QOF DANTIISA U NOOL, HA U NOOLAAN DIFAACIISA.!! WQ Dulyar

Nin Sxbkeey ah oo dowladdan iyo tii ka horeysayba xilal kala duwan ka qabtay, ayaan shalay iskula jimceysanay guri weyn oo aan isla fahamsan nahay in uu farsamo ku dhistay, Cabaar baan ka wada sheekeysanay xaaladda guud ee dalka, balse markii dambe ayaa Arimaha musuqmaasuqa hoos ugu daadagnay, balse mararka qaar Sxbkeey Xitaa Aniga wuxuu iila hadlayay sidii qof aan xogtiisa ka war heyn, oo wuxuu isaga key dhigaa ruux ceeb ka saliim ah, misna ay dhibeyso sida ay madaxdu u boobaan hantida Umadda, Hadana marka uu Sxbkeey dareemo inaan warkiisa xoogaa jir diidanahay, balse aan ka xishoonayo inaan ku iraahdo Sxb naga kala yaree bahasha, Adiguba aqalkaan weyn waxaad ku dhisatay hantidii shacabkee, ayuu inta dhanka isku rogo, wuxuu meel ciriiriya cudurdaar uga raadiyaa, sababta keeneysa iney madaxdu dhacdo hantida Umadda. sida in aaney jirin cid madaxda ku abaalmarineysa ilaalinta hantida shacabka iyo in Xilku yahay Summer Job, Aniguna si uusan yaxyax u dareemin waxaan ku iri, Sxb musuqmaasuqa madaxdu ma dhamaanayo, inta qofkasta oo xil qabta aan lagu qiimeyneyn Aqoontiisa & amaanadiisa, Iyo inta ay madaxda ogsoon tahay iney jiraan kuwa ku difaacaya boobkiisa, sidoo kalena ay shacabku ka ogaanayaan in waxa Madaxdu ay boobeyso ay tahay hantidooda, halka maanta ay madaxda ku difaacayaan ama ku kala taageerayaan Qabyaalad iyo qurun, Markaas ayuu inta madax ii ruxay igu yiri;- Wlhy waa runtaa, Anigaba mararka qaar waxaan arkaa kuwa intey wax isku toostoosiyaan Facebook wax iiga soo qora, Anigoo layaaban dadkaan aanan aqoon sida ay xogteyda ku heleen, iyo waxa ay igu maageen, ayaan eegaa bal sida ay dadku uga falceliyeen, mise waxaan ku arkaa dhowr qofood oo kale oo aanan aqoon u laheyn, oo Aniga I difaacaya, weliba qofkii wax iga sheegayay aflagaadeynaya, markaas ayaan xogaa qaboobaa oo isku qanciyaa, in kuwa wax iga soo qoray aysan culeys badan igu heyn,maadaama ay jiraan dadkaloo badan oo aanan aqoon oo i difaacaya oo Ilaaheey qoorta u geliyay kuwa wax iga soo sheega. -Halkaas markeey taagan tahay baan ku iri, lkn Sxb hadii aysan jiri laheyn dadkaan Madaxdu aysan aqoon ee Ilaaheey u soo diray ee sax iyo qaladba ku difaacaya, sidee xaalkiinu noqon lahaa.? - kuye , markaas Madaxdu xal kaleey la imaan laheyd sow maaha hhhhhh Iyadoo uu warku halkaa inoo marayo, ayaa waxaa noo soogalay Mid baasoo isaga u socday, markaas ayaan sheekadii u rognay kulankii habeen hore dhexmaray Arsenal Vs CityYareey hhhhhh FG:- Qorista sheekadaan ogolaansho ayaan u heystaa.!!!. Maxaa yaab isdabayaal

1 comment

  1. Ku mahadsanid qormada, waxaan is leeyahay musuq maasuqa bulshada qeeb ayeey ka tahay kaliya ma ahan kuwa fadhiya xafiisyada dowlada, lacag hadii waay lahaay qof dhiibto qof qaato lama heleen.

    Macnaha bulshada hadii ay joojiyaan lacag bixinta ma heleen lacag ay qaataan oo musuq maasuqaan kuwa madax'da ah.

    ReplyDelete