SPORTS:- GEESIYADA MOROCCO MAHADSAN IDIIN.!! WQ/- Dulyar

✅Geesiyada Morocco 🇲🇦 waad dedaasheen. waxaadna sameyseen waxkasta oo aad sameyn karteen.dhabtiina waad u qalanteen inaad Sanadkaan World Cupka 🏆 kor u qaadaan. ✅ Waxaad Caalamka tusteen in Wadamada Africa aysan aheyn kuwa fagaarayaasha waaweyn K/Cagta ⚽️ iska yimaada, dabadeedna guuladaro la caraaba. ✅Waxaad Annaga iyo caruur teenaba inoo dhigteen taariikh dahabiya, oo aan qarniyada soo socda ku soo qaadan doono sheekooyinka K/Cagta.⚽️. ✅Waxaad garoomada Wordt Cupka baaqi ku sii aheydeen, Xili ay 32 Wadan oo Sanadkaan soo hamiyay Cupka Qatar 🇶🇦, ay isaga huleeleen iyagoo murugoonaya. ✅Waxaad lugihiina iyo gamcihiina ku ciqaabteen wadamo waaweyn oo K/Cagta lagu qadariyo,islamarkaana la soo shir tegay xidigo waaweyn oo dunida laga qiimeeyo sida Spain 🇪🇸, Portugal 🇵🇹.iyo Belgium 🇧🇪. ✅ Africa waxey sanado badan guran doontaa DHAXALkA aad maanta u dhigteen, waxaana hada kadib World Cupka nooga qeybgali doona 10 wadan, taasina kuma imaan ciyaar ciyaar, ee waa dhididkiina iyo dedaalkiina. ✅Weli idiinma dhamaan ciyaaruhu, Libaaxyada Atlas Sabtida waxaad la ciyaari doontaan Croatia, waxaad fursad u heystaan ​​inaad ku dhameystaan ​​kaalinta 3aad oo aad hal rikoor oo kale u sameeyaan Afrika. ✅Ugu dambeyn, Walaalahayaga Morocco 🇲🇦, waan idinku faaneynaa ebid, waxaana idiin heynaa abaal aan la ilaawi karin, waxa kaliya ee aan idiin awoodo waqtigaan waa inaan idin iraahdo, waad mahadsan tihiin. waxaadna na tusteen in Africa ay leedahay halyeeyo K/Cagta ah oo dunida Sportiga ⚽️ wax la qeybsan karta. THANK YOU MY BOYS.👏👏👏👏 Maxaa yaab isdabayaal WQ/- ABDULKADIR DULYAR

Abdulkadir dulyar Thursday, December 15, 2022
WARBIXIN:-MAGACAABISTA WAXAA KA HOREYSA QORSHE FULIN M.!!WQ-Dulyar

MAGACAABISTA WAXAA KA HOREYSA QORSHE FULINEED.!! Tan iyo markii ay madaxda cusub ee dowladdani xilka la wareegtay, waxey dad badani aad u dhararayeen in Maamulka G/Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada la wada badelo, oo la raaciyo madaxda dowladdii hore ee magacowday ama ay la soo shaqeynayeen, dadkaasi waxey isugu jiraan labo kooxood. •Koox:- waa kuwa u arka madaxdani iyagu iney ka dambeeyaan falal kasta oo amni daro ah oo dhaca maadaama aaney daacad u aheyn Madaxda hada joogta sida ay aaminsan yihiin, sidaas daraadeedna waa kuwa raba in si degdeg ah loogu bedelo madax taabasan dowladan, sidoo kale kooxdani waxey isku dhufsaneysaa qaacidada xisaabtii aan soo arki jirnay ee aheyd in Madaxweyne kasta marka uu kursiga soo fadhiisto ay caado u aheyd in madaxda uu ugu yimaado meesha uu degdeg ugu bedelo kuwo uu isagu soo magacaabo. •Kooxna :- waa koox ay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin xil doon ah oo fursad u arka hadii madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilka laga qaado iney iyagu boosaska soo buuxin doonaan, bilo ka hor ayeyna isku dhufsadeen xisaabta Aljabrada ah ee saami qeybsiga beelaha maadaama madaxda hada joogta ay Saaxiibo dhow layihiin lana soo halgameen,qaarkood ayaaba gawaari deyn ah oo aan xabaduhu karin sii qaatay islamarkaana suuqa sii gashaday in iyaga loo wado xil hebel iyo xero hebel. Halkaas markeey taagan tahsy, Waan ogahay xaaladda iminka taagan iney qasab ka dhigeyso in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada isbedel lagu sameeyo si kalsoonida madaxda Sare iyo dareenka dadka loo ilaaliyo, tankale, ma moogi hab dhaqankaan in uu yahay mid soojireen ah , xitaa waxaa aaminsan Madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada ee hada xilka haya, sida aan la wada soconana dhamaantood waa xil ka qaade sugayaal, maadaama ay qaarkood xiligii wax lakala riixanayay ay jid cadayaal qaldan isaga soo hor baxeen madaxda cusub ee iminka talada dalka heysa, dhawaan ayayna aheyd markii Gud/Gobolku fagaare ka yiri “Waan ogahay in leygu soo maqan yahay oo ley bedelayo lkn ma aqaan cidda leygu bedeli doono” Qaarkood iyadoo aan la soo gaarin iyagaa xilalka sii baneeyay oo dibada dhagax tuur iyo dhega hadal ka sii bilaabay, kuwana waa horeey is gaabiyeen, mar hadii ay arini halkaas taagan tahay, dhamaanteen wey noo muuqataa inaan Tareenkaan cusub boos uga banaaneyn, oo waxaaba suurtagal ah iney iyaga qudhoodu MD & RW ku dhaliilayaan iney ka gaabiyeen xilka qaadistooda, si ay uga nafisaan wajigabaxa ay iminka ku shaqeynayaan. Hadaba, dulucda iyo halka aan u socdo waa halkaan, dadka qaba in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilalka laga qaado, horta ujeedkoodu ma in ciyaartoydaan Naadiga laga diro baa maadaama ay Flop noqdeen,....?....oo waxey isku raadinayaan LINE-UP cusub oo Tabarbaraha la soo doortay iyo kooxda la qabsan kara, .......Mise aragtidoodu intaa waa ka balaaran tahay oo waxey tuhmayaan in la heli karo madax iyo Saraakiil wax ka bedeli karta waxqabad la’aanta iyo fadhiidnimada uga muuqata Gobolka iyo Ciidamada. Haddii doodoodu ay tahay qodobkaan dambe oo ah mid aragti danguud ah ku qotoma waxtarna u leh dalka iyo dadka,waa mid maangal ah oo mudan in lagu dhaqaaqo, maadaama ay dowladdu wajaheyso qorshayaasheeda mudnaanta koowaad u leh, sida xaqiijinta Amniga iyo kan lagula tacaalayo abaaraha iyo nolosha dadka tabaaleysan, iyadoo himilooyin kaas kadibna ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada laga dhaqaajiyo isgoyskaan aan 22 ka sono dhaafi la’nahay, Tareenkana la gaarsiiyo isgoysyo kale oo ay shacabku u hamuun qabaan in loo daawasho geeyo.{Waa Riyo aad u fiican} Haddiise uu xaalkoodu yahay hebel hebel ku bedel un., iyo waa kuwii rijiim kii hore la shaqeynayee qori iyo qaaciisa hala is raaciyo, ama waa kii iyo kaas sidaa lahaa iyo wax la mid ah, oo aaney jirin qorshe guud oo ka bedelan qorshayaashii hore ee ay madaxdii hore ku shaqeynayeen, taasi Ma aha fikrad ka soo maaxatay maskax meel fog wax ka eegeysa ama ay dhab ka tahay in dalkeenu ka badbaado halista uu ugu jiro in uu ku dhaco haadaanta uu ku sii socdo, mana aha mid ka damqaneysa duruufaha Abaareed,Colaadeed,Nololeed,dhaqaala xumo,shaqo la’aaneed,Caafimaad daro,Sicir barar ee ay dadkeenu wehelka u yihiin,dhankastoo ay u dhaqaaqaana aaney jirin cid uga tureysa dayaca,quusta iyo qalbijabka ay weheshadaan. {waana aragti jug jug meeshaada joog ah} Ugu dambeyn,waxaan kula talinayaa Madaxda sare ee dalka in madaxda cusub ee loo soo wado maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada aan la iskaga soo magacaabin waa Saaxiibo tareenka dacalka ka heysta ama kuwa Siyaasad lagu qancinayo iyo IWM ah, ee waa in magacaabis tooda ka hor loo diyaariyaa qorshayaal shaqo oo cadcad oo wax ka bedeli kara mustaqbalka Ciidamada iyo kan Gobolka Banaadir, islamarkaana masuul kasta oo la magacaabayo gacanta laga saaro feylka waajibaad kiisa shaqo iyo warqaddiisa magacaabista, loona xil saaro gudi kula xisaabtama fulinta shaqooyinka loo igmaday oo Taariikheysan, hadii kale sidii kuwii hore ayey nala meereysan doonaan iyagoo u arka jagada loo magacaabay iney tahay SUMMER JOB lagu yiri ka xooleyso oo kaliya. Mahadsanidiin/= =WAA ARAGTIDEYDA = Maxaa yaab isdabayaal.

Abdulkadir dulyar Tuesday, September 6, 2022
WARBIXIN: SU’AAL KU SAABSAN WAXBARASHADA AAN DOONEYNO.!!

Weydiin ku saabsan waxbarashada aan doonayno ------ Cirbixiyeen u dhashay dalka Masar, Dr. Casaam Xajji, sidoo kalena ah cilmi-baare ka tirsan wakaaladda Hawada-Sare(NASA) ee Maraykanka, waxa uu leeyahay: Waxbarashadu waa hub awood leh oo lagu la dagaalami karo argagaxisada iyo kelitalisnimada. Waxaana hadalkaan lagu faafiyay Telafashinka Al-jazeera, barnaaamijka(Al-muqaabalah), wariyaha caanka ah ee Ustaad Cali Al-Dhafiri. Waxaa jirto labo nooc oo waxabarasho ah. Mid waa talqiin/laqamin ama meerin, buugaagta ayaa laga soo miin-guuriyaa caqliga ayaana loo sii gudbiyaa, caqli ayay ka tagtaa caqli kale ayay u gudubtaa. Waxbarashada noocaani ah waxa ay sameysaa maktabad cusub oo nolosha ah, dalkana koobi ayay ku soo cel-celisaa, wax cusubna nolosha ku ma soo kordhisa, wax cusboonaysiin ahna ma lahan. Nooca labaad, waxa uu ku dhisan yahay, ugu horreyn soo-guurin, marka labaad hal'abuur, saddexaad naqdin, affaraad in wax lagu soo kordhiyo, shanaad cusbooneysiin, lixaad na in aragtiyo laga la soo dhex baxo. Horumar ma jiro waxbarasho la'aan, manhaj la'aanna waxabarasho ma jirto, suurtogal na ma ahan in manaahij la helo ayada oo aan aragti la heysanin, aragtidu na rag ayaa ka danbeeyo, waana in raggu lagu ka la sooco aqoon iyo fikir. Dadka heysto shahaadada PhD dalka Masar waxa ay ka tiro badan yihiin tirada darajada PhD heysto ee dalka Faransiiska, sida uu caddeeyay Ustaad Fahmi Huweydi maqaallo uu dhawr mar ku baahiyay jariidada Al-Ahraam Al-Masriyah, laakiin, weydiinta ayaa ah, halkee ayay Masar joogtaa marka France loo fiiriyo? Jaamacaddu marka ay noqoto xarun aqooneed, waa in ay ka gudubtaa fikradda (Waxbarasho Talqiiniga) oo ay u gudubto fikradda (Hal-abuurka, ibba-furidda iyo wax-soo-kordhinta) markaasi ummaddu waxa ay billaabaysaa in ay ka baxdo marxaladda u hoggaansanaanta indho-la'aanta ah, una gudubto heerka su’aal-is-weyddiinta. Aqoontu waa is-waydiin, waana fure, mana ahan jawaab[helid]. Waa billowga mana ahan dhammaadka. Jahli ayaana u sugnaaday qofkii maleeyo in uu wax-garanaayo. Oraahdani waxaa loo tiiriyaa Imaamu Shaafici, Allaah u naxriisto, hal'abuuraha Cilmiga Fiqhiga, kaliya ma uusan ahayn mid soo-miinguuriya ee waxa uu asaasay cilmi, waxa uuna dajiyay hab-fikir. Cilmiga Usuulu Fiqhiga, aniga ahaan, waa aqoonta seska fekerka toosan, micnaha waa hab-fikir cilmiyaysan iyo tab-aqooneedka. Jaamacadaha dalkeenna xaalad musiibo ayay ku sugan yihiin. Dadka waxa ay ku bartaan aqoon gaar ah, waxa ayna ka qalinjabiyaan ayaga oo xanbaarsan wax ay dadka caamadu garanayaan. Farqiga u dhaxeeya qalinjabiyaha iyo caammadu, waa tirada ee ma ahan tayada. Macluumaadka uu maskaxdiisa ku xanbaarsan yahay aad ayay u faro-badan yihiin, balse xogtaasi ma ahan mid ayagu(caammada) kaga roon yahay xagga tayada, sidaas darteed wax farqi qoto-dheer in uu u dhaxeeyo u ma arkaana. Dhanka kale, qalinjabiyaha jaamacadaha reer Galbeedka waxa uu is ku dayaa in uu ahaado mid soo kordhiya wax tayo leh, oo uusan ahaan Kombuyuutar xog badan lagu keydiyay. Maanta xogaha waxaa lagu keydiyaa agabyada, maskaxduna waa in loo tabo-baro, hal'abuur, bandhig, wax soo kordhin, cusbooneysiin, kaliya ma ahan in lagu celceliyo waxa ay kuwii hore yiraahdeen, iyo in la xifdiyo waxii ay dhaheen kuwii hore ee tagay. Saamaynta Ibnu Khalduun, macluumaadkiisa culus kaliya ma ahan, ee tab-aqooneedkiisa waa tabtaas, iyo bandhigiisa manhajka cusub ee sida loo la falgalaayo taariikhda, sidoo kale hal'abuurkiisa sida loola dhaqmaayo afkaarta Taariikhda. Asiga waa qofka koowaad ee gartay sidee ayay dowlad ku dhismi kartaa? Maxaane? Sidee ayay dowlad ku burburi kartaa? Maxaane? Waa maxay manhajka lagu la dhaqmaayo taariikhda si loo fahmo dhacdooyinka? Asiga waxa uu Ibnu-Kathiir, Dhabari, iyo Ibnu Al-Athiir ku khilaafay sida ay u akhriyeen Taariikhda, ayagu si ammaano leh ayay warka(taariikhda) ina gu soo gaarsiiyeen, balse asiga waa is dul taagay warka xaggeena loo soo guuriyay, waxa uu na ka la dhex baxay qaacidooyin jideed [noqday] oo aysan cid na kaga horreyn. Dhibta ina haysato weli waa soo-guurinta, caqliga qofka muslim ka ahna heerkaas ayuu gaaray, sidaasina waan ammaanaynaa Ibnu Khalduun, waxna kuma kordhin, waxna waan ka qoranaynaa, afkaarihiisana ma naqdin karno in yar mooyaane. Annagu waxa aan ku wanaagsannahay soo-guurinta, mana lihim hal'abuurnimo. Waxa aan arkay Al-Ustaad Jaabiri oo Ibnu Khalduun ku akhrinaayo ruuxda casrigaan, balse naqtiin la gacan-bidixeeyay, sida aan ku arkay Camaadu-diin Khaliil oo asigana akhrinaayo Ibnu Khalduun, balse is ku dayaayo ka gudbitaankeeda, taariikhdana ku sameymaayo akhris cusub, iyo marjic quraan oo aan la hore loo arag. Haseyeeshee aqoonyahannada akhriyo Ibnu Khalduun[Taariikhda] badigood weli waxaa heysto dhibka(Soo-guurinta), aad na ugu xooggan. Waxa aan haysannaa fikir iyo fahan dheeraad ah, balse in yar[adeegsato], waxayna ahaan karaan kuwa loo diiday. Sababtuna waa badnaashaha caqliyadda hayin-raaca, iyo yaraanta caqliyadda wax-is-waydiinta. Sababtu waa nidaamka waxbarsheed ee halaagga ah, waddo aan ahayn baddelitaanka nidaamkaasina inoo ma furna. Qaabaynta maskaxda waxa ay ku xiran yahay tayada waxbarasho, tayada waxbarashaduna waxa ay ku xiran had ba fikirka ka jira saaxadda. Maxaannu doonaynaa? Waa maxay nolosha aan samaysanayno? Waa kuma qofka ka qalinjabinaayo dugsiyadeenna? Singabuur waa ay guulaystay ka dib markii ay baddeshay tab-aqooneedka(manhajka) waxbarashada, Malaysiya na waa ay guulaystay markii ay qorsheysay is-baddel ku samaynta nidaamka waxbarashada. Ameerikana waa ay ka horumartay Ruushka, markii ay dib u habayn ku samaysay nidaamka waxbarashada. Finland waxa ay noqotay dalka koowaad ee dadka daryeelo, caafimaad iyo waxbarasho, ka dib markii ay go'aansatay in ay noqoto waddanka koowaad ee waxbarashada. Jabbaan waxa ay ku guulaysatay warshadaha iyo maamulka, markii ay go'aansatay macallinka Xannaanada iyo Dugsiga Hoose in uusan, boos iyo mushaar, ka yaraanin[hoosaynin] macallinka Jaamacadda. Dhammaan sidaas ayay nolosha kaga yeeleen mid wanaagsan oo cajiib ah, waayo, waxaas oo dhan waxbarashada ayaa ka danbeyso[suurtogalisay]. Marka cilmi-baaraha uu qoro maqaal, maqaalkana uu ku faafiyo wargaysyada, ardayga dugsiga sare na uu is ku dayaayo akhrintiisa, ka dibna uu fahmaayo dhib la'aan, ogoow maqaalkaasi waa mid liito. Balse, marka Cilmi-baaraha uu qoro maqaal, uuna ku faafiyo wargays aqooneed, annaguna is ku na dayno in aan fahanno, balse aan si fudud ku fahmi wayno, markaas waxaan ogaanayna in maqaalkaasi miisaan uu leeyahay. Labaatan sano ka hor waxa aan akhriyay maqaal uu qoray Dr. Cabdiwahaab Al-Masiiri, wargayska Al-insaan, kuna saabsanaa Ilbaxnimada Reer Galbeedka. Waxaan akhriyay in ka badan hal mar, balse mar walba oo aan maqaalka ku laabto reer galbeedka waxaa igaga kordhaayay fahan hor leh, iyo sidoo kale[ii kordhaayay] u dhowaansho fikirka Dr. Al-Masiiri. Sidaas awgeed, waxa aan leeyahay; Qorista maqaalka waxa uu tilmaamayaa heerka aqoonta cidda qortay, ee kaliya[muhiim] ma ahan xog badnaanta maqaalka. Xog-badnaanta waa loo baahan yahay haddaysan noqon war Waraabe[tororog], sida uu yiri Allah u naxriisto Al-Masiiri. Balse, waxa ugu muhiimsan waa awoodda taxliilineed iyo tilmaanta[qoraaga]. Annagu waxa aan dalkeenna wax u gu baranna waxbarid[waxbarasho] awgeed, qaarna waxa ay wax u bartaan si ay umminimada kaga baxaan, micnaha si ay akhriskooda u wanaajiyaan. Dadka dalalka horumarayna waxa ay wax u bartaan si ay horumar u sameeyaan, si ay wax u soo kordhiyaan. Wax soo kordhin ma jirto wax naqdin la'aan, naqdinna ma jirto ayada oo aan la samayn dad garaad u saaxiib ah, samaysankaasina waa shaqo aad u wayn oo la xiriirta in waxbarashada laga baddelo dunida keydka, loo na baddelo dunida garashada. Waxaa jiraan waxyaabo badan oo uu qofka jecel ogaalka[aqoonta] uu ku samaysmi karo, uu na noqon karo qof wax cusub soo kordhiyo. Jawiga siyaasadeed waa mid aad muhiim u ah, kadibna jawiga waxbarasho kaas oo dhiirogaliya cilmiga, fikirka, hal'abuurka, labadaas jawi kadib waxaa imaanaayo manhajka waxbarashada, dhammaan arrimahaasi[Jawiga Siyaasadeed, waxbarasho, manhajka] waa kuwa mustaqbalka qofka sameeyo. Reer Galbeedku waa leeyihiin qaladaad manhajka ah, qaladaadkaasi na waxaa ka mid ah soo saaridda shaqaalaha la doonaayo, saamaynta(fara-faraynta) suuqa laguna saameynaayo aqoon iyo waxbarasho, iyo mararka qaar soo saaridda doqonka, balse waxaa jira cid dhiiran oo dhammaan arrinahaasi ku dhaliilo, meelo ka la duwan. Dhibtuse waa annaga, aamusnaanta waa hoggaanka xalka, keydinta waa hab-labiska aqoonta, dib u dhacana qarniyo ayuu nolosheenna haraadiyay, qof walbaana waxa uu ku nool yahay hurdo ilbaxnimo oo halis ah. W/Q: SH. Cabdiraxmaan Bashiir[Af-Carabi] W/T: Axmed Dhuubow[Af-Soomaali]

Abdulkadir dulyar Monday, August 8, 2022
WARBIXIN: FEKERKA & SU’AALUHU WAA MUHIIM.!! WQ/-Dulyar

FEKERKA IYO SU'AALUHU WAA MUHIIM. Shacab ahaan waan is wada naqanaa, sidaan u wada fekereynana waan naqaanaa, Waxaan nahay Shacab fekerka iyo wax isweydiinta aan jecleyn, Ineynu wax ka fekerno oo wax rogrogno ama aan isweydiino sidee waxaan noogu dhaceen iyo sidee loo xalin karaa, bedelkeeda waxeynu ka jecelnahay inaan iska socono, oo dabadeedna iyadoo mushkilado isbiirsaday nagu hareereysan yihiin aan iska dhimano. In Alla inta dhibaato ka dhici karta dunida maanta dalkeenna wey kadhacday, innagana wey nagu dhacday, misna hal Su'aal oo maxeey waxaasi noogu dhaceyn ah oo aan iska weydiinay ma jirto . Tusaale: Dalkeennii baa burburay. Su'aal iskama weydiin........Dadkeenaa is wada laayay. Su'aal iskama weydiin.....Siyaasaddii baan ku heshiin la’anahay, su’aal iskama weydiin........Dagaal diimeed baan dhexgalnay Su'aal iskamaan weydiin.....Dhalinyaradeenii qaar baa isqarxinaya, qaar baa la tooganayaa, qaar baa tahriibaya oo safar halis badan u badheedhaya,, qaar baa shaqo la’aan iyo mustaqbal xumo heysataa, Su'aal iskama weydiin......Dalkeenii baa Gobolo loo kala qeybiyay...... Su'aal iskamaan weydiin.....20 Sano ayaa dowlado naloo dhisayaa, waxaana maqalnaa 4tii sanaba waqtigii waa dhamaaday, maxey qabteen,& maxaa ka xumaaday.......midna su'aal iskamaan weydiino........Dhaqaalihii dalka & hantidii danta guud ayaa si bareer ah loo boobaa.....Su’aal iskama weydiino..... Baddeenii ayaa la iska gurtaa oo markaakiib dhex dhooban tahay......Su'aal iskama weydiino......Abaaraha & Fatahaaddaha....Su’aal iskama weydiino.......20 ayey Ciidamo shisheeye nagu kala dhexjiraan....su’aal iskama weydiino......dadkaa suuqyada iyo wadooyinka lagu dilaa, .......Su’aal iskama weydiino, Cadaaladdarada & amni xumada dalka ka jirta.......Su’aal iskama weydiino......dhaqan xumada nagu soo badaneysa....,Su’aal iskama weydiino.......intaa iyo inkaloo ka badan oo nagu dhacday, hadii aan wax iska weydiin laheyn ugu yaraan waan ku baraarugsanaan laheyn dhibteena, balse weli Su'aal iskamaan weydiin. Mushkiladdu 30 Sano & ka badan ayey naheysataa welina waan iska daba wareegeynaa, inaan is eed eedeyno maahee, Siyaasi,waxgarad, Aqoonyahan, Culimo, dhalinyaro iyo Haweenba, Marna si dhab ah loogama fikirin, su'aalana layskama weydiin dhibta naheysataa waxa ay tahay,Iyo inta ay le'eg tahay, si xalkeeda dhabta ah loo abaaro. Waayoo Fakerka & su’aashu waa cadowgeena, Qofkasta oo Su'aal ka keena arin waxa uu noqonayaa cadowgeena, qofkasta oo faker wanaagsan ka keena waxyaabaha inaga haleysan waa cadow, Ama wuxuu noqonayaa qof qaldan oo daasado laga dabo garaaco, ama wuxuu noqonayaa ruux aan la qabsan karin bulshada, •Doodaha cakiran ee maanta dadyowga dunidu ka doodayaan waxaa kamid ah:- “HALOO NOQDO SIDII HORE IYO HALKA AY DUNIDU U SOCOTO HALA SII DAGO.”, ayaandaro Annaguna waxaas warba umaheyno, oo dhexdeenaa isku mashquulsan, Laakiin ogaada hadaan la fakerin oo aan waxwalba Su'aalo la iska weydiin waligeed runta lama gaarayo, mana xalismayaan mushaakilaad keenu sidaas daraadeed waa in dadka mufakiraadka ahi ay wax aaney dadka caadiga ah ka fakerin iyagu ka fekeraan oo isku mashquuliyaan, waayoo waa wixii uu iyaga Ilaaheey u abuuray. Waad ogtihiin dadyowga ku nool dalalka horumaray 99% ma yaqaanaan Cidda u fikirtay Nabadda, barwaaqada , kala dambeynta, sharciyada iyo dowladnimada ay ku noolyihiin, waa suurtagal qaarkood in magacyadooda ay ku arkaan buugaagta, balse runtii dad yar baa u fakeray baraarahaa ay maanta heystaan, Waayoo dadka badankoodu majecla iney sidaa u fekeraan ama waqti ku lumiyaan wax wanaagsan oo ay miraheeda guran doonaan dad uusan aqoon waxa ay yihiin. Mahadsanidiin. =WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.= WQ/-Abdulkadir Dulyar Maxaa yaab isdabayaal.!!

Abdulkadir dulyar Sunday, July 3, 2022
WARBIXIN:- MADAX FARAXSAN. WQ/-Dulyar

-MADAX FARAXSAN.!! Saakay hadii Alla idmo waa maalin kaloo qiimo weyn noo wada leh, waa maalin ay labadeena Madaxweyne xilka si nabad ah isugu wareejin doonaan, waa maalin aan inbadan xusuusan doono oo taariikhda ku qormeysa, waa maalin ay Soomaalidu ka fileyso isbedelka dhacay mid wax ka qaban doona mushkiladaha ka jira dalkeena Iyo baahiyaha ay qabaan dadkeenu, sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan halkaan labo fariin oo gaagaaban kula wadaago Madaxweynaha xilka ku wareegaya iyo shacabka Soomaaliyeed. - MADAXWEYNAHA:- Madaxweyne saakay marka aad xilka la wareegto waxaa ku fuuli doona culeys badan, waxaana kuu bilaabanaya bog cusub oo aad 4 sano kadib ka akhrisan doonto xumaan iyo wanaag wixii aad ku qorato mudada aad Adigu qalinka gacanta ku heysato, -Madaxweyne, Anigoo og in aad ka dhan tahay in wax laguu sheego, maadaama aad tahay waayo arag horey uga soo shaqeeyay xaafiiska uu Saakay furihiisa la wareegayo, hadana tani waa fursad qaaliya oo marlabaad ku soomartay, balse aadan ogeyn iney mar Sadexaad ku soo mari doonto, sidaas daraadeed waxaan kugu baraarujinayaa inaad dedaal badan geliso sidii mudada aad hogaamineyso dalka iyo dadkaba aad ugu sameyn laheyd Taariikh wanaagsan oo lagugu soo xasuusto, laguna ilaawo dhaliilaha loo tiriyo shaqadaadii hore,l -Aan kuu raaciyo Madaxweyne, hadda Tareenkaaga waa la wada saaran yahay, balse rakaabka saarani waxey isha ku wada hayaan , RW aad soo magacaabi doonto iyo Xukuumadda aad soo wada dhisi doontaan nooca ay noqoto, waxaa dhici doonta maalmahaas aad qaadato go’aamada qadhaadh iney tareenkaaga ka degaan saaxiibo badan oo hada rakaabkaaga ka mid ah, sidaas daraadeed waa inaad meel u sii dhigato farsamadii aad mucaarad iyo muxaafidba isugu wadi lahryd. - ugu dambeyn Madaxweyne, , hadaad horey u ogeyd iyadoo uu Aqalka Hoose ee Baarlamaanku shacabka matalo & iyadoo Aqalka Sare uu matalo Maamul Goboleedyada, hada sheekadaas meesha ma taalo, waxwalbana waxaa bedelay doorashadii sanadkaan dalka ka dhacday, oo sida muuqata laga dhaxlay in Baarlamaanka 11aad uu gebigiisuba Aqal sare iyo mid Hoosaba wada noqday mid Siyaasadda ku matala Maamul Goboleedyada, waana arin qatarteeda leh oo awood badan siineysa Madaxweyne Goboleedyada dalka oo hada inta badan Xildhibaanada gacanta ku kala haya, sidaas daraadeed waxaan kugula talinayaa inaad ka digtoonaato arinkaas aan hada kuu qishay, oo aad si taxadar leh uga shaqeyso sidii ay labada Aqal ee Baarlamaanku ugu kala madax banaanaan lahaayeen shaqooyin kooda. -SHACABKA:- Maryooleey horta isriix riixii iyo wax kala jiidashadii ama baqbaqdii iyo fararaqdii waa laga soo gudbay,marhadii doorashadii lagu kala guuleystay, tankale majirto wax dan ah oo shacab ahaan noogu jirta in 4tii sanaba kooxina ahaato mucaarad,kooxna ahaato muxaafid, dabadeedna aan 4ta sano ee ku xigta xilka ula kala wareegno sida ay Madaxweyna yaasheenu xilka ula kala wareegaan oo kale, dhaqanka noocaasi ah waa mid dib u dhac weyn ku ah horumarka bulshada,akhlaaqda iyo mustaqbalka jiilasha soo koraya, sidaas daraadeed Waxaan idinkula talinayaa in waqti la siiyo Madaxweynaha iyo RW uu soo magacaabi doono, Ma diidani Mucaaradnimo, , waana loo baahan yahay in Siyaasaddu yeelato mucaarad iyo muxaafid iskula xisaabtama shaqada dowladda, si aaney koox gaar ahi awoodda ugu tagri falin,waana iney mucaaradnimadu noqotaa tilmaamid & toosin, oo aysan noqon mid wax noo dhibeysa, laakiin hada waxaan ujeedaa dhinacyo badan oo iyadoo uusan Madaxweynihii ladoortayba kursiga ku fadhiisan howshooda sii bilaabay, taasina ma aha mid sax ah, ma aha mucaaradnimo wax noo dhiseysa, waayoo madaxdu waa adeegayaal bulsho oo mudo cayiman loo doortay iney dadka u shaqeeyaan, marka micno badan inooma laha in aan waqtigeena ku lumino hebel iyo hebel,ee waxaa micno weyn noo wada sameynaya inaan shaqadooda ku mashquulno kulana xisaabtano, waana sida ay ilbaxnimadu tahay in madaxda lagu kala taageero ama lagu kala mucaarado waxqabad kooda iyo waxqabad la’aantooda. Halkaas markeey taagan tahay, horta saakay aan si daacad ah ugu wada duceyno Madaxweynaha in ilaahey uu u fududeeyo shaqada adag ee hortaala, marka xigana aan isgarab taagno dowladnimada, mar hadaan soo wada aragnay in Madaxda keligood aaneey dalka waxba ka qaban karin, maahmaah baa oraneysa, gacmo wadajir bey wax ku gooyaane, bal aan doorkaan shacab ahaan buuxino kaalinteenii mudada dheer banaaneyd, dowladnimada aan wax ku darsano, si uu Dalkeenu uga baxo faqriga,Amni xumada, jehawareerka Siyaasadeed, dib u dhaca iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ku hor gudban horumarkiisa iinshallah. WAA ARAGTIDEYDA/- WQ/-Dulyar 23-May,2022 -Madax faraxsan & Shacab faraxsan/- Mahadsanidiin/-

Abdulkadir dulyar Monday, May 23, 2022
WARBIXIN:-MIRAHA LAKALA GURTAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE 2022ka.!! WQ/- Dulyar

MIRAHA LAKALA GURTAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE 2022ka.!!! Sikastoo doorkaan doorashadu u waqti dhaaftay, sikastoo ay u abuurtay khilaaf farabadan, una carqaladeysay waxkasta oo kale dalka ka socday, hadana 15ka May 2022ka waxey aheyd maalintii loo asteeyay iney dhacdo doorashada Madaxweyne, teendhada waxaa maalintaa soo xaadiray 36 tartame, murashax kastaana waxa uu goobta yimid isagoo isku kalsoon oo sii og halka ay ku egyahay xariiqda tartankiisu & qorshaha uu isugu soo sharaxay xilka ugu sareeya dalka, balse waxaa jiray ilaa 5 murashax oo sanadkaan isha lagu wada hayay, waxaana warbixintan ku eegi doonaa 5taa murashax iyo miraha ay ka kala gurteen doorashada:- MD Sh Shariif, waa uu dedaalay wuxuu sameeyay isku day fiican oo ah in Siyaasadda hoos laga soo dhiso, iyadoo aan laga eegeyn oo qudha in Siyaasadda laga soo dhiso qeybta kore, wuxuu waqti badan geliyay in uu Gudooomiye Baarlamaan iyo xildhibaano ku xisbiya soo dhisto si uu u helo hogaan ay wada shaqeyn karaan,maadaama hadii uu xilka ku guuleysto uu isagu soo xulan doono RW la shaqeyn doona, waxkastase waxa ay isbadeleen markii uu ku haray wareegii koowaad ee tartanka, kadib markii uu aruursaday codad si weyn uga hooseeya kuwii la filayay in uu Shiikhu Sanadkaan la imaan doono, tani waa markii Sadexaad ee uu ku guuldareysto doorashada,waana markii 4aad oo uu u tartamo kursiga Madaxweyne, isaga oo markaan noqonaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11aad. •MD HSHM , wuxuu waqti dheer geliyay siyaasad uu ku kasbanayo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana doorashada sanadkan ka muuqatay awooddooda iyo sida ay miisaanka culus ugu dhex lahaayeen cododka doorashada, sidoo kale MD HSHM waxa uu garab xoogan ka helay murashixiinta mucaaradka ah iyo RW Rooble oo ay isku xisbi ahaayeen, intaas oo leysku daray ayaana go’aamisay guusha uu ka gaaray doorashada 2022ka, Dhanka kale, MD HSHM 2017kii waa uu u tanasulay MD Farmaajo wareegii 3aad , Laakiin MD Farmaajo 2022ka waxaa wareega Sadexaad looga guulaystay codad badan oo uusan qofna ku fikirin in MD Xasan uu kaga dheeraynayo MDFarmaajo, tanna waa cashar siyaasadeed oo uu musharax kasta hadda ka dib isugu dhiibi doono siyaasadda maamul-goboleedyada oo hadda aad u muujiyay saameynta ay ku leeyihiin kursiga ugu sareeya Federalka. Doorashadanina waa markii Sadexaad ee uu HSHM u tartamo kursiga , waana markii labaad ee uu ku guuleysto. Waxa uuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka loo doorto labo xili oo aan isxigin. Iyadoo ay meesha ka bixi doonto hadalheyntii aheyd in Madaxweyne mar la doortay aaney Soomaalidu marlabaad dooran. “MD Farmaajo, wuxuu ahaa Madaxweyne inta badan wuxuu taageero ka heystay shacabka,shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada,balse wuxuu ka aradnaa isku wadka mucaaradka iyo muxaafidka, wuxuuna waxbadan iska indho tiray awoodda Madaxweyne Goboleedyadu ku leeyihiin doorashada, balse wuxuu muujiyay dedaal iyo karti iyo in uu siyaasad ahaan weli noolyahay, kadib markii uu tartanka doorashada soo xaadiray. Dadbadan waxey lahaayeen doorkaan MD Farmaajo wuxuu dhisayaa MD Sh Shariif, oo warega labaad hadeey isla soo gaaraan isaga ayuu codadka uu helay siin doonaa, balse waxaa cadaatay inuu isagu doorashada hanweyn ka lahaa. Sidoo kale dad badani waa rumeysan waayeen MD Farmaajo oo 2dii sano ee ugu dambeysay lagula jiray dagaal ba’an oo dhinacyo kala duwan ah,si walbana loo soo sumcad dilay in uu u gudbi doono warega 3aad, taasina waxey cadeyn u tahay hadii uu heli lahaa isbaheysi in uu ku soo bixi karay kaalinta koowaad , balse wuxuu gurtay miraha geedkii Siyaasadeed ee uu beertay mudadii uu xilka hayay. Doorashadani waa tii Sadexaad ee uu kursiga tartan u galo,waana middii labaad ee uu ku guuldareysto, inkastoo middii hore uu tartanka iska casilay, waxa uuse noqonayaa Xildhibaan sharafeed sida uu u noqday 2017-kii Madaxweynahii uu kursiga kaga guuleystay.ee isna 2022ka kaga guuleystay. RW Kheyre, xaqiiqdii waa uu dedaalay,waxey aheyd markii ugu horeysay ee uu fagaare siyaasadeed ka tartamo,maadaama uu Siyaasadda ku soo galay magacaabis, dad badan bey layaab ku noqotay halka uu soo gaaray, waxaana isleeyahay hadii uu sii joogteeyo dedaalkiisa soyaasadeed waa uu ka guul gaari karaa, mar hadii uu keligiis u sharaxnaa garab Siyaasadeed dhan oo u hamuun qaba kursiga Madaxweyne, kuwaas oo doorashadaan u muujiyay isgarab taag buuxa, tanina waxey utahay waayo aragnomo siyaasadeed. MD Dani, waa markii labaad ee uu isku soo taago tartanka kursiga Madaxweynanimo ee Federaalka, wuxuuna soo gaaray wareega 3aad, Tankale wuxuu la yimid siyaasad labo canleyn ah oo uu doonayay in uu ku helo kursiga, wuxuu 2dii sano ee tagtay ka soo shaqeeyay sidii uu u cuuryaamin lahaa Siyaasadda MD Farmaajo oo ay isku saami siyaasadeed yihiin, wuxuuna gacanta ku qabtay kalsoonida iyo Siyaasadda Xildhibaanada labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubaland, intaa markuu ku soo guuleystayna waxa uu isbaheysi la sameystay hogaanka xisbigiisii hore ee uu ka tirsanaa ee Damujadiid, wuxuuse marwalba diyaar u ahaa in uu isagu tiigsado halka ugu sareysa ee lagu tartamayo, taasina waa tan dhaafisay qorshihiisii labaad ee ahaa hadii uu guuldareysto in uu RW kula gorgortamo guuleystaha doorashada. Hase yeeshee wuxuu doorashadan ka dhabeeyay si uu isagu boos u helo balanqaakiisii hore ee ahaa inuu MD Farmaajo meesha ka saarayo,balantaasna wuxuu fuliyay markii uu ilaa wareegii 3aad ee doorashada ku mintiday in aaney gacantiisa ka bixin inta badan Xildhibaanada laga soo doortay Puntland & Jubaland. Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay Md HSHM, waxaa horyaalla imtaxaan adag oo la wada dhowrayo sida uu ugu baaso, kana bilaaban doona Xukuumadda ay soo wada dhisi doonaan isaga iyo RW uu magacaabo, teemka uu u xulan doono iney isaga si gaar ah ula shaqeeyaan,hagaajinta hey’adaha dowladda,garsoorka iyo cadaaladda , sida uu u daweeyo boogaha siyaasadeed ee muuqda, iyo sida uu qudhiisu isaga dhaqi doono dhaliiliihii badnaa ee loo tirinayay dhankiisa. Halkaas markeey taagan tahay, 39ka musharax ee sanadkaan u soo istaagay kursiga Madaxweynaha mid walba tareenka wuxuu uga haray bosteejo gaar ah, sidaas daraadeed waxaa haboon marhadii lakala guuleystay, halkii jidgooyooyin loo dhigi lahaa tareenka, in leysla wada shaqeeyo,oo uu Siyaasi walba tareenku waa dheer yahaye kursi ku haboon ka raadsado, si dowladnimadeenu uga baxdo isqabqabsiga, jidgooyooyinka iyo khilaafaadka joogtada ah. WAA ARAGTIDEYDA/- WQ/-Abdulkadir Dulyar

Abdulkadir dulyar Sunday, May 15, 2022
WARBIXIN:- DOORASHOOY XAAL QAADO.!! WQ/- Dulyar

Maadaama layiri doorashada halaga tixraaco heshiiskii 17kii September 2020kii ay Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Hogaamiyayaasha madasha Qaranka, inkastoo heshiiskaas loo arkayay in si toos ah awoodda doorashada loo hoos geeyay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, eaxey iyaguna wixii markaa ka dambeeyay u muuqdeen kuwa taladii doorashada ka fara marooqsadeen RW Rooble oo ahaa masuulka sida guud ugu xilsaarnaa daadihinta doorashada, Hadaba, waxaan warbixintan ku eegi doonaa qaabka ay Madaxweyne Goboleedyadu u maamuleen doorashooyinkii yaalay deegaanada ay ka kala taliyaan, aanse ku hormaro :- •JUBALAND:- WAA LEYSKU SHARFAY.!! MD Axmed Madoobe, oo isagu bilaabay doorashada waxa uu kuraastii taalay Magaalada kismaayo inta badan ku sharfay saaxiibadiisii 4tii sano ee la soo dhaafay af iyo adinba ku difaacayay maamulkiisa , iyadoo la xasuusto khilaafkii ba’naa ee isaga kala dhexeeyay dowladdii MD Farmaajo. Balse wuxuu maareyn waayay kuraastii taalay Magaalada Garbahaareey maadaama uusan keligii cid gaar ah ku sharfi karin , wuxuuna taa bedelkeeda muran dheer kadib isaga oo kaashsnaya qeyb ka mid ah Gudiga doorashada uu wax ka yar 30 daqiiqo ku shaaciyay in Magaalada Ceel Waaq lagu doortay 16kii xildhibaan ee laga sugayay Jubaland, waana doorashadii loogu magac daray DAF IYO MIRIQ, Balse durbadiiba waxaa tilaabadaas ka horyimid qaar ka mid ah Gudiga doorashada FIET iyo Siyaasiyiinta iyo shacabka ku dhaqan Gedo iyo Garbahaareey oo iyaguna dhankooda uga dhawaaqay in doorasho ka dhacday Garbahaareey lagu doortay 16 kii xildhibaan ee deegaankaas ku harsanaa. Markale ayaa Xaalkii wuxuu noqday mid isku cakiran kadib markii 32 xildhibaan oo qeyb waliba ay gaar u sheeganeyso in ay iyadu Saxan tahay ay isugu tageen fadhiyadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka, taas oo sababtay in maalmihii doorashadii Gudoonka Baarlamaanka labada dhinacba laga saaro teendhada, halkaana ay ku waayaan fursaddii ay wax kaga dooran lahaayeen Gudoonka Baarlamaanka, Sidoo kale iyadoo ay dadbadani rumeysnaayeen in Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaareey ay labaduba seegi doonaan doorashada Madaxweynaha ee loo madlan yahay 15ka May inta arimahooda laga soo xalinayo, ayaa waxa uu Gudooomiyaha Baarlamaanka Md Sheekh Aadan Madoobe si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Xildhibaanada lagu soo doortay CEELWAAQ ay ansax yihiin kana mid noqonayaan Baarlamaanka 11aad, lamana oga tilaabada xigi doonta mida uu qaaday Gudooomiye Adan Madoobe. Balse waxaa jira su’aalo badan oo durba ka dhashay go’aanka Gudooomiyaha,waxeyna u badan tahay in dooda u dhexeysa CeelWaaq iyo Garbahaareey ay noqon doonto mid aan si sahal ah ku dhamaan oo saameyn xoogan ku dhex yeelan doonta gudaha Baarlamaanka. Halkaas markeey taagan tahay, maareeyn la’aanta 16-kaan kursi ee Gedo oo sida muuqata la siyaasadeeyay, in mudo ahna gacmo farabadan lagu soo walaaqayay, waxa ay wajigabax ku tahay MD Axmed Madoobe oo noqonaya Madaxweyne Goboleedka kaliya ee maareyn waayay qeyb ka mid ah Doorashooyinkii yaalay deegaanadiisa. •K/GALBEED:- WAA LA SOO XULAY.!! MD Laftagareen, waxa uu kuraastii Beydhabo iyo Baraawe taalay waxyar mooyee dhamaantood ka dhigay kuwa uu isagu si toos ah u soo xushay, islamarkaana uu intooda badan ku soo saartay xubno qaraabadiisa iyo saaxiibadiis ah si uu ugu gorgortamo sida dhacday falcelintii ay xildhibaanada K/Galbeed ka sameeyeen markii lagu qabsaday kuraas lagu soo doortay deegaanadooda, mana jirin hal kursi oo loo galay tartan maangal ah. •GALMUDUG:- WAA LAGU DANEYSTAY.!! MD QoorQoor, inta badan kuraastii taalay Dhuusamareeb isaga ayaa ku daneystay, qaarkood waxa uu ugu hiiliyay saaxiibadiis N&N, qaarkoodna isaga ayaa xukunkiisa ku bedbaadsaday oo wuxuu siiyay xubno uu u arkayay in hadii ay wax waayaan Galmudug ay isaga kursigiisa ku mashquuli doonaan,maadaama uu ogyahay in marka laga soo tago Alshabaab iyo EhluSunna iney mucaarad badan u dhakan yihiin, mana badna inta kursi ee farahiisa ka soo sibxatay oo ay heleen Siyaasiyiinta mucaaradka ah. Waxaase jira in kuraastii taalay M/Gaalkacyo inay intooda badan noqdeen kuwo ELCLASICO ah oo taariikhda galay, waxaana arinkaas MD QoorQoor iyo gudiga doorashadaba ku qasbay sida la sheegay Ciidamada Galmudug ee ku sugan Gaalkacyo, kuwaas oo soojeediyay in aan mudug cidna godob looga gelin. Inkastoo aan la inkiri karin saameynta uu RW Rooble ku lahaa doorashada Gaalkacyo iyo iney jiraan murashixiin ganafka lagu dhuftay. •HIRSHABEELLE:- WAA LA MAAREEYAY.!! MD Guudlaawe, oo ay hortaalay labo daran mid dooro, sida in uu isagoo raaligelinaya saaxiibadiisa siyaasadeed uu ogolaado in doorashada la gacma gacmeysto iyo in uu badbaadsado mustaqbalkiisa dambe ee Siyaasaddeed, ayaa waxa si gaar ah isaga xilsaaray markii uu si hufan uga soo faraxashay inta badan kuraastii taalay M/Jowhar, in uu maareeyo kuraasta Baladweyne oo inbadan la filayay in la BOOBI doono, Runtiina markii uu MD Guudlaawe tegay Baladweyne waxa uu gacan adag ku qabtay maareynta kuraastii taalay magaalada , waana tan keentay in ay goobta doorashada ka dhacaan kulamo ELCLASICO ah oo qaarkood lagu xusuusto in wareega Sadexaad leysla gaaray. hase yeeshee marna meesha kama marneyn in kuraasta qaar xalin Siyaasadeed looga qaatay Hirshabeelle. •PUNTLAND:- WAA LA MAGACAABAY.!! MD DANI, oo ahaa Murashax qarsoonaa, islamarkaana ahaa Ninka 3dii sano ee doorashadu soo jiitameysay hortaagnaa wax walba oo xal loo arkayay, islamarkaana heshiis kasta ku xirayay shuruudo, hadii aaney isaga dani ugu jirina ka hor imaanayay, Waxa uu ugu dambeyn isagoo ka faa’ideysanaya awoodda Madaxweyne Goboleedyada loo siiyay doorashada uu wareegto ku magacaabay dhamaan kuraastii labada Aqal ee taalay Garoowe iyo Boosaaso, isagoo ku soo safay Wasiiradii, W/K/Xigeenadii iyo Agaasimaayaashii Puntland, iyo koox yar oo saaxiibadiis ah, si uu meel ugu hubsado codadka ka imaanaya dhanka Puntland, mana jirin hal kursi oo loo galay tartan adag, waxaana lagu xasuustaa doorashada Puntland in 16kii kursi ee taalay Boosaaso gebigoodba lagu doortay wax ka yar 2 saacadood. •GOBOLADA WAQOOYI:- WAA LA QEYBSADAY.!! - [ ] Kuraasta Gobolada Waqooyi oo dhamaantood lagu dooranayay Caasimadda Muqdisho, maadaama uu murankoodu soomaray waqti dheer, waxaa ugu dambeyn leysla qaatay in ceydhiinka loogu qeybsado qaab 3 geesood ah , •BANAADIRIGA:- WAA LA HABEYSTAY.!! Sidoo kale, Kuraasta beelaha Banaadiriga oo iyagana doorashadoodu lagu qabtay Muqdisho, iyagu ma dhib badneyn ee waxaa loo habeystay si hoose, mana jirin labadaan doorasho ee Reer Waqooyiga & Banaadiriga hal kursi oo si sax ah lagu tartamay. •QIIMEYNTA SANADKAAN DOORASHADA XILDHIBAANADA EE 2022ka. Doorashada Baarlamaanka 11aad ee Sanadkaan ka dhacday dalka, waxey xagga qiimeynta 3da doorasho ee lagu qabtay dalka gudihiisa ka lga jirtaa kaalinta ugu hooseysa, hadii 2dii doorasho ee ka horeeyay lagu xaman jiray musuqmaasuq, doorashadaan waxaa loogu wanqalay magacyo badan sida BOOB , XULASHO, SOOCASHO, & DOOKHASHO, Waxaase jirta in Sanadkaan doorashada Baarlamaanka kabaha lala dulmaray Odayaal badan oo mudo dheer ka fadhi bartay kursiga xildhibaanimo,sida Gudooomiye Muudeey,Prof Jawaari,Prof Dalxa,Prof Ibi,Cabdalla Ahmed,Xuseen Carab Ciise, Axmed Macalin Fiqi, Caasha C/lla iyo qaar kaloo badan, waxaana Baarlamaanka soo galay dhalinyaro ku cusub Siyaasadda,Saraakiil ciidan oo dhinacyo kala duwan ka yimid, iyo Suxufiyiin Dhanka kale, doorashadiani waa tii ugu khilaafka badneyd inta la xasuusto maadaama ay waqti dhaaftay, eedeedana inta badan waxaa iska leh Madaxweynaha xilka hayay oo ay masuuliyaddiisa aheyd inuu dalka ka qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, hase yeeshee taa bedelkeeda waxey mudada 3da sano ah oo ay soo jiitameysay doorashadu sababtay in Madaxweyne Farmaajo markii uu waqtigii ka dhamaaday uu mudo kororsi ku dhawaaqo, in dagaal hubeysan lagala hortago, in Madaxdii sare ee dalku xiriirka isku jaraan, in dastuurkii dalka lagu tunto, in jidadka lakala xirto, in dalku galo qalqal Amni, in Madaxtooyada dhexdeeda difaac leysku galo,in lakala aamin baxo, in rajo beel ku dhaco shacabka iyo iney dhacaan waxkasta oo xeer dhaaf ah oo dhici karay, marwalbana hanaanka ay doorashadu ku socotay uu ahaa mid ay gacmo kala duwan taladeeda soo wadeen, UGU DAMBEYN, Sikastoo ay shacabku quus uga istaageen Sanadkaan doorashada, sikastoo loo saluugay Xildhibaanada aan salaaddoodu isqabaneyn ee ku soo baxay Baarlamaanka 11aad, sikastoo rajo beel looga muujinayay qabsoomidda doorashada Madaxweynanimo, hadana marhadii uu dalku yeeshay baarlamaan cusub iyo gudoonkiisa Sikastaba haku yimaadaane, waxey dadka qalbiga wanaagsan ee dowladnimada jecel ka rajeynayaan iney 15ka May noqon doonaan kuwa dalka iyo dadka u hiiliya, islamarkaana xilgaar ah iska saara badbaadinta dowladnimada Soomaaliya iinshallah. -DH A M A A D/= QALINKA:- Abdulkadir Dulyar 10-May,2022 Maxaa yaab isdabayaal.

Abdulkadir dulyar Monday, May 9, 2022