BAJAJ WAA LAMA HURAAN, BALSE XIDAGAHEENU MA MUDNEYN MAANTA OO KALE.!! WQ/ Dulyar.




Bajaj waa lama huraan balse,maanta oo kale   ma mudneyn Xidigaheenu . !!!
================================================================
Aniga aragti dayda waan jeclaan lahaa in Xidigaheena loo soo dhaweeyo sida Xidigaha Real Madrid C.F. oo UEFA Champions League soo qaaday oo kale ,balse Eeddan sida aan arkayo waxba kuma laha Madaxda Dowlada & tan Gobolka Banaadir-ba, waayoo door koodii wey qaateen waxa ayna u soo dhaweeyeen si heer sare ah oo maamuus wanaagsan ka muuqdo, weliba waxaan marqaati ka wada nahay oo aan  la dafiri karin in Madaxda Dalka ugu saraysa & tan Gobolka Banaadir oo udba hooda wata ay garoonka u taag naayeen saacado badan soo dhaweyn tooda.,
Docda kale, Waxaa soo garab istaagooda darteed dalal fog fog uga yimid Xidiga hii & Legends kii K/Cagta dalkeena, Sida #Mohamed #Ismaciil#BashirJeenyo#Iskood ,iyo Saaxiib Key #ZOLA bidaar oo howshaa garwadeen ka ahaa iyo akhyaar kaloo badan oo runtii ilaa Bujumbura la socday , Sidoo kale Halyeey yadii K/Cagta soo maray ee dalka ku sugnaa ayaa iyaguna saffaf dhaadheer ugu jiray soo dhaweyn tooda, tan kale waxaa loo garaacay Baambay, waxaa lagu soo galbiyay Busas iyo Caleemo qoyan waxaana munaasab Quraac ah loogu qabtay Hotel Saxafi oo ay Madax fara badani kala qeyb gashay.

Balse intaas ka dib, waxaa Eedda qaladkan yar  dusha u ridanaya  Gudiga qaban qaabada ,Wasaaradda Sports-ka  & Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo dabcan uu qorshuhu ka qaldamay si kastaba ha uga sibxatee iyaguna waa bini'aadam oo waxaa laga yaabaa sidaan u fikireyno si ka duwan inay u fikirayaan ., balse waxaan leenahay fadlan iska sax oo wax ka barta Guulaha dambe si aaney u dhicin sidaan oo kale , malaha tan Farxada & Guusha oo idinku cusbeyd baa idin wada dawaqisaye.Sow maaha ...
=Waayoo uma aysan waayin sidaan si dhaanta oo guryahooda lagu kala geeyo si sharaf ah Sow maaha.?,


=GUNUUNACA BULSHADA:-
= kuwaa oran doona Aaway 30-kii Bus ee Qadar?
=Waxaa suurtagal ah in amaankooda loo baqay. in intaas oo Ciyaar yahan oo la wada ogyahay inay maanta dalka ku soo laabteen Hal Bus la wada saaro oo Guryahooda lagu kala geeyo.
-Kuwa kalaa dhihi doona awalba igu sawir bay aheyd.
=Markaas baa xaqiiqdu oran doontaa Raysalwasaare K/Xigeenku haduu sawir u ciil qabo Bujumbura ayuuba iskula soo sawiree maxuu maanta isaga seexan waayay MOOYI
=Kuwaa la soo boodi doona aaway lacagtii loo ururuurinayay?
=Gudiga lacag qabashada ayaa  la soo boodi doona Sheydaan ka iska naara  oo wax hubsada..
=kuwaa ku fikiri doona waxa ay ahayd in Raysal Wasaare Kheyre uu raaco oo guryahooda kala geeyo si uu u dhiirigaliyo dhalinyarada ?
=Markaas baa kooxda Amniga wax ka taqaana ay arinkaas madaxa ka ruxi doontaa, maadaama dhalin yaradaan aaney hal Degmo wada daganeyn islamarkaana aaney Siyaasad & Dowlad shaqo ku lahayn .
=Ugu dambayn Kuwa xarig lama sitaan ah baa marka ay arkaan qoraal keygan hoosta iga xaman doona iyaga oo leh..... Muxuu Xiirka K/Cagta ka rabaa.? .... "Dulyar Dowlada ayuu taageeraa".iyo hunuhunu kale
=Markaas sow Anigu xaq uma lihi inaan dowladeyda taageero,YES..... lkn hadana markey arkaan maalin kale Aniga oo dowlada docdoceynaya MAXAA YAAB IS DABA YAAL.....sow maaha .kkk
Isku soo duuboo Hala iga raali ahaado hadaan wax ku dheelay waxaan diidayaa oo qudha inaan dadka hilba aan islaheyn la isugu saafin.Adiguna aragtidaada xor baad u tahay , Anna teyda igu ixtiraam,  Xamaroow khayaarkaa sow maaha kk






Mahad sanidiin/=

=WAA ARAGTI DAYDA/= 

Abdulkadir Dulyar
Muqdisho/=

No comments