TUSAALE KOOBAN:- QABYAALADDA IYO DOWLAD NIMADA.!!







QABYAALADA  IYO DOWLAD NIMADA.!!!
------------------------------------------------------------


Tusaale yar oo  kooban: -  Kaba soo qaad Qabiil ku in uu yahay Badweynta. Dowladnimaduna ay tahay Dooni badweyn taas ku dul socota.

=Doonta hadii biyuhu soo galaan dhexdeeda waa u halis inay  qarqanto ( Dagto} ama ay wax yeelo soo gaarto. sida àad  inta badan aragtaana durba dadka saaran doonidu  kuma fiirsadaan  biyaha soo gala doonta ee dibadeey uga saaran.  .
= Sidoo kale doonta hadii ay  ku dul socoto Badweynta  oo aaney iyaduna  ka faa'ideysan kheyraadka badda ku dhex jira socodkeedu waa khaasaaro.

Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah  "Doonida oo ah {Dowlad nimada}   in laga ilaaliyo Biyaha Badda  oo ah { Qabyaalada } in ay soo dhex galaan.
Balse taa badal keeda waa in Doonida dadka saaran  oo ah ( Madaxda Dowlada )   ay ka faaideystaan Badweynta    ee ay ku dul socdaan oo ah  ( Qabiilada)   kheyraadka ku dhex jira sida Aqoonyahanada.Haweenka . Waxgaradka. Culimada. Dhalinyarada iyo inta kartida ;eh ee wanaaga jecel si ay dowladu u hesho  awoodaha ay dad kaasi bulshada ku dhex leeyihiin." !!!

MAHAD SANIDIIN/=

Xasuusin murtidii ahayd :-
----------------------------
(Dab iyo dhagax
Layskuma dhiftee
Kala dhowraay,
Wax ka dhigan gobonnimada,
Qabiil dhex galee
Kala dhowraay
Waa is dhinac wadnaa
Kala dhowraay 
Kala dheer labadee
Kala dhowraay. )

Abwaan AUN Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed”

================

WQ/= Abdulkadir Dulyar.
Muqdisho

No comments