Facebooka & Talooyin aan la wadaagay Bulshada..!! WQ/- Abdulkadir Dulyar






Facebook:- wax buu soo wadaaye bal aan talooyin kooban ku biidhiyo dad keyga hadii la maqlayo.!!
=======================================================================
22,Desember, 2017.

Horta waxa la wada qasanayo maalmahaan waa Liin dhanaan,inkastoo Moos xataa la shiidooyo meelaha qaar, sideedana cabitaan ku waxa uu ooli karaa waa Saacado marba hadii la qaso, birina waxaad laga yaabaa inaan qasano Cabitaan kale oo noocyo kale ah sida Orongo,Tufaax,Isbandheys, Mango IWM, marka Ma aha qofkii Cabitaanka aad jeceshahay aan kula cabeyn in aad la colowdo Midka kula caba ama kula qasaya cabitaanka  aad jeceshahay na aad la saaxiibto, marba haduu cabitaanka aan cabeynaa uu maalinba nooc gaar ah yahay sow mafiicna in aan wada qasano cabitaan aan wada cabi karno dhamaanteen.



Arartaas waxaan uga socdaa, Aniga waxaa ila haboon halkii aan si indho la'aan Qof,koox, Madax xil heysa, Siyaasi dibad joog ah  aan  Qabyaalad  ku kala  taageeri lahayn in ay ka qurux badan tahay in aan taa badal keeda ka wada shaqeyno Masalaxada guud  Nabadda , Cadaalada, Dowlad-nimada ,Soomaali-nimada, Is jaceylka bulshada, iyo ka hadalka Wanaaga. IWM.. Hadii taa la waayana waa in qofku uu Taageeradiisa iyo Aragti diisa  & wax kastoo uu aaminsan yahay in uu si ilbaxnimo ah ula wadaago bulshada isagoo weliba ku qancinaya dadka kale in lala taageero arag tidiisa.waana nasiib daro in aan 10 Sano ka dib ku ilbixi weynaa isticmaalka baraha bulshada.
Waan dareemi karaa in qoraal keygaas sida aan u dhigay aysan qaar badan oo Saaxiiba deey ahi jecleysaneyn oo ay ka jeclaan lahaayeen in aan u fikiro sida ay u fikirayaan, in aan la taageero waxa ay taageersan yihiin,in aan hadalada aan miisaaneyn ee ay Facebooka soo dhigayaan aan ku taageero, hadana nasiib daro iguma qancin karaan waxa ay taageersan yihiin natiijada danta guud ah ee ku jirta marka laga soo tago mida gaarka ah.
Ugu dambayn, haloo daayo qof walba garashadiisa iyo fikirkiisa in uu si xor ah u u soo bandhigo yaanan lagu colaadin, waayoo wixii qof la tuur leh ayaa qofka kale la toos naan kara,dadkuna ma wada qaadan karaan dhar isku wada mid ah maalin kasta oo taasi ma dhaceyso, marba hadaadan ku qancin karin ama ku waanin karin inuu kula qaato waxa aad adigu rumeysan tahay, waa muhiim inaan isku xushmeyno fikradaha waana inaan u soo bandhigi karnaa si Caqliyeysan

Waxaan rabaa inaan kula wadaago,Adiga/Iyada/iyo Idinkaba is weydiiya Walaalayaal imisa doodood ama qadiyadood oo aad taageersan tahay/Tihiin ayaad bulshada la wadaagtay/Teen? Xagee ku dambeeyeen doodahaasi ama qadiyadahaasi.? Maxaad ka dhaxashay/Sheen oo natiijo wanaagsan ah ama guul ah oo aad ka keentay/keenteen? Maanta midda aan ku xiiqeyno/xiiqeysid/Saan halkee ku dhamaan doontaa? Ma hubnaa/Hubtaa/Hubtaan inay argti sax ah tahay.? Imisa Madaxweyne,Raysal Wasaare,Wasiir,Gudoomiye,Masuul,ama Siyaasi,ayaa na soo maray oo aan u sacabo tunay/Tuntay/Teen? Xagee ku dambeeyeen Madaxdaasi ama Siyaasiyiintaasi.? ma jiraa mid nooga tagay howl  wanaagsan oo muuqata oo ah tii aan shalay   ku taageerasay/Taageeraynay.si aan u sii wada taageerno.?
Marka ay halkaa taagan tahay sow waxaas oo dhan kama wanaagsana inaan iska deyno oo aan wada taageerno kana wada shaqeyno waxyaabaha  na wada mideyn kara ee aynan marnaba ka maarmin, hadana aan naga tageyn ee ebid nala joogaya Sida 1,2,3,4...intaan kala taageeri lahayn waqtina ku lumin lahayn iskuna nici lahayn wax mudo kadib naga tagaya ama aan Aduun iyo Aakhiraba anfac noo wada laheyn.
==TAARIIKH HADASHAA HADHOW KALA SAARI.==
FG:- Waan idin tuugaahe Dhamaan hala iga raali ahaado hadaan wax qaldan qoray ama aan kula soo wadaagay, ama aanba soo hadal qaaday wax aan la gaarin ama loo bislaan ka hadal kooda, Ugu dambeyna hadaan wax ku dheelay warkeyga waa la daba socdaa ee laguma hor ordaayee ogaada..
Mahad Sanidin.
FADLAN GAARSII QORAAL KAN DADKA KALE.

WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho.

No comments