CABASHADA SANDUUQDA DOORASHADA.!!
Mar hadii aaney jirin sanadkan wax cabasho ah oo ku saabsan sida magacaabista ah ee ay ilaa hada doorashadu u socoto, oo laga soo sheegayo Madaxda murashixiinta,Kuwa kuraasta doonaya,gudiyadii doorashada iyo xitaa Shacabkii wax garsoori jirey, xaalkuna yahay Dheri walba Ninka u dhow Lafta hakala baxo, ayaa warar goor dhow soo baxay waxa ay sheegayaan iney jirto hal cabasho oo aad u weyn taasoo ah CABASHADA SANAADIIQDA DOORASHADA.!!!
Waxeyna leeyihiin,...Walaalayaal Annagu idiin kuguma imaan sadaqo ee UN-ka ayaa naga soo bixiyey lacago aad u farabadan oo weliba deyn ku ah dalkiina, waxaana in mudo ah dhaqaale badan iyo waqtiba laGu bixiyey in naloo tababaro shaqaalihii na isticmaali lahaa ama tirin lahaa codadka ay Xildhibaanadu dhexdeena ku ridaan, Sidoo kale markii dalka nala keenay waxaa diyaarado la kireeyay nalaku kala geeyay Gobolada ay doorashooyinku iminka ka dhacayaan,, intaas oo dedaal iyo dhaqaale ahna waxaa loo sameynayey waxey aheyd in dalkiina ay ka qabsoonto wax doorasho u eg oo lagu qancin karo kuwa dusha sare idinka heysta ee aad halkaan ugu xareysan tihiin.
Hadaba , Sanadkaan waxaad sameyseen wax yaab leh, waayoo sanduuqyadii la idiin keenay badan kood meydnaan isticmaalin oo meel ayaad iska dhigteen, qaarkiina waxey subixii geeyaan goobta doorashada, duhurkiina waxey soo xareeyaan iyadoo aan la isticmaalin oo sidooda u af xiran, balse taa bedelkeeda waxaad isticmaasheen wax la yiraahdo MALXIISYO, aan u tababarneyn sida sanduuqda loogu tababaray shaqaalaha, waan ognahay waa kuwa ay daruuftu ku qasabtay oo xitaa hadalka gefgafaya ama uu AfSoomaaligu dhib ku yahay, waxey dhaqaale dartii ugu ciyaareen mustaqbalkooda iyo kan Caruurtooda, waxeyna hayaan shaqadeena Lkn iyagu isma oga,
Ugu dambeyn, waxaan Reysalwasaaraha, madaxda Gobolada iyo gudiyada doorashooyinka ka codsaneynaa in MALXIISYADU shaqadeena noo daayaan oo nagu ixtiraamaan, waana in dhaqankaan si degdeg ah wax looga qabtaa inta aan Madaxweyne malxiis kiisa wata dusheena lagu dooran iyadoo aan hal sanduuq nalaka isticmaalin.!!....midna Ogaada kuwa doorashada maamulayoow, hadii ay sidaan shacabkiina iyo waxgarad kiinu idinkaga aamusaan raalina idinkaga noqdaan, inaan Annagu maalinta Aakhiro idinku markhaati furi doono inaan hal warqad oo cod ah nalaku ridin......Mahadsanidiin.
WAA ARAGTIDEYDA GAABAN.!!
Maxaa yaab isdabayaal.!!
No comments