QABYAALADA IYO DOWLAD NIMADA.!!!
------------------------------------------------------------
Tusaale yar oo kooban: - Kaba soo qaad Qabiil ku in uu yahay Badweynta. Dowladnimaduna ay tahay Dooni badweyn taas ku dul socota.
=Doonta hadii biyuhu soo galaan dhexdeeda waa u halis inay qarqanto ( Dagto} ama ay wax yeelo soo gaarto. sida àad inta badan aragtaana durba dadka saaran doonidu kuma fiirsadaan biyaha soo gala doonta ee dibadeey uga saaran. .
= Sidoo kale doonta hadii ay ku dul socoto Badweynta oo aaney iyaduna ka faa'ideysan kheyraadka badda ku dhex jira socodkeedu waa khaasaaro.
Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah "Doonida oo ah {Dowlad nimada} in laga ilaaliyo Biyaha Badda oo ah { Qabyaalada } in ay soo dhex galaan.
Balse taa badal keeda waa in Doonida dadka saaran oo ah ( Madaxda Dowlada ) ay ka faaideystaan Badweynta ee ay ku dul socdaan oo ah ( Qabiilada) kheyraadka ku dhex jira sida Aqoonyahanada.Haweenka . Waxgaradka. Culimada. Dhalinyarada iyo inta kartida ;eh ee wanaaga jecel si ay dowladu u hesho awoodaha ay dad kaasi bulshada ku dhex leeyihiin." !!!
MAHAD SANIDIIN/=
Xasuusin murtidii ahayd :-
----------------------------
(Dab iyo dhagax
Layskuma dhiftee
Kala dhowraay,
Wax ka dhigan gobonnimada,
Qabiil dhex galee
Kala dhowraay
Waa is dhinac wadnaa
Kala dhowraay
Kala dheer labadee
Kala dhowraay. )
Abwaan AUN Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed”
================
WQ/= Abdulkadir Dulyar.
Muqdisho
TUSAALE KOOBAN:- QABYAALADDA IYO DOWLAD NIMADA.!!
Abdulkadir dulyar
Sunday, May 13, 2018