SOOMAALI ISRAACDAY MISE SOOMAALI MIDOWDAY.? WQ/- Layloon

SOOMAALI ISRAACDAY MISE MIDOWDAY? Shirkii Berlin ee gumeystaha reer Europe 1884-1885 1dii Luulyo 1960, labadii gobol ee British iyo Italian gumeysan jireen ee ay ula kala baxeen British Somaliland and Italian Somaliland maadaama uu gumeystuhu uu kala goostay ama kala qeybsaday, ma israaceen mise waa midoobeen markay ka baxeen labadii gumeyste? Ka hor gumeystaha 1885 - 1885, wadanka dhan wuxuu ahaa Somalia, dadkuna Soomaali, mana jirin BritishSomaliland, French Somaliland iyo Italian Somaliland. Dhamaan magacayada iyagaa la yimid, iyagoo qirsan in wuxuba yihiin Somaliland ama dhulka Soomaaliyeed. Waxaa isweydiin leh goorta aan dowladaha kala duwan noqonay oo aan midoobeynay. Haddaba, markii ay naga baxeen 1960kii maalmo kooban guddahood, ma isla anagii ayaa qaybsiga gumeystaha u rognay sharci oo isa sii qeybineyna, oo ka dhigeyna in aan kala duwaneyn oo aan midoobeyno sidii inagoo kala ahayn wax aan shaqo isku lahayn oo dowlado iyo dadyow kala duwan ahaa? Talyaanigu qeybtii uu ka baxay, ma dhihi karto dowlad aan shaqo ku lahayn Soomaaliyada kale ayaan ahay, sidaa darteed waan midoobi karnaa ama waan kala joogi karnaa. Taas waa u adeegid Talyaani iyo iska dhigid wax kale. Sidaa si la mid ah British Somaliland oo ah qeybtii British ku 1885 qaatay, ma dhihi karto, maadaama Ingiriis I gumeystay Soomaalidii kale waan ka duwanahay,iyaduna taasi waa u adeegid gumeystaha British. Soomaalidu Hal dal ayey ahaayeen ee ma ahayn ummaddo kala duwan maadaam ay ahaayeen sida gumeystuhuba u yaqaanay Somaliland (Italian Somaliland, French Somaliland iyo British Somaliland). Magacyadaas 1885tii ayaa lagu sameeyey Berlin shirkii gumeystaha reer Yurub ee maxsuulkiisu ahaa #General Act of Berlin. Soomaalida meel kasta oo ay joogto waa Soomaali. Waa hal midab, hal Luuqad, hal diin iyo hal dhaqan, iyo weliba hal DNA. In gumeystihii uu na qeybsaday ma ahan in aan u rogno inaan ahayn dad ku kala duwanaa cidii kala gumeysatay. Dowladdo ma aynaan kala ahayn, calamo ma kala lahayn, dhaqamo kala duwan mä lahayn. Wax midoobeyna ma jiraan, ee waan israacnay markay kuwii na qeybsaday naga baxeen. Arrin la mid ah taas, hadda ayey jirtaa. Shabeelaha Hoose, Banadir iyo Shabeelaha Dhexe waxaa joogo Ciidanka Uganda waxaa loo yaqaan Sector 1, Jubbadaa Hoose, Jubbada Dhexe iyo Qeyb Gedo ah waxaa xukuma Ciidanka Kenya oo waxaa la yiraahdaa sector 2, Bay, Bakool iyo qeyb Gedo ah waxaa Xukumo Ethiopian waxaa Sector three, Hiiraan iyo Galgudud qeyb ka mid waxaa lagu ogyahay Ciidanka Djibouti waxaan loo yaqaan Sector 4. Haddaba, Sector kasta haddii ciidanka gumeystaha uu ka baxo ma waxay oranayaan waxaa la midoownay qeybta kale oo kala wadamo ayaan nahay, taasi ma suurtoobeysaa. waa MAYA !! Arrinta woqooyiga Soomaaliya waa taas sectors oo kale, haddii British kaa baxay, kuwaaana Italian ka baxay ma aydnaan ahayn dowlado, ee waxaad ahaydeen hal dal oo gumeyste kala goostay oo markuu ka baxayna israacay. Ha israacdo Somalia.!! WQ/- Abdirizaq Laylon Maxaa Yaab Isdabayaal.!!

Abdulkadir dulyar Saturday, January 24, 2026
KIBIR BIYO KUMA TALLAABIYO.!!

KIBIR BIYO KUMA TALLAABIYO.!! Barafasoor wax badan bartay ayaa doon yar kula safray webi. Doonta waxaa waday nin kalluumaysato ah oo aan waxba qori aqoon. Markii ay cabaar socdeen oo ay ku aadanyihiin bartamihii wabiga moolkiisa ayaa Barafasoorkii bilaabay in uu kibro isagoo wata buugaag badan. Hadaba Barafasoorkii ayaa waxa uu weeydiiyey kaluumaystihii sedex su’aalood: • Wuxuu weydiiyay: “Xisaabta ma taqaan?” Ninkii kaluumaystada ahaa. kaluumaystihii wuxuu ku jawaabay: “Maya.” Barafasoorkii wuxuu ku yiri: “Markaa waxaad lumisay rubuc noloshaada ka mid ah.” • Hadana wuxuu mar kale su’aalay: “Taariikhda ma taqaan?” wuxuu ku jawaabay “Maya.” kaluumaystihii debadeeto, Barafasoorkii ayaa ku yiri ninkii kaluumaystaha ahaa “Markaa waxaad lumisay nus noloshaada ka mid ah.” • Barafasoorkii ayaa mar sedexaad su’aalay ninkii kaluumastaha ahaa “Falsafadda ma taqaan?” “Maya.” ayuu ku jawaabay kaluumaystihii Barafasoorkii ayaa yiri “Haddaba waxaad lumisay afar meelood sedex noloshaada ka mid ah.” Debadeeto, iyagoo sidoodii horay u sii socda ayaa waxaa mar qudha timid dabayl xooggan iyo hirar doontii qarka u saaray inay degto. Kalluumaystihii ayaa si degdeg ah u weydiiyay Barafasoorkii: • “Adigu Barafasoore dabaasha ma taqaan?” Barafasoorkii ayaa ku jawaabayi: “Maya!” Debdeeto, Kalluumaystihii ayaa ku yiri: “Haddaba, Barafasoore, Adigu waxaad lumisay noloshaadii oo dhan. Ogaawna maanta, kibirkaagu biyo kuma tallaabinayo.!! ⸻ FG: Cibrada Sheekada: • Aqoontu ma aha oo keliya tan buugaagta laga dheehdo. • Xikmadda nolosha iyo xirfadaha dhabta ahi waa tan badbaado keenta mararka qaar. • Ha ku yasmin qofna aqoon la’aantiisa, mid walba waxa uu leeyahay garasho uu ku noolaan karo. WQ/- Farhan Ali Ahmed. Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Monday, January 5, 2026