WARBIXIN:HUBKAAGAA HORUMAR KUU DIIDAN.!! WQ/-Dulyar

Marar badan ayaan maqalnaa deegaan hebel abaar baa ka dhacday ee haloo gurmado, ama deegaan hebel fatahaad sababtay khasaare nafeed,mid maaliyadeed iyo barakac xoogan ayaa ka dhacdaye gurmad degdeg ah halala gaaro. Ogow deegaan walba oo Soomaaliyeed iyo deeganadaas laleeyahay haloo gurmado ama ay dadkoodu abaaraha iyo fatahaadaha joogtada ah sanad walba ku dhimanayaan kuna hanti beelayaan, waxaa lagu dhex heystaa 70-meeyo gaadiidka dagaalka ah oo ay saaran yihiin qoryaha waaweyn ee dagaalka sida, Dhashiikayaal, Seka-Uu Zuu-37, Shilke, Ganta-Sey, Biiteyn,kumanaan dabajeexyo & Ake47 ah, iyo saanado kaloo badan oo rasaas ah oo aan hub dowladeed aheyn,oo haddii la qiimeeyo malaayiin dollar ah toban jeerna dabooli karta in wax looga qabto abaaraha iyo fatahaadaha ka jira deegaanada laleeyahay haloo gurmado. Waase haddii ay maalin qudha dadka deegaanku inta caqliga ka shaqeysiiyaan ay go’aansadaan in inta ay ka helayaan dowlad damaanad qaadi karta amnigooda, iney deegaankooda ka dhigaan deegaano hubka tirada badan ka caagan, inyaroo amniga lagu sugayo mooyee, kadibna ay wada iibiyaan hubka faraha badan ee ay heystaan, halkaasna dhaqaalaha ka soo baxa ay ku maalgashadaan deegaanadooda, sida wax soo saarka beeraha, dugsiyo waxbarasho,Cisbitaallo caafimaad, wadooyinka, iyo guud ahaan dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka, xaqiiqdii mardambe lama maqleen iyadoo deegaanadooda loo dawarsanayo, waxeyna tiigsan lahaayeen horumar & nabad. Marka aan sidaas leeyahay, Maryooleey waan ogahay inaan ka hadlayo wax aan loo bisleyn xiligaan, waan ogahay hubka qudhiisa in duruufo loo heysto, waana ogahay in sheydaan marhore isku keen diray oo uu nagu qufulay facaa iska dhici, gebigeenuna aan wada nahay keeb la yuurar, reer hebelna aan waardiye uga jirno, xitaa kuwa aan hadda leeyahay may hubkooda iibsadaan oo ku hormaraan, ayaa dhexdooda difaac isaga jira, ama aaminsan inaan hub la’aan la noolaan karin. Balse caqliyadda saxda ah waxey leedahay, waa in lagu dhiirado wax aan dhiiran jiran haddii ay maslaxo caam ahi ku jirto, waana in deegaan walba hubka maanta dhexyaalla oo aan ogahay iney dhexdooda dhib weyn ku qabaan, ay u fahmaan iney kaga maarmi karaan in sanad walba loo dawarsado, ama ay ku noolaadaan nolol aan mustaqbal laheyn, iyagoo awooda dhaqaalaha kaga jira hubka iney ku horumarsadaan noloshooda iyo tan deegaankooda, kuna heli kara nabad iyo iney u noolaadaan sida bini’aadamka, maadaama uu hubkoodu yahay midka horumarka u diidan.!! FG:-Fekraddan hadda hal deegaan oo yar bey ka hirgashay kuna caana maala,balse waan hubaa haddii uu deegaan kale oo macruuf ah ku xigsado, iney deegaano badan ka hirgeli laheyd, taasoo furre u noqon karta nabad guud oo Soomaaliya ka tisqaadda.!!! Maxaa Yaab Isdabayaal WQ: Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Sunday, December 22, 2024
WARBIXIN: MAXAA LOO WADA AAMUSAY.!! WQ/-Dulyar

Dad badan baa maalmahaan ku jehawareeray erayadaan jaceylka ah ee aan daldalayo, qaar baa run u mooda, qaar baa ila yaaban, qaar baa su’aalo iga soo weydiiya, qaarna waa ila fahamsan yihiin shacda & sababta aan fararaqdaas u soo qorayo, waayoo horey ayey iila socdeen, Dabcan, markasta oo ay xaraaradda Siyaasadda iyo ka hadalka waxyaabaha dalka ka socda ay fikta sare gaaraan, waa u mihiim qofkii aan mujaamalada iyo munaafaqadda aqoon inuu duufaanta socota ka gambado, hadeey ahaan laheyd toosin, tusaale iyo tilmaamidba. Sababtuna waxey tahay, waa koox uu Nin Sxbkeey ah u bixiyay “BOOLISKA FEKERKA” oo Wajibook dhex fadhida, kooxdani waxba sooma kordhiyaan, mana laha aragti fog oo ay wax ku cabiraan, keliya waxey ku foogan yihiin iney mucaaradaan ama taageeraan madaxda dalka, iyaga waxba kama gelin mustaqbalka iyo saameynta ka dhalan doonta ficilada & tilaabooyinka ay qaadayaan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradku, Sidoo kale, kooxdani waxey ugaarsataa fekradaha dadka indheer garadka ah ee dalka u turaya ay soo bandhigaan, waxaadna arkeysaa iyagoo durba dhanka xun ula boodaya, ama ku eegaya indho danabeysan, taasoo ku xambaartay in dadkii waxgalka ahaa ay intooda badan ka gaabsadaan ka hadalka arimaha ka socda dalka, lagana yaabee iney talooyin waxtar leh ku biirin lahaayeen marxaladda uu dalkeenu marayo.. •Dalka maanta kama jirto Saxaafad madax banaan, oo iyadoo ka faa’ideysaneysa awooddeeda soo bandhigi karta xaqiiqada dhacdooyinka dalka ka socda, ama kala shaandheyn karta doodaha ka soo kala burqanaya hey’adaha dowladda & dhanka mucaaradka, waayoo qaarkood waxey ku milmeen Siyaasadda, qaarkoodna waxey noqdeen la kireystayaal, halka qaarka soo harayna ay noqdeen kuwa war sidayaal ah, oo sidooda u soo gudbiya fariimaha ay dowladda iyo mucaardku la wadaagaan marka ay u yeertaan. •Sidoo kale,dalka maanta kama jiraan Ururo bulasho rayid ah oo macno leh, oo dheelitir u noqon kara Siyaasadda dalka, iyo aqoonyahano u damqanaya dalkooda oo isku xilqaamaya iney dadkooda u iftiimiyaan halka geediga loo yahay, sidii ay sameyn jireen Ururada bulshada rayidka ah & aqoonyahanadu waqtiyadii hogaamiye kooxeedyada iyo xitaa xiliyadii dowladihii KMG ahaa. Halkaas markeey taagan tahay, Platform-ka keliya ee hadda noo soo haray wuxuu noqday Social Media, isagana dadkii bulshada wax ku soo kordhin lahaa ama si cilmiyeysan uga hadli lahaa hadba marxaladda uu dalkeenu marayo, waxey uga kala carareen “BOOLISKA FEKERKA,” oo ah koox indhow garad ah oo sanduuq gaar ah kula xiran waxyaabo aaney dani ugu jirin waana sababta keentay in dadkii waxgalka ahaa ay fekradahooda la aamusaan, kuwana ay ula cararaan dhanka Twitter ama X-ta iyo meelo kale. Ugu dambeyn, waad ila fahamteen baan filayaa sababta dadka qaar ku kalifaysa iney afka xirtaan, qaarna ay uga hadlaan Sports ka, jaceylka, & sheekooyinka madadaalada ah oo keliya, kuwa kalena ay u noqdeen kooxo si indho la’aan ah ula kala safan Dowladda & mucaaradka qalad iyo sax wixii ay sameeyaana ku taageera, dabcan caqliyadda noocaan ah waxaa laga gudbi karaa oo keliya, marka ay shacabku ogaadaan iney dowladnimadu iyaga tahay, madaxduna ay yihiin adeegayaal iyaga u shaqeeya, xaqna ay ugu leeyihiin iney hubiyaan kulana xisaabtaan tilaabo kasta oo ay qaadayaan madaxdu mucaarad & muxaafidba, markaa ayaa la heli doonaa bulsho danaheeda ilaashata oo u diyaar ah iney ixtiraamto fekradaha dalka waxtarka u leh ee wax lagu dhisayo ee aan wax lagu dumineyn, Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Abdulkadir dulyar Monday, December 9, 2024
MAXAA SIYAASADDA SOOMAALIYA ISBADEL U DIIDAN.? WQ/Dulyar

Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso, sababta ay Siyaasadda Soomaaliya isku bedeli la’adahay.? Siyaasadda dunida, mar haddii qof fursad loo siiyo inuu dalkiisa u adeego, marka uu waqtigu ka dhamaado, hadii aan marlabaad dib loo dooran wuxuu raacdaa danihiisa kale, inta badana mardambe dadka ma hor yimaado, ama waxaa dhacda in marlabaad fursad kale la siiyo si uu shaqadiisa u sii wato, markaana marka ay mudadu ka dhamaato wuxuu noqdaa ruux ku faraxsan inuu dalkiisa iyo dalkiisa u soo shaqeeyay, wuxuuna ka mid noqdaa bulashada, waa haddii uu wax wanaagsan qabtay, haddii kale waxaaba dhacda in intuu qalad Siyaasadeed galo isaga oo aan waqtigii la doortay dhameysan in lagu rido cod dadweyne ama mid baarlamaan, markaasna iska daa inuu mardambe dadka hor yimaadee wuxuu ka qariyaa wajigiisa. Balse, Soomaaliya waxaa sanad walba doorashada isku soo taaga 20 qof oo istaqaana, Annaguna aan naqaano, kuwaas oo marna mucaarad isla ah marna muxaafid isla ah, ha noqdo mid mar fursad la siiyay oo aan waxba qaban, ama ha noqdo mid 9 doorasho galay oo aan marna ku guuleysan, ama ha noqdo mid boogo badan lagu ogyahay isaguna isku og, ama ha noqdo mid ku faanaya in dalkii shalay watay maahane uu doorkaan dalkale wato, meeshaan lama kala xishoonayo, waxaadba moodaa in lagu yiri, Siyaasadda Soomaaliya keligiin baa xaq u helaye ku baashaala, Marka goormee iyo sidee baa Siyaasadda Soomaaliya isku badeleysaa, marhaddii aaney jirin biseyl & isbedel hogaamineed & mid shacab, iyo in fursaddaha Siyaasadda la wadaago, waxna laga siiyo dadka kale ee xambaarsan aragtiyaha ka duwan kuwa aan ku soo daalnay. •Waxaa kawaas la mid ah Baarlamaanka dalkeena oo ah halbowlaha dhiiga siiya dowladnimada, waxaad arkeysaa xildhibaano 15-20 sano golaha dhex fadhiya oo iska daa wax ay dalka & dadka ku soo kordhiyaane aan magacyadooda la aqoon, waxaad kaloo arkeysaa kuwa sanad walba soo iibsada kursiga oo meesha u jooga ganacsi Siyaasadeed, waxaad kaloo ku arkeysaa dhalinyaro yaryar oo in lagu adeegto darteed loo soo geliyay baarlamaanka oo aan warba u heyn masuuliyadda weyn ee dalka ka saaran, kuna mashquulsan dano kooxeed iyo TikTok, Dabcan majiro Arday inta 2 jeer ku dhacay Final Exam-ka jaamacadda, hadana weli u xiisa qaba inuu mar sadexaad iyo mar afaraad u fadhiisto isla imtixaankii, isagoo aan almiino meel kale uga wareegin meeshaan uu ku fashilmay, , sidee marka Siyaasiyiin teenu ugu qanceen iyagoo labo & sadex jeer ku guuldareysatay doorasho, ama mar fursad la siiyay oo aan wax isbedel ah la imaan, iney hadana mar 4aad & mar 5aad na hor yimaadaan iyagoo u sharaxan isla kursigii, kuwaas waxaa iyaguna la mid ah kuwa Gu' walba raba iney dowladdii timaadaba Xildhibaan & Wasiir ka helaan. Finally, waxaan kula talinayaa wajiyada siyaasadeed ee 20 ka sano na hortaagan, ee tabar tooda iyo taag tooda na tusay, waxna nagu soo kordhin waayay, meeshu maaha Filimadii "NIGERIA MOVE-A" ee fadlan Siyaasadda kadib nolol kalaa jirtee, iska nasta oo fursad siiya dadka kale oo laga yaabo iney xambaarsan yihiin fekrado kuwiina ka duwan, ileyn dalka waa leydinla leeyahaye.!! NB/-Waa Aragtideyda gaaban/- Maxaa Yaab Isdabayaal.

Abdulkadir dulyar Thursday, December 5, 2024