SHEEKO DHEXMARTAY ODAYAAL & QURAANJO.!! WQ/- Abdulkadir Dulyar






SHEEKO:-

Hadda ka hor ayaa niman odayaal ah waxa ay Subax walba  ku shaahi jireen ama  ku sheekeysan jireen meel barando ah ama Guriga daaradiisa ah , maalmihii dambe ayaa meeshii waxaa ka bartay Qudhaanjo, taas oo  naftii Alle laheyd u keentay. koob kasta  iyo dhibic kasta oo shaah ahna is dul tubta.
Nimankii  Odayaasha  ahaa si kasta waa sameeyeen,
=Mid baa yiri aynu uga guurno daaradaba, taasi socon maysaa lagu yiri.
=Mid kalaa yidhi Nafto hala wada mariyo barandada oo dhan, saa walley ka tahay joogsan wayday,
=Mid kalae ayaa la soo booday war haba la wada laayo jini la tagta, mise  waaba ka sii dareen,
Iyadoo qaati laga taagan yahay & in looga qaxo Daaradda  ayaa mid ka mid ah Odayaashii waxa uu yiri:- 


  

-Odayaal  quraanjada anigaa maanta xal u keenaya.
=Waa yahay baa lagu yiri, weliba duco ayaan kuugu dareynaa.!!
Ninkii wuxuu raadiyay quraajada god keeda mise waxa uu  ku yaallaa Guriga dabaqa ah ee ay saaran yihiin jaranjarada ugu hooseysa ee laga soo galo, bartii buu Koob shaah ah u dhigay, halkii bey isugu aruureen,
Odayashii galabtaas wixii ka dambeeyay  hal qudhaanja ah oo kor u soo korta waa la waayay, lkn waxa ay noqotay   in  galab walba 
quraanjada  shaaha odoyaashu ku sheekeystaan  looga rukumo Koob shaah ah oo koob weyne ah, waase lagu kala nabad galay wixii maalin taas ka dambeeyay .!!

XIKMADA KU JIRTA SHEEKADA: Ogow qudhaanjada yari waxa ay diiday waa kaligey aan  noolaado oo waxay go'aan satay inay calaf keeda raadsato 
xataa hadey ku wada baaba'ayaan,  laakiin markii ay  xaqeedi  heshay balankii way fulisay oo hal xabo oo quraanjo ahi kor kama soo aadin, taa badelkeeda maanta Qofka Soomaaliga ahi  wuxuu rabaa  inuu kaligiis noolaado,   kaligii tujaar noqdo,  guryo waaweyn dhisto,  baabuur qurxoon magaalada ku wato islamarkaasna  uu nabad ku helo,isaga oo aan walaalkiis oo baahan waxba u ogoleyn ama aan u diirnaxayn  inuu ku farxo mooyee Soomaalida  kale ee hareerihiisa  baahida daacaneysa,   .  ....Maxaa yaab is daba yaal.!!!


Hadaba waa su'aale maxaa Bini'aadamka intiisa badan ugu wacan balan xumida, Xasidka, Beenta & kaligi cunista ama in uu kaligii dhergo ama noolaado,? MOOYI../-



         /---------------------------------&n

WQ/= Abdulkadir Dulyar

Share This:

  • Facebook
  • Twitter
  • Google Plus
  • Pinterest
  • Linkedin
  • No comments