FARIIN KU SOCOTA Dr Maryan Qasim: Fadlan u kuurgal tacaddiyada ka dhex dhaca Xarrumaha dhaqan celinta dalka.!!

Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Dr. Maryan Qasim oo maanta loo doortay Gudoomiyaha guddiga madaxda banaan ee Xuquuqul InsaankaQaranka, in hey’ad madax banaan oo noocaan ah uu dalkeenu yeeshana waa tilaabo wanaagsan oo horey loo qaaday. Dabcan Hey’addan waxaa hortaalla howlo farabadan oo u baahan in loogu hiiliyo kuwa tabarta yar ee dulmanayaasha u ah kuwa xoogga leh, sidoo kale waxaa laga rabaa iney u hadlaan kuwa aan hadli karin ee dulman, waayoo dalkeena waxaa ka dhaca tacaddiyo fara badan oo inta la ogaado ay ka badan tahay inta aan la ogaan ee qarsoon, Marka xiga, waxaan rabaa inaan hal qodob Guddigaan, hey’adaha Amniga ee DFS, & Maamulada dalka ka jira oo dhan ku baraarujiyo, waana xadgudubyo iyo tacaddiyo laga soo gudbinayo xarumaha dhaqan celinta meel kastoo ay dalka kaga yaallaan kuwaas oo aan rabo in si joogta ah loola socdo waxyaabaha ka dhex socda. Ma lihi xarumahaas oo dhan waa wada xun yihiin, balse waxaa jira kuwa badan oo xadgudubyo waaweyn laga soo gudbinayo lana soo dhigo baraha bulshada, gaar ahaan Center-da lagu dhaqan celiyo dumarka & Caruurta, maadaama goobahaa leysugu keeno dad ay duruufahoodu si weyn u kala duwan yihiin, qaarkood ay yihiin kuwa qurbaha laga keenay, qaar Drogs ka qabatimay iyo kuwo loo geeyay Center-da waalid caasi iyo wareeg I.W.M. Sida xoguhu sheegayaan tacadiyada iyo cabashada ugu badan waxaa goobaha dhaqan celinta ka geysta ama laga soo gudbiyaa dadka gudaha ka shaqeeya Rag iyo Dumar waxey doonaan ha ahaadaane, waxaana laga yaabaa in aysan maamulayaashu arrinkaas waxbadan kala socon, •Sidoo kale waxaa jira kuwa badanoo ay waalidiintood dhinteen oo ay qaraabadoodu geysay xarumahaas oo aaney jirin cid la socota xaaladahooda, •Iyo Dumar la ii sheegay in Rag qasab loogu daray oo ay diideen darteed loo geeyay xarumahaas sidaana ay uga ilma dhalaan iyadoo uu waalidkoodna raali uga yahay.!!! Sikastaba, waxaan Gudoomiye Dr Maryan Qasim iyo teamkeeda, Hey’adaha Amniga ee dalka, & dhamaan maamulada dalka ka jira oo dhan ka codsanayaa in Xarumahaas indhaha lagu hayo, mararka qaar si kadiso ah oo joogta ah loo kormeero iyadoo loo dhaba galayo xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka xarumahaas lagu dhaqan celiyo, waana in qof qof loola yeesho wareysiyo gaar ah, sidoo kalena waa in lagu sameeyo baaritaano jireed iyo mid maskaxeed. FG: Xarumaha dhaqan celintu waa u muhiim xilligaan dalkeena waana Center-ro loo baahan yahay, balse lama dafiri karo iney jiraan kuwa badan oo ay ka dhex dhacaan tacadiyo qarsoon oo u baahan in lagula xisaabtamo.!! Maxaa Yaab Isdabayaal WQ/-Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Wednesday, February 4, 2026
SOOMAALI ISRAACDAY MISE SOOMAALI MIDOWDAY.? WQ/- Layloon

SOOMAALI ISRAACDAY MISE MIDOWDAY? Shirkii Berlin ee gumeystaha reer Europe 1884-1885 1dii Luulyo 1960, labadii gobol ee British iyo Italian gumeysan jireen ee ay ula kala baxeen British Somaliland and Italian Somaliland maadaama uu gumeystuhu uu kala goostay ama kala qeybsaday, ma israaceen mise waa midoobeen markay ka baxeen labadii gumeyste? Ka hor gumeystaha 1885 - 1885, wadanka dhan wuxuu ahaa Somalia, dadkuna Soomaali, mana jirin BritishSomaliland, French Somaliland iyo Italian Somaliland. Dhamaan magacayada iyagaa la yimid, iyagoo qirsan in wuxuba yihiin Somaliland ama dhulka Soomaaliyeed. Waxaa isweydiin leh goorta aan dowladaha kala duwan noqonay oo aan midoobeynay. Haddaba, markii ay naga baxeen 1960kii maalmo kooban guddahood, ma isla anagii ayaa qaybsiga gumeystaha u rognay sharci oo isa sii qeybineyna, oo ka dhigeyna in aan kala duwaneyn oo aan midoobeyno sidii inagoo kala ahayn wax aan shaqo isku lahayn oo dowlado iyo dadyow kala duwan ahaa? Talyaanigu qeybtii uu ka baxay, ma dhihi karto dowlad aan shaqo ku lahayn Soomaaliyada kale ayaan ahay, sidaa darteed waan midoobi karnaa ama waan kala joogi karnaa. Taas waa u adeegid Talyaani iyo iska dhigid wax kale. Sidaa si la mid ah British Somaliland oo ah qeybtii British ku 1885 qaatay, ma dhihi karto, maadaama Ingiriis I gumeystay Soomaalidii kale waan ka duwanahay,iyaduna taasi waa u adeegid gumeystaha British. Soomaalidu Hal dal ayey ahaayeen ee ma ahayn ummaddo kala duwan maadaam ay ahaayeen sida gumeystuhuba u yaqaanay Somaliland (Italian Somaliland, French Somaliland iyo British Somaliland). Magacyadaas 1885tii ayaa lagu sameeyey Berlin shirkii gumeystaha reer Yurub ee maxsuulkiisu ahaa #General Act of Berlin. Soomaalida meel kasta oo ay joogto waa Soomaali. Waa hal midab, hal Luuqad, hal diin iyo hal dhaqan, iyo weliba hal DNA. In gumeystihii uu na qeybsaday ma ahan in aan u rogno inaan ahayn dad ku kala duwanaa cidii kala gumeysatay. Dowladdo ma aynaan kala ahayn, calamo ma kala lahayn, dhaqamo kala duwan mä lahayn. Wax midoobeyna ma jiraan, ee waan israacnay markay kuwii na qeybsaday naga baxeen. Arrin la mid ah taas, hadda ayey jirtaa. Shabeelaha Hoose, Banadir iyo Shabeelaha Dhexe waxaa joogo Ciidanka Uganda waxaa loo yaqaan Sector 1, Jubbadaa Hoose, Jubbada Dhexe iyo Qeyb Gedo ah waxaa xukuma Ciidanka Kenya oo waxaa la yiraahdaa sector 2, Bay, Bakool iyo qeyb Gedo ah waxaa Xukumo Ethiopian waxaa Sector three, Hiiraan iyo Galgudud qeyb ka mid waxaa lagu ogyahay Ciidanka Djibouti waxaan loo yaqaan Sector 4. Haddaba, Sector kasta haddii ciidanka gumeystaha uu ka baxo ma waxay oranayaan waxaa la midoownay qeybta kale oo kala wadamo ayaan nahay, taasi ma suurtoobeysaa. waa MAYA !! Arrinta woqooyiga Soomaaliya waa taas sectors oo kale, haddii British kaa baxay, kuwaaana Italian ka baxay ma aydnaan ahayn dowlado, ee waxaad ahaydeen hal dal oo gumeyste kala goostay oo markuu ka baxayna israacay. Ha israacdo Somalia.!! WQ/- Abdirizaq Laylon Maxaa Yaab Isdabayaal.!!

Abdulkadir dulyar Saturday, January 24, 2026
KIBIR BIYO KUMA TALLAABIYO.!!

KIBIR BIYO KUMA TALLAABIYO.!! Barafasoor wax badan bartay ayaa doon yar kula safray webi. Doonta waxaa waday nin kalluumaysato ah oo aan waxba qori aqoon. Markii ay cabaar socdeen oo ay ku aadanyihiin bartamihii wabiga moolkiisa ayaa Barafasoorkii bilaabay in uu kibro isagoo wata buugaag badan. Hadaba Barafasoorkii ayaa waxa uu weeydiiyey kaluumaystihii sedex su’aalood: • Wuxuu weydiiyay: “Xisaabta ma taqaan?” Ninkii kaluumaystada ahaa. kaluumaystihii wuxuu ku jawaabay: “Maya.” Barafasoorkii wuxuu ku yiri: “Markaa waxaad lumisay rubuc noloshaada ka mid ah.” • Hadana wuxuu mar kale su’aalay: “Taariikhda ma taqaan?” wuxuu ku jawaabay “Maya.” kaluumaystihii debadeeto, Barafasoorkii ayaa ku yiri ninkii kaluumaystaha ahaa “Markaa waxaad lumisay nus noloshaada ka mid ah.” • Barafasoorkii ayaa mar sedexaad su’aalay ninkii kaluumastaha ahaa “Falsafadda ma taqaan?” “Maya.” ayuu ku jawaabay kaluumaystihii Barafasoorkii ayaa yiri “Haddaba waxaad lumisay afar meelood sedex noloshaada ka mid ah.” Debadeeto, iyagoo sidoodii horay u sii socda ayaa waxaa mar qudha timid dabayl xooggan iyo hirar doontii qarka u saaray inay degto. Kalluumaystihii ayaa si degdeg ah u weydiiyay Barafasoorkii: • “Adigu Barafasoore dabaasha ma taqaan?” Barafasoorkii ayaa ku jawaabayi: “Maya!” Debdeeto, Kalluumaystihii ayaa ku yiri: “Haddaba, Barafasoore, Adigu waxaad lumisay noloshaadii oo dhan. Ogaawna maanta, kibirkaagu biyo kuma tallaabinayo.!! ⸻ FG: Cibrada Sheekada: • Aqoontu ma aha oo keliya tan buugaagta laga dheehdo. • Xikmadda nolosha iyo xirfadaha dhabta ahi waa tan badbaado keenta mararka qaar. • Ha ku yasmin qofna aqoon la’aantiisa, mid walba waxa uu leeyahay garasho uu ku noolaan karo. WQ/- Farhan Ali Ahmed. Maxaa Yaab Isdabayaal

Abdulkadir dulyar Monday, January 5, 2026