WARBIXIN:- LABO FAA'IIDO OO IIGA MUUQDA SAFARKII MADAXWEYNAHA.!!



Safarka Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo qaatay 17 maal mood ayna ku soo booqdeen deegaano iyo dad fara badan oo u baahnaa in ay arkaan Madax dooda si ay ugala hadlaan baahiyahooda ka dib Madaxweynahu waxa uu galabta ku soo laabtay Muqdisho;
Inkastoo uu ahaa Safar shaqo oo aad u daal badnaa maskax ahaan iyo jir ahaanba kuna soo dhamaaday guul, hadana aan ku soo koobo 2 faa'iido oo kala duwan ,..........mid guud iyo mid gaar ahaaneed:-.
*MIRAHA DOWLAD NIMO EE SAFARKA:
================================

=Mudadaas runtii Madaxweynahu waxa uu ku soo xaliyay xaalado dhowr ah oo isku cakirnaa,
= Waxa uu xaliyay khilaafkii galmudug waxa uuna isku furay isku socodka deegaano mudo dheer kala xirnaa.oo aan isku gudbi jirin.
=Waxa uu soo dhagax dhigay hirgalinta mashariic badan oo ay baahnaayeen dadka ku nool deegaan nada uu booqday.
=Waxa uu soo dhiiri galiyay Madax iyo shacab badan,
=Waxa uu Dowlad nimada gaar siiyay kuna soo xiray dhul fara badan oo Soomaaliyeed,
=Waxa uu Madaxweynuhu iskaga soo kala yareeyay qaar ka mid ah culeys yadii siyaasadeed ee heystay safarka ka hor.
=Waxa uu kiciyay dareenka dad badan oo deeganadaa ku noolaa oo ka niyad jabsanaa Dowlad nimada Soomaaliya ama aan waligoodba arag,.
=Waxa uu deegaanada uu booqday u abuuray dhaq dhaqaaq ganacsi iyo rajo nololeed.
=Waxa uu muujiyay Safarku kartida ay Ciidama deenu u leeyihiin sugida Amniga Dalka iyo tan Madax dooda,waana hubanti in ay ku filan yihiin hadii lagu aamino loona joog teeyo xuquuq dooda,waxa ayna mudan yihiin ciidamo dii hawsha adag qabtay mudadii safarka in lagu abaal mariyo.
 =Waxa Safarkani  u fariin loogu diray Beesha Caalamka  iyo Amniga ka jira guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada uu booqday Wafdigu,.
=Waxa uu ifiyaySocdaal kani  taageerada ay shacab ku u hayaan Dowlad mimada,.
*FAA'IIDADA U GAARKA AH MADAXWEYNAHA:-
=======================================
=Wuxuu ku soo kala bartay Madaxweynuhu Dal kiisa iyo sida ay dadku u kala dagan yihiin, iyo sida ay isku hayaan Qabaa'iladu.
=Wuxuu ka soo faa'iiday waaya aragnimo taariikhiya maadaama ay deegaanadaas intooda badan tahay markii ugu horeysay ee uu tago..
=Wuxuu ka soo faa'iiday mooral iyo dareen aan horay ugu jirin.
=Wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee burburka ka dib socdaal booqasha ah ku soo mara dhul intaa baaxadiisu le'eg.tahay,
=Wuxuu ku soo kala bartay marti soorka Soomaalida. Maamuuska Odayaasha dhaqanka, Murti iyo maahmaahyo kala duwan.
=Wuxuu ka soo faa'iday Jimicsi iyo dhaq dhaqaaq jireed oo uu kaga soo nafisay fadhigii badnaa ee Madaxtooyada.
= Wuxuu soo helay hawo gadis iyo Cunto dhaqameed kii dalkeena Hooyo oo carfoon.
Ugu dambeyn waxa uu ku soo kala bartay Madaxdii,Ciidankii iyo Suxufiyiintii raacday sida ay kala karti badan yihiin.
*TALO SOO JEEDIN:
===============
=Waa in uusan Madaxweynahu la daahin Warbixinta guud ee safarkiisa iyo u Mahad celinta Madaxdii iyo Shacabkii kala duwanaa ee ku soo dhaweeyay deegaanada uu booqday.
= iyo in uu Madaxweynahu fursad uu ku dhageysto kuna xalayo siiyo Xamxamta iyo madmadowga ka jira Caasimada.

=Mahad Sanidiin/=

FG;- Qoraal kani waa aragti deyda gaar ka ah.


W/Q:- Abdulkadir Dulyar

No comments