QORMO:- MAAN IS BARANO WAA INOO DAN'E.!! WQ/-Abdulkadir Dulyar




06/04/2018.

Soomaalidu Hadii ay 2-3 Sanno oo kaliya si joogta ah ula socon lahayd  oo ay dib u wada dhageystaan/Daawadaan ama qiimeyaan, dhamaan khudbadaha ama hadalada ay Madaxdu noo sheegtay, Dooddaha Baarlamaanka ,Kulamada Xukuumada & Go'aanada ay soosaaraan/sheegaan, ama ay isweydiiyaan  oo aqriyan Sharciyada dalkeena waxa ku qoran,sida ay u qoran yihiin iyo cida qortay, iyo Sida ay siyaasiinteenu uga falceliyaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka abuurma Iyo sharciyada ay u maraan xalin tooda, Ganacsiga Dalka & sida uu u socdo, Waxbarashada dalka & halka ay ku tiirsan tahay, Shirarka Danaha qaranka looga arinsanayo iyo Go'aanada ka soo baxa, Deeqaha Caalamku Soomaalida ugu yaboohaan, Kulamada caalamiga ah ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya sida midkan taxanaha noqday ee @Brussels, Xaalada dhabta ah ee Ciidamada Qarankeena, Ciidamada shisheeye ee dalka jooga  iyo shaqooyin kooda iyo guud ahaan dhacdooyinka waaweyn ee Soomaalida quseeya ee ka dhaca maalin walba dalka iyo dibadiisa, iyo qodobo kaloo muhiim ah. 


Waa hubanti  hadii ay sidaas sameyso maskax iyo qalin ka caafimaad qabta dhaqamada ay dadkeenu ku sifoobeyn iyo cudurada nagu dhacay waayadaan dambe, in ugu yaraan ay noo soo bixi laheyd halka ay mushkiladeenu ka jirto & waxa dhabta ah ee dalkeena ka socda, 






Balse iminka dhibta nawada heysata waxaa weeye inaan wada nahay umad aan is aqrin oo aan lahayn wax kayd taariikheed ah ama tixraac ah, waxaan ka hadalnaa oo aan waqtigeena iyo maskax deenaba ku luminaa ka doodista iyo rogroga hadba waxa markaas taagan maalmo ka dibna mid kalaan uga digarogonaa, balse kama wada hadalno wixii nasoo maray sababta ay noo soo mareen  & xal kooda iyo halka aan u socono toona,waa midaas jahwareer ka  nagu dhacay oo aan ku kala garan la'nahay waxa noo hagaagsan iyo waxa naga xun,Waxa ay dadkeenu  ku waayeen nolosha oo ay dhimashada ku raadinayaan,  Hogaanka fiican & Midka liita, Danta guud & tan qaas ka ah, waxtarka Dowladnimada & Dowlad la'aanta, Cadaalada & eexda, Hantida umada & midda gaarka ah ,Musuqmaasuqa & Maal dhowraha, Qofka & Qaranka,, Xalaasha & xaaraanta, Amniga & Amnidarada, Wadajir ka & Kala tagga, IWM


Aragti ahaan  Dadkeygoow inta ay Sanadaha & madaxda oo kaliya ay isku kaaya bad bedeli lahaayen inagoo weli  dhex dabaalanayna mushkiladihii ay noogu yimaadeen noogana tageen kuwii iyaga ka horeeyay  waa muhiim inaan ka korno khiyaaliga iyo ku noolaanshaha beenta ama dhalan teedka qof/koox jecleysiga ku dhisan oo aan taa badal keeda u wada istaagno ka shaqeynta maslaxadda guud ee nawada midayn karta, taas oo aan  ku gaari karno oo kaliya  inaan runta iyo dhagaha isku furno si aan helno xalka mushkiladda nagu wada gedaaman.!!!


=WAXAAD MAANTA BI'ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.=


NB/- Hadii aad ila garatay ujeedadeyda Mahadsanid, hadii kale saadambaad garan.
.

WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH /=

WQ/= Abdulkadir Dulyar 
Muqdisho.

No comments