February ,7.2017..........
Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya waxaa Sanadkan 2017.u soo istaagay oo soo hamiyay in ka badan 30 Musharax oo mid waliba maalin kaga dhawaaqay damaciisa meel fagaare ah taasoo fajaciso ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed maadaama Kursigu yahay mid qaada hal ruux.
Waxa ayse aheyd sheekada la wada xiiseynayay halka ay ku dambeyn doonto ka dib markii Murashixiinta lagu dhex arkay labo Dumar ah oo u xusul duubaya Tartanka Madaxweyna nimo, iyadoo aysan Caad ka saarneyn Dumarkaa Murashixiinta ah in Dalka ay ka doonayaan Xilkaasi uu yahay Dal Muslim ah, waxaase Gabagabadii dhankooda ka soo yeertay iney ka tanasuleen doonistoodii aheyd jagada Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale. si kastoo loo adkeeyay shuruudaha Iyo dhaqaalaha laga rabo iney buuxiyaan musharixiintu,hadana waxaa xakamahaa ka soo gudbay 24 Musharax oo isugu jira rag ku soo shaqeeyay Kursiga,kuwa Siyaasada lagu yaqaano ,Ganacsato iyo Rag ku cusub saaxada Siyaasadda.
Waxey markale noqotay faraha laga qaad tirada Musharaxiinta Sanadkan oo si aad ah uga badan tiro walba oo doorashooyinkii horey loo soo qabtay ka qeyb gashay, waxa ayna maalmo is xigxiga Baarlamaanka hortooda ka jeediyeen Khudbado iyo balanqaadyo kala duwan marka laga reebo Hal Murashax oo daqiiqadihii ugu dambeeyay shaaciyay inuu isaga hadhay tartanka.
Marka aad hadaba eegto wajiyada Xildhibaanada hor yimi ee doonaya ineey noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya 4-ta Sano ee soo socota, waxaad is leedahay malaha dhab kama wada ahee qaar baa ku doonaya Xil Wasiir nimo. Kuwaa ka rabo ineey taariikhda u gasho kuwaa malaha rumeysan in kursigan laga xooleysto, kuwa kalaa ku riixanaya Dano siyaasadeed. Kuwaa doonaya ineey kula gor gor tamaan Codadkooda kan ka Cod roonaada.Kuwaa Dalal shiyeeye riixayaan. Kuwana waxa ay ka tahay dhab. maadaama ay iyaguba sii kala og yihiin kaalimaha ay ka gali doonaan Doorashada 08 February sida Shacab Kaba ay ugu kala muuqato..
Marka ay halkaa taagan tahay ayaa waxaa igu soo dhacay sheekadaan:-
“”Nin baa hada ka hor Meel baadiya ah oo uu daganaa waxaa uga lumay Waxaro . markiiba waxaa ku soo dhacday in ay arintani tahay fursad uu ugu tagi karo Reer uu gabar ka rabay oo meel in cabaara u jirta Dagan .
Intuu Buraashad biyeystay ayuu wadada ku dhacay. Wuxuu socdaba wuxuu ilinka ka istaagay Halkii Reerku daganaa. is Nabadin kadib ayaa lagu yiri :- “WAR HEBEL MAANTA WAAD SOO DHEERAATAY EE BAL WARAN. …..
markaasuu ku yiri “WAXARANA WAAN DOONAYAY, WAXNA WAA II WEHLIYAAN” isagoo hadalka u sarbeebaya inuu reerka ka rabo Inantooda.
Hadda Musharixiinta 23 ka ah ee Khudbadaha quruxda badan soo wada jeediyay Kursiga ma wada qaadee ma la oran karaa xaalkoodu waa “KURSINA WAAN DOONAYAA, WAXNA WAA II WEHLIYAAN.”!!!
= DHAMAAD /=
NB/- Tani waa aragti deyda.
NB/- Tani waa aragti deyda.
WQ :- Abdulkadir Dulyar
dulyar23@gmail.com
Muqdisho.
February ,7.2017
No comments