WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!!
•AFEEF :-
-Ma jecleyn inaan ka hadlo ama aan wax ka iraahdo waqtigan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, waayoo kani ma aha sida kuwii hore ee aan soo arki jirney, ee waa mid si walba uga duwan oo leysla aaday meelo hoose iyo habar wacasho,Waa muran siyaasadeedkii ugu xumaa ee na soo mara, waxaana hubaal ah in qofkii wax ku darsada uu kala kulmayo wasaqeyn badan iyo in loo magac bixiyo.waana sababta aan isleeyahay dadkii ehlu caqliga ahaa wey uga aamusan yihiin.
Misna Anigoo sidaa u og, intaan ka badan kama sii aamusnaan karo ka hadalka DANTA GUUD, mana aha xarafyo uu Ilaaheey i baray inaan dadkeyga ka xasdo, ee xaajada sidaan u arkaan u soo xawilayaaye,xasuus naada Warbixinteydu wey xeelad dheer tahaye:-
————————000————-000———————-
WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!!!
Soomaalidu waxey tiraahdaa,”Labo Abeeso kala goosatay,Midna cad macaan ma cunin “ hadda Siyaasadda Dalkeena waxaa ku hardamaya dhinacyo badan,waxaase innaga inoo muuqda oo keliya waa mucaaradka iyo muxaafidka, oo iyaguna beryahaan dambe la soo baxay arimo nagu wada cusub iyo tilaabooyin aynaan horey ugu arki jirin Madaxda dowladihii hore iyo mucaarad kooda,
Runtii xafiiltanka siyaasadeed iyo xamaasadda qabyaaladeysan ee iminka ka dhex socota Muxaafidka & Mucaaradku waa mid xargo goys ah oo u muuqata iney soo dhaaftay xadkii loogu talagalay, shakina kuma jiro hadii aan si miyir qab leh loo wajihin ama looga hortegin in laga wada dhaxli doono natiijo aan wanaagsaneyn,
Wey muuqataa madaxda Dowlada Federaalku iney qalad gashay, lkn si hoose looma wada oga halka uu qaladkoodu ka soo bilowday iyo sababta ay madaxda dowladu qaladkaan u sameysay, sidaas oo kale wey cad dahay iney madaxda mucaaradkuna qalad sameeyeen, laakiin si dhab looma wada oga halka uu qaladkoodu ka soo bilowday iyo sababta ay qalad dhacay ugu wada saxayaan qalad kale, sidoo kale lama dafiri karo shacabkuna iney qalad weyn sameeyeen, balse nasiibdaro ma wada oga qaladka ay sameeyeen iyo sababta ay qaladkaas u sameynayaan..........halkaas markeey taagan tahay, dabcan dhamaanteen waxaan nahay bulsho wada qaldan oo hadana isla quman, waana sababta ay madaxdeena muxaafid iyo mucaaradba aaney uga muuqan saansaan ah iney iyagu ka wada hadlaan khilaakooda,xalna u keenaan muranka siyaasiga ah ee ka dhex aloosan, waa sababta shacabkuna inyar mooyee ay intooda badan ugu kala hiilinayaan dhinacyada ishaya. Waa sababta ay beesha caalamkuna ugu muuqato iney ku faraxsan tahay khilaafka, waayoo warqadaha ka soo kala baxaya xaafiisyadoodu ma aha kuwa isla socda ama iska war qaba, ee waa kuwa u kala hiilinaya Dowlada iyo mucaaradka,
Mar hadeey sidaas tahay, Walaalayaal uma baahna inaan marka hore waqti badan ku lumino wax iska weydiinta qaladaadka sadexda dhinac iyo faahfaahintooda, balse waxaa muhiim inoo wada ah inaan qirano iney wax naga qaldan yihiin, oo ay weliba sii xirmayaan albaabo kale oo laga qabay rajo ah iney furi doonaan xal iyo iftiin ka duwan kuwa aan hada arkeyno, waxaana jira wax aan maanta sahashaneyno, oo birito meel xun tegi doona, ee Soomaaliyeey....hadda maxaa inoo dan ah:-
-WAXAA INOO DAN AH.:-
-In Wadahadalada bilowga ah ee lagu xalinayo wixii khilaafaad siyaasadeed ah ee ka dhexjira Dowlada iyo mucaaradka la taageero , islamarkaana aan isha ku wada hayno, si bal loo xaqiijiyo cidda ka saama jiideysa Nabada iyo hanaanka dowladnimo.
-In laga foojignaado ficilada iyo hadalada xamaasadeysan ee abuuri kara xasilooni daro iyo gacan ka hadal.
-In labada dhinacba aan lagu taageerin tilaabo kasta oo lidi ku ah Dowladnimada, Nabada iyo horumarka bulshada.
-In la helo Siyaasiyiin, Waxgarad,Culimo,Haween iyo Aqoonyahano dhexdhexaad ah oo isku xilqaama arintan, kana madaxbanaan khilaafka hada jira, kuwaas oo noqonaya Gudi culeys saar ah oo ka shaqeynaya iney Shirka wax wanaagsan ka soo baxaan, kadibna dabagal ku sameeya dhaqa gelinta qodobada lagu heshiiyo.si looga baaqdado isku tuur tuur dambe oo ay noola yimaadaan dhinacyada ku hardamaya talada dalka .
-Iyo, hadii ay dedaalada kale oo dhan shaqeyn waayaan, in la helo shacab bisil oo ka madax banaan Qabyaalad iyo Nin jecleysi, diyaarna aan u aheyn iney Qof iyo koox bedbaadiyaan, ee u diyaara iney dalkooda & Ubadkooda badbaadiyaan, kuwaas oo iyagu si iskood ah inta isku soo abaabula meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddiisa ah ku soo bandhiga shucuurtooda iyo rabitaankooda,
Ugu dambeyn, waxaan shacabka u soo jeedinayaa marna ineysan dareenka jira ku niyad jabin, balse ay u fahmaan oo keliya iney tahay ciqaab uga timid xaga Allah,loona baahan yahay in Allah SWTC xagiisa loola laabto loona towbad keeno, Madaxdeena Maanta,Shalay iyo tan Birina waxaan leeyahay Mudanayaal waxaan nahay shacab daalan oo aan Cudur (CORONAVIRUS) iyo Colaad wada xamili karine sida noo dhaama, oo idinkuna SIDA LABO CADAAWO AH, LOOMA KALA CAD GOOSTEE, Fadlan dadka,dalka iyo dowladnimadaba u tudha, oo isku tanasula, calafkiinana Eebaa hayee,Ceebta ka xishooda.!!!
=TANI WAA ARAGTIDEYDA./-
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Maxaa yaab isdabayaal.!!
WARBIXIN:- LAMA KALA CAD GOOSTO.!! WQ/- Dulyar
KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGIRIISKA
Elizebeth-ta 2aad oo ah boqoradda United Kingdom, Antigua and Barbuda, Australia, the Bahamas, Barbados, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, New Zealand, Papua New Guinea, St. Kitts and Nevis, St. Lucia, St. Vincent and the Grenadines, the Solomon Islands, and Tuvalu, maalin bay dhiman doontaa.
Ka hadalka mocduucani waxa laga yaabaa in uu xasaasiyad keenayo, hase yeeshee boqoradda oo gaartay da’da 95 jir, waxay noqonaysaa boqoraddii ugu cimriga iyo xukunka dheerayd taariikhda boqortooyada Ingiriiska (95-69), maalin bayna dhiman doontaa.
Diyaar garow aad heerkiisu u sarreeyo oo muddo dheer soo billowday ayaa socda, sababtuna waa iska caddahay oo waxa weeye geerideedu waxay noqon doontaa dhacdada ugu saamaynta badan qarnigan, waxana ka dhalan doona khasaare maaliyadeed oo gaaraya balaayiin doollar.
Janaasada boqoraddu waxay noqon doontaa dhacdadii ugu badnayd taariikhda aadanaha oo si toos ah loo daawado. Waxa la rumeysan yahay in 40% dadka dunida ku nooli ay janaasada daawan doonaan.
Muddo hadda laga joogo 69 sano, geeridii boqorkii George kii 6aad, dad kooban oo darajooyin sarsare dunida ka haya ayaa geeridiisa loogu diray qaab farriineed baaq sir ah, weerta la adeegsadayna waxay ahayd (Hyde Park Corner). Sidaas bay mas’uuliinta sarsare ee dunidu ku ogaadeen geerida boqorka inta aanu warku warbaahinta dunida gaarin.
Waxa la filayaa in warka ku saabsan geerida boqorad Elizebeth-ta 2aad, si hoose loo faafin doono inta aanu warbaahinta gaarin, iyada oo lasii qorsheeyay in la adeegsado weerta aan sirta ahayn: London Bridge Is Down (Buundadii London Way Duntay). Borotokoolka arrintan oo la dejiyay 67 sano kahor, waxa uu sheegayaa in Xoghayaha Gaarka ah ee Boqoraddu uu la xiriiri doono Ra’iisul Wasaaraha oo isna warka usii gudbin doona Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo iyaduna warka sii gaarsiin doonta dalalka 53-ka ah ee ku jira Suuqa Barwaaqo-sooranka (Commonwealth) oo ah dalal uu Ingiriisku gumaysan jiray.
Intaas keddib, buu warku warbaahinta gaari doonaa. Warbaahinta dalka Ingiriiska dhammaan waxay haystaan faanuusyo ama laambado buluug ah oo loogu yeero Laambadaha Baroor-diiqda. Laanbadahaas hal meel baa laga wada shidayaa, shidistooduna waxay ka dhigan tahay in qof qoyska boqortooyada kamid ahi uu geeriyooday, in kasta oon qofka uu yahay la sheegayn. Borotokoolku waxa kale oo uu sheegayaa in isla markiiba dhammaan warbaahinta Ingiriisku ay baahin doonaan muusik gaar ah oo baroordiiq ah oo horay loogu heshiiyay, taas oo ka dhigan tallaabo gogolxaar ah oo shacabka loogu diyaarinayo in lala socodsiiyo geeridii ku timid boqoradda.
BBC ayaa noqon doonta idaacadda ugu horreysa ee heli doonta warka geerida boqoradda oo tifaftiran, waxana usoo gudbin doona siiri digniineed gaar ah oo markii hore loogu talo galay in uu digniin ka bixiyo wax allaale wixii sawaariikh ah oo dalka lagu soo tuuro, kaas oo la yagleelay intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunidu.
Markaas keddib, inta aanay taleefishanka BBC warka geerida baahin, weriyuhu qoor-xirkiisa waxa uu ku beddeli doonaa mid leh midabka madowga oo horay ay BBC ugu sii diyaarsatay maalintaasi. TV-ga BBC waxa uu baahin doonaa sawirro muddooyin kala duwan laga qaaday boqoradda, waxana laga saari doonaa heesta calanka dalka. Intaas keddib, waxa la baahin doonaa warka naxdinta leh oo sidan u dhigan: “This is BBC television news. Buckingham Palace has just announced the death of the Queen” (Halkani waa wararka telefishanka BBC. Qasriga Buckingham waxa uu shaaviyay geerida Boqoradda). Waxa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa calanka Ingiriiska.
Dhammaan qaybaha warbaahintu waxay dhacdadan isu diyaariyeen tobanaan sano kohor, waxayna muddo dheer kahor diyaarsadeen videos documentary ah oo ka hadlaya noloshii boqoradda.
Dad takhasus leh oo qoyska boqortooyada ka tirsani waxay heshiisyo rasmi ah la sii galeen warbaahin gaar ah si ay qaybaha kale ee warbaahinta ugala hor maraan tebinta warkan. Kanaallada SKY iyo ITV waxay soo gudbin doonaan dhammaan wararka ku saabsan geerida boqoradda, magaca boqoraddana waxay ku beddeli doonaan magaca Mrs. Robinson.
Barnaamijyada maadeysiga ah ee BBC ka baxa dhammaan waa la joojin doonaa muddada 12 maalmood ahe ay socon doonto baroordiiqda geerida boqoraddu. Shirkadaha duullimaadyada dunidu dhammaantood warka geerida boqoradda waxay u gudbin doonaan rakaabka diyaaradohooda. London gebi ahaanba waa la xiri doonaa, waxana kulan degdeg ah isugu imaan doona baarlamaanka Ingiriiska.
Haddaba, imisa ayuu noqon doonaa kharashka ku baxaya geerida boqoraddu?
Dastuurka Ingiriisku waxa uu dhigayaa in gebi ahaanba kharashka ku baxaya aaska boqorka ama boqoradda ay dowladdu bixinayso. Annagu ma aynaan arag aas boqor ama boqorad Ingiriis ah muddo konton sano ka badan, hase yeeshee aaskii Amiirad Diana waxa toos u daawaday 2.5 billion oo qof, waxana ku baxay ku dhowaad $10 million. Kaasi waxa uu ahaa kharashkii aaska ku baxay oo qur ah.
Baanka Ingiriisku waxa uu haystaa wax ku dhow $3.6 billion oo waraaqo lacag ah oo la adeegsado kuwaasi oo dhammaantood xambaarsan sawirka boqoradda. Warqad kasta oo waraaqahaas lacagta ah kamid ah daabacaddeeda waxa ku baxay shan senti (£0.05). Sidaas darteed, waraaqahaas lacagta ah in dib loo daabacaa waxay Dowladda ka galaafanaysaa adduun dhan $200 million.
Hase yeeshee Boqortooyada Ingiriisku ma aha dalka keliya ee lacagtiisa beddeli doona. Waxa jira 35 dal oo dunida ah oo lacagtooda ay ku sawiran tahay boqorad Elizabeth-ta 2aad. Qiyaasta ugu dhow ee beddelista lacagaha intaas la’eg oo laga leeyahay dalalka intaas la’eg kharashka ku bixi doonaa waa $10 billion. Waxa intaas dheer, maalinta aaska boqoradda iyo maalinta caleema-saarka boqorka cusub oo Boqortooyada Ingiriiska ka noqon doona fasax rasmi ah, dowladdana ku kallifi doona adduun dhan $3 billion halkii maalin. Sidaas darteed, kharashka guud ee la filayo in uu ku baxo geerida boqoraddu waxa uu gaari doonaa $8 billion.
Laakiin, kol haddii aan weli la adeegsan erayga: (London Bridge Is Down) ama qoor-xirkii madoobaa ee BBC ama Laambadihii Buluugga ahaa ee warbaahinta, taas micneheedu waxa weeye boqoraddu weli way caafimaad qabtaa oo wax laga welwelaa ma ay jiraan.
WQ/- Sabriye Musse
moqokori@gmail.com
WARBIXIN:- KHASAARAHA KA DHALANAYA DHIMASHADA BOQORADDA INGRIISKA. WQ/- Sabriye Muse
TANI WAA DHAKO KALE,MARYOOLEEY.!!
Nin Sxbkeey ah oo ay isaga iyo qoyskiisu Mareykanka degan yihiin,baan xalay cabaar ka sheekeysanay doorashada la filayo iney dalkeena Dhawaan ka dhacdo
Sxbkeey intaanan waxbadan sheekeysan ayuu cambaareyn iyo eedo badan oo ay geysteen iyo kuwa aaney geysanba dusha uga tuuray qaar murashixiinta ka mid ah, mararka qaar Wax buu saadaaliyaa,misna isagaa is buriya, markii dambaan ku iri, Sxb horta doorashadii dhaweyd ee Mareykanka Trump & Biden Adigu kee baad u codeysay?
Intuu soo booday buu igu yiri,:- Dulyar ma waalan tahay Trump 4tii sano ee uu Aqalka Cad joogay dadka Mareykanka ah waxba uma qaban, dunida kalena dhibaatuu ku ahaa, marka qofka kasta oo Aan cunsuri aheyn oo jecel horumarka USA dabcan wuxuu u codeeyay Biden.Aniguna Anigoo ka fekeraya mustaqbalka caruurteyda iyo kan guud ee dalka ayaan Biden u codeeyay..
-Haa,si fcn baad yeeshay baan ku iri, waxaana u raaciyey Trump wax leyska qabto waa ahaa, balse inteysan maskaxdiisu nasan ayaan su’aal kale oo doorashadeena ku saabsan ku celiyey oo waxaan weydiiysy, Sxb hada Murashixiinta sanadkaan raba iney Soomaaliya Madaxweyne ka noqdaan koleey waad la socotaaye kee baad jeclaan laheyd inuu dalka hogaamiyo, ?
-Sxbkeey maba laba labeyne wuxuu la soo booday ....Sxb Aniga sanadkaan Murashax HEBEL baan wataa oo aan jeclaan lahaa inuu Madaxweyne dalka ka noqdo.
•Subxaanaka yaa cadiim, Hebelka uu sheegay waa mid daqaro badan ku yaalaan, balse inaan Shock galey si uusan u dareemin ayaan weydiiyey,Sxb waa Siyaasi fcn wuuna mudan yahaye ee Adigu maxaad ku dooratay?
-Kuye waxaan ku doortay .....BALAA ..BALAA, iyo in uu yahay Nin ka soo bixi kara xilkaas, ......Waa un iska formallaha ay Maryooleey wax ku doorato.
Markiiba niyaddaan iska iri, Ninkaan USA oo caruurtiisu degan tahay wuxuu Madaxweyne Biden ku doortay in uu Trump ka wanaagsan yahay, isagoo ka eegaya mustaqbalka dalka, dadka iyo Caruurtiisaba ,
Balse doorashada dalkiisa wuxuu jecel yahay in Madaxweynaha lagu doorto BALAA BALAA iyo Sheekoda ay Maryooleeydu hebel Madaxweyne ula jeclaato, iyagoo aan wax dan ah ka laheyn mustaqbalka dalka,dadka iyo xitaa tan caruurtooda.
Markalaan ku halgaaday su’aal Anigoo isaga u xanaaqsan waxaana ku iri, Sxbow Biden waxaad ku dooratay inuu dadka iyo dadka Mareykanka wax u qaban doono, lkn Dalkaaga waxaad u dooratay Madaxweyne Trump oo kalee maxaad ka wadaa?
-Markaasuu inta hambaabiray sida ruux hurdo ka kacay, wuxuu igula hadlay hadal isugu jirey xoogaa English ah iyo xoogaa Af-Soomaaliya,
oo ay ugu dambeeyeen, This is a long story ee Brother aan kugu soo celiyo,pls don’t sleep....Dhuu ..Dhuu... wuuba ka baxay Yaab.
Markaan keligeey noqday ayey maskaxdeyda dib u soo celisey Qurbo joog badan oo dowladdan iyo kuwii ka horeeyay xilal ka soo qabtay sida ay u siloonaayeen iyo kuwa farabadanoo Social Media dhex fadhiya oo intaa falkinaya xumaan iyo kala fogeynta bulshada, markastana dowladdii timaada mucaarada,... waxaase ii soo baxday xisaab kale oo aanan awel tirsan jirin iney meesha ku jirto.!!
#Murashax2021
=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA.!!!
Maxaa yaab isdabayaal.!!!
TANI WAA DHAKO KALE MARYOOLEEY.!! WQ/- Dulyar
TALO KU SOCOTA SAXAAFADDA @WQ-Dulyar
WARBIXIN:- SOOMAALIDU WEY KALA SOCOTAAYE,ISKUMA SOO SOCOTO.!! @Maryooleey..WQ/-2014- tii
-Soomaaliya waa dal ka xorowday Gumeysigii kala qob-qobayay 1960-kii,islamarkaana dadkeedu go’aansaday iney midoobaan 1-dii Luulyo 1960-kii iyaga oo isku qaba hillow iyo is jaceylna si wadajir ah u yagleelay jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ka madax banaan gumeystihii ay hor kacayeen Talyaaniga iyo Ingiriisku.
-Lama qiyaasi Karin maalmahaa faraxadda iyo damaashaadka ka dhacayay gayiga Soomaaliya,hase yeeshee dhinicii ugu horeeyay ee xornimada qaatay waxa uu ahaa Gobolada Waqooyi, waxeyna xornimadooda qaateen 26kii bishii Juun Sanadii 1960kii, Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi Bari iyana waxaa ay xornimadooda qaateen 1-dii Luulyo sanadkii 1960kii. Taasoo dhankale ku asteysan midowgii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Dhanka kale Shirkii Gumeystayaasha Afrika ee lagu qeybsaday Qaaraddan ee ka dhacay Barliin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu kala qeybiyey 5 qeybood waxaana shantaasi qeybood ay kala ahaayeen:
• Somaliland oo la siiyay Gumeestihii Ingiriiska.
Gobolada koonfurta oo la siiyay Gumeystihii Talyaaniga.
• Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay Gumeystihii Faransiiska.
• N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kenya .
Iyo gobolada Soomaali Galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Ethiopia. shantaan gobolna waxaa la isku oran jiray shanta Soomaaliya. taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii Juun sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta Soomaalida ka maqan Soomaali Galbeed iyo N.F.D oo ay haatan ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo kala hoostaga wadamada Kenya & Ethiopia.
-Intaas kadib, waan hubaa in ay weli jiraan dad Soomaaliyeed oo rumeysan inay Goboladaas ka maqan yihiin oo ay iyagu iska leeyihiin,,hase yeeshee ma doonayo in aan ku sii fogaado ka hadalkooda maadaama aan xarigeenaba xoolo ku jirin oo iska daa kuwa maqane iminka laga cabsi qabo in ay kuwa kaloo hor lehi si maskixiyan ah faraheena uga baxaan.
-Markiise uu burburku ka dhacay dalka waxaa midowgii Soomaaliya sheegay iney dib ugala noqdeen Gobolada Waqooyi oo markii horaba sabab u ahaa Midowga Jamhuuriyaddii Soomaaliya kuwaas oo la baxay Somaliland,sidoo kale waxaa iyana maamul u gaara ku dhawaaqay Gobolada Waqooyi Bari oo la baxay Maamulka Puntland, inkastoo aaney iyagu sida Somaliland gooni isku taagin oo ay weli ka mid yihiin Soomaaliya, hadana waa maamul marna la saaxiiba marna u goodiya hadba madaxda dowlada dhexe timaada.
-Labadaas dhacdo oo kala hanka iyo kala midabka ahaa wixii ka danbeeyay xaalku waxa uu ahaa mid faraha ka sii baxayay, waxaana maalin walba nala soo barayay Calan hor leh iyo Madaxweyne maamul oo hor leh,mana jirin markii hore dareen weyn oo laga qabay maamulada dhismaya maadaama dalka aaney ka jirin dowlad adag oo dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah ee ay tabayaan dadka loo wada dareeriyay dhismaha maamulada goboladooda,
Waxaanse shaki ku jirin in bulshada lagu jaheeyay in maamul uu yeesho qabiilkoodu uu ka wanaagsanaan doono kan ay ka sugayaan Qaran Soomaliyeed oo dib loo taago,.mar hadii aaney fahamsaneyn macnaha Federaalkana waxa ay ka dhigteen qiil ay kula ficiltamaan dowlada dhexe ama ay kaga baxi karaan hadii loo baahdo ayuutada Soomaaliya .
-Arinkani wuxuu u muuqdaa mar hadii ay Soomalidu ka soo gudubtay nidaamyo taxane soo ahaa oo lagu soo tijaabiyay sanadihii la soo dhaafay, sida Gacan ka hadalkii Qabaa’ilada,Jabhadihii hubeysnaa , Hogaamiye kooxeedyo,dagaal Diimeedyo iyo kuwa kaloo soo xiriirsanaa oo aynaan kaga soo bixin xeelad iyo caqli aan la nimid ama nagu jirtee aan uga xamdi naqeyno Allah SWTC siduu nooga soo siraad korshay noogana soo samato bixiyay.
Hase yeeshee Markale la doonayo in maskaxda dadkeena lagu shubo qorshe cusub oo ay wataan wadamadii loo xilsaaray baabi’nta Soomaaliya,hadana lagu aaminay soo diyaarinta dastuurkan qabyo qoraalka ah, waxeyna ku soo xariiqeen nidaamka Federaalka ah in laga hirgaliyo Soomaaliya,si uu dalka uga curto “KACAANKII MURAN DHULEEDKA & IS HEYB SOOCA”iskuna qabqabsadaan madaxweynayaal tira beel ahi,iyadoo ujeedadu tahay in aan marnaba la arag cudud mideysan oo Soomaaliyeed.
-Xikmad baa oraneysa "if you never learn from your mistakes, you tend to repeat it" hadii aadan qaladaadkaaga hore wax kabaran, qofkii ku soo celiyaad tahay” hada ,weli waxaad moodaa in aynaan wax ka soo baran wixii la soo maray laguna sii socdo qalad kale oo ka mug iyo miisaan badan qaladaadkii na soo daashaday,.kaasoo ah hanaanka Federaalka ah oo maanta si indha la’aan ah ugu sii faafaya dalka,malaha waxaaba habooneyd hadiiba laga maarmi waayay ama lagu soo qasbay Madaxdeena laguna soo qoray Dastuurka, in marka hore dadka loo macneeyo oo la baro dabadeedna lakala dooransiiyo nooca Federaal ee ay qaadanayaan,balse hada waxa ay u saansaan egtahay in loo fahmay Qabiil kastoow xaafadaada oodo, Gobol,Dagmo iyo Tuulo sidaad rabtana u dhaqan waana taas mida aan ka cabsi qabo.
-Tan kale bilowgii horeba Goboladii u sii diyaargaroobay qaadashada federaalka ma aha fariimaha ka soo baxaya kuwa u wanaagsan dhagaha Soomaalida kale sida, 1:- dadka aan u dhalan deegaanadaan waa in ay isaga baxaan waqti cayiman, 2:-Waa in ay isi soo diiwaan galiyaan dadka aan ku abtirsan beelaha daga deegaankan,3:- waxa amni darada nagu haya waa dadka ka soo jeeda deegaanada kale ee nagu dhex nool ee hala tarxiilo,4:- Kheyraadka Goboladeena Annagaa iska leh cid nala wadaageysana majirto,5:- In dalal shisheeye uu Maamul weliba heshiisyo ka madax banaan dowlada dhexe uu la soogalo, 6- Waa in dalkeena Sidaa iyo sidaa.....iyo tilaabooyin kaloo dhamaantood ifinaya kala sooc iyo kala lahaansho, Amaba sida hadaba dhacday uu abuurmo muran dhuleed iyo is qabqabsi maamul oo aakhirka sabab u noqda in albaabo badan oo hada furan lakala ooto, dibna loo maquurto dagaalkii xuduudaha & Maamulada oo ah malaha kuwa ka mid ah dagaalada weli Inoo harsan.
-Ugu dambeyntii, lama dafiri karo iney jiraan dad badan oo ay weli Soomaalinimadu ku dambeyso xanuun weyna uu ku hayo Nodaamkan FEDERAALKA ah hase yeeshee aan awoodin iney ka horyimaadaan nidaam Siyaasadeedkan la sheego iney ku soo wada heshiiyeen Siyaasiyiin danleey ah & danleeyda kele ee beesha Caalamka iyagoo ku marin habaabinaya bulshada in marka hore la doonayo maadaama Soomaalidu ay iswada dishay in deegaan waliba uu gaarkiis isku soo nabadeeyo dabadeedna la isugu yimado talada Dalka, balse ay xaqiiqda Federaalka dalkeena ku hoos qarsooni ay tahay mid si weyn uga duwan sida la moodayo,
Waana hubantii hadii sida hadaba socota ee ah Dal gaar ah baan nahay, Xiriirkaan u jarnay Dowlada dhexe, Reer Hebel haka baxaan deegaanadeena iyo ficilada kale ee dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah sii kala fogeynaya ay sii socdaan bulshaduna ka aamusnaato ama ay sidaan u kala taageeraan in qof kasta oo waxgarta ay u muuqan karto oraahda ah “SOOMAALIDU ISKUMA SOO SOCOTO EE WEY KALA SOCOTAA.!!!”
DH A M A A D ///
A/dukadir M.Farah Dulyar
Senior Somali Journalist
Dulyar23@Gmail.com
Mugadisho/Somalia