WARBIXIN:- SHALAY QUDUS BIRINA WAA SOMALIA..!!
==============================================
Qudus shalay lalama wareegin ee waxaa lala wareegay 1948-dii markii lagu heshiiyay in Israel la dajiyo dhul kaas , isla markana loo howl galay sidii Muslimiinta awoodooda la wiiqi lahaa, dabadeedna halyeey-yadii u kacay ee looga baqayay waa tii midba maalin tiisa horteena lagu dubtay AUN, intii kalena waxaa loo dajiyay qorshe la isugu dirayo si loo kala mashquuliyo,sidaa daraadeed lama sugayo Wadamo Carbeed oo hishiis ah,balse taa badal keeda way sii kala fogaanayaan sida muuqata,
Maanta Muslimiintu waxa ay sameyn karaan waa Cambaareyn iyo Calaacal, mana muuqato awood ay kaga hortagi karaan hagar daamada Yuhuuda iyo xulufa dooda.
balse shalay hadii ay u fikiri lahaa yeen sida ay Yuhuud iyo xulufa doodu u fikarayeen maanta laguma soo dhiiradeen beytii Rasuul keena Muxamed CSW
Aan hoos u daadago, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa "NINKII KHEYR KI LOO XIIRA YOW ADNA SOO QOOYSO " Hada Soomaali maryoley, waxa ay ku socotaa wadadaas,ismana oga, waxaad na arki doontaan hadii la nool yahay Soomaali oo dhagax tuuraysa sida Reer Falastiin qoom kala wareegay dalkooda,