MD HSM SIDEE DOONAYAA INUU U WAJAHO GO’AANKII SRAIL KU AQOONSATAY SOMALILAND.? .?

Waraysigii Al Jazeera, ma wuxuu madaxweyne Xasan waddo ugu furay xiriir ay Muqdisho la sameyn karto Telaabiib? Sideebu doonayaa madaxweyne Xasan , inuu ku wajaho go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland? Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi ay horraantii maanta baahisay Al Jazeera ku xaqiijiyay in waxa ka maqan Soomaaliya iyo Israa’iil uu yahay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse Israa’iil ay tahay dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay aqbalsan tahay jiritaankeeda dowladnimo. Suuragalnimada uu madaxweynuhu soo bandhigay ee ah in Soomaaliya xiriir la yeelan karto Israa’iil ayaa sidoo kale marag u noqonaysa in Soomaaliya, waqtigan, aysan gebi ahaanba diiddanayn barnaamijka uu Trump hindisay ee Abraham Accords. Labadan aragti waxay meesha ka saarayaan doodda ay dad badan ku diiddan yihiin aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil. Fikradayda, madaxweyne Xasan wuxuu gudbinayaa aragti ah in Israa’iil ay u baahan tahay inay soo marto Muqdisho oo sharciyad haysata. Wallow kulan uu madaxweynuhu toddobaadkan la qaatay xubno siyaasiyiin ah la sheegay in lagu soo bandhigay marxalad hore oo loo soo jeediyay in Soomaaliya ku biirto barnaamijka Abraham Accords—oo ujeeddadiisu tahay in xiriir ay yeeshaan Carabta, dalalka kale ee Islaamka iyo Israa’iil—wuxuu xilligaas sheegay inuu diiday soo jeedintaas. Hase yeeshee, wareysiga uu bixiyay ayaa laga dheehan karay inuu ka soo degay diidmadii hore. Isla qaabkan dabacsanaanta ah ayuu madaxweynuhu hore ugu wajahay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran, kaas oo ugu dambeyn sababay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya lagu soo dhaweeyo Muqdisho, isla markaana Turkigu door ka qaatay qaboojinta xiisaddii markaas taagnayd. Si kastaba ha ahaatee, marxaladda hadda taagan, Itoobiya waxay dib u soo cusbooneysiisay mowqif u muuqda mid ka soo horjeeda danaha Soomaaliya, inkastoo aysan si cad u shaacin mowqifkeeda. Hase yeeshee, ilo ku dhow Addis Ababa ayaa sheegaya in Itoobiya aysan ka soo horjeesan doonin Israa’iil, arrintaas oo lala xiriiriyay in Israa’iil ay hore olole ugu jirtay inay soo jiidato dalalka Geeska Afrika ka hor inta aysan ku dhawaaqin aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale, Israa’iil ayaa Addis Ababa u soo bandhigtay ka-qaybgal qorshayaal amni oo la xiriira Qasa, kuwaas oo ay ku jiri karto in halkaas la geeyo ciidamo ka socda Itoobiya—arrin siin karta Itoobiya, gaar ahaan Abiy Axmed, miisaan diblomaasiyadeed iyo marin ay ugu dhowaan karto maamulka Washington. Isku-day kasta oo Muqdisho ku raadinayso in la helo hab hoos loogu dhigo dhaqdhaqaaqa Israa’iil, iyadoo la marayo waddo lagu xakameeyo ama lagula xiriiro, ma aha mid fudud. Waxaa hor taagan caqabado ay ka mid tahay: ma heli kartaa Soomaaliya wax ka wanaagsan waxyaabaha ay Somaliland u soo bandhigtay Israa’iil? Kaarka ugu weyn ee Muqdisho, waa in is afgaradyada lala gaaro uu helayo sharciyad. Dalal sida Morocco ayaa u maray inay caqabadahooda ku xalliyaan barnaamijka Abraham Accords, waxay ku biirista barnaamijkan Morocco ku heshay in Saxaraha Galbeed loo aqoonsado is maamul ka tirsan dawladda Morocco , taa oo meesha looga saaray madax bannaanidii ay raadinayeen Polisario, halka Suudaan oo xulafo lahayd Sacuudiga iyo dalalka hadda ku jira dadaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya lagu taageerrayo ay ku qancisay xulafadaa inay u oggolaadaan xiriir lala sameeyo Israa’iil, markaa oo Suudaan ay oggolaatay ku biirista Abraham Accords, wallow dagaallada socda ay meesha ka saareen dhaqangelinta heshiiska , markaa Khartuum , waxay u arkeysay xalka dhibaatada ay wajahayso inuu ku jiro xiriir lala sameeyo Israa’iil. Laakin haddii mowqif dalalkan la mid ah ay qaadato Muqdisho, iyana waxay leedahay is waydiinta; xalku ma wuxuu ku dhammaananaya oggolaashaha Israa’iil iyo waxaa maxay doodda lagu qancinayo bulshada Somaliland? Muddo toddobaad ku dhow, tan iyo markii go’aanka Israa’iil uu soo baxay , ma jirin siyaasad maxalli ah iyo aragti lagu wajahayo oo madaxweyne Xasan uu soo bandhigay, dadaallada uu waddo illaa hadda waa cambaareyn caalamiga ah ee lagu taageerray midnimada Soomaaliya , taa beddelkeeda mucaaradka iyo xubno bulshada ka mid ah ayaa saluugsan habka Villa Somalia ay ku wajahayso marxaladan, illaa xubno mucaaradka ka mid ah ay sheegeen in kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan , uusan muujin wax walaac ah , waxna ka beddelin mowqifkiisa arrimaha dhalinayay khilaafka gudaha oo hubaanti la’aanta doorashada heshiis laga gaaro ay ugu horreyso. Taa beddelkeeda, madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro wuxuu maanta dadweynaha la wadaagay inay jiraan dalal kale oo ku biiraya Israa’iil, kuwaasoo aqoonsanaya Somaliland. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay inuu helay xog sirdoon oo xaqiijinaysa in Somaliland ay aqoonsiga ku heshay markii ay oggolaatay saddex arrimood: tan koowaad waa dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ee Somaliland; tan labaad waa in Israa’iil la siiyo saldhig militari oo ku yaalla xeebta Gacanka Cadmeed; tan saddexaadna waa ku biirista Somaliland ee Heshiisyada Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland aqbashay. Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii saddexdan dalab la dhaqan geliyo, wuxuu ku jawaabay: “Sanduuqii Pandora ayaa dunida lagu furi doonaa,” taas oo la macno ah in dhibaato aan dhammaad lahayn la gelayo—mid aan dhinacna faa’iido u lahayn. WQ/- Iman Jama Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Wednesday, December 31, 2025
WAJIGAGA DHABTA AH & IS-YEEL YEELKA DUNIDA.!!!

Wejiga Dhabta ah iyo Dunida Is-yeel yeelka! “I was ashamed of myself when I realized life was a costume party, and I attended with my real face.” Oraahdan waxaa laga hayaa qoraaga reer Jarmal Franz Kafka. Mararka qaar qofku wuxuu nolosha u maraa isagoo aaminsan in runta, daacadnimada, iyo wejiga dhabta ahi ay ku filan yihiin nolol suuban. Wuxuu rumaysan yahay in hadalka tooska ah iyo niyadda furan ay keenaan faham iyo kalsooni. Hase yeeshee, marka waayo-aragnimadu kororto oo indhuhu furmaan, waxaa soo baxda xaqiiqo kale: noloshu marar badan waa xaflad ay dadku ku lebisan yihiin wajiyaal aysan lahayn. Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: “Wa maadeeys adduunyadu, dadkuna way matalayaan.” Oraahda Franz Kafka waxay iftiiminaysaa dareen qaraar oo qofku la kulmo marka uu ogaado in dadka badankood aysan isu muujin sida ay dhab ahaan u yihiin. Dadku waxay xirtaan “dhar” ka samaysan dano, cabsi, danaysi, iyo la-qabsasho bulsho. Tusaale ahaan, haddii aad warsato qof aragtidiisa siyaasadeed, inta badan wuxuu ku siinayaa fikirka kooxda uu ka tirsan yahay, kan qabiilkiisa, ama kan mabda’a uu ku dhex jiro—ma aha aragti ka timid maskaxdiisa gaarka ah. Sidoo kale, marka shaqo ama xil la raadinayo, dad badan waxay muujiyaan akhlaaq iyo mowqif aysan rumaysnayn, si ay u helaan aqbalid ama fursad. Dhinaca kale, dhaqanka shukaansiga ayaa si cad u muujinaya is-yeelyeelka. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Been ku soo xero geli, runna ku dhaq.” Marka la shukaansanayo, qof walba wuxuu soo bandhigaa dhankiisa ugu quruxda badan; ballanqaadyo waa la badiyaa, “geedkaad ku dhegto waan kuu gooynayaa” ayaa la yiraahdaa. Laakiin marka laysla aqal galo, runta ayaa si tartiib ah u soo baxda, wajigii dhabta ahaana wuu is muujinayaa. Markaad adigu la hadasho dadka adigoo wata wejigaaga dhabta ah—run, daacadnimo, iyo qalbi furan—waxaad mararka qaar dareemaysaa kalinimo iyo yax-yax, maadaama aad ku sugan tahay dhabnimo halka inta kale ay ku sugan yihiin matalaad. Qofka runta ku hadla waxaa lagu tilmaami karaa mid “adag”, ama xitaa “khatar ku ah nidaamka jira”. Ceebta halkan ku jirta ma aha mid ka dhalata runta lafteeda, balse waa mid ka dhalata garashada ah in dunidu marar badan abaalmarin siiso muuqaalka, halkii ay siin lahayd macnaha. Qofka daacadda ahi wuxuu noqon karaa mid la fahmi waayo ama la iska indho tiro, halka kan wajiga beddelashada yaqaan uu si fudud ugu dhex milmo bulshooyinka. Sidaas darteed, su’aashu ma aha oo keliya in la xirto waji been ah iyo in kale, balse waa: ma mudan tahay in la waayo naftaada si aad ula qabsato bulsho, mise in aad ku adkaysato runtaada, xataa haddii ay kugu keento kalinimo iyo go’doon? Kafka xal cad naguma siiyo su’aashan, balse wuxuu inoo muujinayaa xaqiiqo muhiim ah: adduunyadu inta badan waxay ku dhisan tahay is-yeelyeel, qof walbana wuxuu sitaa waji-dabool ama mask. Fahamka dabeecaddan aadanaha—iyo aqbalidda in matalaaddu qayb ka tahay nolosha—waa tallaabada koowaad ee qofku ku ilaalin karo miyirkiisa, kagana badbaadi karo inuu ku lumo ciyaar uusan isagu dejin. WQ/- Farhan Ali Ahmed

Abdulkadir dulyar Monday, December 22, 2025
SHIRKA KISMAAYO: SHALAY & MAANTA ISU EKAA.!!! WQ-Dulyar

SHIRKA KISMAAYO:SHALAY & MAANTA isu ekaa.!!! Waxaa goor dhow soo xirmay shirkii maalmahaan magaalada Kismaayo uga socday xubnaha mucaaradka ah ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 17 qodob, oo nuxurkoodu yahay in Golahani uu si weyn u diidan yahay waxkasta oo aan heshiis lagu wada aheyn oo ay dowladda federaalka ahi waqtigaan dalka ka wado sida: •doorashada Qof & Codka ah ee heer Gobol iyo heer Federal, •Wax ka bedelka destuurka KMG ah, •In hey’adaha destuuriga ahi ay sameystaan muddo kororsi, •Baaq loo jeediyay Madaxweyne HSM oo ku saabsan in 30 maalmood gudahood uu gogol isugu keeno saamileyda Siyaasadeed ee dalka, iyo qodobo kaloo qaarna lagu qurxiyay War Murtiyeedka, qaarna dib loogu dhigay mustaqbalka & waxa dhici doona. Halkaa markeey taagan tahay, fadlan hala yaabin, oo fajac yaaney kugu noqon In ay sidaan wax u dhacaan, maxaa yeelay Siyaasiyiin teenu waxey noogu soo celceliyaan hal filim oo aan ku daalnay daawashadiisa, sababtuna waa ka aradnaanta hal abuurka & u hindisid la'aanta dalka siyaasad cusub oo hor-u- socod ah oo ka bedelan kuwii aan horay u soo aragnay. SHALAY: 2019-kii: mucaaradka dowladdii Farmaajo oo uu hogaaminayo MD Xasan Sh Mohamuud ayaa Muqdisho kaga dhoofay diyaarad gaar ah safarkooda Kismaayana waxey ku sheegeen ka qeybgalka caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay xiligaa dowladdii jirtay aad u saluugsaneyd sharciyaddiisa maamul, Sida la wada ogsoon yahayna Safarkaasi ma aheyn mid loo aaday jaceyl iyo xiisa gaar ah oo loo qabay hogaamiyaha Jubaland ee wuxuu ahaa mid ay mucaaradku ku xumeynayeen dowladdii Farmaajo oo la ogaa iney diidan tahay doorashadii Axmed Madoobe. MAANTA: 6 sano kadib, sanadku waa 2025ka, waqtigu waa waqtigii, mucaaradka & muxaafidku waa isla kuwii oo ay qaarkood maaliyaddaha kala bedesheen, maamulada wax diidani waa Puntland & Jubaland tii shalay, eedaha leysku jeedinayo waa isla kuwii un, muranka & safarkuna waa kii oo kale oo waxaa Muqdisho diyaarado looga daad gureeyay mucaaradka dowladda MD Hassan Sh.Mohamuud oo uu doorkan hogaaminayo MD Shariif Sh.Ahmed, safarkaanina waxa uu dhanka MD Ahmed Madoobe uga dhigan yahay caleema saarka doorashadiisii lagu muransanaa ee dhacday 2024tii, maadaama uu weli Madaxweyne Xasan Sheikh ka gows adeygayo in uu aqoonsado, si la mid sidii ay mucaaradku 2019kii ugu cimaamadeen kismaayo iyagoo ku xumeynaya dowladdii Farmaajo oo iyaduna sidaan oo kale waqtigaa u diidaneyd daorashadii ka dhacday Jubaland, Sikastaba ha ahaatee, dadka ku xeel dheer Siyaasadaha is diidan ee dalkeenu waxey qabaan in War Murtiyeedka ka soo baxay Shirka Kismaayo uu yahay shixnad cusub oo lagu jebinayo sicirka Siyaasadda iyo badeecadda Qof & Codka ah ee uu xiligaan suuqa ku iibinayo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud,taasoo la rumeysan yahay in uu ku bixiyay waqti iyo maal farabadan,inkadtoo dhanka mucaaradka lagu dhaliili karo is aaminaad la'aanta ka muuqatay dhexdooda mudadii uu shirku socday iyo ineysan suuqa la imaan nooca doorasho oo ay doonayaan in dalka laga qabto, isku soo duuboo mar haddii uu waqtigu gabaabsi ku yahay madaxda dowladda federaalka ah lana soo barbar dhigtay badeeco kale oo Siyaasadeed waxey doonto ha ahaatee, waxa ay labada dhinacba ugu dambeyn ku qasban yihiin iney la yimaadaan isu-tanasul iyo dabacsanaan looga gudbo waqtigaan adag ee kala guurka ah dalkana looga badbaadiyo is qabqabsi iyo in uu galo hubanti la’aan Siyaasadeed. Maxaa Yaab Isdabayaal.!!! WQ:- Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Saturday, December 20, 2025
SOOMALIYA: QOFKA NABAD GELI SI UU QARANKU U NABAD GALO.!!

SOOMAALIYA: QOFKA NABAD GELI-SI UU QARANKU U NABAD GALO.’ Fikirka amniga qaran badanaa waxaa lagu sawiraa ciidan xoog badan oo sugan, kaas oo ay u dhanyihiin: agabkii ciidan uu lahaa, xuquuqdii uu lahaa, tababarkii uu u baahnaa, tiro iyo tayoba, xuduud la ilaaliyo, dowlad xoog leh, calan iyo ciidamo heegan ah. Laakiin haddii aynu runta u jeedsanno, amniga dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa qofka — naftiisa, noloshiisa, maankiisa, iyo fursadaha uu ku noolaan karo isaga oo cabsi la’aan ah. Barry Buzan, oo ah saynisyahan siyaasadeed, buuggiisa caanka ah People, States & Fear, wuxuu nagu barayaa in amniga aanu ku bilaabmin qaranka, ee uu ku bilaabmo qofka laftiisa. Qof amni la’aan ah ma dhisi karo bulsho amni leh; bulsho amni la’aan ahi ma dhisi karto dawlad amni leh; dawlad amni la’aan ahi ma difaaci karto dad amni leh. Waa silsilad isku xirran — midda ugu hooseeysana waa qofka laftiisa. Sidaas oo kale, haddii aynu eegno xaaladda Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in markii uu qofka Soomaaliyeed amni waayey uu qarankeenii ku burburay isla gacanta kuwii ay ahayd in ay sugaan amniga dadka. Waa halka uu qofka Soomaaliyeed ku waayey in la qadariyo, lana tixgeliyo — taas oo keentay in qaranku noqdo mid intii waqti ahba ku wareegaya meerto-gaar ah oo aan dhammaad lahayn: cabsi, kalsooni-darro iyo burbur bulsho. Buzan wuxuu leeyahay: “Qof amni-darro ku jira wuxuu lumiyaa awooddii uu ku noqon lahaa qof shaqaynaya.” Taasi waa nuxurka dhibaatada ka jirta Soomaaliya: qofka oo lumiyey awooddiisii shaqsiyadeed, bulshada oo lumisay isku halayntii, & dawladdii oo lumisay sharciyaddii ay ku fulin lahayd mas’uuliyaddeeda. (Waxaa tusaale kuugu filan Booliis ka cabana amni xumo haysata kadib markii lagu qabsaday dhul ay deganaayeen 1940-tanaadkii). Qofka Soomaaliyeed wuxuu u nool yahay jawi uu maalin walba ka filan karo cabsi:– cabsi dhaqaale,– cabsi amni jireed ah,– cabsi sharci-darro leh,– cabsi siyaasadeed,– cabsi cimilo isbeddelaysa,– cabsi caafimaad-darro, iyo– cabsi bulsho. Marka cabsi noocan ahi ku wareegto qofka, wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof bulsho-dhise ah; wuxuu joojiyaa inuu noqdo muwaadin firfircoon; wuxuu joojiyaa inuu noqdo qof ku dhiirran dhisidda mustaqbal ifaya. Waxaa ka muuqda waxyaabo uu Buzan ku tilmaamo “amni-darro shakhsiyeed oo joogto ah.” Waa halka uu qofku ku noolyahay nolol amni-darro oo joogto ah, taas oo duminaysa tiir kasta oo dawladnimo iyo bulsho leedahay — waa marka aan la ilaalin “nolosha qofka muwaadinka ah.” Haddii uu helo qofka Soomaaliga ahi ammaan dhan-kastaba leh, deeto qarankuna ammaan ayuu helayaa. Maxaa yeelay dal amni leh waxaa dhisa dad amni leh; dad amni leh waxaa dhisa dowlad u taagan ilaalintooda; dowlad u taagan ilaalintoodu waxaa dhisa bulsho aaminsan qiimaha nabadda. Marka amniga qofka la soo celiyo:– dhaqaalaha wuu koraa,– siyaasadda way degtaa,– bulshada kalsoonidu way u soo noqotaa,– qaranimaduna waxay yeelataa macno.( Waxaa tusaale fiican kuugu filan amniga ka jira Magaalada Muqdisho beryahaan oo dad badan oo shacab ahi ay aad ugu diirsadeen). Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay dib ugu noqoto aragtida Buzan: Qofka muwaadinka ah Nabad Gelyo sii – si uu Qaranku u Nabad Galo. WQ: Farhan Ali Ahmed

Abdulkadir dulyar Thursday, December 11, 2025