Wadahadalka Rooble & Uhuru oo sida la sheego ka soo bilowday Djibouti, mararka qaarna ku qabsoomayey dhanka ☎️, ilaa uu ka soo gaaray Kulan qarsoodiya ee ay xamxamtu sheegeyso iney dhawaan labada dhinac ku wada yeesheen Shirkii Waxbarashada ee London, waxa keliya oo ay dadku ka xasuustaan waa kulankii uu MD Uhuru qorsheeyay in uu ka dhaco Nairobi oo uu RW Rooble ka cudur daartay.,
Sheekada ๐ธ๐ด iyo ๐ฐ๐ช , oo aheyd 3dii sano ee la soo dhaafay mid aad u xasaasiya oo dhowr jeer xiisado Siyaasadeed ka kicisay gudaha Soomaaliya, sidoo kale cid kasta oo ka mid ah Madaxda Dowlada Soomaaliya ama Siyaasiyiinta mucaaraka ah ee lagu xanto ama lagu arko iney Kenya gacan saar la leeyihiin waxey ahaayeen kuwa markiiba shacabka kala kulmayay mucaarado xoogan, balse RW Rooble maadaama uu yahay shaqsi ku cusub Siyaasadda Soomaaliya oo loo igmaday doorashada 2021-da oo keliya, dad badanina kama filayaan inuu noqonayo albaabka keliya ee maanta Kenya uga furan Soomaaliya, maadaama dhamaan albaabadii kale oo dhan ay ku soo guuldareysatay.
Balse hada waxaa soo if baxaya madmadow iyo shaki ku saabsan waxa ay salka ku hayaan kulamada iyo xiriirka joogtada ah ee u dhexeeya Rooble & Uhuru, inkastoo Warar dhawaan soo baxay ay sheegayaan in maalinta Axada ah ay Muqdisho ku soo wajahan tahay W/Arimaha Dibadda ee Kenya ๐ฐ๐ช, si ay kulan ula qaadato dhigeeda Somalia ๐ธ๐ด, ka dibna ay labada dhinac qalinka ku wada duugaan waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii hordhaca ahaa ee ay Uhuru iyo Rooble ku wada gaareen M/London, sida caadiga ahna waxaa Saxaafadda loo soo bandhigi doonaa kulanka ka dib qodobada diplomacy ahaan loo yaqaano marin habaabinta indhaha bulshada.
Dhanka kale, wadahadalkan cusub ee Somalia ๐ธ๐ด iyo Kenya ๐ฐ๐ช u bilowday ma aha mid si fudud ku yimid ee waa mid ay ka shaqeeyeen dalal dhowr ah oo ay hormuud u yihiin Norway,Qatar ,UK, & dabcan African Union {AU-da}, oo iyagu Todobaadkii hore Dowlada Soomaaliya ku cadaadinayey iney aqbasho codsiga ay Dowlada kenya soo gudbisatay ee ah in la dhexdhexaadiyo khilaafka xuduudaha ee kala dhexeeya Soomaaliya, inkastoo W/Arimaha Dibadda ee Soomaaliya uu beeniyey in ay DFS wadahadal kala yeelaneyso muranka Xuduudaha dhigooda Kenya, maadaama ay arinta xiduudda soo hoos galeyso xadka muran badeedkii ay Kenya gelisay soohdinta baddeena, oo ah mid horey dacwadeeda loogu gudbiyay Maxkamada caalamiga ah ICJ, dhawaana laga sugayo go’aanka ay Maxkamaddu ka soo saarto Dacwaddaas.
Sikastaba, hadeey dhacdo in maalinta Axada ah ay Muqdisho ku wada kulmaan labada Wasiir Arima dibadeed ee Somalia & Kenya, iyo in markaa ka dib uu RW Rooble Talaadada safar ku tago Kenya, waa in calaamad su’aal la wada saaraa dhamaan is aragyadii iyo xiriiradii horey u dhexmaray MD Uhuru iyo RW Rooble.kuwaas oo aan faahfaahino dheeriya laga bixin, balse inta ka horeysa waxaan leenahay WAR JIRAA CAKAARUU IMAAN.!!
Maxaa yaab isdabayaal.
No comments