30 SANO GUURADA DHACDO XANUUN BADAN.!!WQ/-Dulyar

•30 SANO GUURADA DHACDO XANUUN BADAN.!! Diyaaradaha Maraykanka ayaa 30 sano ka hor 12-kii July 1993 dii duqeyn ku bartilmaameedsaday guri uu daganaa Xoghayihii Arimaha Gudha ee USC/SNA Md Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay ku shirayeen qaar ka mid ahaa Siyaasiyiintii & taageerayaashii AUN General Maxamed Faarax Caydiid. =Waxaana halkaas ku geeriyooday Allaha u wada naxariistee 75 qof oo Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Culimo, Saraakiil,Odoyaal,Ganacsato,Haween,& Dhalinyaro qiimo badan isugu jiray, Dabcan Ciidamada uu Mareykanku horkacayay waxaa Warbixin hoose lagu soo siiyay in Shirka uu ku jiro AUN Jan Ceydiid,balse waxay qadarta Alle ay duqeynta bilaabeen inta aanu Guriga soo gaarin Oo waxaa la ii sheegay in Jan Ceydiid uu ka laabtay Tarabuunka marka ay duqeyntu bilaabatay. Maalintaan goob joog baan u ahaa Anigu waxaana ku sugnaa darbiga Isgoyska Digfeer oo aan sidaa uga fogeyn guriga duqeyntu ku socotay iyadoo ay saacado badan na rasaaseynayeen ciidamada Mareykanka oo watay diyaaradaha Copra,Abaja, Helicopter-da Ciidamada xambaara iyo AC-130 oo dusha sare heehaabeysay, waxayna markii dambe nagu garaaceen Bambooyin Run ah & kuwa dheemash ah oo dhawaaq weyn si ay goobta u baneystaan oo shacabka ugu kala eryaan balse waanu ka diidnay Waxaana dagaalka sii daba dheereeyay markii Isgoyska Digfeer agagaarka sheneemo Nasar lagu dilay 3 Journalist oo labo Kenyati aheyd midna cadaan ahaa oo duqeyntu markey dhacdayba goobta soo gaaray, balse dhalinyaro careysani ay rasaas ku furtay, diyaaraduhu waxey doonayeen inay Meydka qaataan dadkuna waa u diidanaayeen, inkastoo markii dambe ay diyaarad Helikopter ah oo soo dagtay ay qaaday Meydkii, Wariyayaasha oo 4 ahaa, waxaa ka badbaaday hal Wariye oo cadaan ah kaas oo isagoo cararaya oo meel laga xigo aan garaneyn uu wadada ka qaaday Allaha unaxariistee Duguf oo markaa ahaa sida la ii sheegay Tagsiile,wuxuuna geeyay Hotel Shamow oo uu wariyuhu u sheegay in ay deganaayeen, waana halkaas meesha uu ka bilowday xiriirka AUN Duguf & Wariyayaasha ajaanibta ah oo markii dambe uu isagu la wareegay amnigooda oo dhan. NB/-Taariikhdaan iyo Guriga ay ka dhacdayba waxey mudan yihiin in la xafido oo aan sahal lagu iloobin ama loo tirtirin raadka xusuusteeda. Dhamaan intii ku dhimatay dhacdadaan gardarada ah oo Waalid , Ehel & Sxb iyo Soomaaliba lahaa Allaha u wada naxariisto Aamiin, inta ku dhaawacantay ee noolna taariikhdan ha ka reebaan diiwaanada ku dhiganta. FG: Sawirku waa Aniga iyo Col Siciid Bulbul oo ka mid ahaa xiligaas saraakiisha USC/SNA. dhacadadaana ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadaneysay.!! WQ/= Abdulkadir Dulyar.

Abdulkadir dulyar Wednesday, July 12, 2023
WARBIXIN:- XAGEE KA YIMID KHILAAFKA DFS & PUNTLAND.! WQ/-Dulyar

XAGEE KA YIMID KHILAAFKA U DHEEXEEYA DFS & PUNTLAND.? Khilaafka DFS & Puntland u dhexeeya, waa mid shaqsiyadeed oo ka soo bilowday gorgortan siyaasadeed iyo balamo ay isaga baxeen xiligii ay mucaaradka ku wada ahaayeen Madaxweynihii hore Farmaajo iyo xiligii ay doorashada ku wadajireen MD Hassan Sheikh Maxamuud iyo MD Siciid Dani, inkastoo labada Odayba ay in mudo ah khilaaf kooda qariyaan, hadana waxey ka fursan weyday in ay kula galgashaan ama ay ka dhigaan khilaaf u dhexeeya DFS & Puntland. Dabcan, waxaa s todobaadyadii u dambeeyay socday dedaalo la doonayay in lagu xaliyo xiisadda ka dhex taagan labada Oday, kii u dambeeyayna waxa uu ahaa ergadii ka koobneyd Odayaasha 3da Maamul Goboleed, ee uu MD HSM u xilsaaray iney MD Dani ugu tagaan gurigiisa lana fadhiistaan, taas oo uu hor istaagay MD Dani, Halkaas markeey taagan tahay, Soomaalidu waxey tiraahdaa, "Kaadi badane waa loo gogol badiyaa" waxey aheyd in MD HSM uu Ergo kale oo labada Aqal ka kooban u xilsaaro, marwalbana uusan ka caajisin sidii uu Dani ugala fadhiisan lahaa, wixii tabasho ah ee uu asaga gaar uga tirsanayo....taasina ma dhicin. Dhinaca kale, hadii Madaxda DFS ay go’aansatay in ay MD Dani weerar afka ah ku qaadaan, laguna ifiyo toosh afar qaad ah caqabadaha uu la hortaagan yahay, malaha waxaa habooneyd in Madaxweynaha iyo RW ay isku kala qeybiyaan 2 kooxood, oo midina uu weerar afka ah ku qaado, midna uu geed fadhi u noqdo arinka, si hadhow loo helo mid xaliya wixii dhexmaray labada Oday, ....iyaduna ma dhicin. MD HSM oo ka carooday diidmada uu MD Dani diiday Odayaashii Ergada ahaa ee uu u xilsaaray arinkiisa, ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka maalin jimco ah, waxa uu si adag uga hadlay Arimaha Puntland, isaga oo yiri “Puntland waxey dhisan tahay 24 sano ee Daniyoow 24 maalmood ha ku burburin” iyadoo hadalkaas la rogrogayo, dadkuna uu ku baraarugay khilaafka oo uu MD HSM maalmo ka hor ka sheegay kulan doodeed loo qabtay, in aanuu jirin wax khilaaf ah oo DFS & Puntland u dhexeeya, ayaa markale RW Xamza oo isna xili habeen ah khudbad jeedinayay,wuxuu si adag uga hadlay Puntland iyo Siciid Dani, markalaa xaalkii cirka isku shareeray,, balse dad badan waxey isweydiinayaan hadii dagaalku markii hore u dhexeeyay MD HSM iyo MD Dani, uu iminka Rw Xamza ku soo biiray, tolow yaa wax xalin doona.? ama yaa wax isku soo jiid jiidi doona.? Tankale, hadaladii MD HSM iyo RW Xamza ay kaga hadleen arimaha Puntland, waxeyba fursad u noqotay MD Dani oo markii hore hadalku ka xirnaa, waxey kaloo keeneen in uu Dani ku helo taageerayaal farabadan oo uusan awel heysan, sidoo kale waxey hadaladoodu meesha ka saaareen, Odayaashii Puntland ee awel MD Dani ku cadaadinayay in uu Dowladda dhexe wax la qabsado oo uusan Puntland ka dhigin mid go’doon ah, tan ugu darani waa, iney hadaladoodu caqab ku noqdeen Odayaashii iyo Siyaasiyiintii Dani mucaaradka ku ahaa, oo hada haddii ay hadlaan, waxaa lagala hor imaanayaa dowladda dhexe ayaa lacag idinku soo siiyay inaad Puntland dumisaan, FULL STOP 🛑 Laakiin weli fursad baa jirta, iyadoo laga faa’ideysanayo waayo aragnimadii laga kororsaday, sidii ay Maamul Goboleedyada qaarkood iyo mucaaradka oo iskaashanaya ay 2dii sano ee u dambeysay waqtiga uga lumiyeen Madaxweynihii hore ee Farmaajo, ma fiicna in dowladdaana ay murano Siyaasadeed waqti iskaga khasaariso, maadaama ay howlo muhiim ah horyaalaan, sida dagaalka Khawaariijta, xasilinta Amniga, Deyn cafinta, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah. . Sikastaba ha ahaatee, waxaan kula talinayaa, madaxda dowladda dhexe, in ay intii karaan keeda ah ka baaqsato dagaal Siyaasadeed dabo dheeraada iney xiligaan la gasho Puntland iyo Maamulada kaleba,si ay uga dhabeeyaan halkudhigoodii ahaa “SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA LA HESHIIS AH” waa in la abaaraa wadooyinka iminka furan inta aaney xirmin, waana in ay xiisaddaan u xilsaaraan Gudoomiye Abdi Hashi iyo Rag xul ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Odayaal, fursadna loo siiyo iney usha dhexda ka qabtaan. BAAQ:- Mudanayaal, Shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba, wey ka daaleen isqabqabsi joogta ah, oo marwalba ka imaanaya baarqabyada Siyaasadeed ee dalka, sidaas daraadeed Ilaaheey intaad ka yaabtaan isu tanasula, oo fura albaabada wadahadalka, si aysan dadkeena iyo dalkeenu dib ugu laaban ee aan horey ugu sii wada socono.!!! Mahadsanidiin/= FG:- Waa Aragtideyda gaarka ah.!!! Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Abdulkadir dulyar Thursday, May 11, 2023
TALO SOOJEEDIN:- COWRADIINA NAGA ASTURA.!! WQ-Dulyar

-Hallo Hallo, ama isgaarsiinta gacanta lagu qaato ee ay ku wada xiriiraan Heyadaha Amniga oo aan si gaar ah uga hadlayo, waxaa ka muuqda habac iyo dhowrid la’aan maadaama loo gacan galiyay dhalinyaro aan si adag u fahamsaneyn ilaalinta xogaha Amniga iyo kuwa wada xiriirkooda. -Midda koowaad:- waxaa wata dhamaan Saraakiisha ciidamada dowladda iyo shirkadaha Security private’s ka ah ee dalka jooga,waxaana dhacda inaaney gacamadooda ka taxadarin marka ay shacabka ku dhex jiraan,Maqayadaha fadhiyaan,Xafladaha Aroosyada ka qeybgalayaan amaba ay xaafadaha si caadiya u joogaan. •Tusaale waxaad arkeysaa Sarkaal fadhiya mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho oo la fadhiya axsaabtiisa waxa uu gacankii oo waaq waaq leh dhex dhigayaa miiska hareeraha laga fadhiyo halkaas baa qof walba oo goobta ka dhow iyo adeegaha baarkuba kala socdaan waxa ay ku wada xiriirayaan Heydaha Amnigu.. •Mararka qaar waxaad arkeysaa, sarkaal gacankiisa u dhiibaya ilaaladiisa ama xaaskiisa kuna leh xoogaa baan indho gaduudsanayaaye gacanku ha kuu shidnaado oo hadii balaayo weyni dhacdo i toosi,markaas ayaa qofka loo dhiibay waxa uu kula dhex xaragoodaa xaafadda oo dhan. •Midda aan laba soo hadal qaadin waa waxaa jira saraakiil ama masuuliyiin ka shaqeyn jiray Amniga oo xiliyo kala duwan shaqada laga joojiyay mid walba waxa uu gurigiisa la aaday dhamaan agabkii uu u hayay Heyadaha Amniga oo ay Gacamadu ku jiraan mana jirto cid uga daba tagtay ama uga daba tagi karta waayoo waaba ruux xanaaqsan oo shaqadii laga joojiyay oo cadho la dilaaci raba. •Mararka qaar waxaaba dhacda, in aad aragto xogheyn Wasiir oo heysta 3-4 Gacan Mid Gaashaandhiga ah,Mid Nisa ah,mid Stafka Wasiirka u gaar ah welina raadinaya Gacankii Poliska,marka aad tiraahdo sideed yeeleysaa ma Adigaa Police ka ka tirsan? Wuxuu ku leeyahay kaasaaba ii muhiim ah oo aan kala socon lahaa dhaqdhaqaaqa beledka beerka caadho ku goysay, war wuxu jeebab badanaa hhhhh •Balse midda ugu darani waa in mararka qaar oo ay Muqdisho ka jiraan xaalado kacsan ama Qarax iyo weerar dhaco in Gacamada qaar loo xidhiidhiyo dad Qurbo joog ah si ay xaaladda jirta ula socdaan taasina waa arin ka fog sharciga iyo Nidaamka Ciidanka. •Ugu dambeyn waxaa haboon si ciladahaas wax laga qabto, In 7-aadkiiba mar la wada bedelo Frequency -ga. Lagu galo gacamada Amniga looga wada hadlo.Sidoo kale waa in aan saraakiisha iyo Gudoomiyayaasha ama Shaqsiyaadka Amniga ka shaqeeya, aan la gudoonsiin gacamada ilaa laga siinayo, marka hore tababaro quseeyo hab isticmaalka iyo dhowrista sirta Amniga iyo in la baro hadal sireedyo ugaar ah Hey’daha Amniga, oo aaney shacabku la fahmi Karin marka ay ku dhexjiraan iyo ugu dambeyn In sharciyo ciqaabeed lagu xukumo cidii ku xadgudta loo sameeyo, hadii kale Waxaad maanta bi’saan biri ha u shalaayina.!!! MAXAA GACAMO WAAQ WAAQ LEH ISDABAYAAL.!! =WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH./= Maxaa yaab isdabayaal

Abdulkadir dulyar Monday, April 17, 2023
WARBIXIN:-XILDHIBAANO XAWAARAHA DHIMA.!!

WARBIXIN:- XILDHIBAANO XAWAARAHA DHIMA.!!! Runtii dhib weyn baa heysta Xildhibaanada 2da Aqal , waxaa sida xabado baas ah loogu furay Sharciyo tiro beel ah oo aaney wada fahamsaneyn, looma ogolaan waqti ay uga soo fekeraan ama ku soo fahmaan nuxurka sharciyadan, iyo mustaqbalka waxa ka dhalan doona. Sidaas oo ay tahay Xildhibaanadu waxey doorkaan dhigeen Record cusub, waa Baarlamaankankii ugu horeeyay ee ebid hal KALFADHI ansixiyay sharciyadii ugu badnaa, waxaa la hor keenay in ka badan 26 Hindise Sharciyeed iyo 7 Heshiis oo Caalamiya, qaarkood waxey ansixiyeen iyaadoo aan la marsiin hab raacii xeer hoosaadka ee dhigayay in sharci walba uu maro sadex akhris, qaar waxey isku dhaafiyeen sidii uu sharcigu dhigayay, qaar waxey marayaan akhrisyadii, qaarna waxaa ku socda ka doodistii mudanayaasha. Balse marka aad u kuurgasho habka ay u dhacaan kulamadoodu, ama ay uga doodayaan sharciyada, iyo hab hogaaminta gudoonka Baarlamaanka 11-aad, intuba waa kuwa ku shaki gelaya, , markaadse ka eegto xaga aqoonta, da’da iyo waayo aragnimada iyo miisaanka ay leeyihiin sharciyada sida daadka loogu soo fatahay Baarlamaanka, iyaduna waa mid kaloo Su’aal laga keeni karo natiijooyinka ka dhalanaya shaqadooda, Shaki kuma jiro in 3/2 ay golayaashu Baarlamaanku yihiin dhalinyaro ku cusub masraxa sharci dejinta dalka, intaa waxaa u dheer iney rabaan iney inta badan safraan oo ay dibadaha soo arkaan, Waayoo fursad bey u tahay iney sidaa yeelaan, Maxaa yeelay noloshaan ayaa ah mid ku cusub. Haa waa run, waxba kama gelin iyaga nuqulada sharciyada ah ee maalin walba lagu soo raro si ay u soo akhriyaan, ee inta meel isaga tuuraan ayey Subaxa xiga marka ay fadhiyada soo aadayaan meeshii ka soo qaadaan, qaarkoodna danooda kale ayey iska raacdaan, waana sababta aan maalin walba u maqleyno fadhiyadii Baarlamaanku waxey u baaqdeen Kooram la’ aan, ama aan u arkeyno sharciyadii dalka oo iyadoo aan si hufan looga baaraan dagin leys dhaafinayo. Iyagu wax eed ah kuma laha waxa dhacaya, waayoo waxey bartanka uga jiraan mowjado ka waaweyn oo aysan miisaami karin, waxeyna la tacaalayaan iska caabintooda, waxaase eedda inteeda badan iska leh iyadoo aan laga dhisin dhanka fahamka iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta danta Dalka Iyo dadka Soomaaliyeed, cidda isku soo fasaxday iyaga iyo sharciyadaan, hadda kursigii Baarlamaanka FS, waxaa fasiraaddiisii lagu soo koobay mid Reereed oo keliya, halka micnihiisa saxda ay aheyd in uu kursiga Federaalku isku wado Qaranka iyo Reerkaba, maanta sharciyada Baarlamaanka la horkeeno waxaa lagu eegaa indho qabiil, Xildhibaankii dood ka keenana waxaa loogu shaabadeeyaa, “waxaad ka soo horjeeddaa danta reer hebel,” sharciyada qaarkood ka doodistooda Xildhibaanadu wey ka dhuuntaan, kuwana waxey golaha soo buuxiyaan maalinta laga doodayo sharciga Hey’adaha kuwa ku reerka ah ay keenaan, halka qaarna dibadaha ay isaga dhoofeen, qaar kalena golaha waa iska dhex fadhiyaan oo waxey layaaban yihiin sida ay wax u socdaan. Xildhibaanadu waagii hore waxey u shiri jireen kudlad kudlad ama koox koox hadba intii isku dan ah ama isku aragti Siyaasadeed ah, waxeyna ka hadli jireen arimo dan guud ah ama mid dan siyaasadeed ah, sheekada qabiilkuna waxey aheyd mid ay si hoose u wateen, balse Baarlamaanka maanta jooga marna lama arag iyagoo u shiraya koox koox iyo aragti wadaag Siyaasadeed, waxaanse aragnaa in shirar koodu ay ku soo aruureen kuwa Qabiil, oo looga hadlayo dan Reereed oo keliya, tanina waa mida hoos u dhigtay heybaddii uu lahaan jiray Baarlamaanku. Ugu dambeyn, waxaan kula talin lahaa Mudanayaasha Baarlamaanku iney gaariga xawaarihiisa dhimaan, islamarkaana ay waasiciyaan maskaxdooda iyo masuuliyadooda,si fiicana ay dhuuxaan sharciyada dalka, hadii kale hadhow yaan la idin arag midkiin cabaya, marka uu Tareenka aad saaran tihiin idinla dhaafo halka aad rabteen inaad ku jooji saan.!!! Maxaa yaab isdabayaal.!!!!

Abdulkadir dulyar Wednesday, March 8, 2023
ANIGA IYO SAXAAFADDA.!! WQ/- Dulyar

Waxaan Saxaafadda ku dhex jiraa waqti yar , balse waxaan xili adag oo aan dalka dowladi ka jirin, ka soo loox jiitay macalimiin ay ka mid ahaayeen Allaha u wada naxariistee Ustaad Yoonis Ali Nuur, & Ustaad Mohammed Rashiid, waxaana madax iyo shaqaalaba ka soo noqday Idaacado, Tv-yo iyo wargeysyo isugu jira kuwo Hogaamiye kooxeed ama Ururo Siyaasadeed,Kuwa madax banaan iyo kuwo dibadeedba, waxaan ku soo dhex shaqeeyay marxalado kala duwan, sida dagaaladii sokeeye, khilaafaadkii Qabaa’ilka, kuwii Qabqablayaasha, dagaal Diimeedyadii, muranadii dowlad dhiska, kuwii Siyaasadeed iyo kuwa kaloo badan, Sidoo kale waxaan shahaadada koowaad ee Jaamacadda ku qaatay Cilmiga Saxaafadda, waxaana akhriyey buugaag farabadan oo ka hadlaya hab dhaqanka Suxufiga iyo Saxaafadda wanaagsan, Intaba waxa aan ka bartay, sida ay Saxaafaddu Nabadda uga qeyb qaadato, sida ay dhexdhexaadnimo ugu shaqeyso, Sida ay Warar lagu kalsoon yahay u tabiso, Sida ay dadka u madadaaliso, sida loo ilaaliyo anshaxa, Sida ay dadka wax u barto, Sida dhinacyada diriraya aysan u buunbuunin uguna dhex milmin, Sida ay u xaliso khilaafaadka bulshada, Sida ay u kasbato dareenka dhegeystayaasha ,Akhristayaasha, ama daawadayaasha iyo bad weyn kaloo aqoon Warbaahineed ah oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Balse marna kama maqlin macalimiinteydii, kumana arkin buugaagta aan akhriyey casharo Warbaahinta oo Suxufiga u fasaxaya ama u ogolaanaya iyadoo aan lagula xisaabtameyn, in ay qeyb ka noqon karaan colaadaha bulshada ka dhex dhaca, in ay buun buunin karaan khilaafaadka, In ay Warar been ah oo walaac geleniya shacabka u tebin karaan, in ay u ololeyn karaan in dalku fowdo noqdo, In ay laaluush qaataan, In ay Xasiloonida bulshada qalqal gelin karaan, In ay shacabka kicin karaan, iyo Ineey......Ineey...... Ineey.......... , ilaa ineey ruuxeey doonaan ay aflagaadeyn karaan. Halkaas markeey taagan tahay, Koleey Anigu ma aqaan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta maanta sidaa ku sifeysan ama ku shaqeeya meesha ay ka soo barteen casharada ay ku shaqeeynayaan ... balse guud ahaan waxaan kula talin lahaa Saaxiibadeey, dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeeniiye, hadeynaan xalka qeyb ka aheyn, Almiino xasaraddaha yeynaan qeyb ka noqon.....hadii kale ...TAARIIKH HADASHAA HODHOW KALA SAARI ....!! -Hadii Warbaahinta Soomaalidu noqdaan taageerayaal iska soo horjeeda,xagee warar sugan laga heli karaa .? =WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!!! Maxaa yaab isdabayaal.

Abdulkadir dulyar Tuesday, February 21, 2023
QOF DANTIISA U NOOL, HA U NOOLAAN DIFAACIISA.!! WQ Dulyar

Nin Sxbkeey ah oo dowladdan iyo tii ka horeysayba xilal kala duwan ka qabtay, ayaan shalay iskula jimceysanay guri weyn oo aan isla fahamsan nahay in uu farsamo ku dhistay, Cabaar baan ka wada sheekeysanay xaaladda guud ee dalka, balse markii dambe ayaa Arimaha musuqmaasuqa hoos ugu daadagnay, balse mararka qaar Sxbkeey Xitaa Aniga wuxuu iila hadlayay sidii qof aan xogtiisa ka war heyn, oo wuxuu isaga key dhigaa ruux ceeb ka saliim ah, misna ay dhibeyso sida ay madaxdu u boobaan hantida Umadda, Hadana marka uu Sxbkeey dareemo inaan warkiisa xoogaa jir diidanahay, balse aan ka xishoonayo inaan ku iraahdo Sxb naga kala yaree bahasha, Adiguba aqalkaan weyn waxaad ku dhisatay hantidii shacabkee, ayuu inta dhanka isku rogo, wuxuu meel ciriiriya cudurdaar uga raadiyaa, sababta keeneysa iney madaxdu dhacdo hantida Umadda. sida in aaney jirin cid madaxda ku abaalmarineysa ilaalinta hantida shacabka iyo in Xilku yahay Summer Job, Aniguna si uusan yaxyax u dareemin waxaan ku iri, Sxb musuqmaasuqa madaxdu ma dhamaanayo, inta qofkasta oo xil qabta aan lagu qiimeyneyn Aqoontiisa & amaanadiisa, Iyo inta ay madaxda ogsoon tahay iney jiraan kuwa ku difaacaya boobkiisa, sidoo kalena ay shacabku ka ogaanayaan in waxa Madaxdu ay boobeyso ay tahay hantidooda, halka maanta ay madaxda ku difaacayaan ama ku kala taageerayaan Qabyaalad iyo qurun, Markaas ayuu inta madax ii ruxay igu yiri;- Wlhy waa runtaa, Anigaba mararka qaar waxaan arkaa kuwa intey wax isku toostoosiyaan Facebook wax iiga soo qora, Anigoo layaaban dadkaan aanan aqoon sida ay xogteyda ku heleen, iyo waxa ay igu maageen, ayaan eegaa bal sida ay dadku uga falceliyeen, mise waxaan ku arkaa dhowr qofood oo kale oo aanan aqoon u laheyn, oo Aniga I difaacaya, weliba qofkii wax iga sheegayay aflagaadeynaya, markaas ayaan xogaa qaboobaa oo isku qanciyaa, in kuwa wax iga soo qoray aysan culeys badan igu heyn,maadaama ay jiraan dadkaloo badan oo aanan aqoon oo i difaacaya oo Ilaaheey qoorta u geliyay kuwa wax iga soo sheega. -Halkaas markeey taagan tahay baan ku iri, lkn Sxb hadii aysan jiri laheyn dadkaan Madaxdu aysan aqoon ee Ilaaheey u soo diray ee sax iyo qaladba ku difaacaya, sidee xaalkiinu noqon lahaa.? - kuye , markaas Madaxdu xal kaleey la imaan laheyd sow maaha hhhhhh Iyadoo uu warku halkaa inoo marayo, ayaa waxaa noo soogalay Mid baasoo isaga u socday, markaas ayaan sheekadii u rognay kulankii habeen hore dhexmaray Arsenal Vs CityYareey hhhhhh FG:- Qorista sheekadaan ogolaansho ayaan u heystaa.!!!. Maxaa yaab isdabayaal

Abdulkadir dulyar Sunday, February 19, 2023