WARBIXIN:- MAHADNAQ & TALOOYIN MUHIIM AH,!! {CECAFA CUP FINAL U-17 2018, }



29.04.2018 
CECAFA CUP FINAL U-17  2018,  Somalia 0-2 Tanzania ........FT

MAHAD CELIN :- 
----------------------------
Marka hore waxaan si  weyn ugu mahad celinayaa Xidigaha U-17 ka ee sanadkan  nagu matalayay CECAFA CUP  U-17 oo  FINAL ka tagay iyo Macalimiin tooda Farayare & Salaad  iyo cid kasta oo gacan ka geysatay dadaal kan.

=Sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, iyo Madaxda dalkeena kuwa hore & kuwa hada xilalka hayaba ee #Burundi u tagay inay dhiirigaliyaan Xulka Dhalinyaro deena, oo waxaanba arkayay Marka laga soo tago masuuliyiinta kale Raysal Wasaare K/xigeenka & Siyaasiga #Salaad #Cali #Jeelle oo garoonka dhex taagan .kkk

=MAHAD CELIN KA DIB:-
--------------------------------

Marka laga soo tago qaladaad yar yar oo Aniga ii muuqday run ahaantii Dhalinyaro deenu waxa ay soo bandhigeen Good Spirit , Good Behavior, Energy iyo Kubad wanaagsan,Weerar,Qad dhexe iyo Difaac-ba mudadii ay garoonka ku jireen,inkastoo bilowgii inta aanu Roobku imaan ay kubad doodu wacneyd iyo sidoo kale Q-2-aad oo ay sameyeen Attack fiican,

 Tan kale,  waxaan rumeysnahay inaan luminay fursado badan oo Goalal loo filan karay ,inkastoo Kubad Goal ahayd oo ay Xidigaheenu dhaliyeen aanan ilaa hada fahamsanayn sababta garsooruhu ku diiday si kastaba 0-2 FT waa xaalad caadiya oo qabsata Koox walba oo Final tagta.




Dhanka kale, Xaqiiq waxaa ah in ay Xidigaheena U-17 ku ay kubad dooda galabtay ka muuqatay karti iyo farsamo, Iyadoo ay u tahay.
= Markii ugu horeysay oo ay dhalinyaro dan Tartan Sports oo Caalami ah ama heerkan ah ay ka qeyb qaadanayaan.
= Markii ugu horeysay oo ay Garoomo dalal kale oo aysan waligood arag Kubad ku ciyaarayaan.
=Markii ugu horeysay oo ay CECAFA CUP Final kiisa ay ciyaaraan iyagoo maanka ku haya inay daawanayaan Kumanaan Dad ah , Madax heer Caalami ah iyo Madaxda dal kooda, halkaas waxa ka dhashana waxaa dareemi kara oo kaliya qofka garoon weyn kubad ku soo ciyaaray..


=DHIIRI GALIN:-
----------------------
Si kastaba dhalinyarada waa in Motivation loo sameeyo marka ay ciyaartu dhamaato, sida in lagu yiraahdo:-
-Waad dadaasheen waadna guuleysteen ee Guuldaradan haka shalaayina ,
-Waxaad ka fiican tihiin, Xulalka #Ethiopia,#Uganda, #Burundi,#Kenya,iyo Wadamo kale.
-Waxaad timaadeen CECAFA U-17 FINAL CUP 2018
-Waxaad hesheen Bilada 2-aad ee CECAFA CUP U-17
-Waxaa la idinka daawanayay Caalamka oo dhan,
-Waxaad u sameyseen Kubada Somalia Taariikh cusub
-Waxaad mustaqbal fiican ku leedihiin Kubada Cagta.ee hal kaas ka sii wada.
=TALO SOO JEEDIN:- 
----------------------------
=Waa in gacanta lagu hayaa Dhalin yaradan oo aan la dayacin weliba waa in la isku hayaa si loo siiyo tababaro dheeri ah oo dhanka qaab dhismeedka Jirka & farsamada ah,  si ay mustaqbalka noogu matalaan fagaarayaasha K/Cagta islamarkaana waa inaan la lumin fursadan iyo waayo arag nimada ay ka kororsadeen Garoomada Africa & Cimiladooda
=-Waa in ay Madaxda Dowlada & kuwa Xiriirka K/Cagta-ba ay dhalin yaradan il gaar ah ku hayaan loona sameeyo Maamuus wanaagsan sidoo kale waa in la daboolo baahiyahooda si looga faa'ideysto mustaqbalka.
=Ugu dambayn waa in  Ciyaartoy deena soo laabashadooda aan si wayn ugu soo wada dhaweyno dal kooda una wada muujino farxad & is garab taag dhab ah.



= QORAAL KAN  WAA ARAGTI DAYDA/=  

=Mahad sanidiin/=

Abdulkadir Dulyar
Muqdisho/Somalia

No comments