Waxaan soo agmaray Guri gubanaya oo qoyskii lahaa,deriskii iyo dadweynihiiba ay wada daawanayaan, oo aaney jirin cid isku howleysa iney dabka damiso......YAAB
Dadka guriga gubanaya lahaa oo ka mid ah dadka daawanaya ayaa midba mar hadlayaa,wuxuuna farta ku taagayaa hadba sheyga markaas gubanaya sida:-
-Hada Kushiinkii baa gubanaya,......War wuxuu u tilaabay qolkii caruurta,......Aaboow ....Aabow hada waxa gubanooya Maqaasiinkii,.......daashkii ma soo dhaafay,.......Haa qolkii Jiifka ayuu dabkii u sii socdaa,......kaas waa lagu kala baxaye Guryaha kale lee amuu u gudbaa, .....Maya Maya weli gurigaan dabku ma soo dhaafin,.......midbaa dabka ku eedeynaya in Odayga reerku ka dambeeyay...Balse midkalaa ka diidaya oo leh Wiilka weyn ayaa guriga gubay.........Gabar School leey ah oo buugaag xabadka ku heysata ayaa meel halkaas ah ka leh..Adeeryaalow beenta daaya guriga Gabadha weyn baa gubtaye.......Haa dhamaan dadku sidaas ayey u wada hadlayeen....... Mana jirin cid tilaabo muuqata oo lagu bedbedaaniyo guriga gubanaya qaaday, waxaana laga hadlayey oo keliya hadba natiijada ka dhalata dabka kacay oo ahaa mid marba marka ka dambeysa ku sii faafayay qolalka guriga.
Anigoo yaaban baan mid xiiqsan oo ka mid ahaa dadka guriga gubanaya daawanaya ku iri,....Sxbow aaway dadkii lahaa gurigaan gubanaya.?
Nasiibdaro wuxuu faraha iigu fiiq fiiqay Oday iyo Habar iyo dhowr caruur ah, isagoo ii raaciyay in dhamaantood ay maskaxda ka xanuunsan nayaan.
-Waxaan kaloo weydiiyay, hadeey sidaas tahay maxey dadka deriskooda ahi u daawanayaan guriga gubanaya oo ay qoyskaan xanuunsanaya u caawin waayeen.?
Wuxuu iigu jawaabay qoyskaan dadka la dariska
ah oo dhami horey ayey u naceen una dhibsadeen habdhaqankooda, waayoo 30 sano ayey isku xumeyn dhexdooda ah mar walba u gubayeen gurigooda, hadana loo dulqaadanayey oo la caawinayey, sidaas daraadeed hada weyba rabaan deriskoodu inuu gurigu ka gubto.
Iyadoo ay Sheekadu halkaas ii mareyso oo aan garan la’ahay go’aanka aan ka qaadan lahaa arintaan, ayaan hurdadii ka toosay , markaas ayaan ogaaday in wuxuba ay ahaayeen Riyo maalmeed keygii caadiga ahaa, .....iga tag dheh.
Maxaa yaab isdabayaal.!!!
Warbixin Xaalka soomaaliya kahadleysa ama lagu dhererin kara dhibaatada dalka ka jirta haatan,Madax madaxa iyaga isku muuqda shacab qaarna daawadayaal ah kuwo kalana ey u kala camirayaan madaxdaas dhunsan oo dalkiina dhuminaya, Maxaa yaab isdaba yaalkii oo Run Ah waaye duqiyow.....Warbixin aad u shaah cabtay iga dheh, maskaxdaada iyo khibraddaada alaha noo daayo dulyaroow.....Aaaamii>
ReplyDelete