HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH.
WQ:- April 21, 2013
Waa dabeecad iyo dhaqan bini-aadamka u gaar ah,dagdaga iyo Samir la,aantu,waana tii uu abwaan hore u yiri,(Raboow deeqdaada,adoonkii kaa duraansada,dagdag hadaadan ugu soo dul qubin, caruu la dakaamayaa.
Hada waa hubanti in dad badani u careysan yihiin ama ay aaminsanaayeen mar hadii Baarlamaan,Madaxweyne iyo Xukuumadba lagu doortay dalka gudihiisa,lagana baxay KMG-kii nalaku soo moora duugay,in ay dalka iyo dadkaba u soo bixi doonto cadceed xambaarsan horumar iyo barwaaqo dag daga, balse marna kuma aaneey fikirin dadkaasi in marxalad kasta oo siyaasadeed oo nagu cusubi ay leedahay mushkiladaheeda,una baahan tahay ugu horeyn in la fahmo macnaheeda,maadaama aan in ku dhow rubuc qarni ku soo jirnay fowdo iyo facaa iska dhici.
Xiligii doorashada Xisbiga Madaxweynaha,oo ka mid ahaa axsaabtii u tartameysay xilka madaxtinimada,waxaa astaan u aheyd isbadal doon,iyo balnqaadyo dhowr ah oo ay ugu waa weynaayeen Amniga,Dhismaha Ciidanka Qaranka,Dhaqaalaha,Cadaaladda,iyo Dowlad wanaaga,waana tan keentay guusha Xisbigu ka gaaray tartankii adkaa ee uu la galay saaxiibadii,maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ku daaleen wajiyadii badnaa ee hor yimi sanadihii KMG-ka ahaa ee la soo dhaafay,waloow dad badanina qirsan yihiin in KMG kasta uu waayihiisii kula soo shaqeeyay bulshada duruufo iyo waqti adag oo mudan in lagu amaano,mar hadii ay ugu danbeyntii na soo gaarsiiyeen doorasho iyo dowldnimo ka ayaan iyo hooda badan kuwii ay hogaaminayeen.
Inkastoo ay jiraan dad badan oo iyaga oo tixraacaya sawirkii Madaxweynaha waqtigii doorashada oo isaga oo gacanta taagaya lagu soo xardhay boorar waaweyn,markii uu guuleystayna lagu badalay muuqaal kale,ayna leeyihiin markeena anaga ayey gacan noo taagan tahay ku saabsan wax ka qabashada Amniga,Cadaalada,iyo dhaqaala xumida iyo sicir bararkii dhawaan dhacay,oo weli raadadkiisu muuqdaan, hadana Ma aha wax la dafiri karo in dowlada federaalku mudadda kooban ee ay shaqeyneyso ay ku guuleysatay siyaasadda dibadda iyo xiriirada ay soomaaliya la laheyd dalalka iyo hey,adaha caalamka,muujinta dowlad wanaaga iyo qodoba kale oo muhiima,hadana waa qabyo marka aad eegto arimaha gudaha ay weli kuu muuqanayaan dulduleelo badan oo sababtooda loo kala qaadi karo 3 marxaladood,
Tan koowaad,waa xukuumada oo ka gaabisay wax badan oo laga filayay in ay siin doonto muhiimada koowaad sida amniga,wax ka qabashada dhaqaalaha dalka, dhismaha maamulo tayo leh, iyo horumarinya wacyiga bulshada,si kastaba ha ku dhacdee.
Tan labaad, waa xubnaha baarlamaanka,golaha wasiirada,iyo saraakiisha ciidamada, iyo madaxda kale dalka oo marka ay saxaafadda la hadlayaan aad ka maqleyso iyaga oo leh dowladu iyadaa ayaa gacanta ku heysa caasimadda,hadana aanuu jirin Xildhibaan,Wasiir,Taliye ciidan,iyo xataa Agaasime dowladeed oo dagan xaafadaha ku teedsan wadooyinka, warshadaha,wadnaha iyo sodonka,waana ayaan daro in dagmooyinkaasi laga waayo masuul haya xil dowladeed oo dagan, halka taa badal keeda ay madaxdu isku koobtay xaafadaha ku teedsan wadada Maka Al Mukarama.
Dad badani waxa ay qabaan hadii ay madaxdu dagto degmooyinka ay haatan ka caagan yihiin in ay ilaaladoodu qeyb ka qaadan laheyd amaanka deegaanadaa,islamarkaana ay shacabka iyo ganacsata duna ku soo dhiiran laheyd sidii ay u camiri lahaayeen guryahooda,madaxda dagmooyin kaasina ay heli lahaayeen fursadaha ay heleen saaxiibadooda madaxdu la dagtay,waayoo shaki kuma jiro kirada villada ku taala Hodon ama H/wadaag,Yaaqshiid iyo Hiliwaa , iyo hal qol oo ku yaala Deg/X/weyne in ay isku qiimo noqdaan in ay sabab u tahay dugaashiga ay shacabku dugaashanayaan madaxda qaranka iyo xarumahooda.
Tan sadexaad,waa shacabka oo aan weli rumeysneyn in 22 sano ka dib ay u dhalatay dowlad soomaaliyeed, welina ay ka muuqato kalsaani daro iyo kala daadsanaan la cuskin karo xaaladaha amaan daro ee ka jira Caasimada,iyo goobaha kale ee ay dowladu ka taliso, tan kale halkii laga filayay shacabku maadaama uu soo arkay nolosha dowlad la'aanta in ay doorkaan ku fara adeygi doonaan dowlada curdunka ah ee u dhalatay,oo hadii ay hesho wadashaqeynta shacabka ay suurtagal noqon lahayd in laga hortagi lahaa falal dhowr ah oo amniga dhaawacay oo ka dhacay Muqdisho iyo meela kaleba,dhinaca kalena dhiiri galin u noqon laheyd madaxda dalka hadii ay arkaan shacab kooda oo garab taagan.
Markase la soo hadal qaado fahamka Dowldnimada,ma aha mid ku eg soomaalida oo qura,ee waa howl ka balaaran oo caalamiya,una baahan dulqaad iyo barasho,waayoo waqtiyadii burburka soomaalida iyo caalamku waxa ay u macaamilayeen si xeer jajab ah,si hadaba loo fahamsiiyo shacabka iyo dowladaha caalamkaba in markaan soomaaliya noqotay dowlad buuxda,waxa ay u baahan tahay howl badan iyo aragti siyaasadeed oo mideysan, oo ay xukuumadu hormuud ka noqoto,iyadoo mar walba maanka lagu heynayo in dib u dhiska dalka ay ka muhiimsan tahay dib u dhiska bulshada,si aaneey mar danbe noogu soo noqon qaladaad kii aan ku burburinay dalka,iyo aqoon xumadii naga heysatay faa,idada dowladnimadu leedahay.
Hadaba si bulshada loogu baraarujiyo dowladnimada waa lama huraan in la abuuro xarun ay leeyihiin kaadiriyiin dowlad yaqaan ah oo xambaarsan afkaarta madaxda qaranka, si ay madax iyo shacaba ugu talaalaan hadafka iyo himilooyin ka la rabo in lagu hogaamiyo dadka iyo dalka, sidoo kalena xarun taasi waa in ay soo saartaa casharo iyo hal ku dhigyo lagu hanuuninayo shacabka,laguna barayo wadaniyada,dal jaceylka iyo dowladnimadu waxa ay tahay,waxa ayna abuurista xaruntani fududeyneysaa isku dayo fara badan oo ay madaxda Qaran ku ku doonayaan had walba in ay khudbadahooda ku fahamsiiyaan bulshada sida ay wax u wadaan ama ay ku doonayaan in ay ku gaaraan.
Marka aan u soo noqdo,mudada kooban ee ay shaqeyneyso dowlada federaalku,xaalku waxa uu u muuqdaa Mana howl yara,mana hadal yara, oo macnaheedu yahay in hogaanka sare ee dalka aaney ka muuqan hagar wax qabad la,aaneed, iyadoo had walba lagu xisaabtamayo awooda iyo tabarta loo leeyahay waxa markaa la doonayo in wax laga qabto, maadaama lagu soo dhaqmayay sanado badan.
Tusaale ahaan, si loo hagaajiyo garsoorka waxaa markii ugu horeysay lagu qabtay muqdisho shirweyne lagu qalad saxayo cadaalad darada iyo halka ay ka jirto,waxa ayna aheyd tilaabo wanaagsan oo dad badan oo xuquuqdooda la lunsaday ama dulmanayaal ahi ay rajeynayaan in go,aanadii ka soo baxay ay fure u noqon doonaan cadaalad dii oo soo noqota,iyo garsoor kii oo la nidaamiyo,waxaa iyadana wax ka qabashadeedu socotaa dhismaha ciidanka iyo maamulada dalka iyo arima kale, mana howl yara sidii ay wax waliba u noqon lahaayeen sida aad rabto.
Sidoo kalena ma hadal yara oo waxaad arkeysaa in madax dii qaranku ay hal arin ka hadlayaan maalmo iyo saacado si ay bulshada uga qanciyaan arimaha markaa taagan,Waxaaba dhacda mararka qaar in madaxweynuhu hadii uu la kulmo,baarlamaanka,garsoorka,saraakiisha ciidanka,qeybaha bulshada,jaaliyadaha dibada,iyo xataa munaasa badaha gaarka ah,in ay
Khudbad diisu qaadato saacado,ka qeyb galayaashu ay ku daalaan,sidoo kale ay ku jahwareerto saxaafadu kala xulasha diisa mudnaanta marka ay warka sameynayaan,lagana yaabo in dad badani is leeyihiin hadal badanaa,laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh jeclaan lahaa in uu mar walba qudbad kooban jeediyo,laakiin uu ka door biday in uu bulshada u jeediyo casharo wacyi galin iyo fahamsiin dowladeed ah, marka sow lama oran karo,!!!Madaxda Dowlada mana howl yara,mana hadal yara,hadana weli waa qabyo,!!!
FG- TANI WAA ARAGTIDEYDA.
WQ: C/qaadir Max,ed Faarax { Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
Muqdisho/ Soomaaliya.
WQ: C/qaadir Max,ed Faarax { Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
Muqdisho/ Soomaaliya.
No comments