WARBIXIN:- ISBADELADA ETHIOPIA & ERITREA, IYO DABINADA KU QARSOON.!!


NB/- Sawirkan miisaan hala saaro.!!

                                                
=Waa maxay sababta uu Imaaraadka u siiyay labada Hogaamiye biladaha nabadda ee uga sareeya Dalka UAE.? 
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

WARBIXIN:- ISBADELADA  ETHIOPIA & ERITREA, IYO DABINADA KU QARSOON.!!

Dad badan shaki baa uga jiray Game ka cajiibka ah ee uu mandaqada ka ciyaarayo Reysalwasaare Abiy iyo isbadalada xowliga ku socda ee uu wado, inay yihiin kuwa naga da’ weyn oo aaney ku curan si sahal ah iyo laablakac,balse waxaa Xaqiiq ah inay sheekadu tahay mid laga soo abuuray meelo kale.
Sidoo kale maal mahaan waxaan maqlayay Doodo iyo falanqeyn dhowr ah oo laga yeelanayo Isbadalka ka socda Ethiopia iyo Saamaynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, waa goorma goorta lala hadaaqaayo sidaa iyo sidaa waa goor qorshihii oo dhameystiran laga hirgaliyay hareeraheena  inagoo ka maqan madasha  taladiina nalaku darsaday.

Waa hubanti in Game kan iyo indha sarcaadka filan waaga ah ee ka socda Ethiopia uu yahay mid ay Shukaanta u hayaan Siyaasiyiin dalaaliin ah & Ganacsato UAE ah oo raba inay markale shaar Ethiopian ah u soo gashadaan dibindaabyeynta iyo duleysiga ilaha dhaqaale ee wadamada Geeska dhaca,Madama ay ku fashilmen isku daygoodii koowaad ee Dekedaha Soomaaliya taasina ay ku abuurtsy cadaawad gaar ah iyo sidoo kale dharbaax xadii kaga dhacday gacan ku heynta Marsada Jabuuti.taasina ay ku xambaartay inay Game-kan cusub ciyaaraan.
Hadaba Waxaan marna shaki ku jirin in dowlada UAE oo dalaal uga ah wadamada Reer Galbeedka badbaadinta Ethiopia inay iyaduna uga faaideysaneyso sidii ay mar un gacanta ugu wada dhigi laheyd Dekedaha Soomaaliya,& Eritrea, iyadoo ujeedkooduna yahay inay marka hore Jabuuti badaan Sxb la’aan sida uu qorshaheedu yahay dabadeedna ay ka dhigto meel Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahda ilaa ugu dambayn ay Madaxweyne Geelle ku kiciyaan duufaano mucaarad ah si dalkaas looga abuuro qalqal siyaasadeed, waana tan keentay in uu iminka hurdada ka kaco Hogaanka Jabuuti kuna qasabtay inuu ku dhaqaaqo sidii uu  taageero ugu heli lahaa heshiis nabadeed oo dhexmara iyaga iyo Asmara, halka ay Eritrea gabi ahaanba Ciidankii ka joogay xadka Ethiopia u soo wareejisay xuduuda ay la wadaagto Jabuuti.
Qowlaysatada UAE waxaan daah ka saarneyn inay danahooda siyaasadeed iyo kuwooda dhaqaale ay maanta si sahal ah uga fushan karaan Wadamada Geeska Africa oo ay hadheeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale,waana tan soo dadajisay isbedalada mucjisooyinka ah ee ka dhex socda Ethiopia iyo Eritrea laguna soo beegay xili ay labada dalba baahi weyn u qabaan xasilooni siyaasadeed,Nabad ku wada noolaansho iyo dhaqaale abuur, inkastoo laga yaabo inay waqti qaadato is aaminnaad dooda 3-Geesoodka ah maadaama ay meesha ku jirto Eritrea oo ah dal aan ciyaar sahlaneyn oo muddo 18 sano ah dagaal,Goodin iyo cunaqabateyn wax looga qaadi waayay.
Dhinaca kale , Marka laga eego saameynta Soomaaliya iyo isbadalada ka socda wadamada Ethiopia iyo Eritrea waa wax iska cad in ay saameyn nagu yeelanayaan sida saameyn Dhaqaale,Mid Nabadgalyo,iyo mid siyaasadeed oo ah tan ugu halista badan hadii aan la helin Siyaasiyiin iyo Aqoon yahano Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo Ciyaarta socota la dabaasha kana dabaasha. waayoo Xikmad baa oraneysa:-

" Curashada Isbadaladu waa hirarka badda oo kale hadaad tiraahdo isla daad raaci waad ku lumeysaa, hadaad si xoog ah uga hortimaadana waad ku rafaadeysaa".








WAXAAD MAANTA BI’SAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!


FG:- Qoraal kan waa artideyda gaarka ah.

Abdulkadir Dulyar
dulyar23@gmail.com
Muqdisho/=


No comments