Rag is gurahaya: Ogow hadii lagu ciilo adigoo yar lagaana gardaran yahay illaahayna kugu sallido qofkaa xoog badan marwalbana dambi laguu yeelo, lagu hafro isla markaana lagaa hadal iyo af dheer yahay..Haddii wax la waayo adigaa xaday, haddii neef dhutinaya soo xaroodo, adigaa dhagax ku dhuftey, ilmo yar hadduu reerka ka ooyana adigaa dilay.! Haddii xooluhu habeenkii didaan oo oodda jabiyaan, KIIBAA U HAGOOGTAY ayay lasoo boodi.
Tabar aad ku ciilbaxdana ma lihid, hadal kaaguna ma lahan miisaan cid ku dhageysanna ma jirto.!
Wiil yar oo rajay ahaa oo hooyadiis eebbe oofsaday ayaa dhibkan kala kulmay islaan Aayadiis aheyd.. Ciil gaamurey oo meel loo ciirsada lahayn ayaa wiilkii ku habsadey. Laakiin wiilkani waxuu talo ku goostay haba yaraadee, hana tabardaraadee in isaga iyo Islaantan aysan reerkan sidan kuwada joogi karin. Hooyo ka celisa ma lahan xitaa qof Islaan ah oo dhaha wiilku sidee waxwalba isagu u kharibaa wuu waayay.. Naftiisii ayuu nacay waxuuna go'aan ku gaaray in isaga iyo Aayadiis ay kala baxaan..! Maxuu sameeyey Wiilkaasi..Bal Dhugo..!!
Waxuu soo dhaweystey xadhig jaro ah oo saddex farood ah oo xaskul ka sameysan waxuuna soo qabsaday Dameer Muun ah oo hooyadiis Fariido garab socda marwalba oo dhaan iyo hawl loo qaansheysto, balse aan dushiisa heeryo la saarin. Wuxuu sugi waayay inta gabbalku ka dumo ciilka haya dartiis..
Markii gabbalku dhacay, xoolihiina la maalay ee dadku jiif qaadeen ayuu dameerkii oo heegaysan uu soo gadh-qaaday waxuuna joojiyay Afaafka aqalkii Islaantii oo markan khuuradeeda banaanka laga maqlo oo hawshii badneyd ee reerka la gataati dhacdey. Wiilkii inta huluushay aqalka ayuu Islaanta lugteeda midig surgin si xeeladeysan loo xirey tartiib u galiyay sidii Kab lagu cabiray oo kabatole ku jeebey.. Wuu ku giijiyay si taxaddar leh dib ayuuna uga soo baxay aqalkii.. Xarigii ayuu dameerka dhexda uga maray sidii isagoo caymniya tabartiisana giijiyay oo surgimo badana u sameeyey si uusan marnaba usiiban xarig gaasi..
Markii uu hubsaday in hawshu sidii loogu talagalay u socoto, ayuu inta bisinka u qabtay saddex ulood xaluuliyay dameerkii.. Dameerkii ayaa orod istaaray waxa una xoogii, naxdintii iyo bootintii banaanka soo dhigay Islaantii oo cir iyo dhul meel looga yimid garanweyday.. Dameer kii waxa uu la dhexmaray islaantii ooddii ardaaga waxuu isku daray qayladii caanka ahayd ee lagu yaqaanay dameer sasay oo habeen jooga oo waliba wax madow jiidaya !!.Wiilyare caruurtii sastay ee Islaantu dhashay ayuu la sasay oo waxuu iska dhigay inuu aqalka kasoo sasay sida walaal ladiis! !
Adigu hadalku hasoo xirmee, Islaantii baxnaano, dhutin iyo dhayitaan muddo dheer qaatay ayay ku aruurtay.. Wiilkii rajayga ahaana markaas ayuu waqti iyo nafis u helay inuu faciisa la qooqo lana bardoodamo..!!!
=============================================
WQ.- Sayid Ahmed
SHEEKO AAN KAL HORE KU JEXAASAY ABAAXADDEYDA.!!!
Abdulkadir dulyar
Monday, April 30, 2018