Waxa uu ahaa 7-ad kan, Maalmo ay Xukuumaddu ku dhiiratay ku dhawaaqista go'aano culculus oo xiriirsan fulin tooduna adkaayeen oo aan looga baran Xukuumadihii ka horeeyay, ,ka dib markii Xeer Ilaaliyaha Qaranku ku eedeeyay labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka sharci dajinta in ay galeen qiyaano Qaran isla markaana ka codsaday Gudoonka sare in ay kala laabtaan xasaanada si loo maxkamad deeyo, Dhanka kalena hadalo hanjabaado iyo goodin isugu jira hawada u mariyay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxda Dowlada iyo Saxaafada daba, isaga oo cod dheer ku sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa Qaran dumiska ah iyo kuwa baahiya wararka been abuurka ah.sida uu hadalka u dhigay...===MUUQAAL====
Iyadoo Madax iyo shacaba loo dhag taagayo sida loo fulin doono go'aanadaas,ayaa isla habeenimadii waxa ay Ciidamada NISA weerar ku qaadeen Hoyga Siyaasiga Abdirahman Abdishakur oo ah shaqsi taariikh ku leh siyaasada Soomaaliya islamarkaana si adag u naqdiya siyaasada Madaxda dowladan iyo dowladihii ka horeeyayba, dhan kalena ku xiran Siyaasiyiin mucaarad ah oo ay Dowlada Imaaraadku geed fadhi u tahay sida la sheego, waxaana mar kaliya la maqlay dhawaqa rasaasta oo sababtay geerida 5 ka mid ah ilaalada Siyaasiga iyo in ugu dambeyn isagii oo dhaawac fudud ah gacanta lagu soo dhigay laguna tuuray Xabsiga,
Ma ahayn wax nagu cusub oo waxaan u soo joognay in dowladihii ugu dambeeyay ee na soo maray ay ku dhaqaaqeen tilaabooyin ceyn kan oo kale ah oo lagu soo xidhayo masuuliyiin xilal soo qabtay, February,2011-kii Dawladdii KMG ahayd oo kaashanaysa Ciidamada AMISOM in ay soo xirtay Gudoomiyihii hore ee Goboladda Sh/Dhexe & Banaadir AUN Marxuum Maxamed Dheere iyo 4 Sarkaal oo kale oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen falkii bartamaha bishaas ka dhacay EX-Fiyoore.
Sidoo kale Agosto 2014,Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Md Axmed Daaci, ayay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM weerareen gurigiisa.aakhirkiina xabsiga la geeyay inkastoo weerar kani sababay dhimasho iyo dhaawacba, hadana waxaa muuqata in labadaan weerar ay ahaayeen kuwa ay si wadajir ah u wada qorsheeyeen Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxa ayna xiisada hoodu wada ahaayeen kuwo lala xiriirinayay fal dambiyeedyo ku kooban gudaha Dalka., aakhirkiina waxaa labada kiisba lagu dhameeyay si xeer jajab iyadoon wax maxkamad ah la marsiin.
Balse weerar ka Md A/ AbdiShakur , waa uu ka duwanaa kuwii hore waxa uuna ahaa howlgal ay fuliyeen oo kaliya Ciidamada Dowlada laguna sababeeyay in Siyaasi gani uu maleegayo xiriir iyo faragalin dibadeed oo halis ku ah Madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu daba socdo oo ay soo dadajisay soo qaba shadiisu shirkii jaraa'id ee uu qabtay maalin nimadii Xeer ilaaliyaha Qaranku..
Si kastaba Waa kalaa noo baryay,war kiina la qaad qaad,waxa uuse weerar kani xaaladdii jirtay ka dhigay mid mar qudha xaraarad dii mucaaradka gaar siisay digriigii ugu sareeyay,waxaana ka wada hadlay Xildhibaanadii loo jeediyay eedeynta, Siyaasiyiin mucaarad ah, kuwa dowlada taabacsan, iyo kuwa kaloo dhexdhexaad ka ahaa arintaanba, waxa ayse ka wada mideys naayeen dhamaan dadkii ka hadlay dhacdadani in weerarkii habeenimo ee sababay dhimashada uu ahaa mid aan loo meel dayin oo hadii qof dambi lagu tuhmayo uu jiro ay ku filneyd oo kaliya in loo geeyo warqad u yeeris Maxkamadeed ah dabadeedna sharciga loo maro., markaas hadii uusan aheyn Siyaasi-gu qof baxsanaya ama mid weerar hubaysan ku soo qaaday dowlada. ====COD COD==
Dhanka kalena, waxa ay tilaabadani baraha bulshada ka abuurtay buuq iyo sawaxan aan kala joogsi lahayn, waxaana ka faa'ideystay mucaaradkii oo dhan, waxaa loo rogay dhan Qabiil, waxaa is dhaaf dhaafay hadalo badan oo qadaf ah iyo kuwa hanjabaado ah, waxaa jiray kuwa lagu taageerayo go'aanki Xukuumada in dowladu qaaday tilaabo wanaagsan, kuwaa soo gudbinayay talooyin,halka halka qaar kaloo badana ay la yaaba naayeen sida wax u socdaan kuna cabirayeen aragti dooda in falalkaani ay yihiin kuwa ay Siyaasadi ka dambeyso. === QORAALO==
Sidoo kale dhanka dowlada , arinkani waxa uu hakiyay wax kasta oo howl ah oo ay Xukuumaddu horay u waday todobaad kaas, waxaana la isugu tagay sidii xiisadan xal loogu heli lahaa, waxaana la oran karaa waa xaajadii ugu adkeyd oo ay mar kaliya u wada istaagaan,Madaxda sare ee dalka,Xildhibanadda labada Aqal,Golaha Wasiirada,Garsoorka dalka, kuwa Maamul Gobol leedyada, Odayaal dhaqameed ka,iyo Diplomasi yiin shisheeya ahba,waana tan keentay in ugu dambayn xili la mid ah xiligii saqda dhexe ahaa ee la xiray in arinkii lagu soo afmeero Xeer jajab iyo wax lagu sheegay Damiin , taas oo sababtay in uu dib ula midoobo gurigiisii Siyaasiga Abdirahman Abdishakur.waloow loo balamay madal kale oo sharciyeed si loogu magac bixiyo waxa dhacay cida dhashay.....COD MUUQAAL
Mar kalaa Waagu noo baryay waxaana la isugu tagay Maxkamada Gobolka Banaadir, waxaa dib loo furay Kiiski dhacay,balse Gudoomiyaha Maxkamada G/Banaadir ayaa ku dawaaqay go'aanka ........MUUQAAL.........Md Abdirahman Abdishakur oo maxkamada ka dib la hadlay Saxaafadda uu sheegay in qeybtii koowaad ee maxkamada ay soo dhamaatay wax danbiyana lagu waayay isaga loona gudbi doono qeybta labaad oo sida uu hadalka u dhigay uu Ku raadsan doono xuquuq diisa.==MUUQAAL=
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr axmed Cali daahir oo isna warbaahinta kula hadlay Maxkamada go'aanka ka dib, ayaa ku gacan seydhay go'aanka Maxkamadu soo saartay, isla markaana waxa uu ku adkeystay inay si sifo sharci ah Racfaan uga qaateen go'aan kaas Maxkamada Gobolku maanta xoriyadiisii dib ugu soo celisay Md Abdirahman Abdishakur.= MUUQAAL=
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr axmed Cali daahir oo isna warbaahinta kula hadlay Maxkamada go'aanka ka dib, ayaa ku gacan seydhay go'aanka Maxkamadu soo saartay, isla markaana waxa uu ku adkeystay inay si sifo sharci ah Racfaan uga qaateen go'aan kaas Maxkamada Gobolku maanta xoriyadiisii dib ugu soo celisay Md Abdirahman Abdishakur.= MUUQAAL=
Dhanka kale , Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maantay u yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir si wax looga weydiiyo cadeymaha uu hayo eedey maha uu hawada u mariyey labo xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaas oo uu soo codsaday in xasaanada laga qaado..Waxa ayna warar ku sheegayaan dood dheer ka dib in Gudoomiyaha Golaha Shacabku uu iminka arinta la wareegay, lamana yaqaan waxa uu ka yeeli doono.
HALKAAS MARK A EY TAAGAN TAHAY....,,. Qof kasta oo aragti fog leh waxa markiiba maskax diisa ku dagaalamaya waa su'aalahan soo socda"- Maxaan ka baran karaa dhacdooyin kan,? ,Maxayse ku keeni kartaa kalsoonid Garsoorka dalka..?.....Ma wuxuu ahaa go'aan aan markii hore laga fiirsan.? ..........Mise waxaa ka yimid markii la fuliyay wax aan la fileyn inay ka imaan doonaan.?......... Maxaase laga yeeli doonaa hadiiba lagu dhawaaqay.?, .......Yaa qaadan doona masuuliyada dambiyadi dhacay?,,,.............Maxaase la gudboon iminka Madaxda Sare ee Dowlada,?.....Sharciga dalka iyo Siyaasiga keebaa sareeya.?.....,Maxaa sababaya in Go'aanada Dowlada ka soo baxa ay isla madaxdeedu ku kala qeybsamaan.?....Waa maxayse waxa laga filan karaa mucaaradka? .....Maxay ku dhamaan doontaa xiisadani.? ...Suurtagal ma tahay in dhacdadani aheyd shirqool ay isku dhigtay Dowladu.?.......Ugu dambeyn dadka Soomaaliyeed waa noocee nooca dowlad nimo ee ay rabaan.?
.....Dhamaan Su'aalahaani iyo kuwa kalaba waa kuwa u baahan in loo helo jawaabo maangal ah oo ka yimaada maan fiyoow kuna yimaada sal mugii oo ku cabirta si Soomalinimo ah .
.....Dhamaan Su'aalahaani iyo kuwa kalaba waa kuwa u baahan in loo helo jawaabo maangal ah oo ka yimaada maan fiyoow kuna yimaada sal mugii oo ku cabirta si Soomalinimo ah .
. .Mahadsanid
============= CONTINUOUS==========
===TANI WAA ARAGTI DAYDA =====...
FG:- FADLAN QORAALKA AMA WARBIXINTAN MA AHA MID DHAMEYSTIRAN MARKA HA U ISTICMAALIN WEBSITE IWM.
WQ/= Abdulkadir Dulyar
dulyar23@gmail.com
Muqdisho/Somalia
No comments