WARBIXIN- ISKU MAQAN.!!
Waxaa wax la hubo ah, in qofkasta ama bini’aadamkuba ay jirkiisa ku jiraan Unugyo u diyaar ah difaaciisa, waa Unugyo u dhisan sida qaabka Ciidamada oo ay u dhameystiran yihiin qalabkooda iyo hubkii ay kaga hortagi lahaayeen waxyaabaha jidhka soo weerara sida Virus-ka,ama Bacteria-da IWM.hadiise ay qofka Unugyada difaaca jirkiisu seexdaan ama ay shaqadooda gabaan waxaan shaki ku jirin iney qofkaas si fudud u soo weerarayaan cudurada waaweyn iyo kuwa yaryarba marka dambena uu u geeriyoonayo,sidaas daraadeed qofkaasi sax maaha in uu ku doodo muxuu cudur hebel ii soo weerarayaa isagoo ogsoon in Unugyadii difaaca jirkiisu ay baaba’een.!!
Tusaalahaas kooban kadib, horta Soomaalidu markii ay iyadu iska burburisay Unugyadii ka difaaci jiray cadowgeeda waaweyn & kuwa yaryarba, waxey beylah unoqotay Inay si fudud u soo haweystaan dalalka deriskeeda ah iyo kuwa saaxiibka la ahaaba,sidaas daraadeed waa nasiibdaro in maanta dad badan oo innaga naga mid ihi iney ku doodayaan, Soomaaliya waxaa faragelin ku haya dalal shisheeye oo ka hortaagan iney dowlad xoog leh hesho ama ay nabadi ka dhalato, waa run arinkaa oo lama dafiri karo, waayoo intaad isku maqneyd ayaa adigana lagugu maqnaa, balse mid ogow “dunida waa lakala baqaaye laguma kala xishoodo” weligeedna waa leys riixriixayay oo hadba ciddii ujabtaa ugu liidatay.
Sidaas daraadeed, eedaha aan had iyo goor ujeedinayno dalalka shisheeye waa eedo madax geed la dhac ah oo aaney jirin cid naxariis noogu sameyneyso, ee aan marka hore taa badelkeeda annagu rumeysano Soomaali hadaan nahay in aan eeddaas oo dhan leenahay,islamarkaana aan annagu ka masuul nahay waxa dadkeena & dalkeena ku dhacaya , maadaama aan annagu horay isaga burburinay wax walba oo difaac ah oo aan heysanay, welina aan annagu iska hortaagan nahay inaan dib u soo ceshano wixii naga difaaci lahaa cadowgeena iyo faragalinta shisheeye, oo ay ugu horeyso Soomaalinimadu, halkii aan u kala tartami laheyn qabyaalad,kala tag & kala qeyb-qeybsanaan.
Markaan intaas wada rumeysano ayaan wada raadin karnaa xalka & mushkiladaha maanta dalkeena iyo dadkeena heysta, hadii kale inta ka horeysa waxaan ku jireynaa Waawareey Dhulkii baa nalaka qaatay, iyo Waawareey Baddii baa la boobayaa, .....Marka xigtana hadaan leys daba qaban waxaa imaan doonta Waawareey dadkii baa la iibsanayaa ama inaan aragno Qabiilo dhan oo Soomaaliyeed oo iyaga & dhulkoodiiba ay ku biirayaan dalal kale, Ilaaheey taa nama tusee....Maxaa Yaab isdabayaal.!!
WAXAAD MAANTA BI’SAAN, BIRI HA U SHALAAYINA.!!!
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho
No comments