WARBIXIN:- “SOOMAALIDU WAA UMAD KHILAAFKA JECEL.!!
-BAL U FIIRSO,, Xornimo doonkii Soomaalidu waa isku khilaafsaneyd, dowladihii Rayidka kadaalika,oo waxaaba khilaaf lagu dilay Madaxweyne C/rishiid Cali Sharma'arke,AUN , tii ugu danbeysay ee KACAANKA waxaa lagu riday khilaaf uu Qorigu wehliyo, Bur-burkii ka dib, waxaa is khilaafay AUN Jan. Ceydiid iyo Cali Mahadi, AUN Caato iyo Caydiid , Cali Mahdi iyo Muuse Suudi, Cumar Finish & Muuse Suudi, Dowladdii Jabuuti ee 2001-dii waxaa is qabtay Madaxweyne C/qaasim iyo Reysal-Wasaarayaashiisii AUN Dr Cali Khaliif Galeyr, & Xasan Abshir,
-Dowladii KMG aheyd ee 2004-tii Nairobi lagu soo dhisay, laguna soo doortay Madaxweyne, AUN C/laahi Yusuf, Dhamaanteed waxa ay waqtigeedii ku dhameysatay khilaaf,ka dib markii ay wada shaqeyn waayeen 2-dii Reysal Wasaare ee uu Odaygu soo xushay ee kala ahaa Md Cali M.Geeddi iyo AUN Md Nuur Cadde, dhanka kale , labadii dad isugu dhawaa {SH.XASAN DAAHIR IYO SH.SHARIIF,}ee Diinta ku hishiiyay 2006-diina Muqdisho ku dhisay Maxkamadihii Islaamka ayaa Khilaaf ku kala tagay oo xiligaa midba koox Jabuuti iyo Asmara la fadhiystay, inkastoo khilaafkaas uu midna Madaxweyne ku helay midna uu Xabsi guri ku galay.
-2009-kii waxaa Dalka Jabuuti ,markale lagu soo dhisay Dowlad KMG ah oo uu Madaxweyne ka yahay Mudane Sh.Shariif, hase yeeshee 2 sano gudahood waxa ay Madaxweynaha is qaniineen 2 Reysal Wasaare oo kala ahaa Md Cumar C/rishiid iyo Md Farmaajo,iyadoo weliba la xasuusto in khilaafkii Farmaajo aakhirkii lagu soo xaliyay ""Kampala Accord"" waxaana la sheegaa in Md C/Wali Gaas oo ahaa Reysal Wasaarihii 3-aad oo ay wada shaqeeyeen Madaxweyne Shariif inay isla dhaceen iyagoo is khilaafsan.ka dib markii waqtigu ka idlaaday.
-2012-kii,waxaa markii ugu horeysay Dalka gudihiisa lagu dhisay Dowlad aan KMG aheyn,oo ka tabar roon Dowladihii hore ee KMG ahaa,waxaana Madaxweyne loogu doortay Md Xasan Sheekh, oo la rumeysnaa in uu yahay Madaxweyne la imaan doona is badal waxna ka soo bartay hab dhaqanka khilaafka ku dhisan ee lagu soo arkay Madaxdii isaga kaga horeysay Kursiga,weliba markii la doortay wuxuu noo cadeeyay in Dowladiisu khilaafka ka fogaan doonto, hase yeeshee Sanadkii koowaadba waxaa dhankiisa ka soo yeertay Aniga iyo Reysal wasaare Saacid Sh Doon ma wada shaqeyn karno ee ha la i dhaafiyo,,Sanadkii xigayna waxaa la maqlay Khilaaf faraha laga qaad ah oo ka dhex shidan isaga iyo Reysal Wasaarihii 2-aad Md C/Wali Sheekh,markii uu hardankaa ku soo guuleystayna waxa uu soo magacaabay Md Cumar C/rishiid oo noqday Reysal Wasaarihii 3-aad oo ay wada shaqeeynayaan mudadda 4-ta Sano ah ee loo doortay Xilka Madaxweynanimo, qudhiisana iskuma wanaagsaneyn marka la eego Doorashadii 2017kii sida ay iskula macaamileen.
-8 February,2017 Kii Madaxweynihii la doortay inkastoo ay Reysalwasaarihii uu magacaabay waa Kheyre ay weli isla jaanqaadayaan, hadana waxaad moodaa in ay sheekadu labadaa kursi ka soo wareegtay oo aan marna khilaaf la’aan la noqon, waayoo 2 Sano gudahood waxaa fooda isdaray Gudoomiyihii Baarlamaanka & Reysalwasaaraha waxaana khilaaf ku baxay Gudoomiye Jawaari, markale waxaa khilaaf soo ifbaxay iskaga horyimid Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah kii labaad & Madaxweynaha inkastoo isjiid jiid dheer ka dib si hoose loo xaliyay khilaafkaas.
Sidoo kale waxaan la dafiri karin khilaafka dowlada dhexe iyo Madax Goboleedyada oo isagu noqday mid loo taag waayay oo lagu kala aamusay, sida khilaafka DANI iyo AXMED MADOOBE kala dhexeeya Dowlada dhexe,
-2022-kii, waxaa marlabaad kursiga madaxtooyada ku soo laabtay MD Hassan Sheikh, oo ahaa Ninka hogaaminayay mucaardkii xiligii doorashada ka itaal roonaaday hogaamiyihii N&N, doorkaan MD Hassan waxa uu RW u soo xushay Nin ay waxbadan iska yaqaanaan oo uu isku hubo ineysan is khilaafi doonin, waa Reysalwasaare Hamza Abdi Barre, oo ah Nin ku cusub saaxadda Siyaasadeed dalka,
balse 2016-dii mar ahaa hogaamiyaha doorashadii madaxtinimo ee Jubaland, aadna ugu ololeynaya in mar labaad Axmed Madoobe la doorto, xili ay doorashadaas si weyna ay uga soo horjeedeen madaxdii federaalka ee N&N,
Balse sanadkii koowaad MD HSM waxa uu khilaaf koodu soo shaac baxay isaga & MD Said Dani oo ah hogaamiyaha Puntland, Madaxweyne HSM oo aan marna u dhaqaaqin inuu khilaafkaas xaliyo, iyo Dani oo ku adkeystayna waxey sababtay in ay labada Oday faryara bidix isku salaamaan, ilaa maantana khilaaf kaasi waa mid taagan.
Dhanka kale, Madaxweyne HSM doorkaan marna dhib kalama kulmin, Gudoonka 2da Aqal iyo Reysalwasaarihiisa, waxwalbana waxey ilaa sanadkii 2aad ugu socdeen sidii uu qorsheeyay, balse markii la guda galay sanadkii 3aad, loona talaabay wax ka bedelka Destuurka KMG ah iyo diyaarinta doorashada Qof & Cod, ayaa waxaa ku furmay mowjado murano ah oo kaga imaanayay dhanka madaxda M/Goboleedyada qaarkood,
Mar qudha ayaa iyadoo ay awelba Puntland ka maqneyneyd miiska wadahadalada, waxaa lagu baraarugay khilaaf kaloo adag oo ka yimid dhanka hogaamiyaha Jubaland ee Md Axmed Madoobe,kaasoo salka ku haya nidaamka doorashooyinka dalka, wuxuuna si adag uga soo horjeestay waxwalba oo ay horey ugu wada socdeen MD HSM, tilaabadanina waxa ay noqoneysaa maamul goboleedkii 2aad oo ay is khilaafaan MD Hassan Sheikh mudo xileedkiisa,
Sida muuqata khilaafka Axmed Madoobe, waxa uu caqabad weyn ku noqon doonaa qorshihii uu mudada 3da sano ah ka soo shaqeynayay MD HSM, kuna doonayay in uu dalka kaga qabto doorasho Qof & Cod ah.
CONTINUOUS……. ….
-Khilaafku ma aha mid ku kooban Siyaasadda iyo doorashooyinka ee waa mid ku faafay meel kasta oo Soomaalidu degto, waxaa leysku khilaafsan yahay dilka dadka oo Alshabaab iyo Daacish midba goonidiisuu u aaminsan yahay in dilkiisu saxan yahay, mararka qaarna iyagaa isku dila maxaad hebel u dishay, Ganacsigu waa kadaalika, Culimadu iskuma wanaagsana, Dhalinyaradu waa boqol Urur, Saxaafaddii mar horaa loo taag waayay,Fanaaniinta khilaafkoodu wuxuu gaaray iney Heesaha isku soo duqeeyaan, xitaa qolyaha Naafada ah ayaa Naafanimada isku khilaafaan oo u kala baxay Il laawe, Lug laawe, iyo Gacan laawe,
-Wajibook qudhiisa Soomaalida ku wada jirtaa isma jecla,mid waliba midka kaluu wax ku khilaafsan yahay,intaa BLOCK. Iyo aflagaado ayaa leysku hayaa, oo waxaaba suurtagal noqon laheyd hadii uu Facebooku lahaan lahaa meel rasaastu ka dhacdo in lagu dhex arki lahaa Soomaali badan oo isku dhex xabadeyneysa.
Sidaa iyo si ka daran ayaa Dal, Gobol, Dagmo, iyo Tuulo Soomaalidu dabada isku wada heysataa , khilaaf kastana waxaa daba taagan Bur bur, wax qabad la'aan, iyo dagaal ay ku naf waayaan kumanaan rayid ah oo aan waxba galabsan. Hadaba maxaa Soomaalida Khilaafka ugu wacan?
-Maxaa ka qaldan , Maxaase u diiday inay isku tanasulaan ama ay isku dulqaataan si nabad ugu wada noolaadaan.?
..... WAA SOCOTAA..............
FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.
Clqaadir M. Faarax [ Dulyar}
dulyar23@Gmail.com