-SIYAASADDA SOOMAALIYA CALOOSHAA TAAGAN EE HALA QARAS BIXIYO.!!
Tan iyo markii dib loo soo dhisay 20 sano ka hor dowladnimada 🇸🇴 Soomaaliya iyo maanta oo la joogo waxa laga wada hadlayaa waa isla wixii berigaas laga wada hadlayay, mana aragno isbadel dhab ah oo ku yimid habdhaqankeena Siyaasadeed iyo tan bulsho ama wax waayo aragnimo ah oo aan ka kororsanay sanadahii ina soomaray.
•Waayoo sida Madaxda na soomarta loo eedeynayaa waa isla sidii waagaas un loo eedeyn jiray Sida, Musuqmaasuq,Waxqabad la’aan,Amni xumo, Kooxeysi, Eex & Cadaalad daro, oo wax isbadelay malaha
•Muqdisho iyaduna waa iska sidii oo sidii baa layskula wada joogaa la iskuna dhibaateynayaa dadkana loogu dhex dilaa ama qaraxyadu uga dhacaan hadana ay dhismayaasha waaweyni uga socdaan oo loo sii dhisayaa.
•AlShabaab sidii bey dalka dagaalo iyo qaraxyo uga wadaan oo lagama awood badiyo,iyaguna sidii bey Duurka ama degmooyinka iyo dhuumaaleysi ugu jiraan oo dowlada uma awood sheegtaan, Hadii dhib Amni daro dhacana sidii baan ugu wada eedeynaa Madaxda Amniga iyo Madaxda sare ee dalka oo marna wax iskama badelaan Anaguna wax iskama badelno oo maalmo calaacal & is dhaliilid ah ka dib meel kalaan uga gudubnaa.
•Destuurka dalku sidii buu qabyo u yahay, Xildhibaanaduna sidii bey warqadihiisa u sitaan oo Baarlamaanba Kan ka dambeeya ugu wareejiyaa,
-4.5 iyo Qabyaaladu sidii bey wax noogu go’aamiyaan xilalkana loogu qeybsadaa, -Madaxduna sidii bey 4-tii sanaba qolo cusubi noogu timaadaa oo hadana nooga tagtaa ,weliba sidii baan marka horena ugu wada sacbinaa una soo dhaweynaa, Marka dambana ula wada dagaalnaa oo u habaarnaa. Iyaguna dhaqankooda ma bedelaan Anaguna wax iskama badelno.
•Dadkuna sidii bey uga wada hadlayaan Hebel muxuu qabtay,Hebel muxuu yiri,Hebel socod badanaa, Hebel haleyla taageero, iyo Hebel waa mucaarad oo leysugu wada mashquulsan yahay, misana sidii baan Madaxda mucaarad iyo muxaafid xaflado soo dhaweyn iyo sii dhaweyn ah ugu wada qabanaa, ee marna kama wada hadalno Arin iyo wax dalka iyo inaga dan inoo ah.
•Masuul kasta hadii leys qabto inuu danta dalka iyo dadka wax walba uga tanasulo lagama yaabo, Anaguna ugama baran ee sidii baa mid waliba howlkasta oo Qaranka dan u ah uga hor mariyaa dantiisa gaarka ah, Anaguna sidii baan midba maalinta uu doobinayo ugu sacaba tunaa uguna garab siinaa qaladkiisa oo taa kama ilbaxno.
Halkaas markeey taagan tahay Anigu waxaan isleeyahay Siyaasadda Soomaaliya calooshaa taagane caloosha hala socodsiiyo oo hala qaras bixiyo si aan wax ka bedelan ula nimaano waxaan isku midka ah ee 20-ka sano nagu soo noqnoqanaya ee aan ku jahawareernay, hadii kale haka yaabina horay uma soconeyno ee sidaan unbaan isaga daba wareegi doonaaye ogaada.
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho.!!
#MAXAAYAABISDABAYAAL.! !
No comments