Waxaan Saxaafadda ku dhex jiraa waqti yar , balse waxaan xili adag oo aan dalka dowladi ka jirin, ka soo loox jiitay macalimiin ay ka mid ahaayeen Allaha u wada naxariistee Ustaad Yoonis Ali Nuur, & Ustaad Mohammed Rashiid, waxaana madax iyo shaqaalaba ka soo noqday Idaacado, Tv-yo iyo wargeysyo isugu jira kuwo Hogaamiye kooxeed ama Ururo Siyaasadeed,Kuwa madax banaan iyo kuwo dibadeedba, waxaan ku soo dhex shaqeeyay marxalado kala duwan, sida dagaaladii sokeeye, khilaafaadkii Qabaa’ilka, kuwii Qabqablayaasha, dagaal Diimeedyadii, muranadii dowlad dhiska, kuwii Siyaasadeed iyo kuwa kaloo badan, Sidoo kale waxaan shahaadada koowaad ee Jaamacadda ku qaatay Cilmiga Saxaafadda, waxaana akhriyey buugaag farabadan oo ka hadlaya hab dhaqanka Suxufiga iyo Saxaafadda wanaagsan,
Intaba waxa aan ka bartay, sida ay Saxaafaddu Nabadda uga qeyb qaadato, sida ay dhexdhexaadnimo ugu shaqeyso, Sida ay Warar lagu kalsoon yahay u tabiso, Sida ay dadka u madadaaliso, sida loo ilaaliyo anshaxa, Sida ay dadka wax u barto, Sida dhinacyada diriraya aysan u buunbuunin uguna dhex milmin, Sida ay u xaliso khilaafaadka bulshada, Sida ay u kasbato dareenka dhegeystayaasha ,Akhristayaasha, ama daawadayaasha iyo bad weyn kaloo aqoon Warbaahineed ah oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Balse marna kama maqlin macalimiinteydii, kumana arkin buugaagta aan akhriyey casharo Warbaahinta oo Suxufiga u fasaxaya ama u ogolaanaya iyadoo aan lagula xisaabtameyn, in ay qeyb ka noqon karaan colaadaha bulshada ka dhex dhaca, in ay buun buunin karaan khilaafaadka, In ay Warar been ah oo walaac geleniya shacabka u tebin karaan, in ay u ololeyn karaan in dalku fowdo noqdo, In ay laaluush qaataan, In ay Xasiloonida bulshada qalqal gelin karaan, In ay shacabka kicin karaan, iyo Ineey......Ineey...... Ineey.......... , ilaa ineey ruuxeey doonaan ay aflagaadeyn karaan.
Halkaas markeey taagan tahay, Koleey Anigu ma aqaan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta maanta sidaa ku sifeysan ama ku shaqeeya meesha ay ka soo barteen casharada ay ku shaqeeynayaan ... balse guud ahaan waxaan kula talin lahaa Saaxiibadeey, dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeeniiye, hadeynaan xalka qeyb ka aheyn, Almiino xasaraddaha yeynaan qeyb ka noqon.....hadii kale ...TAARIIKH HADASHAA HODHOW KALA SAARI ....!!
-Hadii Warbaahinta Soomaalidu noqdaan taageerayaal iska soo horjeeda,xagee warar sugan laga heli karaa .?
=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!!!
Maxaa yaab isdabayaal.
ANIGA IYO SAXAAFADDA.!! WQ/- Dulyar
Abdulkadir dulyar
Tuesday, February 21, 2023