GARSOORE OMAR ARTAN: ROONAA RABAA OG.!! WQ/- Dulyar

Ugu horreyn, waan ka xumahay in uu qeyb ka ahaan waayo sanadkaan Wllkeey Garsoore Omar Abdulkadir Artan dhexdhexaadinta dhacdada Sports ee dunida ugu weyn ee #FIFAWorldCup2026, maadaama uu ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay. Marka xiga, Garsoore Omar wuxuu ka qeybgalka tartankaan u ahaa fursad weyn oo uu doonayay inuu kor ugu qaado sumcaddiisa, xirafaddiisa & wadankiisa waana taas midda uu isagu maanka ku hayay, nasiibdarrase calaf baa ka baxay oo dedaal kastoo uu bixiyay waxey noqotay wax aan xagga Allah uga qorneyn. Balse, waxaa jira wax aad shar moodeyso oo kheyr kuu noqdee, shaki kuma jiro in Garsoore Omar Artan ay hadda sare u kacday sumcaddiisa iyo hadal heyn tiisu in ka badan intii uu ka heli lahaa tartanka World Cupka, waayoo 24kii saac ee la soo dhaafay waxaa cinwaanada warbaahinta waaweyn ee caalamka qabasaday Newska Garsoore Omar Artan, waxaana akhbaartiisa lagu baahiyay luqado kala duwan, waxaa ka hadlay hogaanka sare ee FIFA, Madax sarsare oo caalamka ah, Garsoorayaal, & Ciyaartooy waaweyn oo qaarkood podcast- yo leeyihiin oo muctarif ah, dhanka kale maadaama uu ujeedka Koobka Aduunku yahay mideeye aan dadka lagu kala fogeyn waxey dhacdadiisu sumcad xumo u soo jiiday Mareykanka oo ka mid ah martigeliyaasha World Cup ka, kadib markii ay dunidu aad ugu cambaareysay falkii lagu celiyay garsooraha Africa ugu fiican ee Omar Artan. Tankale, Omar Artan weli waa Nin dhalinyaro ah oo heysta fursad uu kaga rumeyn karo riyadiisa ah inuu maalin un garsooro tartanka ugu weyn caalamka ee (World Cup-ka) waayoo haddii la nool yahay 4 sano iid baa kooyaase, waxaana hubaa FIFA iyadoo ilaashaneysa sumcadeeda inay Garsoore Omar siin doonto abaalmarin gaar ah iyo ugu yaraan gunnoyinkii uu horey u saxiixay, lagana yaabee in mag-dhow loo raaciyo maadaama uusan qaladku dhankiisa ka imaan, sidoo kale waxaa siurtagal ah iney ku maamuusto tartamo waaweyn oo caalamiya inta aan la gaarin World Cup ka kale. ▶️Sikastaba, Maryooleey waxey arinka Garsoore Omar Artan uga hadashay siyaabo kala duwan, balse Anigu waxaan ku aragti ahay Saaxiib keey Hamza Mohamed & talooyinka uu u soojeediyay Omar Artan ee ah:- •Ha dhaleeceyn FIFA & CAF waayoo dambiga iyagu malaha. •Ha eedeyn Mareykanka & dhaqan xumada Trump ee dhanka Socdaalka. •Ha soo hadal qaadin erayga cunsuriyad. •Ha dhaliilin madaxda dowladdaada. •Ha bixin wareysiyo tiro badan oo laga yaabo iney hadaladaadu is khilaafaan. •Waayoo Mararka qaar aamusnaanta ayaa ka cod dheer erey kasta oo aad tiraahdo, ee please raac qaacidadii oraneysay “Af daboolan waa Dahab” ama tii kalee ciyaalka xaafadda ee aheyd “ Yameey Yam Yaxaas ku qaad Yam.!! Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa in maalinta Birri ah si weyn oo mug iyo maamuus leh loo soo dhoweyn doono Halyeey Omar Artan, waxaanse raacsanayaa in toos loogu geeyo madaxweynaha ama Reysalwasaaraha midkood, maadaama aysan ilaa iyo hadda cambaareyn ugana tacsiyeyn sida loola dhaqmay Legend keena. -Ha is dhiibin, Caradaada xakamee, Horeyna u soco Sxb Garsoore Omar Artan waad guuleysan doontaa Iinshallahe.🙏🙏 NB/- Tani Waa aragtideyda gaaban.!!! Maxaa Yaab Isdabayaal.!!

No comments