Siyaasadeed, waxaad kaloo ku arkeysaa dhalinyaro yaryar oo in lagu adeegto darteed loo soo geliyay baarlamaanka oo aan warba u heyn masuuliyadda weyn ee dalka ka saaran, kuna mashquulsan dano kooxeed iyo TikTok, Dabcan majiro Arday inta 2 jeer ku dhacay Final Exam-ka jaamacadda, hadana weli u xiisa qaba inuu mar sadexaad iyo mar afaraad u fadhiisto isla imtixaankii, isagoo aan almiino meel kale uga wareegin meeshaan uu ku fashilmay, , sidee marka Siyaasiyiin teenu ugu qanceen iyagoo labo & sadex jeer ku guuldareysatay doorasho, ama mar fursad la siiyay oo aan wax isbedel ah la imaan, iney hadana mar 4aad & mar 5aad na hor yimaadaan iyagoo u sharaxan isla kursigii, kuwaas waxaa iyaguna la mid ah kuwa Gu' walba raba iney dowladdii timaadaba Xildhibaan & Wasiir ka helaan. Finally, waxaan kula talinayaa wajiyada siyaasadeed ee 20 ka sano na hortaagan, ee tabar tooda iyo taag tooda na tusay, waxna nagu soo kordhin waayay, meeshu maaha Filimadii "NIGERIA MOVE-A" ee fadlan Siyaasadda kadib nolol kalaa jirtee, iska nasta oo fursad siiya dadka kale oo laga yaabo iney xambaarsan yihiin fekrado kuwiina ka duwan, ileyn dalka waa leydinla leeyahaye.!! NB/-Waa Aragtideyda gaaban/- Maxaa Yaab Isdabayaal.

Abdulkadir dulyar Thursday, December 5, 2024
WARBIXIN: BARO INAAD IS DHAGEYSATO.!!.!!
Nin oday ah oo sii dhimanaya ayaa ku yidhi dhakhtarkiisa ​​isagoo sariirta bukaanka ku jira "Dhakhtar, ha werwerin, waan ogahay inaan dhimanayo, ma doonayn inaan halkan imaado balse halkan ayay i keeneen. Fadlan ha iga welwelin, hadda timahayga way baxeen. Aad baan u da' weynahay, Adna aad baad u yar tahay. Wax badan ayaan nolosha ka bartay, haddii aadan dhibsan waxaan kuu sheegi doonaa qaar ka mid ah intaanan dhiman. Markii aan jiray 4 sano, waxaan u isticmaali jiray in aan ku fekero in dunidu ay Aniga igu saabsan tahay. Markii aan 14 jirsaday waxaan rabay inaan dunida xukumo. Waxaan moodayay inaan noqon doono Ninkii ugu weynaa ee abid noolaa. Markii aan ahaa 21 Jirka, waxaan doonayay inaan noqdo Ninka dunida ugu taajirsan, markii aan ahaa 25 Jir, waxaan doonayay in aan helo jacayl, markii aan ahaa 40 Jirna, waxaan doonayay in aan caawiyo qof kasta. Hadda oo aan halkan joogo waxaan rabaa inaan dhinto. Waad aragtaa sow maaha, waxaan rabay waxyaabo badan inaan sameeyo. Tan ugu muhiimsan, waxaan rabay inaan faraxsanaado. Waxaan u maleeyay in sida ugu wanaagsan ee lagu farxo ay tahay in la dhageysto dadka kale. Markii aan damcay in aan galo Jaamacadda, waxa aan damcay in aan barto Zoology-ga, laakiin qof kastaa waxa uu igu yidhi, waa in aad barato Engineering si aad u noqoto Engineer weyn. Markaa waan dhegaystay. Ma haysan cid iga bixisa khidmadahayga, waxaan ku khasbanaaday in aan shaqeeyo oo aan sidoo kale bixiyo kharashka. Sannadkeygii saddexaad, waan la qabsan kari waayey waxbarashadeyda, waxeyna noqotay inaan ka tago. Markii aan ka tegay waxbarashada, isla dadkii ayaa igu yidhi "Waxay ahayd inaad barato cilmiga xayawaanka"! Markii aan 28 jirsaday, qof kastaa wuxuu igu yidhi waa inaad guursataa, waayoo waxaad u baahan tahay Xaas,. Markaa waan dhegaystay, waan guursaday. 6 sano kadib markii aan guursaday, waxaan ku qabtay xaaskeyga oo la seexaneysa deriskayga. Sababta ayaan waydiiyay, wayna i dhirbaaxday. Waan xanaaqay oo waxba ma odhan. Maalintii xigtay oo aan ka soo noqday shaqada, iyada iyo carruurteydiiba waa waayay, hadda oo aan dhimanayo waxaaan ahay Nin cidlo ah. 40-kii, waxaan helay qandaraas weyn. Magacaygu wuxuu ahaa warka. Maalintii xigtay dhammaan asxaabta iyo qoysaskuba waxay joogeen gurigayga, qof kastaa dhibaato weyn ayaa haysatay, Muddo hal toddobaad gudaheed ah, waxaan ku kharash gareeyay dhammaan lacagteydii, iyaga oo dadku Ii ballan qaaday in ay dib iigu soo soo celiyaan lacagta sidii ay ballantu ahayd. Markaa kadib waxa la xidhay 6 sano oo xadhig ah. Markaan ka soo baxay jeelkana qofna iima imaan. Waxa jiray hal qalad oo aan sameeyay wakhtigaan oo dhan. balse Hadda way ii caddahay. Aan kuu sheego. Waxaan diiday in aan naftayda dhegeysto. Nafteyda ayaan iska indha tiray oo dadka kale ayaan dhegeystay, Hadda oo aan halkan joogo qofka keliya ee ila jooga waa naftayda. Waad arkaysaa, aad bay u wanaagsan tahay in la dhegeysto dadka kale. Aad bay u xikmad badan tahay inaad talo ka raadsato dadka kale. Laakin aad bay khatar u tahay in aad iska indho tirto naftaada. Aad bay khatar u tahay inaad diiddo inaad u fiirsato wadnahaaga. Markaad guriga timaado caawa, fadhiiso, qaado koob biyo ah. Indhaha xidh haddii aad rabto ama fur haddii aad rabto, dabadeed naftaada la hadal, naftaada u caqli celi. Waxaad ku socon kartaa wadada kaligaa, oo markaad socoto, bilow inaad la hadasho naftaada. Qofka kaliya ee naftaada xukumi kara waa Allah ee dhegayso, marka xigta dhegeyso naftaada, Waan ogahay in aanay hadda macno badan kuu samaynayn, laakiin mar walba xasuuso in aan kuu sheegay.!! W:Q_Xasan cali mursal •BARO INAAD IS DHAGEYSATO.!! Maxaa yaab isdabayaal

Abdulkadir dulyar Saturday, November 23, 2024
QISO DHAB AH:-JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.!! WQ-Dulyar
JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.!! Waa xiligii ardeynimadeyda, waxaan ahaa glass ka koowaad ee dugsiga sare ee Baarbe oo ku yaalla degmada Dharkeynleey, waxaan isku fasal aheyn wiilal & gabdho aad u dedaal badan xaga waxbarashada, marka la gaaro bareega dhamaateen waxaan dibadda uga baxnaa glass ka, oo waxaa la wada aadaa maqaayad yar oo ku dhex tiilay Schoolka oo lagu iibiyo Sheetaro sheetaro, waxaana wax lala wadaagaa hadba ardeygii uu maalintaa jeebkiisu qoyan yahay.maalmaha ay naga jajaban tahayna, inta dacaska gedino ayaan rigoore rigoore ku ciyaari jirnay glass-ka dhexdiisa ilaa inta laga soo noqonayo. Waagaas Gabdhaha iyo Wiilashu waxey ahaayeen isku lebis “Suweel iyo Shaar”waxaan ku kala duwaneyn oo keliya gambada madaxa u saaran, lama kala soocneyn oo waa leysla fadhiisan jirey,misna naguma jirin Wiilasheena qof ka mid ah oo maalin lagu xantay, in ay heblaayo glass ka nala dhigata wax ka dhexeeyaan, waxeyna noo wada ahaayeen dhamaantood walaalaheen oo kale, aadna waan u ixtiraami jirney, mararka qaar waxaaba dhici jirtay inaan dartood dagaal u galno, marka mid ka mid ay dulmiyaan dhalinyarada kale ee Schoolka nala dhigata, dhamaan intii aan isku glass-ka aheyn waxaan isla dhameysanay ilaa Form 4, Hadaba, waxaa jirtay in sanadkii koowaadba aan Anigu Jaceyl yar oo caato ah u qaaday gabadh dhigata glass-ka nagu dhegan ee B2 oo la saaxiib ah gabadh aan isku glass nahay, gabadhaasi maalin kasta marka la gaaro bareegga iyo marka xiisaduhu dhamaadaan ee la baxayo, waxey u timaadaa gabadha aan isku glass-ka nahay, jaceylkeyguna waa mid ka beernay aragtideeda, waayoo waxey aheyd gabar ilaaheey qurux gaar ah oo nooca aan Anigu ugu jeclahay dumarka uu ugu deeqay, sidaas daraadeed waxaan jeclaa inaan maalin walba arko marka ay saaxiibteed u imaaneyso, maalinta aan waayo waxey ii aheyd maalin baas oo xaalkeygu ma degana, xitaa ma awoodo gabadhan aan isku glass-ka nahay inaan weydiiyo, waxa maanta ku dhacay saaxiibteed, ee waxaan welwelkeyga ku gaaraa ilaa maalinta xigta ee aan ka arkayo, Anigu ilbax kuma aheyn dhanka jaceylka,iyaduna iimaba ogeyn inaan jeclahay, markii aan u soo wada gudubnay Foom 2 , ayaa waxaa dhacday inaan maalin inta naf isgeliyey aan kalmado kaftan ah ku tuur tuuray, hase yeeshee jawaabtii ay i siisay iyo dhoola cadeyn teedii ayaan mar labaad awoodi waayey inaan hadalka la sii wado, maalintaasna galinkii dambe oo dhan casharadii la qaatey Anigu waxba kalama socon ee glass ka waan iska dhex fadhiyey, waxaana ku soo celceshanayey jawaabtii ay siiyey iyo qosolkeedii yaraa, kaas oo igu sii beeray dareen kale oo awel iga dahsoonaa, mararka qaar habeenkii ayaan isku soo dhiirigeliyaa inaan biri la hadlo bal si aan isugu soo dhawaano, misna maalintii markaan arko baraf baan noqdaa, oo markaan fursad u helo waxaan kala hadlaa casharada Schoolka iyo wax aan loo joogin. Waxaan sidaa ahaadaba, waxaa la gaaray sanadkii 4aad oo ah sanadkii ugu dambeeyay Schoolka, labadayadu markaa waxaan noqonay kurayo si fiican loo korshay oo kale, waxaana la soo baxnay dhaldhalaal indho qabad leh, hase yeeshee midkeen waxaa heysta ayaandaro weyn oo ah Jaceyl keliyeystay naftiisa, waxaan bilaabay inaan iyada iyo saaxiibteed maalin kasta marka Schoolka laga baxayo aan ku soo lug darsado, labada gabdhood waxaa gurigoodu sokeeyaa mida aan isku glasska nahay,tan aan jeclaheyna waxoogaa ayey ka durugsan tahay,oo marka ay gurigooda nooga leexato waxaa isku soo harna Aniga iyo Inanta aan jeclahay,Alla markaas cabsi weynaa , .....waayoo waxaad moodaa in waxkasta oo kaftan iyo qosol ahaa ee 3 deena noo soo socday ilaa Schoolka iney la tagtay gabdhii naga leexatay, oo waxaan soo baraarugaa marka la gaaro saaxiibteey gurigooda oo markaa dhegaheygu waxey maqlaan,NABADGELYO WALAAL, markaa ayaan canaan iyo hiiftan kula dhaqaaqaa, nafteyda doqonta ah ee awoodi weysay iney dhibkeeda sheegato, waxaana maalmaha qaar marka aan gurigeena tago Anigoo aan iska bixin dharkii Schoolka isku tuuri jirey sariirta xanaaq dartii, markaas ayaa la i moodi jirey inaan xanuunsanahay. War yaan idinku daaline, gabadhii Anigoo sidii u jecel ayaa Schoolkii naloo xirey, reerkoodiina waa ay ka guureen meeshii aan ku ogaa, markaas ayaa ciil iyo shalaay iyo wax walba oo murugo ah dusheyda ku dagaalameen, hase yeeshee waxaan markii dambe bal si aan u nafiso maalin uga sheekeeyay xaaladdii aan 4ta sano ku sugnaa gabadhii aan isku glasska aheyn iyadana ay saaxiibada ahaayeen, ilaa ay indhaheeda ilmo ka soo daadato oo ay ugu canaanato maxaad mar hore iigu sheegi weyday, Anigaa kaa gaarsiin lahaa oo weliba kula garab geli lahaaye. ......Waa goorma waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.......Alla ciil weynaa....toloow hadda dib ma u heli doonaa......oo miyey quruxdii aan ogaa sidataa......Yeelkeede iyadu ma i xasuusataa.....horta ma nooshahay...MOOYI Maxaa yaab isdabayaal.!!

Abdulkadir dulyar Tuesday, November 19, 2024