KIBIR BIYO KUMA TALLAABIYO.!!
Barafasoor wax badan bartay ayaa doon yar kula safray webi. Doonta waxaa waday nin kalluumaysato ah oo aan waxba qori aqoon. Markii ay cabaar socdeen oo ay ku aadanyihiin bartamihii wabiga moolkiisa ayaa Barafasoorkii bilaabay in uu kibro isagoo wata buugaag badan. Hadaba Barafasoorkii ayaa waxa uu weeydiiyey kaluumaystihii sedex su’aalood:
• Wuxuu weydiiyay: “Xisaabta ma taqaan?” Ninkii kaluumaystada ahaa.
kaluumaystihii wuxuu ku jawaabay: “Maya.”
Barafasoorkii wuxuu ku yiri: “Markaa waxaad lumisay rubuc noloshaada ka mid ah.”
• Hadana wuxuu mar kale su’aalay: “Taariikhda ma taqaan?” wuxuu ku jawaabay
“Maya.” kaluumaystihii
debadeeto, Barafasoorkii ayaa ku yiri ninkii kaluumaystaha ahaa “Markaa waxaad lumisay nus noloshaada ka mid ah.”
• Barafasoorkii ayaa mar sedexaad su’aalay ninkii kaluumastaha ahaa “Falsafadda ma taqaan?”
“Maya.” ayuu ku jawaabay kaluumaystihii
Barafasoorkii ayaa yiri “Haddaba waxaad lumisay afar meelood sedex noloshaada ka mid ah.”
Debadeeto, iyagoo sidoodii horay u sii socda ayaa waxaa mar qudha timid dabayl xooggan iyo hirar doontii qarka u saaray inay degto.
Kalluumaystihii ayaa si degdeg ah u weydiiyay Barafasoorkii:
• “Adigu Barafasoore dabaasha ma taqaan?”
Barafasoorkii ayaa ku jawaabayi: “Maya!”
Debdeeto, Kalluumaystihii ayaa ku yiri:
“Haddaba, Barafasoore, Adigu waxaad lumisay noloshaadii oo dhan. Ogaawna maanta, kibirkaagu biyo kuma tallaabinayo.!!
⸻
FG: Cibrada Sheekada:
• Aqoontu ma aha oo keliya tan buugaagta laga dheehdo.
• Xikmadda nolosha iyo xirfadaha dhabta ahi waa tan badbaado keenta mararka qaar.
• Ha ku yasmin qofna aqoon la’aantiisa, mid walba waxa uu leeyahay garasho uu ku noolaan karo.
WQ/- Farhan Ali Ahmed.
Maxaa Yaab Isdabayaal
No comments