QAABKII DOORASHADU UGA DHACDAY MAAMUL GOBOLEEDYADA. !! Cabiraada Wariye Dulyar.

  

PUNTLAND :- WAA LAGU KALA AARSADAY. .
= Waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Gaas uu ku aarsaday Doorashadii la yiri maamul. islamarkaana uu ka aarsaday dhamaan Xildhibaanadii Tolka ee ka hiiliyay 2012 kii markii uu u taagnaa Jagada Madaxweyna nimada. Musuqana waxa ay ka galeen kaalinta 3-aad.
   GALMUDUG:- WAA LA ISKU XOOGAY.


= Sida muuqata Cadaado waxaa ka dhacay wax fool xun. Iyo Musuqmaasuq uu muruqu wehliyo waxaana lagu dhacay beelo badan iyo musharixiin badan. waxaana la yiri Nin xoog leh baa xaajo u toostaaye. dana lagama galin Aayaha dambe ee Galmudug. Maadaama ujeedka loo dhisayba ay aheyd sida ka muuqata Madaxdeeda jaranjarada 2016 ka. Musuqana waa kaalinta Koowaad.
HIRSHABELLE :- WAA LA ISKU FURTAY.
= Sida cad Doorashadii Hirshabelle waa qeybta labaad ee ugu musuq Maasuqa badan doorashooyinkii dhacay. waxaana ku baxay dhaqaale fara badan. Balse sii jiritaanka Hirshabelle waa ka rajo fiican tahay kan Galmudug. .Musuqana waa kaalinta . 2aad.

K/GALBEED :- WAA LA ISKU QORSHEEYAY.
= Sida cad Doorashadii K/galbeed waxaad moodaa inuu hal nin qorsheeyay sida Madaxweyne Shariif Xasan .oo qof uusan Rabin islamarkaana aan aaminsaneyn in Xildhibaanada K/GALBEED aan lagu soo darn  qof u howooda Gudoon Sare ee  Baarlamaan ka Federaalka,  intooda badana waa ay u balan qaadeyn Odayga waxaase suurta gal ah in Kubad Siyaasadeed  laysla ciyaari doono,.  Dhanka Musuqmaasuq Na waxa ay kaga jirtaa Kaalinta Afaraad.
JUBALAND :- WAA LA ISKU AAMUSIYAY.
= Sida ka muuqata Cabashada iyo qeylada sida hoose uga soo yeereysay K/Galbeed ma aheyn qaado qaboow waxa meeshaas ka dhacay . Balse waxay kaga duwaneyd Goobaha kale ee doorashooyinku ka dhacayeen ma jirin Beel ama Musharax awoodi karay in isagoo jooga Kismaayo uu saxaafadda la hadlo ama Saxaafad soo gudbin kartay cabashada Doorashooyinku. Musuqana waxa ay ka gashay kaalinta Shanaad. .
DIRTA WAQOOYI. COMING SOON.
= Maadaama doorashadani weli socoto mase yara Cabashadoodu ilaa iyo hada inta la qabtay. dhanka Musuquna waxaa laga yaabaa ineey booska ka xoreystaan deegaano kale hadii ay sidaan wax ku sii socdaan.
BANAADIRIGA :- WAA LAGU KALA BAXAY.
= Sida muuqata doorasharadaanu ma shanqar badneyn oo waxaadba moodaa in ceyriinka lagu soo kala baxay. balse musuqa waxa ay kaga jiraan kaalinta 7 aad.

NB/= TANI WAA ARAGTIDEYDA

Abdulkadir Dulyar
dulyar23@gmail.com
Mogadishu/Somalia.


No comments