✅Geesiyada Morocco 🇲🇦 waad dedaasheen.
waxaadna sameyseen waxkasta oo aad sameyn karteen.dhabtiina waad u qalanteen inaad Sanadkaan World Cupka 🏆 kor u qaadaan.
✅ Waxaad Caalamka tusteen in Wadamada Africa aysan aheyn kuwa fagaarayaasha waaweyn K/Cagta ⚽️ iska yimaada, dabadeedna guuladaro la caraaba.
✅Waxaad Annaga iyo caruur teenaba inoo dhigteen taariikh dahabiya, oo aan qarniyada soo socda ku soo qaadan doono sheekooyinka K/Cagta.⚽️.
✅Waxaad garoomada Wordt Cupka baaqi ku sii aheydeen, Xili ay 32 Wadan oo Sanadkaan soo hamiyay Cupka Qatar 🇶🇦, ay isaga huleeleen iyagoo murugoonaya.
✅Waxaad lugihiina iyo gamcihiina ku ciqaabteen wadamo waaweyn oo K/Cagta lagu qadariyo,islamarkaana la soo shir tegay xidigo waaweyn oo dunida laga qiimeeyo sida Spain 🇪🇸, Portugal 🇵🇹.iyo Belgium 🇧🇪.
✅ Africa waxey sanado badan guran doontaa DHAXALkA aad maanta u dhigteen, waxaana hada kadib World Cupka nooga qeybgali doona 10 wadan, taasina kuma imaan ciyaar ciyaar, ee waa dhididkiina iyo dedaalkiina.
✅Weli idiinma dhamaan ciyaaruhu, Libaaxyada Atlas Sabtida waxaad la ciyaari doontaan Croatia, waxaad fursad u heystaan inaad ku dhameystaan kaalinta 3aad oo aad hal rikoor oo kale u sameeyaan Afrika.
✅Ugu dambeyn, Walaalahayaga Morocco 🇲🇦, waan idinku faaneynaa ebid, waxaana idiin heynaa abaal aan la ilaawi karin, waxa kaliya ee aan idiin awoodo waqtigaan waa inaan idin iraahdo, waad mahadsan tihiin. waxaadna na tusteen in Africa ay leedahay halyeeyo K/Cagta ah oo dunida Sportiga ⚽️ wax la qeybsan karta.
THANK YOU MY BOYS.👏👏👏👏
Maxaa yaab isdabayaal
WQ/- ABDULKADIR DULYAR
No comments