WARBIXIN:-NAAFADA SOCIAL MEDIA.!! WQ-/-Dulyar

Waxaa jira dad badan oo isugu jira qeybaha ay bulshadu ka kooban tahay, oo aan jecleyn iney ka hadlaan ama ku milmaan Siyaasaddaha isdiidan iyo khilaafaadka madaxda, dadkaani sidoo kale ma jecla in ay fekrado ka dhiibtaan doodaha Qabyaaladeysan, wararka Umadda lagu kala fogeynayo, kuwa colaadaha ku saabsan, qoraalada lagula kala safan yahay Madaxda mucaarad iyo muxaafidba, iyo guud ahaan fekradaha kale ee aan Aduun iyo Aakhiraba waxtarka u laheyn bulshada. Waa dad Victim u ah hab fekerkooda wanaagsan iyo dal jaceylkooda oo ah mid ka sareeya sida ay u fekerayaan dadka tirada yar ee bulshada ku hogaamiya sheekooyinka niyad jabka iyo marin habaabinta xambaarsan, waana dad inta badan la aamusan aragtidooda oo u muuqda in la caburiyay,macnuhu maaha baqdin iyo iney jirto cid ka hortaagan iney hadlaan, oo soo bandhigaan flkradahooda, ee waxaa jira duruufo kale oo ku xeeran oo ku qasbaya iney aamusnaanta ka door bidaan iney ka hadlaan waxyaabaha hareerahooda ka socda, qaarkoodna waxaa laga yaabaa iney rumeysteen fekradaha ay xambaarsan yihiin in Aan waqtigoodii la gaarin, oo ay dadku hada Waxkale u jidbeysan yihiin. Runtii dadkaani waxey rabi lahaayeen iney Social Media ka helaan meelo looga doodayo, ama dad la soo wadaagaya qoraalo ka hadlaya,Dalkeenu meesha uu u socdo, waxyaabaha naga qaldan ee toosinta u baahan, Sidee loogu nool yahay Qurbaha, mustaqbalka sidee loo mideyn karaa dhaqamada Qurbajoogta iyo Qorax joogta, Arimaha Dib u heshiisiinta,Nabadda, Fahamka Dowladnimada, Taariikhda, Dhaqaalaha dalka, ka hortaga musuqmaasuqa, horumarka iyo dib u dhaca dalka ka muuqda, Qiimaha maciishadda, sababaha ay dhalinyaradu dalka uga cararaan, barakacayaaasha dalka gudihiisa ku barakacsan iyo sida xal loogu heli karo, kheyraadka dalkeena,,Caafimaadka iyo cudurada ugu badan ee dalka ka jira, Sports ka, Tiknoolajiyadda,Tayada Waxbarashada dalka, Arimaha qoyska, Wax soo saarka Dalkeena, Ganacsiga dalka, maxey bulshadu u baahan tahay, Wabiyada dalkeena sidee looga faa’ideystaa, wacyigelinta bulshada, ,iyo boqolaal qodob oo kale oo mudan in dadkeenu ay ka doodaan ama ka hadlaan, fekradahoodana isku dhaafsadaan. Anigu koleey dadkaas waxaan u bixiyay NAAFADA SOCIAL MEDIA, waxaana iyaga kula talin lahaa iney fekradahooda la soo banaan baxaan intii ay la aamusnaan lahaayeen, waayoo dadka Social Media isticmaalaa ma wada xuma balse waxey waayeen wax u bedela kooxaha yar ee hada maskaxdooda ka dhigtay bakhaar ay ku keydsadaan badeecada hooda raqiiska ah ee aan waxtarka u laheyn naftooda iyo dalkooda , sidoo kale waxaan ka codsanayaa dadka magaca leh,ama dadka saameynta ku leh Social media, iney dadkaas la aamusiyey siiyaan fursado ay ku nafisaan,bulshadana kula wadaagaan aragtiyadooda Caafimaadka qaba ee waxtarka noo wada leh. Mahadsanidiin/- MB/- Inta yar ee fikradaha wanaagsan iyo wacyigelinta bulshada ka wada Social Media , Saaxiibayaal idnma iloobin waadna ku mahadsan tihiin.. Maxaa yaab isdabayaal.!!

Abdulkadir dulyar Monday, September 20, 2021
WARBIXIN:- GURIGAN GUBANAYA YAA LEH..!! WQ/- Dulyar

Waxaan soo agmaray Guri gubanaya oo qoyskii lahaa,deriskii iyo dadweynihiiba ay wada daawanayaan, oo aaney jirin cid isku howleysa iney dabka damiso......YAAB Dadka guriga gubanaya lahaa oo ka mid ah dadka daawanaya ayaa midba mar hadlayaa,wuxuuna farta ku taagayaa hadba sheyga markaas gubanaya sida:- -Hada Kushiinkii baa gubanaya,......War wuxuu u tilaabay qolkii caruurta,......Aaboow ....Aabow hada waxa gubanooya Maqaasiinkii,.......daashkii ma soo dhaafay,.......Haa qolkii Jiifka ayuu dabkii u sii socdaa,......kaas waa lagu kala baxaye Guryaha kale lee amuu u gudbaa, .....Maya Maya weli gurigaan dabku ma soo dhaafin,.......midbaa dabka ku eedeynaya in Odayga reerku ka dambeeyay...Balse midkalaa ka diidaya oo leh Wiilka weyn ayaa guriga gubay.........Gabar School leey ah oo buugaag xabadka ku heysata ayaa meel halkaas ah ka leh..Adeeryaalow beenta daaya guriga Gabadha weyn baa gubtaye.......Haa dhamaan dadku sidaas ayey u wada hadlayeen....... Mana jirin cid tilaabo muuqata oo lagu bedbedaaniyo guriga gubanaya qaaday, waxaana laga hadlayey oo keliya hadba natiijada ka dhalata dabka kacay oo ahaa mid marba marka ka dambeysa ku sii faafayay qolalka guriga. Anigoo yaaban baan mid xiiqsan oo ka mid ahaa dadka guriga gubanaya daawanaya ku iri,....Sxbow aaway dadkii lahaa gurigaan gubanaya.? Nasiibdaro wuxuu faraha iigu fiiq fiiqay Oday iyo Habar iyo dhowr caruur ah, isagoo ii raaciyay in dhamaantood ay maskaxda ka xanuunsan nayaan. -Waxaan kaloo weydiiyay, hadeey sidaas tahay maxey dadka deriskooda ahi u daawanayaan guriga gubanaya oo ay qoyskaan xanuunsanaya u caawin waayeen.? Wuxuu iigu jawaabay qoyskaan dadka la dariska ah oo dhami horey ayey u naceen una dhibsadeen habdhaqankooda, waayoo 30 sano ayey isku xumeyn dhexdooda ah mar walba u gubayeen gurigooda, hadana loo dulqaadanayey oo la caawinayey, sidaas daraadeed hada weyba rabaan deriskoodu inuu gurigu ka gubto. Iyadoo ay Sheekadu halkaas ii mareyso oo aan garan la’ahay go’aanka aan ka qaadan lahaa arintaan, ayaan hurdadii ka toosay , markaas ayaan ogaaday in wuxuba ay ahaayeen Riyo maalmeed keygii caadiga ahaa, .....iga tag dheh. Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Abdulkadir dulyar Friday, September 10, 2021