KHILAAFKA SOCDA XAGEE KA YIMID ASAL AHAAN.?




=Xog kooban/-

04/03/2018
Marka si dhab ah loo abaaro halka asal ahaan khilaafkan loo maaro la'yahay ee ka dhex socda Madaxda sare ee dalka uu ka dhashay iyo halka uu ka soo bilowday waxaa laga yaabaa in dad badani ay aaminsan yihiin inay tahay dood ku dhalatay si kadiso ah ama ka abuurantay Diidmadii Shirkada DPW ee ay Barlamaan ku diideen iyo arimo kaloo si sahal ah ku bilowday,
Balse dadka xog ogaalka u ahí waxa ay kuu sheegayaan in khilaaf kani uu ahaa mid ka soo bilowday Barlamaanka dhexdiisa sida magacaabistii Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka , Soojeedino xildhibaanada qaar keeneen oo sida ay sheegeen  dhegaha laga fureystay, iyo Xildhibaanada loo magacaabay in ay baarlamaanka wakiilo uga kala noqdaan Ururada Caalamka sida Urur Goboleedka, IGAD, kan wadamada Islaamka OIC, kan Jaamacada Carabta, iyo Ururo kaloo caalamiya. Waxaana asal ahaan ololaha doodan soo bilaabay Xildhibaano Atoorayaal ah oo barigaa ka cadhooday markii laga reebay magacaabis taas oo qaar kood ay sanado badan isaga fadhiyeen kuraas taas,Ka dibna waxaa dagaalka ku soo biiray Xukuumada oo tuhuntay in Mooshin laga soo abaabulayo xafiiska Gud Jawaari ku soo fool leeyahay tasoo iyana ay mudadii fasaxa lagu jiray ka gashay Difaac aad u adag oo ay soo xero gashatay Xildhibaanadii ka cadheysnaa Gud Jawaari , 

Sidoo kale,  meesha lagama saari karo in 3-da masuul ee ugu saraysa ee Dalku ay isku qilaafeen qorshayaal iyaga u gaar ah oo la doonayay in seeska loogu dhigo in aan la carqaladeyn 3-da sano ee u hartay Hey'adaha Dowlada iyo wada shaqeyn tooda, iyo dabcan iney jiri karaan arimo kale oo sir ah oo nalaka qarinayo oo Madaxda sare u gaar ah oo is biirsaday, intaas ayaa la oran karaa waa kuwa ugu waaweyn ee sababay doodan aadka u adag ee weli la isku mari la'yahay, waana arimo soo socotay 6-dii bilood ee ugu dambeysay. Balse waxa uu dilaaca nabarka lala sugayay kuna soo beegmay baa la oran karaa furitaanki kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka
Marka uu qilaafku dilaacayna waxa uu arinku noqday in dhinac waliba taag tiisa ciyaao,waxaana dhinicii awooda is bidiyay ka hor yimid dhinicii Gudoomiye Jawaari oo helay awood kaga timid kudlado Xildhibaano ah oo awalba mucaarad ku ahaa Madaxweynaha & Raysal wasaaraha, jaceyl gaar ahna aan u taageereyn jawaari balse ujeed koodu yahay in uusan guuleysan weerarka dhanka xukuumada laga soo qaaday, si ay dagaal nasiibeed koodan hadii lagu kala adkaado ay iyagu ugu helaan natiijo ka wanaagsan mida ay iminka siyaasad ahaan heystaan,

Si kastaba ha ahaatee,Madaxweynaha iyo Gudiyo kale oo qilaafka maalmalmaan ku howlanaa waxa ay u muuqataa inaysan xarigooda xoolo ku jirin, hadiiba ay iminka warar ku sheegayaan in ay dhamaanba hakadeen dadaaladii iyo wadahadaladii xal doonka ahaa ee ka dhex socday dhinacyada hardamaya, oo taas badal keeda laga fursan waayay in fagaaraha lagu kala baxo, iyada oo si aan qorshe wadajir ah ku imaan uu hadana dhinac u soo saaray in maalinta Arbacada ah Tr 04/04/2018 baarlamaaku kulmi doono kulan aan wax badan ka duwaneyn kii Sabti dii madaxweynuhu ka hor tagay durbana uu sharci daro ku tilmaamay dhinicii kale, halkaas waxaa ka muuqata jug jug meeshaada joog iyo in kulankaasi yahay kulan malagi galay oo hadiiba uu qabsoomo aney labada dhinacba la tagi doonin Ajeende ama qorshe ay ku mideysan yihiin, welina waxaa warbaahinta la isku marinayaa hadalo is mud mudaya, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan.

Mar hadii Madaxdii xal keeni weysay kuwii is heystayna isku samri waayeen, Hey'adii Garsoorka oo arimahaan oo kale xalin laheydna aysan noo dhisneyn sababta loo dhisi waayay 13 kii Sano na ay tahay sabab taan darteed,  waxa iminka furani waa Doorkii waxgaradka & bulshada Soomaaliyeed waana in loogu baaqaa labada dhinacba sideey doonaan oo kale ha u murmaane inay dhowraan SHARCIGA DALKA , AMNIGA, DOWLAD NIMADA & ARIMAHA KELE EE LAMA TAABTAANKA AH., si aan dalka loo galin qalalaase aan hadhow laga soo waaqsan doonin,
Ugu danbeynti, Dad badani kuma faraxsana waxa ka dhex socda Madaxda dalka dhexdeeda oo ah wax sababi kara in ay Shacabku ka niyad jabaan hanaanka dowladnimo & wixii ay hiigsanyeen, oo taa badal keeda waxa ay ka jeclaan lahaayen in Madaxda soomaalidu ay noqdaan kuwa la yimaado Isu Tanasul & dulqaad  halkii ay ku mashquuli lahaayen is qabqabsi iyo qilaaf joogta ah,  waana in la dhowro Sharciga KMG ah ee Dalka  loona maro xalka isaga  hadiiba uu qilaaf yimaado , ALLOW UR U BIXI.!!!
=============== DH A M A A D ==============================

=ALLAH {SWT] AYAA NAGA OG RUNTA....BALSE TANI WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH IYO XOGAHA AANKA HELAY KHILAAFKA, QOFKII XOG KALE HAYA FADLAN HANALA WADAAGO SI DADKU WAX U OGAADAAN WAXA SOCDA XAQIIQDOODA/=
Mahad sanidiin/=


Abdulkadir Dulyar
Muqdisho

No comments